SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Gacan Saar
Gabay ku saabsan arinta Zamzam
 

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Max`ud Max`ed aw Yuusuf  abwaanku waxa uu halka kaga hadlayaa arinta samsam oo in badan qoraalo iyo gabayaba  lagaga hadlay isaga oo ka duulaya gabayada ay is dhaafsadeen  abwaan abshir bacadle iyo cabdi cige abwaanku waxa uu ka tiriyey tixdan la magacbaxday gacan saar  isaga oo jooga  magaalada Badhan Taariikhdu  markay ahayd 10/1/05 waa tan tixdii:                

Gacan Saar 

  • Abshiraw tixdii gabay hadaan gabal ka soo qaato

  • Taariikhada  guunka ah hadaan soo gadaal  celiyo

  • Lixdankii go'aankii ahaa gaasir ma ahayne

  • Galbeed iyo bari koonfur waa loo gudoonsadaye

  • Gudi wadara soomaalibaa xaajada guraye

  • Axdigii lagalay waakan yaal goboladeenoo dhan

  • Intaasaan ku soo goynayaa teena guudnimo

  • Geli mayo sheekh faysal iyo tiina gaarka ahe
     

  • Haday gabadhu  boosaaso iyo bari kasoo gooshtay

  • Ay guriga soo haybisoo gaari lagu keenay

  • Madaxweyne waa loogalaa waa ged caadiyahe

  • Guurihii maxaa loola baxay gabadhu waa care

  • Iyadaan wax garanayn maxaa loo gol qabateeyey

  • Sidii gaalo heerana maxaa gacanta loo saaray
     

  • Gacan dumar nin yiri waa kabaqay gaabanaa hadalku

  • Waxba yaan god lagu dhuunto iyo geed la, ii korine

  • Sam sam waxa gefkeedii  cuskaday shiikha guunka ah

  • Golayaal wasiir iyo garsoor guurtidiyo xeerka

  • Gidigoodba waa loo dhamaa gabadha ceebta
     

  • Gafka dhacay magaadliyo xabuush waw gudboon yahaye

  • Gadabiirsay iyo guruxi waa wada gacmeeyeene

  • Waa waxa gil gilay dawladii gaararka lahayde
     

  • Waxa aad gasheen ina cigow gobi mayeesheene

  • Garsoorkiinii sare waad ogtahay  waxuu gabood muujay

  • Cisbataalka waa loo genbiyey xaashidi u gooyey

  • Mid kaloon wax loo geysan bay  magac ka geeyeene
     

  • Garyaqaanadii waa og tahay  xarig in loo gooyey

  • Loo diid gargaar iyo inay gacan ka siiyaane

  • Iyadoon cid garab taagan iyo gacal dareemaynin

  • Iyadoo garbaha qaawan bay gegedii taagnayde

  • Waatii guyaal lagu xukumay kiis laguudmaray

  • Geyigoo dhan waa laga og yahay guuldarada meesha

  • Inaad gole timaadiyo inaad gabaydo maahayne

  • Geeraarku maahayn in aad geed is marisaaye

  • Waxaad gocotay iyadoo garaan kaa qancinayaa
     

  • Waxaad tiri gohaad baan arkay iyo geeri lay baday

  • Waxaad tiri gantaalo iyo hubaa igu garaacdeene

  • Gudihii hargeysa iyo ber bera waad go, daad tidhiye

  • Godobtaad  ka sheekaysay iyo reerka waxa gaaray

  • Ma gudboon yihiin gabadha iyo nabarka loo geystey

  • Aar goosigaagani halkuu galay madoonayne

  • Alaylahe geyaan waa disheen beel is guursigii

  • Marse hadaad wadaadkii gabyiyo gubaba soo qaaday

  • Alaylehe colaad guuna ah baad saartay gaadada

  • Maxaa loo gilgilay  maatadiyo gabar aan qaangaarin

  • Gar ilaahigey inanta waa loo gabood falaye

  • Goobyaalay baa kula gudboon waanad garanayne

  • Hadaadse goosateen godob la,aan maad iskaga guurtid

Max`ud Max`ed aw Yuusuf
Badhan, Soomaaliya
aarshalmad@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD