SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Difaaca Soomaaliland

  • Kayse Qawdhan Qarboosh
    qarboosh99@yahoo.com

    Somaliland Guul   - Somaliland Guul   -  Somaliland Guul

Beryahan waxaa soo batay cadowga Somaliland oo odhanaya Somaliland ayaa gabar yadh xidhay oo ma ilaaliyaan xuquuqda aadamiga oo yaa annaga ilaaliyey xaquuqdeenii markii sidaas laynoo gelayey?

Waxay yiraahdaan Somaliland maqaayadaha iyo goobaha madadaalada waxaa lagu caayaa Hawiya iyo Daarood oo loogu yeero faqash.  Dee inkastoo Daarood yahay faqash naaneys ee haddana ma haboona in qofna la caayo ama qabiil dhan.  Haddii dad wax makas ah daarood caayaan dee looma saari karo Somaliland oo dhanbaa sidaas ah.  Waxa daaroodka caayaa waa doqonta iyo wax ma garadka ee inta aqoonta leh ma caayaan.  Somaliland waxaa ka buuxa dad aqoon leh oo qadariya soomaalinimada iyo islaamnimada oo aan u ogolayn in afkooda ka soo baxdo faqash iyo wax la mid ah waayo waa doqonimo.

Somaaliland ma necba reer koofureedka mana tarxiilaan ogaadeena amxaaro uma dhiibayaan waayo sidee u samaynayaan waaba walaalahoodee.  Haddii qalad dhaco waxaa iska leh xukuumada Riyaale ee looma saari karo Somaliland.  Riyaale maxkamad baa dooratay ee annagu shacabka Soomaaliland Siilaanyo ayaan dooranay marka qaladka Riyaale yaanan dusha nalaka saarin.

Somaliland hadaanu nahay ma aaminsanin in qof Soomaali ah laga tarxiilo Soomaaliland haddii qalad la sameeye waxaa iska leh xukuumadda Riyaale Soomaaliland yaanan la eedeyn, raali kama nihin liiska Soomaalida lagu dhibo ee argagixisada ee lagu sheegaa gegooyinka diyaaradaha haddii ay jiraan waa qalad xukuumada Riyaale ayaa mas’uuliyadeeda qaadaysa.

Soomaaliland waa dad go’aansaday inay qaranimadoodii 1960kii soo ceshadaan oo ah dawlad madax banaan laakiin soomaalinimada kama bixin mana ka bixi doona.  Siyaasad ayuunbaan ku kala tagnay ee walaatinimadayada waa halkeedii.  Walaalaheen Somalia ha nagu daalina ma soo socono laakiin idinma necbin.  Wixii qalad dhacay dhexdeena dawlad ayaa u sabab ahayd ee shacbiga ma eedeyn mayno.

Xuduud Soomaaliland ee la xiraa ma jidho waayo Somaliland waa la yaqaan hadda lama cabirayo.  Baarlamaanka indhaha la’ iyo xukuumadda Riyaale ayey ka soo baxday qaladka ama ceebta ah xuduuda hala xiro ee shacabka reer Somaliland ma qabaan,  shacabka reer Soomaaliland waa shacab nabadda jecel iyo deris wanaagga Soomaalida.  Siyaasiyiin reer sool ah ayaa raba inay awrka ku kacsadaan Riyaale ee ma ahan Somaliland.  Somaliland dagaal dooni mayso xuduudna xiri mayso ee waa Riyaale oo raba inuu doorashada markasta dib u dhigo si uu u yiraahdo xaalad deg deg ayaa lagu jiraa oo Puntland baa na soo weerartay.  Somaaliland waa barwaaqo nabad iyo wanaag iyo horumar.

Idinkaba waad qabtaan maan gaab ama wax ha qoro ama meediya haka shaqeeyo ama dantiisa ha u cararo oo dadka kala dila.  Idinkuba waad qabtaan maan gaab Somaliland caaya ee ogaada. Maamulka Riyaale waan ku ognahay communication xumida laakiin shacabka reer Somaliland waa wallaalihiin weligoodna way ahaan doonaan.

Qof jaahil ah oo reer Somaliland ah haddii uu caayo daarood ama hawiye yaan la iksu kaaya jamcin.   Waxaan leenahay dad noockasta sidiinoo kale Riyaale iyo anaka nakala saara waayo qaladaadka Riyaale hanoo qabanina walaalayaal. 

Somaliland waa dhulkaygii      Somaliland waa dhulkaygii 

Soomaaliland guul
 

Kayse Qawdhan Qarboosh
qarboosh99@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD