SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Samsam oo Sugeysa in Maamulka Riyaale Cafis ka Dalbado iyo Riyaale oo Sugaya in Samsam Cafis Ka Dalbato!

  • Daahir Riyaale oo Markii ugu Horeysey ka Hadlay Da'da Samsam

Daahir Riyaale Kaahin oo markii ugu horeysey (Jan 4, 2005) ka hadlay arinta Samsam Axmed Ducaale ayaa muujiyey sida uu u khilaafsan yahay cadaynmaha muujinaya da'da Samsam, caddaymahaas oo ay si cad u qeexeen Maxkamada Hargeysa, Dhakhaatiirta hoos taga maamulka Riyaale, hay'adaha xuquuqda aadamaha, waraaqaha dhalashada Samsam, Samsam ehelkeeda iyo dadkii Samsam arkayba, taas oo ah in ay Samsam tahay gabar da'yar. Sida waraysiga uu la yeeshay Axmed Siciiid Cige  ku cad, Daahir Riyaale oo ka hadlaya Samsam waxa uu yiri "...wixii laga sheegayaba in ay beenoobeen baad moodaa ee ahaa waa inan yar oo "under age" iyo waxyaabihii la sheegayay horta way isa soo beeninayaan baad moodaa...".


Waraysigii Axmed Siciid Cige la yeeshay Daahir Riyaale:
 Halkan ka dhegeyso


Waxaa hadalkaasi khilaafsan yahay hadalkii hay'adad "sharciga Hargeysa ee sheegtay in dembiga "basaasnimada" uu yahay in Samsam lagu xakumi lahaa 10 sano, laakiin in taas looga dhigay shan sano, arintaas oo maxkamadu sabab uga dhigtay in "Samsam da'deedu yartahay, oo ay tahay 17-jir". Arintaas oo waqtigaas beenisey hadalkii taliyha Booliska ee ahaa in gabadhani ay tahay qof da'weyn. Waxa kale oo hadalkaasi khilaafsan yahay hadalkii madaxweyne kuxigeenka gabadha gurigiisa laga xiray ee ahaa "...waxaa laga yaabaa xukuumad ahaan in aan inan yar u xidhnaan".

Waxaa kale oo dad badan la yaab ku noqday in Daahir Riyaale yiri "cafis haddii ay (Samsam) soo qoratana beritadaan saamaxayaa". Hadalkaas qof maqlay oo nasoo gaarsiiyey dhambaalkan ayaa yiri "Sidee ku dhici kartaa in gabar la kufsaday, la ciqaaabay, xabsi xaq darro ah lagu xiray, la xiray qareenadii u doodayey, loo diidey adduunku in uu arko, loo diidey warbaahinta madaxa bannaan in ay waraystaan, sidee loo dhehi karaa cafis hanaga soo dalbato, yaase cafiska marka hore fidiya..." Halkaas waxaa ka caddaaday in Samsam Madax Furasho Loogu Haysto Danbiga Laga Galay. Haddaba Akhristow ma Samsam baa cafineysa maamulka Riyaale, mise maamulka Riyaalaa Samsam Cafinaya?

Waraysigii Daahir Riyaale oo cod iyo qoraal ah hoos ka eeg:::


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waa waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad
Oct 22, 2004

"Dabcan, kolley xukuumad ahaan waan iska arki doonaa, waxaa lagayaabaa xukuumad ahaan in aan inan yar u xidhnaan, oo arrinka la soo afjaari doonaa.." Axmed Yuusuf Yaasiin
Dec 19, 2004

"Dee 17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa, Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay." Raaqiya Oomaar
Dec 21, 2004


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...

"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...


Waraysigii Axmed Siciid Cige ee Daahir Riyaale Kaahin

CIGE: Waxa jirta madaxweyne in maxkamadda gobolka Hargeysa ay dhowaan xukuntay gabadh yar oo la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo warbaahintana aad ugu jirtey, hay’addaha xuquul insaankuna sida ay sheegeen, ee warbaahinta ay ka sheegeen, waxa ay kaa codsadeen in aad gabadhaasi sii dayso oo aad il naxariisa aad ku eegto, arrintaasi ka waran?

RIYAALE: Horta gabadhaasi aad baa loo buun buuniyey runtii, wax badan oo been ahna waa laga sheegay ayaan anigu qabaa, maalmahan u dambeeyay waxaad arkayseen iyada iyo gabdho kale oo Unifoomka ciidamada huwan oo wixii laga sheegayaba in ay beenoobeen baad moodaa, waa inan yar oo "under age" iyo waxyaabihii la sheegayay horta way isa soo beeninayaan baad moodaa, idinkuba waad aragteen.

CIGE: Taasi laakiin waxay noqon kartaa uun xagga saxaafadda dawladdaada iyo...

RIYAALE: may.....

CIGE: ... iyo Websiteyada... ?

RIYAALE: May... Websiteyada dawladdaydu ma xakunto, waa kuwa markasta aad wararka ka qaadataan, Qaran iyo baa la yidhaahdaa, anigu ma aqaano cid ka dambeysa, waxaan sameeyayna ma ahine waa wax jira oo "facts" ah, oo websites-kaas oo wararka uun..., kuwa xuquul Insaanka ka waramaya kuwii u fidinaayay bay ka mid yihiin kuwa soo saaray iminkana, aniguse waxaan qabaa in aanu cafino, laakiin cafiska waa in ay iyaduna soo dalbataa.

CIGE: Miyaanay weli soo dalban?

RIYAALE: Masoo dalban, weliba waxaan maqlay, qaar..., rag u hadlayay oo layidhi cafis ha keento waanu cafineynaa, in ay yidhaahdeen hooyadeed iyo iyaduba way diideen in la cafiyo, markaa dee way u furan tahay in ay kiiskeeda sii wadato, waxaan qabaa nidaamka maxkamadaha sharciga ee Caalamiga ahi ay u dhisan yihiin ayaa la mariyay Samsam ee nidaam khaldan oo la mariyay oo kiiskeeda hadda loo qaaday hab international lawgu ogol yahay oo maxkamadaha internationalka ah loo qaado ayaa Somaliland ka dhisan oo kiiskeeda loo qaaday, cafis haddii ay soo qoratana beritadaan saamaxayaa.

CIGE: Laakiin hay’addaha Xuquul Insaanku waxay idinku eedeeyeen in Qareenadii la xidhay, baadhis madax bannaan aan la samayn ee CID-du uun ay ayadu sameysay ?

RIYAALE: Ok.. "Contempt of the court" baa xukumay, "judge" baa ku xukumay markii ay buuqa sameeyeen, taana every judge has the right, haddii "Contempt of the court" gef laga sameeyo in uu xaakimku go’aan qaato waa wax International ah, wax Somaliland gaar uga dhacay ma ahin, lawyers-kuna laftigooduna in ay ixtiraamaan maxkamadda waajib bay ku ahayd oo ninku marka uu shacbi baan u doodayaa cid uu leeyahay isagu waa in uu ixtiraamaa wixii xaq loogu leeyahay.

Waraysiga oo Cod ah: Halkan ka dhegeyso

###

AKHRI HALKAN......

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2005

JAWAABTIIAKHRISTAYAASHA:::::


RIYAALE MA LA FILBAA SAMSAM? 

Liiban Maxamed
somalia60@hotmail.com

Friday, January 07, 2005 10:06 AM

Dhacdada sanadkii tegay iyo kan kawsadayba haddii aaney wax iska bedelin waa QISADA SAMSAM vs RIYAALE. Waa laga dheregsanyahay arinta innanta, waxaanse aad ula yaabaa marka aan maqlo siyaasi ka mid ah xukuumadda Riyaale ama laftigiisa marka ay ka hadlayaan arinta Samsam. Waxay u muuqdaan kuwo cadho iyo ciil shaqsiyadeed u qaba Samsam. 

Wey adagtahay in aan kuu riyaaqo amase aan kuu garaabo mudane madexweyne marka aad leedahay ”Samsam cafis ha i weydiisato hadda, aan sii daayee”. Hadalkaasi ma aha hadal masuus, iskaba daayee mid madaxweeyne. Innan yar oo xabsi dhex fadhidda in aad maanta tidhaahdo cafis, ha i weydiisato waxaa ka quman in aad wareegto madaxweyne soo saarto adiga oo ka faaiideysanaya awooda sharciga ah ee aad xaqa uleedahay. 

Aan soo koobo qoraalkan igu dhashay ka dib mara an dhegeystey wareysi aad siisay weriyaha BBC ee Hargeysa. Ma aha mid mudo igu qaatay oo waxaad ka garaneysaa koobnida. Suaasha ugu horeysa ee aan is weydiiyey waxa ay aheyd ” Riyaale ma la filbaa Samsam” . Siddaa maxaan u idhi mudane Riyaale: Samsam ma ah qof aad hore siyaasada isugu timaadeen, oo culeys siyaasadeed oo saldanada aad ku fadhido khalkhal ku keeni kartaa haddii aad cafis madaxweyne siiso. Aan sii watee Samsam ma ah ruux aad is leedahay gaadhsii dhaawac siyaasadeed, oo horta jilbaha hay qabsato dabadeedna aan cafi siiyo. 

Samsam waa gabadh yar oo ay isku ra´yi ka noqdeen dhamaan dadka soomaaliyeed. Inaga oo og sidda ay somaalidu u kala qeybsantahay, haddana arintaan wey ka mideysanyihiin. Waxaan kusoo afjarayaa maqaalkan uruursan ooda ka qaad dhamaan dadka sidda xaqdarada ah ugu jira jeelasha Somaliland Samsamna ugu horeysii."Adna madaxweyne iyana DHIBANE" haddii shaki kaa galay. 

Liiban Maxamed
somalia60@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD