SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Warsaxaafadeedkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee Arinta Samsam Axmed Ducaale

  • Axmed Yuusuf Yaasiin.
    Madaxweyne ku-xigeenka JSL.

Waxaan maanta isugu kiin yeedhay inaan iftiimin ka bixiyo arrin sida aad idinkuba la socotaan si aad u xooggan oo xaqiiqda ka fog loo buun buuniyey iyada oo qarannimada, karaamada iyo sharafta shacbigan qiimaha weyn leh iyo dowladdoodaba wax loogu dhimaayey, waxa buun-buninta arrinka ka qayb qaatay:-

1- Saxaafadda siiba kuwa dibadaha.

2- Hay’addaha u dooda xuquuqda aadamaha gudo iyo dibedba.

3- Iyada oo ay ayaan daro weyn tahay kuwii odhan jiray xuquuqda aadamaha ayaan u doodnaa caalamiyan oo wax aanu soo aragnay, cadaynay ayaanu sheegnaa oo iyaka oo aan halkan iman, xidhiidh la soo yeelan cidaha ay khusaynayso arrintu ay qoreen war aan sugnayn.

Sidaa darteed, waxa maanta sharcigu ii oggol yahay inaan wax ka idhaahdo arrinkan, dadkayga iyo dalkaygana ka difaaco kana dulqaado dhaleecada aanay u qalmin ee la marmarinaayo, mar haddii ay ka soo wareegtay hay’addii Garsoorka.

Haddaba, gabadha arrinkani khuseeyo, Darawalkii gaadhiga u waday iyo nin kale oo la socday sida lay sheegay, ayaa yimid goor casar ah guriga an deganahay waxaanay ku tidhi Ilaaladii guriga “M/xigeenka ayaa Adeer ii ah” ilaaladii waxay ku yidhaahdeen ku garan mayno ee hooyadii ayaan kaa soo hubinaynaa oo deggan gurigiisii hore. Markii loo geeyey hooyaday way aqoonsan weyday gabadhii waana la soo celiyey waxaana lagu soo celiyey guriga aan hadda degganahay, wakhtigii la soo celiyey gabadha ayey Ilalaadii ii sheegeen in arrinkaasi jiro.

Markiiba waxa ku soo dhacay Maskaxdayda oo aan ku idhi Taliyaha Ilaalada waxaa jira nin aan isku reer nahay iskuna magac nahay oo la yidhaa Axmed Yuusuf Yaasiin “Carraale” markaa way soo qaldantee ninkaas u geeya ama Odayaasha reerka. Mar labaad ayaa la raaciyey nin kale waxaa loo geeyey Odayaashii reerka, Odayaashiina way aqoonsan waayeen, markaasay ku wareejiyeen Chief Caaqilka reerka (Chief Caaqil Cismaan Xuseen Xirsi) oo ay ku yidhaahdeen gabadhaa ina sheeganaysa arrinteeda u kuur-gal oo ka baaraandeg. Wuu soo kexeeyey wuxuuna keenay guri nin ay isaga walaalo yihiin oo ku yaal shacabka kana soo hor jeeda Xafiiska Dembi-baadhista, gabadhu halkaa waxay ku sugnayd dhawr maalmood. Maalmo ka dib waxa meeshii ugu yimid, waa sidaan kaga warqaatay ninkii caaqilka ay walaalo ahaayeen waxa u yimid 4 nin oo Warsangeli ah waxaanay yidhaahdeen gabadhu waa annaga oo waxay ka soo baxsatay Boosaaso (nin annaga ahna way u mehersan tahay oo jooga Pakistan) ee nagu soo wareejiya halkaa waxa ka dhacay khilaaf gacan ka hadal leh. Waxaana oogsamay buuq iyo qaylo, markaas ayey soo farageliyeen Booliskii ka soo hor jeeday gurigu, halkaas oo ah Xafiiska (Dembi-baadhistaa) lagana furay qadiyaddii Gabadha.

Halkan waxaa ka dhacay arrin aan loo fadhiyin waxaanay noqotay “ka dar oo dibi dhal”, gabadhii waxay sheegtay arrimo aan lagu hayn maankaba.

1. Marka hore waxay tidhi labada reer ee isku kay haysta midna ma ihi ee waxaan ahay Majeerteen, Cismaan Maxamuud, waxaana laysoo diray arrimo ku aaddan guriga M/xigeenka oo ah inaan ka keeno war sugan, (faah-faahintii faraha badnayd ee ay siisay baadhayaasha marabo inaan galo) wixii afkeeda ay ka tidhi ayaa laga qoray, nimankii waraysanaayey wuu ku weynaaday arrinkii, waxaanay wargeliyeen Taliyaha Ciidanka Booliska SL oo ah Taliyaha toos gacanta ugu haya wixii argagixiso ku lug leh, sidaan ku warqaatay Taliyuhuna wuu waraystay sidii bay u qiratay, Maxkamaddaa la horgeeyey sidii bay ka hor qiratay sidaasayna Maxkamaddu ugu jartay “Warrant of Arrest”.

Maalmo ka dib, waxaan ku war helay, hadallo suuqa maraya oo leh gabartii waala kufsaday. Waxaan u yeedhay Taliyaha Ciidanka Asluubta (Cabdi Sul. Muxumed Nuur) waxaanan ku idhi gabadha hala geeyo Cusbitaalka Guud ee Hargeisa hana la baadho, Taliyuhu sidii buu ku hawl-galay, laba dhakhtarbaa loo diray arrinkana way soo baadheen waxaanay ku soo caddeeyeen Refeertada HGH/443510-2/04 ee 09/09/2004, oo sheegaysa inaanu jirin kufsi iyo jir-dil midna.

Anigu waan ku qancay, waayo waxaan arrinkaa u gelaayey waxay ahayd si aan u ilaaliyo xuquuqda Gabadha waana mid igu waajib ah ka-masuul-qaran. Haddii rifeertadaas aan ku arki lahaa hadalka suuqa mushaaxaya waxaan qaadi lahaa tallaabada igu wajibka ah.

Waxa dhacday gabadhii in dhawr jeer la keenay Maxkamadda, Maxkamaddiina ay u dirtay mar labaad baadhitaan Caafimaad oo weliba loo diray dhakhaatiir ku takhasustay xagga qalliinka, dumarka iyo Caafimaka guud, khibrad weyna u leh xagga kufsiga, waxaanay soo saareen taqaariir faah-faahsan oo dhammaan jidhka gabadha ka warbixinaya tirsigiisuna yahay MOHL/1120/4.00/04 ee October 21, 2004. (oo sheegaysa inaanu jirin kufsi iyo jir-dil midna), gundhigga dhakhaatiirtan dambe waxba kama duwanayn kuwii hore labadan baadhitaan waxa u dhexeeyey afartan cisho (40 days).


"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...


Haddaba, isku soo xoori kuwa sheeganaaya xuquuqal Insaan magacaad doonto u bixiyoo markay wax baadhayaan waxa hagaagsan in wajiyada arrinku leeyahay in ay gees walba ka war doonaan, waxaad mooddaa arrin u khaas ah in ay iska toocsanayaan oo aan u arko ku xumayn Somaliland sababta oo ah boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag, kuwii hadda lagu kufsaday Puntland lama hadal hayo kuwii hore ee iyaga oo nool la aasay lama hadal hayo, wax wax-ka-qoray xabaalihii badnaa ee “Xabaal Wadareedyadii” maan arag wax daba socda, qaar badan daadbaa qaaday inta kalena halis bay ku jirtaa cid u kacdayna maan arag aan ahayn afar keliya oo tol iyo taag midna u waayey.

Waxaana mudan inaan bulshada u sheego oo ay fahmaan gabadhu inaanay aniga ii xidhnayn balse ay qaranka u xidhnayd, ummadda waxa la huluuqsiiyey inaan anigu bixiyey amarka lagu xidhay, Guriga aan deganahayna laga qabtay, waanna arrin aanay waxba ka jirin sidaan horeba uga soo warbixiyey. Sharafta masuul Qaran ma aha inuu sidii faqashtii yidhaahdo ii xidha dabadeedna siduu doono ugu tagrifali jiray xuquuqda qofka.

Haddaba intii arrinku socday Xilliyo kala duwan waxa iiga yimid Odayaal farabadan oo leh madaxda Qaranka, Odayaal –dhaqameed iyo xildhibaanno iyagoo raba in arrinkan dhakhso loo soo af-jaro waxaanad mooddaa in dadka qaarkii ay majaro-habow arrinka ku ridayeen iyagoo dano gaar ah leh.

Gunaanad.

Waxaan iftiiminayaa kuna soo gunaanadayaa hal-ku-dhegga Soomaalidu ku tidhaahdo “Geedkii yidhi Gudin yahay imaad goyseen ee Badhkaybaa kugu jira”. Waxaanan uga sii gudbayaa dhawrkan qodob oo ah gunaanadka hadalkayga:-

1. in la ilaaiyo xuquuqda aadamaha guud ahaan iyo gaar ahaan shacbi-weynaha ku dhex nool Somaliland mid u dhashay iyo mid aan u dhalanba waajib ayay nagu tahay inaanu ilaalino cid nooga damqasho badanina ma jirto, ee haddaba waxa mudan in lays weydiiyo kuwa sheeganaaya in ay xuquuq aadaminimo u doodayaan ee dunida meel walba ka rida wax ka sheegga cawrada gabadhan ugubka ah, miyay dileen mise waxbay u tareen diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, run ahaantii way dileen weeye.

2. Somaliland maanta way ogtahay kuwa buun-buuninta arrinka waday ujeedadoodu waxay ahayd iyo cidda ka dambaysayba fiiro gaar ah ayaanay dawladdu u leedahay.

3. waxa caddaatay oo daahii iyo magic-beenaadkii ay huwanayd ka faydmay oo si fiican maanta u muuqda tacadiga iyo dulmiga ay ku hayso xuquuqda dadyowga ku nool daafaha dunida, hay’addaha la yidhaahdo waxay u doodaan xuquuqda dadyowga dulman, waxaanay nasiib darro haysaa ka maanta u haysta inay ilaaliyaan xuquuqda aadamiga. Waxaan ku talinayaa inay ka digtoonaadaan dhex-dhexaadnimo la’aantan oo kale waxaananu diyaar u nahay hadday cid soo diranayaan in aanu gacan siino ilaa inta ay ka gaadhayaan xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah.

4. Guud ahaan waxa ammaan mudan shacbi-weynaha reer Somaliland sidii waayeelnimada ahayd ee ay ugu dulqaateen xajiimayntii iyo xanaftii la mar-marinaayey taas oo ah tay ku hanteen guusha iyo gobanimada ay maanta hadhsanayaan. Gaar ahaan waxa ammaanta mid la mid ah leh madaxdii, Odayaashii iyo Waxgaradkii arrinka dhinaca wanaagsan iska taagay iskuna deyey inay wanaag ku dhammeeyaan.

5. Waxaan ammaan dheeraad ah u soo jeedinayaa saxaafada Madaxabannaan ee Somaliland. Waxaan ammaantaas ugu soo jeedinayaa sida wadaninimada leh ee ay ugu feejig yihiin Ilaalinta himilooyinka la wada leeyahay ee Qaranka, waxaanan u daliil ah arrinkan aan kor ku soo sheegay ee socday afarta bilood siday uga ahaayeen dhex-dhexaad.

6. Haatan iyo dana waxaanu ku hawlannahay qaabkii sharci iyo farsamo ee arrintani lagu soo af-jari lahaa maadaama uu dhacay xukun Maxkamaddeed. Hase ahaatee waxaanu Qaran ahaan ka hadhi doonin kuna daba jirnaa ciddii shirqoolkani ku wajaahnaa Somaliland wax-yeelaynteeda ka dambeeyey.

Gabagabadiina waxay tahay waxaanu ku martiqaadi doonaa hay’addaha xuquuqal-insaanka gudo iyo dibadba si ay u xaqiijiyaan xaqiiqda dhabta ah ee jirta, intaanay bixin.

Allaa Mahad Leh
Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL.

December 19, 2004


Faafin: SomaliTalk.com | December 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
HARGEYSA

Kheyriyadda Hargeysa:
Reebid utun


SACB DIRECTORY


UN Soomaaliya: Xafiiska Nairobi..


Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004

"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004

Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha



15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC, kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL: 

C/qaadir Sakhaawadiin 
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake 
Sayid Xirsi Nuur 
Maxamuud Cusmaan Baarbe 
Daahir X Cusmaan Sharmaarke 
Xaaji Muxumed Xuseen 
Khaliif Hundow Macalim 
Muxumed Faarax Hilowle 
Muxumed Cabdulle Xayeesi 
Cusmaan Geedi Raage 
Dheere X Dheere 
Muxamed Cali Nuur 
Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban ee SYL .. GUJI



HTML CD