SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere 
  • “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”

Maxamuud Nuur Wardheeere

Somalitalk oo wareysi la yeelatay Mudane Maxamuud Nuur Wardheere oo ah siyaasi deggan Minnesota USA.

Somalitalk: Mudane Wardheere war bixin naga sii qaadka iyo dilka kusoo badanaya Soomalida Minnesota.

Wardheere: Waa dhibaato la soo deristay Soomaalida Minnesota oo ah dad aad u fiican. Marka hore ilaahay ha u naxiirsto dadkii geeriyooday sabir iyo iimaan Allah haka siiyo qoysaskooda. Dawladda Minnesota waxay go’aansatay in ay qaadka ku tiriso maandooriyeyaasha ama daroogooyinka mamnuuca ka aha gobolka. Dad badan oo Soomaaliyeed ma oga qaar kalena ayagaaba ka macaasha oo wax ka keena inkastoo aan maqlay dad aan Soomaali ahayn baa wax ka keena oo ka gada Soomaalida mase hubo. Waxaan jecelaan lahayn in ay soomaalida ku baraarugto dhibtiisa iyo qasaarihiisa.

Dhibaatada qaadka kuma koobna guryo in la waayo , shaqo la waayo, record xumaynta, dhaqaale xumaynta, ganaaxa, sumcad beelka. Waxaa kale oo uu layimaadaa in la waayo xagga immigrationka iyo qaadashada jinsiyadda maraykanka ama waxaaba daba socda dhac iyo falal denbiyeed. Xabsina waa loo gelayaa dartii. Waxaan ku talin lahaa marqaanka hala joojiyo, dilka Soomaalida dhexdeeda hala joojiyo (xabad joojin) horumarka halagu dadaalo.

Ardada Minnesota iyo aniga ayaa qaban qaabinaysa xaflad wacyi gelin oo lagu casuumay Professor Axmed Warfaa oo wax ka dhiga Jaamacadda Utah. Prof. Warfa oo Ph.D. ku qaatay biology diintana wax ka yaqaan kana qoray buugaag qaadka, baaritaanna ku sameeyey ayaa ka hadli doona Minneapolis January 7deeda asaga iyo sheikh Abdiraxman sheikh oo ah imaam iyo Doctor Cusmaan Xareere.

Somalitalk: Dawladda ka dhalatay Soomaaliya sidee u aragtaa?

Wardheere: Horta weli dawlad faro kuma hayno laakiin waxbaa bilowday marka waxaan ilaahay ka rajaynaynaa mid fiican oo lagu diirsado oo maxmuudan ah ama la mahadiyo inuu ilaahay ka dhigo. Ma noolin -wax jirana ma nihin haddaan Soomaali nahay magaceenana waa hore ayuu masraxa caalamka ka suulay marka awood aan ku diidno ma hayno. Dawlad xun waxay dhaantaa dawlad la’aan. Waxaan u soo joogay J/hoose oo ay dawladdii jirtay 1970s ilaalin jirtay xuquuqda dhirta iyo xayawaanka Soomaaliyeed. Waxaan u soo joogay in xilli abaar ah darka xoolaha ka cabaan loo diiday xoololayda si maroodiga uga cabo markiisa.

Maanta dhir iyo xoolo daayee xuquuqda dadka Soomaaliyeed wax dhowraa ma jiro. Caruurta Soomaaliyeed in ku dhow kala bar xilliga dhalashada ayey dhintaan intii soo hartana oo badbaadaa boqolkiiba toddobo ayaa maanta iskuul awooda inay xaadirto. Daryeelkii guud ee caafimaadka, waxbarashada,wadooyinka iyo amnigaba waa maqan yihiin. Markaan dawlad helno ayaan sixi karnaa ama hagaajin karnaa laakiin hadda wax jiro ma nihin oo wax diidi kara. Dawlad Soomaaliyeed ayaa loo baahan yahay.

Somalitalk: Xaaladda gabadha la yiraahdo Sam sam ee ku xiran hargaysa ka waran?

Wardheere: Samsam Axmed Ducaale xaaladeeda waan la sodaa. Somalitalk inay i weydiinayso ma sugayn waayo arrinta gabadhan yar waxaa hore uga hadlay hay'adaha u dooda xuquuqal insaanka ee dalka gudahiisa ama dibaddiisa ilaa heer caalami ah. Waxaa kale oo arrinteeda aad ula socda Soomaali badan oo ku kala firirsan caalamka iyo gudaha dalkaba. Samsam waxaa u doodaya sharci yaqaano Soomaaliyeed iyo dad badan oo Soomaaliyeed oo jooga hargaysa iyo meelo kaleba.

Sam sam gacan Soomaaliyeed ayey ku jirtaa marka wixii hore u dhacay marka laga reebo hadda kama wel welsani waayo gacan cadow kuma jirto. Siyaasadda iyo xuquuqda gabadhan in la isku qaso maahan. Waxa keenay in gabar soomaali ah oo 16 jir ah lagu sheego basaas ama argagixiso ma fahmi karo ama wax looga baqo dhaqanka soomaalidana waa wax ku cusub. Samsam Axmed Ducaale iyo caruurta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan aaminsanahay inay yihiin kuwa dulman (victim) oo aan shaqo ku lahayn burburkii iyo siyaasadaha xun xun ee ka dhacay Soomaaliya waana kuwa la dayacay.

Sida caadada ah qofkii ama dawladdii dacweysa qof 16 jir ah oo weliba hor geeya maxkamadaha dadka waaweyn ma guulaystaan waana ceeboobaan weliba haddii uusan cadaymo waaweyn haynin kaba daran. Mas’uul waa kii qaladkiisa qirta, siyaasiga fiican kama xishoodi inuu yiraahdo waan qaldamay sharaf dhacna uma keento. Maamulkaas Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay cafis weydiistaan gabadha yar ee Sam sam Axmed Ducaale wixii dhacayna xaqiiqda ka sheegaan iyo inay ayada iyo waalidkeedba xaal mariyaan.

Wardheere waxaa lagaal xiriri karaa: mnwardere@yahoo.com

Somalitalk | Minnesota | USA

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD