SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Waraaq!

ku: Samsam Axmed Ducaalle

  • Ka: Cabdirashiid Faarax Xassan
    maaful@hotmail.com

    Waxaad u gashay dad intii adiga lagugu barbaarinayey sinaanta muslimiinta, iyaga lagu qufulay nacaybka reerkii aan la qolo ahayn....

Adeer salaan ka gadaal kuwa aad hadda u xiran tahay, oo kufsiga iyo jirdilka  kuga wadaa waxay kuu qabaan in aad tahay nacab ka caqli iyo khibrad badan, laakiin arrinku sidaas maahan, waxaa tahay gabar soomaaliyeed,oo ku soo kortay  cuqdad la’aan, waalidkaa kuguma soo barbaarin in aad colaadisid ummadaha aydaan isku isirka ahayn. Marna kama aadan fakarin in ay kuu kala duwan yihiin Caluula iyo Mooyaale ama  Lawyocado  iyo Afgooye. Dadka soomaaliyeed badankiisa  waxaad u tahay  gabar yar oo ay adeer iyo eedo u yahiin, laakiin carruurnimadii ayaa waxay ku dhaafsiisay in soomaalida qaarkood kaa qabaan fakrad ka duwan tan aad adigu iyaga ka haysatid.

Haddaba haddii aad markii hore ahayd gabar yar, hadda waxaad Hargeysa iyo nawaaxigeeda ka tahay qof ma’suul ah oo isha lagu hayo. Waxaad u gashay dad intii adiga lagugu barbaarinayey sinaanta muslimiinta, iyaga lagu qufulay nacaybka reerkii aan la qolo ahayn.

Waan la socdaa in aan laguu ogolayn  wargays iyo raadiye, laakiin haddaan kuu soo ururiyo waxii ay  kaa sheegeen dadka aad hadda godka ugu jirtid waa sidaan:

Ninka ciidanka ku kufsada madaxda u ah ee la yiraahdo Maxamed Cige Cilmi waxuu laanta af soomaaliga ee BBC:da ka qirtay in uu masarkii iyo garbasaartii kaa furay. Waxaa kale isna la waraystay madaxweyne kuxigeenka beesha aad hadda xabsiga ugu jirtid Axmed Yuusuf Ducaalle. Axmed waxaa ka socotey ilmo waxuuna ahaa nin argagaxsan oo aad kaaga baqaya. Wariye Axmed Saciid Cige waxuu waayahaan u banbaxay caydaada iyo in uu lo’ gisiga  kugu didiyo.

Nelson Mandela waxuu yiri: ”Dadkii aan u xirnaa badankoodo waxay ahaayeen waxmagarto, oo hadalka waan u dajin jirey.” Adigana sida Mandela ayaa lagaa rabaa adeer.

Ka: Cabdirashiid Faarax Xassan
maaful@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD