SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Waraysigii Axmed Siciid Cige la yeeshay Raaqiya Cabdillaahi Oomaar ee Arimaha Samsam

21/12/2004: Weriyaha BBCda ee London ayaa yiri: Maalintii Axadii (19/12/2004) waraysigii ay BBC-du la yeelatay Madaxweyne ku xigaha Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasin, oo hay'adda u dooda xuquuqda Aadamaha ee loo yaqaano African Rights ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey in ay buunbuunisay dacwada lagu soo oogay gabadha la yidhaahdo Samsam Axmed Ducaale ee maalintii Arbacadii ay maxkamada magaalada Hargeysa ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah markii lagu eedeeyey in ay ku dhaqaaqday falal basaasnimo ah.

Haddaba eedayntaasi waxa maanta ka jawaabtay madaxda Hay'addaasi African Rights, Raaqiya Cabdillaahi Oomar, weriyahayaga (BBCda) magaalada Hargeysa, Axmed Siciid Cige, oo Raaqiyo waraysatay ayaa waxa uu marka hore weydiiyey waxa kajira in hay'adeedu buunbuunisay arrinta Samsam iyadoo aynay Maxkamaduba weli go'aan ka gaadhin arrinteeda, oo ay sheegtay -waa Raaqiya'e- in la kufsaday Samsam Axmed Ducaale, waxanay Raaqiya ku jawaabtay:

Raaqiya: Hadaanu nahay dadkii u doodayay inantan Samsam iyo Ninkii la xidhnaa ee Cumar Jaamac Warsame anagu marna maanu kudhowaaqin Samsam waa la kufsaday, mar walbana waxaanu nidhi inantu sidaasay sheegtay xitaa raggii kufsaday qaarkood fartay ku fiiqday iyagoo Maxkamada ka hadlaya. Markaa waxaanu Madaxweyne ku xigeenka iyo dowlada oo dhan ka codsanay in arrintaa si deggan loo baadho, dadka ay inantu farta ku fiiqdayna bal in ay dee arinta ku jiraana la eego, oo guddi madaxbannaan oo dhakhtaro madaxbanaan ay eegaan oo reportkoodan inanta reerkooda iyo xuquqal Insaankaba la siiyo, anagu intaas uun ayaanu nidhi.

Cige: Miyaan markaa dhakhtaro madaxbanaan aaney ahayn sida dowladu ay ku doodaysay, Madaxweyne ku xigeenkuna sheegay, marka hore laba dhakhtar loo saaray markii denbena sadex dhakhtar loo saaray oo qareemaduna ogalaadeen?

Raaqiya: Anagu dhakhtarada waanuba kala hadalnay dowlada markaa waa loo diray dhakhtar ka shaqeeya Hargeysa Group Hospital iyo saddex dhakhtar oo danbe, anagu markaasi kuma kalsoonin shaqada ay qabteen waayo, reportyada xitaa soo qoreen inanta magaceeda maaha ee magac kalaa ku qoran. Reroptayoodaasna,, Waraaqaha ay soo qoreena waa loo diiday xitaa qareenadoodii, dadkii u doodayaan anagu ka mid nahay iyo  inanta hooyadeed,  markaa haddii ay Madaxbanaan yihiin oo si toos ah cidna ayna u eexanayn u eegeen waxanu fahmi waynay waxa qareenadeedii iyo reerkoodii loo siin waayay waxa ay soo qoreen. Marka anagu mar walba waxanu codsanaynaa in dhakhtaro madaxbanaan oo weliba mid ajanabi uu ku jiro in hadana inanta ay baadhaan.

Cige: Samsam, een, Gabadhan arinteeda aynu ka hadlayno dhakhaatirta baaray ama layiri magac ay ku soo qoreen ee la sheegay Samsam Maxamed Axmed, maxkamadu guddoomiyuhu markii uu ku dhawaaqayey xukunka waxa uu sheegay in ay tahay magacyadii hore ee halka sanoba dee denbiga ay ku mutaysatay ee kolba magac ay sheeganeysey taasi mayna sax ahayn Raaqiya?

Raaqiya: maya, Sax ma'aha, waayo, inantani mar walbaba maxakamada waxay tiri magacyada la leeyahay waan sheegtay maan sheegan, cid alliyaale iyo cid ku cadaysayna ma jirto oo ahayn C.I.D oo denbiga iyaga laftooda lagu haysto, markaas arrintan oo dhami waxay heerkan u gaadhay inantani dadkii ay iyadu doonaysay in ay markhaati u keenato marna looma ogalaan, qareenadeedii baa la xidhay, inan yar oo 16 jir ah oo la leeyahay adigu is daafac, qareena laguuma ogala, dadkii ku doodayayna iyagana waa la aamusiinaya dee taasi maaha wax.

Cige: Een... Raaqiya miyaanay 17-jir ahayn?

Raaqiya: Dee 17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa, Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay.

Cige: Aan taa ka gudubno, een, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in haddii aad hay'adda xuquuqal insaanka tihiin aad dhinaca kaliya aad warka ka qaadanayseen oo tooxsanayseen [1] oo aydaan isaga marnaba la xidhiidhin maadaama ay arrintaasi khusaynaysay, isla markaasina ay idinka denbeeyaan arrimo isagu ku tilmaamay, sida uu u dhigay hadalka, "cadowga Somaliland", maxaad taa ka leedahay?

Raaqiya: Dee horta anagu "cadowga Somaliland" ma nihin, xuquqal insaanka dadka Somaliland jooga baanu u  doodaynaa, anaguna ma nihin dad Dee shalay uu na bartay , weliba aniga haddii aan shaqsi ahaan u hadlo, Dee aniga taariikhdayda dadka Somaliland si fiican ayay u garanayaan, in aanan kasoo horjeedin Somalilandna dadkoo dhan baa og, dadkaanay u taala in ay ayagu taa meel ka gaadhan.  Madaxweyne kuxigeenkana waxaanu ula xidhiidhin Dee anagu marnaba maanu odhan Madaxweyne ku xigeenka shaqsi ahaan ama askartiisa inanta faro faraysay, inantani marka ay leedahay waa la i kufsaday, waana la i dilay, mar walbana waxay tidhi waxaa waxa igu sameeyay dadka C.I.D. markaa C.I.D iyo bilayska Dee anagu waanu la hadalnay. Laakiinse Madaxweyne ku xigeenku khaladka uu sameeyay waxa weeye markii dad badan oo guurtida ka mid ah, baarlamaanka ka mid ah, oo dowlada ka mid ihi ay u tagaan oo ay yidhaahdeen inantu waa inan yar, anagaa damiinanayna, aqaladayada ha joogto ilaa inta kiisku socdo, markaas ayay ahayd in uu ogolaado oo arrinta sidaa ugu baxo oo yidhaahdo C.I.D ayay u taala, marka anagu marna isaga Dee wax aanu leenahay isaga iyo askartiisa ku samaysay ma jirto, markaa waxanu ula xidhiidhnaba ma arkaayo.

Cige: Een,, Waxyaabaha kale ee la soo qaaday waxa ka mid ah, een, madaxweyne ku xigeenku idinku eedeeyay, in ay jiraan dad faro badan oo u baahan iyaga laf ahaantooda in xuquuqal insaankooga aad u doodaano oo caddaalad darro ay hayso, maxkamadeheena waynu ognahay inta hor tuman maalin walba. Maxaa gabadhan xooga aydin u saarteen ee afarta qareen ugu qabateen, ee.., Maxaa ka denbeeya?


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."... Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...


Raaqiya: Wax alaaliyo wax ka denbeeyaa ma jiro, arrimahaasi uu sheegay madaxweyne ku xigeenku ee uu leeyahay dad badan oo kalaa dhibaataysan, Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto. Dadka intaas oo sannadood jeelka ku jira ay leeyihiin qareenno ma haystaan, xuquuqal insaanka maaha in denbiga la saaro haddii ay dhibaatooyin jiraan, taasina waa mid dowlada u taala. Anagu haddii aanu nahay Xuquuqal Insaanka Somaliland horta kiisas badan oo kale waanu ku jirnaa, kiiskan inanta Samsamna haddii in badan laga hadlay khaladku xagga dowlada ayuu ka yimid. Waayo, si yar oo aan dhib lahaynbaa arrintan loo dhamayn kari lahaa, iyagaa halkaa gaarsiisay, siyaasadna waa la soo dhex geliyay, Dee dhibaatadan dhextaala Somaliland iyo Puntlandna way sii adkaysay arrinta, markaasi dad badan oo kale waanu u hadalnaa, waanu jecelnahay in aanu awoodeyada kordhino oo dad badan oo dhibaataysan jeelalka ku jira oo maalin walba maxkamada laga celiyo u hadalno, laakiinse xuquuqal insaanka Somaliland wuxuu hagaagayaa marka ay dowladu u aragto inuu xilkaas horta iyaga saaran yahay.

Cige: Mahadsanid. Taasi waxay ahayd Raaqiya Cabdillaahi Oomar oo Hay'adda Xuquuqal Insaanka ee African Rights madax ka ah, halkan Somaliland muddo ku howlanayd iminka arrimaha Samsam.

Waraysiga oo cod ah: Dhegeyso | ama Halkan

Taariikhda waraysiga: 21/12/2004
Goobta Waraysiga: Hargeysa

______________________________________________
[1] Tooxsasho: Hawl keli uwadasho ama u qabsasho. Isku hawlid.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

İ www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD