SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Samsam oo Madax Furasho Loogu Haysto Danbiga Laga Galay

»» Waxaa aad isu burinaya Hadalka Madaxwayne ku xigeeka, Xukunka Maxkamada iyo waraaqaha waxa ku qoran.

»» Axmed Siciid Cige oo aad u weeraray Qolyaha Xuquuqul Insaanka Hargaysa.

  • Kufsiga oo La Duudsiyey iyo Basaasnimada oo aan Cadeyn Loo Hayn, Waxaana meesha kabaxay xuquuqdii ay lahayd gabadha da'da yar ee agoonta ah, Samsam Axmed Ducaale.

Waxaa wax lala yaabo ah in Samsam uxiran tahay dembiga laga galay daraadiis, looguna xukumay xukunka aan cid kastoo maqasha aysan wali garaysan, sabab tuna ay tahay "Kor waayeel waa wada indho" umada Soomaaliyeed waxaa kujira sharci yaqaan iyo cuqaal miiran, waxaa kaloo iyana aan meesha ka marnayn in qofka hadlaya hadalkiisa la dhagaysanayo lana fahmayo dulucda hadalka, hadaba bal aan aragno hadalka uu markii ugu horaysay uu Saxaafada Siiyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo nuxurkiisa, waxaase aad loola yaabay sida Axmed Siciid Cige oo wariye u ah BBC-DA Af-ka Soomaaliga siduu ugu xaglinayey dhinaca Yaasiin aadna uu u weerarayey Xuquuqul Insaanka gudaha.

Marka ugu horaysa hadalku wuxuu isugu biyo shubanayey hanjabaad iyo dhaar lala beeg sanayo qolyaha Xuquuq Insaanka Reer Hargaysa iyo fashilaad xukunkii Maxkamada inuusan sax ahayn Samsamna lasiidayn doono si xeer jajab ah.

Hadalkii Yaasiin qaybo ka mida anagoo sookoobnay;

  • Wuxuu sheegay inuu arinta hada uga hadlayo maadaama xukun dhacay
     
  • Xuquuqul insaanku daraf kaliya ayey howsha ka wadeen oo ka tooc sanayeen
     
  • Xuquuq Insaanku waa cadowga SL, waxaana ku cadaynayaa waxay sheegeen waxaan jirin, kufisi iyo jirdil
     
  • Waan is arki doonaa xukuumad ahaan inan yarna noo xiraanmayso, cidii soo istic maashayna waan daba soconaa kana hari mayno!.
     
  •  Kaasi waa shaqsi dibada iyo gudahaba waa joogaan
     
  • Isbahaysiga laftooda iyagaa buunbuuniyey kana hordhacay waxaan xaqiiqadiisa lagaarin, waxayna dhaheen waa la kufsaday, waana la jirdilay.
     

  • Bishii Novermber 14-kii, 2004, xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan, saddex masuul oo isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda oo uu ku jiro agaasimaha fulinta Samotalis,


    Waxaan leenahay markii arinkan soo afjarmo, cidii heerkan gaar siisay waxaan u yeelanaynaa fiiro gaara. 
     
  • Waytimid guriga waana lagaran waayey hooyaday baa loo geeyey way garan wayday, waxaa loo geeyey ninaan isku magac nahay, wuu garan waayey, dabadeena Caaqilka reerka ayaa loo geeyey, Chief Caaqil Cismaan Xuseen Xirsi, isna walaal kiis buu ugeeyey halkaas baa laga xiray.
     
  • Waxaa iigu wardanbaysay markaan iri u geeya ninkaan isku magaca nahay, waxaana ii xigtay waa la kufsaday, waxaana amray in lasoo baaro dhaqaatiirtiina waxay caday say inaanay waxba qabin.

Waxaan fiirinaynaa ama is dultaagaynaa hadalka Madaxwayne Kuxigeenka, kadibna akhristayaasha ayaan u daynaynaa xukunkeeda.

  1. Marka ugu horaysa wuxuu sheegay inuu arinta garsoorka u daynayey, oo uusan doonayn inuu dhex galo, isla su'aal kalana wuxuu ku sheegay inaan inan yar u xiraan doonin oo la sii daynayo, hadaba halkaas waxaa cad isburin wayn waayo ilaa hada maxkamadii xukuntay gabadha lagama hayo inay xukunkeedii ka noqotay, ama uu qalad ahaa, hadaba miyeysan ahayn fara galin garsoor?.
     
  2. Hadalkiisii ahaa Xuquuqul Insaanku howsha hal dhinac ayey ka wadeen, waxaana lawada soconaa inay u tageen Maamulka SL lana hadleen, gabadhana u qabteen Qareeno ilaa aakhirkii la xiray, markii kuwii gudaha dhag jalaq loo siin waayeyna ay Baaq Caalami ah ka soo saareen, hadaba taasi miyeysan ahayn hadal la iska yiri?.
     

  3. Waraysiyadii Axmed Siciid Cige:

    AXMED YASIN: Dhegeyso | amaHalkan

    RAAQIYO: Dhegeyso | ama Halkan

    Waraysigiga Raaqiyo oo Qoraal ah...


    Qodobkan odaygu wuxuu ku cadeeyey cidii ka fikir duwan haba u dhasheen SL inay yihiin cadowga SL, sababtoo ah maxay xaqiiqada u qarin waayeen oo arinta u sheeli waayeen soo laguma haysto?.
     
  4. Su'aashan Yaasiin wuxuu ku cadeeyey inay ceeb ku tahay dad maamul sheegayana oo walibana caalamka ka gadaya inay Soomaali ka go'i karaan inay ceeb ku tahay inay gabar yar xirtaan ilaa xad kaasna isla gaaraan, taasise miyeysan lagud boonan inay gartaan mar hore? "ilayn talo isuma kaa sheegto", wuxuu kaloo cadeeyey gabadha da'deeda yaraanteeda oo hada ka hor taliyihii uu'udiray ka been sheegay, hadaba akhristoow soo nooma cada in shacabka reer SL ubaahan yihiin gurmad, goosashana ha iga hadho.
     
  5. Wuxuu kaloo sheegay in gabadha la soo isticmaalay ciddii soo dirsatayna ay ku raad joogaan, markii la yiri ma ninkii reer Boosaasaana, wuxuu ku jawaabay arintu intaa ka weyn ninkaasina waa shakhsi, ee waa qaar jooga dibada iyo gudahaba, hadaba waxaa is waydiin leh ma SL dhexdeedaa arintii ku soo noqotay waxay socotaba, waa'ayo se cidda loo jeedo dibad iyo gudaba?.
     
  6. Wuxuu kaloo eedayn dusha kaga tuuray Isbahaysiga cadaalada iyo nabada SL oo Yaasiin ku eedeeyey inay howsha ka hor dhaceen, sameeyeena waxaan loo baahnayn ayna sugaan inta xeero iyo fan dhaal kala dhacayaan, markay arintu dhamaatana ay ka hadlaan, hadaba akhristoow maxay ka yihiin Xuquuqul insaan haday sugayaan markay arintu dhamaato, miyeysan kuula muuqan arintu maxaad SL-ta cusub ee uu MK kayahay Yaasiin uga mid noqon wayday?.
     
  7. Wuxuu aad ugu han-jabay uguna dhaartay Qolyaha Xuquuqul Insaanka Gudaha, illaa kuwa dibada ama Caalamiga ah meel uu usoo maraba mahayee, arintan oo kuu cadaysaysa sida la isugu caburinayo Hargaysa, walibana hay'adaha aan dowliga ahayn, maxaad moodaa kuwa dowliga ah ama shacabka reer SL?, Waxaa xusid iyo amaanba mudan sida ay Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland uga hadleen xukunka maxkamadu ridey iyo sida uusan u waafaqsanayn dastuurka, ayagaana naga kaafiyey inaan soo qoro mar labaad.
     
  8. Wuxuu cadeeyey inay gabadhu gurigiisa timid, uuna ka shakiyey, kadibna ku xawilay Caaqilka reerka Caaqil Cismaan si uu arinta meel usaaro, kadibna in halkaa laga xiray iyo guriga caaqilka walaalkiis, waxaa ka fajicisay dhaga badan oo maqlay hadalka MK inuu markii ugu horaysayba uu gabadha ku wareejiyey Caaqilka reerkooda, hadaba sidee bay macquul ku tahay gabar gacanta laga galiyey nin kaaba qabiil ah ama wata magac xushmadeed in loo gacan dhaafo oo laga kaxaysto guriga reer Caaqilka illaa walaal kiisba waa caaqilka oo kaleba, haday dhacdaysa uusan markiiba arinta u xalin?, sida lagu yaqaano dadka wata magacyada xushmada, arintaan oo awal ceebtu waxay si khaasa u haysatay Maamulka Riyaale hadana waxaa kusoo biiray golihii Isimada, taasoo dad badan maskaxdooda ku soo dag dagaysa sababta keentay inay ka aamusaan Salaadiinta reer SL howsha gabdhaas yar ee agoonta ah inay tahay in iyaga laga soo bilaabay oo ay ka xoog badisay SL-nimada cusub.
     

  9. "“Xaggee bay danta Somaliland ku jirtaa?
    -Ma runta oo la sheego iyo xaqiiqada oo loo gonda-dego ayay ku jirtaa danta ummadnimadeenu?
    -Danta dalkeennu ma ceebta oo la huursado oo la is yidhaahdo sumcaddeenay dilaysaa, bay ku jirtaa?
    -Mise waxay ku jirtaa xumaanta oo ciddii ay ku kooban tahay la kashifo laguna ciqaabo? "
    Isbahaysiga cadaalada iyo nabada SL


    Jawaabtiisan waxay burinaysaa tii ka horaysay oo hadalka ayaa is duqaynaya, wuxuuna yiri aniga waxaa iigu war-danbaysay markaan udiry ninkaan isku magaca nahay, waxaana ii xigtay waa la xiray waana la kufsaday, waa wax lala yaabo waxaa loogeeyey Caaqil Cismaan oo guriga walaal kiis baa  afar bari kadib laga xiray bal idinku is waafajiya aan idiin daynee, taasina waxay ku tusinaysaa wax kasta oo la isku duduwo inay meel uun ka siibanayaan, Waraaqaha dhaqaatiirta uu ku qancay Yaasiin waa kuwa maamulkiisa hoos taga ee ma'ahan kuwo madax banaan horaana Somaali utiri "Nin kudilay Har kuuma jiido" hadana waxaad aragtaa nuqulkooda ee bal idinku meel u dhaqaajiya. [Dhanka hoose ee qoraalkan ayaan kaga hadli doona waraaqaha dhakhaatiirta ee oo aan hayno nuqulkooda.]

Hadaan soo aruurino hadalkaan, waxaa noo soo baxaysa cadaalad darada ka jirta Hargaysa iyo u qalmin la'aanta xilalka dadka ku magacaaban, arinta Samsamna inay Hargaysa oo dhan gaadhay laakiin ay noqotay "gacmo geel jire oo kor loo mayray" Samsamna ay u rahmantahay danbiga laga galay, waayo hadii lasii dayn lahaa waxaa baaraya dhakhaatiir madax banaan sidaa daraadeed waxaa soo baxaya wixii la qarinayey oo laga been sheegayey, marka waa inay danbiga loo gaystay madax furasho loogu haysto, sidoo kale waxaa cad inaysan ku qanac sanayn xukumida Samsam ay xukumeen kuna sii dayn doonaan xeer jajab, taasoo kuu caday naysa in Samsam dusha laga saaray danbi aysan lahayn laakiin si loo ilaaliyo Sumcada dhulka taal ee dhiriqaysan ee Maamula SL ayaa waxaa danbi dusha looga tuuray gabadhaas si loogu ekaysiiyo kiis jira iyo qof danbiila ah, waxaana la isku raacay in kaligii talis nimada ka jirta Hargaysa aysan Soomaaliya horay usoo marin waligeed xataa xiligii Siyaad Barre inay Hargaysa Buro sido, waxaase layaab mudan sida giraanta ay u soo galeen Salaadiinta SL taariikhdana ay ugu gashay magac xumadaa siiba Caaqil Cismaan, waxaase war ku idil yahay shalay masoo noqo nayso laakiin waa taariikh qoran.


Axmed Siciid Cige:
Shalay  | Maanta

Waxaa iyana Xusid mudan Axmed Siciid Cige oo shalay ahaa wariyaashii qaranka Soomaaliya ay soo taba bartay gaarayna illaa heer qaran, illaa hadana lahayo  isagoo ka war bixinaya OKTOOBAR-radii Siyaad Barre oo hadlaya ugu yaraan shan saacadood oo xiriira oo aan kala go' lahayn, illaa dadka qaar ka yiraahdaan malaha wadnaba kuma jiro, hadana Maanta isu badalay mid xag jira, inagoon ku dheeraanayn hadalkiisa, waraysiga uu qaaday waxaa cad inuu uga gol lahaa inuu ku hujuumo kuna cabsi galiyo ama dadka ku jeediyo Qolyaha xuquuqul Insaanka Hargaysa waraysigiisiina wuxuu uun ahaa war saxaafadeedkii oo laga sii daayey BBC-da sida ku cad warsaxaafadeedka MK waxba kuma kala duwana [Shirkii Jaraa'id ee 19/12/2004 uu MK ku qabtay Hargeysa oo ay goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaalada Somaliland, mudane Axmed Xasan Cali "Casoowe" iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle], halka dhowr iyo tobanka su'aalood oo uu waydiiyey Yaasiin laba qura Samsam ka qusaysay inta kalena loogu dhaaranayey Xuquuqul Insaanka Hargaysa si aysan mar danbe arintan oo kale uga hadlin, mana ahan Saxaafada Hargaysa mid ku ceeba inay garab istaagaan Maamulkooda oo waad arkaysaan sida uu'u hadlayo Cige iyo qaar ka mida warbaahinta Hargayasa, waadna arkaysaa sida uu Yaasiin abaal gud uga dhigay amaan kaalintay ka qaateen caburinta arinta Samsam, dad badana waxay filayaan in BBC-du ka fiirsan doonto Cige, waraysigana mar labaad ku soo celin doonto, ugu danbaytii waxaan akhristaha sharafta mudan u daynaynaa bal inuu nala qiimeeyo arintan.

RAAQIYO OOMAAR OO KU CELISEY IN "SAMSAM SHEEGTAY IN LA KUFSADAY":

Kaddib markii aan qoraalkaan daabacnay, isla mar ahaantaasna soo daabacnay waraqihii dhakhaatiirta ee maxkamadu ku banaysatay xariga Samsam (hoos ka akhri), ayaa Axmed Siciid Cige waraysi hal-haleel ah la yeeshay Raaqiya Cabdillaahi Oomar oo madax ka ah hay'ada African Rights, Raaqiyo oo mar labaad cadaysay in 'Samsam sheegtay in la kufsaday":
Dhegeyso waraysigii: 
Dhegeyso Halkan | ama Dhegeyso Halkan.
Jawaabta waraysigaas cusubna akhristayaasha ayaan u dhaafnay, hadana aan u gudubno qoraanka intiisa kale...

Haddii aan dib ugu laabano arinta meesha taal oo ah in ay xabsiga Hargeysa kujirto gabar da'yar oo Agoon ah, gabadhaas oo lagu soo eedeeyey in ay haybteeda been ka sheegtay iyo in ay shirqool iyo basaasnimo la maaganayn MK. Hadaba qormada hoose ayaan ku faahfaahineynaa labadaas qodob ee Kufsiga iyo Basaasnimada:.

Waraaqihii Dhakhaatiirta Hargeysa ee Maxkamadu Ku Banaysatay Xukumidda Samsam

Kufsiga:::

WARAAQIHII DHAKHAATIIRTA HARGEYSA

Warqadda Cisbitaalka Guud ee Hargeysa... Guji...


Waraaqaha kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada... Guji...

15kii December 2004 ayey ahayd markii C/raxmaan Jaamac Hayaan oo ah guddoomiyaha maxkamada Hargeysa uu maxkamadaas ka sheegay in Samsam Axmed Ducaale lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. Waxana uu sheegay in hal-sano loogu xukumay "been ka sheega haybteeda", afar sanona loogu xukumay "basaasnimada". haddaba waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqulka qaar kamid ah waraaqihii uu qaadigaasi u adeegsadey maxkamada si uu dembi ugu caddeeyo Samsam. Warqadahaas oo aan la tusin Samsam, ehelkeeda iyo Looyaradii u doodayey midna.

Waraaqahaasi oo ka soo baxay dhakhaatiir hoostaga maamulka Hargeysa, waxa ay muujinayaan in Samsam la kufsaday, waayo waxaa laga buuxiyey foomka gabdha la kusaday, iyo in ay labada Bowdo kaga yaaleen nabaro xagtimo cusub ah.

Mid ka mid ah waraaqahaas oo sida ku cad kasoo baxay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa [Email: bile63@hotmail.com], waana waraaqaha laga buuxiyo gabdhaha la kufsaday. Waxana warqadaas cinwaankeedu yahay "CADEYN-KUFSI". Warqadaas oo sida ku qoran markay taariikhdu ahayd 9/09/04 loo diray Taliye ku-xigeenka xabsiga G/Hargeysa (Taliyahana loo gudbiyey 11/09/04) [Tixraac#: HGH/443510-2/04 ee 09/09/2004]. Waxay muujineysaa in magaca gabadhu uu yahay Samsam Mohamed Ahmed (waa Samsam Axmed Ducaale, waana meesha uu qareenka maxkamadu ku bannaystay in ku xakumo halka sano oo kamid ah shanta sano, taas oo uu ku tilmaamay in ay haybteeda qarisay). Waxa warqadaas ku cad in Waqtiga Kufsigu dhacay ay markaas ka soo wareegtey 3-4 toddobaad (markaas oo taariikhdu ahayd 9/09/2004, waxaana Samsam guriga Axmed Yuusuf yaasiin laga xiray 15/08/2004).. Warqada meeshii ku haboonayd laguma muujin hubka loo adeegsadey iyo Haddii ay taqaan cida kufsatay iyo Tirada dadka falka geystey iyo meesha uu kufsigu ka dhacay. Waxaase warqada lagu muujiyey inta laga joogo mudadii kufsigu dhacay oo markaas ahayd in kabadan 48 saacadood. Waxaana warqadaas dhankeeda hoose ku qoran sidan: "Qodobka 3aad, Qodobka 4aad iyo Qodobka 6aad, waxa buuxinteeda leh booliska".

Warqada labaad waxay ku qoran tahay TEEB, sida ku cadna waxay kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada ee Hargeysa [Email: mohealth@telesom.net], teeriikhda ku qorana ay tahay 21 Oct 2004 [Tixraac#: MOHL/1120/4.00/04 ee October 21, 2004]. Warqadaas Qodobkeeda 4aad waxa uu u qoran yahay sidan:
"LUGAHA: Waxa labada Bowdo kaga yaalay nabaro xagtimo cusub ah oo kuwa lugta bidixdu ay qoloftiiba lahaayeen, waana xagtimo Samsam samaysmay muddo aan ka badnayn todobaad ama ugu badnaan laba todobaad gudahood."

Waxaa la ogyahay in ay Samsam Axmed Ducaale maxkamadaas ka sheegtay in ay kufsadeen 6-nin oo katirsan ciidanka nabad sugidda ee loo yaqaan "CID". Taas oo ay Samsam maxkamada ka cadaysay 24/11/2004, isla maalintaas ayaa xabsiga loo taxaabay qareemadii difaacayey, in kasta oo mar dambe la soo daayeye Qareenadii. Sidoo kale Samsam maxkamada Hargeysa markii lakeenay waxay garatay nin sarkaal ah oo ka tirasan "ciidanka dembi baarista" ee loo yaqaan CID,  kaas oo ka mid ah kuwii kufsaday, ninkaas oo maxkamada kasoo jeedinayey in ay 'qiratay shirqoolka'. Arintaas oo ay Samsam diidey in ay maxkamada ka hor qirato.

Samsam Axmed Ducaale marna ma sheegin in ay istcimaashay magac kale ama sheegatay magac kale, sidaas waxaa maanta shaaca ka qaaday Raaqiyo Oomaar. Sida ka muuqata waraaqaha dhakhaatiirta Hargeysa waxaa ku qoran Samsam Maxamed Axmed, magacaas oo aysan marna sheegan Samsam sida ay waraysiga maanta (21/12/2004) ku sheegtay Raaqiyo: .. 
Dhegeyso Halkan | ama Dhegeyso Halkan.

Hay'adaha xuquuqda aadamiga u dooda waxa ay maamulka Hargeysa marar badan weydiisteen in Samsam loo ogolaado dhakhaatiir caalami ah oo aan hoos iman maamulka, laakiin sida ay cadaysay Amnesty International wax dalabkooda ka hoos qaaday ma jirin, maxkamada sidaas ayaa Samsam lagu saaray oo loogu xukumay shan sano oo xabsi ah.

XUKUNKA MAXKAMADA HARGEYSA::

Qaabkii maxkamada Hargeysa u dhacday waxaa soo koobay sawir gacmeed uu soo saaray Amiin Caamir. Eeg sawir gacmeeedka oo weyn
Xuquuqda sawir gacmeedkan waxaa leh Amiin Caamir:

Basaasnimada:::

Samsam ma aysan Gelin Guriga Axmed Yuusuf Yaasiin::

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka u dooda xuquuqda aadamiga ee loo yaqaan African Rights ayaa shaaca ka qaaday in askartii waardiyaha ka ahaa guriga madaxweyne ku xigeenka "Somaliland" maalintii ay Samsam halkaas tagtay in ay caddeeyeen in Samsam aysan gurigaas gelin.

Waxana ay African Rights aad ula yaabeen, ugana murugoodeen xabsiga lala beegsaday gabadha da'da yar, Samsam Axmed Ducaale, oo 5 sano oo xarig ah ku mutaysatay guri ay ku khaldantay iyo weliba kufsi.

Raaqiya Oomaar oo qoraalka African Rights ku saxiixanayd waxa ay sheegtay in haba yaraatee aan la soo bandhigin wax cadaynaya dembi ay gashay Samsam... Maxkamada horteedana marna Samsam kama ay qiran in ay wax dembi ah gashay.
hargeysa
BEERTII XORRIYADA, HARGEYSA  

Warsaxafadeedka oo soo baxay 16 December 2004 (maalin ka dib xabsigii shanta sano ee Samsam lagu xukumay) ayaa sheegay in dacwada lagu oogey Samsam ee ku saabsan xiriirka Ittixaad in lagu saleeyey Jilbaabka ay xirnay, taas oo warsaxaafadeedku sheegay in kala-bar dumarka Somaliland ay xirtaan.

Waxaa la sii daayey wadihii gaariga ee Samsam ka soo qaaday Boosaaso keenayan Hargeysa, taas oo muujineysa in Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, qareenka maxkamada Hargeysa, uusan xukunka u ridin wax la xiriira xagga sharciga maxkamada, balse ay arintu tahay mid siyaasadeed, ayey tiri Raaqiyo, taas oo meesha soo gelineysa su'aal ah in cadaadis toos ah ama mid dadban lasaaray qareenka, Hayaan, ayey kusii dartay.

Warsaxaafadeedku waxa uu yiri: Waxaa la ilaawey xuquuqdii ay lahayd gabadha da'da yari..

Raaqiya Cabdillaahi Oomar, Hargeysa: Tel: Mobile (252-2) 428-330 ama (252-2) 30-2500

Sidaas darteed majiraan wax cadayn ah oo muujinay basaasnimo iyo shirqool ay wadey Samsam, agoonta 16-jirka ah, oo ay maxkamada Hargeysa soo bandhigtay.

Nin dhallinyaro oo akhriyey warsaxaafadeedkii ugu dambeeyey ee Raaqiyo Oomaar kasoo saartay Samsam ayaa yiri: "Waxaan aad ula yaabay gadgadoonka maxkamada Hargeysa oo markii ay weydey wax cadayn ah oo ku aadan siyaasiyiinta Puntland ay eed Samsam uga raadisey in ay lug ku leedahay Al-Itixaad, taasi waxa ay ka dhigan tahay Shimbiraale Al-itxaad ayaa isku urursaday oo xarumo ka samaystay sannadkii 2001."

Qoraa kale ayaa yiri: "Wax akhrintu waa asaaska aqoonta qofka, waana tilmaanta sharafeed ee diyaarsanaanta shakhsiga, hogaan ahaan iyo dadnimo ahaan. Xilka uu waaridku ilmihiisa iska saaro waxaa ka mid ah inuusan dhalaanku kolka uu kobco noqon ummi, taasna waxaa loo maraa in la geeyo goobaha waxbarashada, waa dadaalka ay ubadku goorta ay garaad-sadaan ay waalidiintooda uga duceeyaan.".

Xigmada labada qormo ee akhristayashaas ku jirtaa waxay tahay in dhulka Soomaalidu degto madaxdoodu ay sannadihii 2001-2003 ku mashquul sanaayeen in ay dunida kale ku beer laxawsadaan kelmedaha ah: dadka aan xukuno ayaa  "argagixiso ah", waxaana taas jawaab waafi ah ka bixiyey Prof. Ken Menkhaus. Markaas ayaa madaxdii Soomaalida intooda wax akhrisa ugu dambeysey sheegashadaas. [Hoos ka akhri qaar kamid ah arimaha laga qoray Soomaalida 2001-2003].

menkhaus
Prof. Ken Menkhaus:
U.S. policy-makers should avoid an over-reliance on information from the Ethiopian government, since it has a vested interest in exaggerating al Ittihad activities in order to receive assistance in combating the group. They should also mistrust rumors from Somalis. Excessive reliance on local groups willing to fight al Ittihad must be avoided, because most of these groups are probably more interested in continuously receiving U.S. resources than actually eliminating terrorist threats. ... More... [November 27, 2001]

"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". www.ceip.org/files/events/AfricaTerror-summary.asp


Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?

  • Weriyayaal isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo Booqday Boosaaso iyo Shimbiraale. Kuma arag wax urur argagixiso oo xarun ku leh Shimbiraale.. Xataa kuma arag raad shimbireed....
  • Waxaa caddaatay in wax argagixiso la yiraahdo aysan joogin Shimbiraale, taas oo burisey hadalkii Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in goobtaas joogaan urur Argagixso ah...

Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaji (Ingiriis)

Maxamed Xaji & weriye Simon Scott | Shimbiraale, Bariga Boosaaso


Shimbiraale (oo ah meel lagu tilmaami jiray inay argagixisadu joogto)

Bishii December ee sannadkii 2001 ayaan cagta soo mariyey gobollada Puntland.

Ugu horreyntii, Col. Jaamac Cali Jaamac ayaan ku waraystay magaalada Boosaaso.

Col. C/llaahi Yuusuf, waxaan isaga kula kulmay hotel Meereysane oo ku yaalla magaalada Garoowe, halkaas oo uu deggenaa intii uu ku sugnaa gobolka Nugaal. Waqti duhur ah oo qorraxdu kulushahay ayaan u tagay, iyadoo ay ahayd maalin Ramadaan ah.

Intaanan soo gaarin Garoowe, waxaan soo booqday meesha la yiraahdo Shimbiraale oo 30km dhinaca bari ka xigta Boosaaso xeebta badda cas. Waa meel lagu tilmaami jiray inay ahayd xarun argagixiso, hase ahaatee waxay ahayd meel dalxiiska ku wanaagsan oo aan strategically ku fiican in ciidamo ay degaan.

Labada nin ayaa is weydaarsanayey cambaareyn siyaasadeed, iyadoo midba midka kale ku eedeynayey inuu argagixisada siiyo gacan iyo gabbaad. Waxay eedeyntaasi ka dhignayd dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi oo soo gaara waqtigan, labada nin-na waxa ay hadda kala taagan yihiin meeshii ay kala taagnaan jireen Cali iyo Caydiid 1991-92.

Iyadoo maanta la xusayo sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay September 11 oo ahayd markii Al-Qaacida ay weerar ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington oo ay qarxisay daarihii mataanaha ahaa (twin towers) iyo xarunta Pentagon, xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com  

Waxaa dunidu ogaatey in iska dhaaf in bini aadam uu xeryo ciidan ka samaystay'e in xataa laga waayey raad shimbireed.....

SOMALITALK | Sept 12, 2002


2001-2003: Warbaahinta Adduunka oo Lagu Casumey inay Booqdaan Soomaaliya

Madaxweynihii hore dawladii kumeel gaarka ahayd, Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu si weyn dunida ugu soo bandhigay in gudaha Soomaaliya aysan ka jirin wax loogu yeero "Argagixiso".


Booqashadii C/Qaasim ee Liibiya | Shabakada Dalka

Bishii Octobar 19keedii sannadkii 2003 mar uu C/Qaasim booqday Liibiya oo wax laga waydiiyay argagixisada hadda ka hor lagu tilmaamay meelo ka mid ah Soomaaliya madaxwayne Cabdiqaasim waxa uu sheegay in intii ka dambaysay 1995 tii markii UN-ka iyo Maraykanka ay kasoo baxeen Soomaaliya wararkii laga bixinaayay dalka ay ahaayeen kuwa ay gudbiyaan Itoobiya Iyo niman gacan saar la leh oo ay ku sheegayaan inay saldhigyo argagixisadu ku leeyihiin Shimbiraale, Gedo, Xamar iyo Raaskambooni hase yeeshee DKMG ah markii ay dalka ku casuuntay warbaahinta reer galbeedka iyo wafuud Maraykan ah ay caddeeyeen in aysan Soomaliya ka jirin wax saldhig ah iyadoo hadda ka hor laba sano ciidammada reer galbeedka iyo marakiibtooda dagaalka ay ilaalo ka hayaan xeebaha Soomaliya ilaa iyo haatanna ayna jirin wax raad ah.


Itaxaadka iyo aragtida Siyaasiyiinta Soomaalida.

Madaxda Siyaasadda Soomaalida siyaalo kala duwan ayey uga hadleen Itaxaadka, walow siyaasiyiinta Soomaalida aan la kala garan karin wax ay caqiido ahaan u rumeysan yihiin iyo waxa ay ku dangaara isleeyihiin.
BAARIS: ITAXAADKA SOOMAALIYA.. GUJI...


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004 | Updated::: 21/12/2004

Isha Qaar kamida Sawirada: Google & Yahoo Images

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD