SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ZAMZAM
Daabaco Boggan | Print


AMNESTY INTERNATIONAL OO MAR LABAAD KU BAAQDAY IN SI DHAQSO XABSIGA LAGA SII DAAYO GABDHA 16-JIRKA, SAMSAM AXMED DUCAALE,

"Gabadha 16-jirka ah ee lagu xiray xukunka caddaalada ka fog waa si dhaqso loo sii daayaa..." Amnesty International...

  •  Samsam maxkamada Hargeysa markii lakeenay waxay garatay nin sarkaal ah oo ka tirasan "ciidanka dembi baarista" ee loo yaqaan CID,  kaas oo ka mid ah kuwii kufsaday, ninkaas oo maxkamada kasoo jeedinayey in ay 'qiratay shirqoolka'..."
  • Samsam waxaa xabisga lagu saaray cadaadis si ay uga laabato hadalak ah in la kufsaday, laakiin taas Samsam waa diidey in ay ka laabato...

Warsaxaafadeed maanta (17/12/2004) kasoo baxay hay'adda udooda xuquuqda aadamiga ee 'Amnesty International' ayaa sheegtay in Xariga Samsam Axmed Ducaale uu yahay mid caddaalada ka fog, "waana in sida ugu dhaqsaha badan xabsiga lagasiidaayaa ama xukun cadaalada la saaraa Samsam Axmed Ducaale" ayey ku baaqday hay'adu.


UK Parliament:::


Canada Parliament:::


Australia Parliament:::


USA Senators:::


Italian Parliament:::


The Hague, Netherlands: International Criminal Court

Samsam Axmed Ducaale [Zamzam Ahmed Dualeh], oo 16-jir ah, waxaa 15kii August 2004 laga xiray guriga Axmed Yuusuf Yaasiin, waxayna maxkamad Hargeysa la saarayey ilaa 4tii Octoobar taas oo dhawr jeer maxkamadaas dib loo dhigay. Waxaana Samsam lagu soo oogey basaasnimo, dacwadaas oo hay'adda Amnesty ay ku tilmaantay mid aad uga fog caddaalada.

Samsam waxaa lagu xukumay 5 sano, waxaana la sii daayey Cumwar Jaamac Warsame [Omar Jama Warsame], oo ah taxi-wadihii lala xiray Samsam.

Hay'adda Amnesty oo faahfaahineysa qoraalkeeda waxa ay tiri "Samsam Axmed Ducaale keligeed ayaa looga tegey in ay is difaacdo bilowgii iyo dhammaadkii dacwadaas. Hay'adaha xuquuqda u dooda ee degaanka ayaa diyaariyey afar Qareen oo u dooda, laakiin markii ay weydiisteen in kiiska uu ka noqdo Qareenka ku mudacayey ayaa Afrtii Qareen la xiray, in kasta oo mar dambe la soo daayey.

Intii dacwadu socotey Samsam waxa ay sheegtay in la kufsaday, iyo in la ciqaabay. Waxana ay sheegtay in aan waxba ka jirin dacwada lagu soo oogey.

Dacwada caddaalad daro ah:

Hay'adda oo hadalkeeda sii wadata waxa ay qortay: Amnesty International waxay dacwadaas u tixgelineysaa mid si waxashnimo ah uga fog caddaalada, dacwadaas oo aan lagu soo ban-dhigin wax cadayn ah oo muujinaya basaasnimo ay ku dhaqaaqday Samsam. Taas oo weliba Qareenkii ku mudacayey Samsam uu waxba kama jiraan ka soo qaaday hadalka Samsam ee ah in ay kufsadeen lix kamid ah ciidanka dembi baarista ee loo yaqaan CID [Criminal Investigation Department] iyo in ayada la ciqaabay.

Amnesty waxay tiri: Waxaa Samsam maxkamada lagu saaray sidii qof weyn, laakiin waraaqaheeda aqoonsigu waxay muujinayaan in ay 16-jir tahay, sidaas daraadeedna adduunka looga aqoonsan yahay ilmo ilaa 18-jir. Maxkamadaasi waxay sheegatay in Samsam 17-jir tahay. Toddobaadyadii ugu horeeyeeyey xabsigaeeda  waxaa Samsam lagu xiray xarunta booliiska, kaddibna waxaa loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa, xabsiga dadka waaweyn.

Amnesty oo hadalkeeddii sii wadata waxay tiri: Laba warbixinood oo ay qoreen dhakhaatiirta xukuumada ayaa lagu sheegay in Samsam Axmed Ducaale la baaray in la kufsaday, warbixinaadaas oo maxkamada laga sheegay laakiin waraqahaas lama siin difaacayaasha Samsam. Waxayna hay'adu intaas ku sii dartay in la weriyey in Samsam ay cadaadis saareen saraakiil katirsan xukuumada iyo kuwo kale oo ku booqday xabsiga si ay uga laabato sheegashada ah in la kufsaday iyo in la ciqaabay, laakiin ay Samsam arintaas diidey - waa diidey in ay ka laabato. Maxkamada markii lakeenay waxay Samsam garatay nin sarkaal ah oo ka tirasan CID, kaas oo ka mid ah kuwii kufsaday, ninkaas oo maxkamada kasoo jeedinayey in ay "qiratay shirqoolka".

Wax jawaab ah oo Laga Waayeey Maamulka Hargeysa

Hay'ada xuquuqda u dooda ee Amnesty waxa ay intaas ku dartay in ay wax jawaab ah ka weydey "xukuumada" Hargeysa kaddib markii ay warqad u direen wasiirka "caddaalada", warqadaas oo ay hay'addu ku weydiisaneysey in uu arinta Samsam si degdeg ah wax uga qabto oo ah in la siiyo xuquuqdeeda carruurnimo iyo in uu wax ka qabta Qareenka diidey in uu baaritaan ku sameeyo kufsiga iyo ciqaabta ay Samsam sheegatay in loo geystey iyo xabsiga la xiray qareenadii u doodayey Samsam.

Si loo xushmeeyo dhawritaanka xuquuqda carruurnimo iyo in la xaqiiqsado in ay Samsam hesho daryeel caafimaad, waxa ay Amnesty si rasmi ah qoraal markii ugu horeysey arinta Samsam uga soo saartay 30kii November, qoraalkaas oo weydiisanayey in Samsam xabsiga laga sii daayo.

Amnesty International waxay weysiisatey in arinta Samsam lagu sameeyo baaritaan maadax bannaan, gaar ahaan baarintaanka ay sameeyaan dhakhaatiir khibrad u leh arintan oo kale [kufsiga iyo ciqaabta] iyo khubaro caalami ah, arintaas oo waafaqsan habka caalamiga ah. Baaritaankaas wixii ka soo baxana maxkamad la hor keeno. Haddii kufsigaasu caddaado in cidii ka dambeysey maxkamad la soo taago oo la mariyo ciqaab u dhiganta falkaas foosha xun, Samsamna magdhaw ku haboon la siiyo.

Amnesty International waxa kale oo ay ka welwelsan tahay maxkamada Hargeysa oo ku guul daraysatay in ay dhawrto qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan in la helo xukun cadaalad ah iyo in aan maxkamada la hor keeni karin akhbaar qofka lagaga soo dhiraandhiriyey ciqaab, hab bini-aadamino ka bax ah, sharaf dilid, si xun ula dhaqamid, iyo in qofku lahaado qareen difaaca, qareemo awood u leh in ay gutaan xirfadooda ay qofka ku difaacayaan ayagoo aan la is hor taagin, la carqaladayn, iyo in maxkamaddu ay ahaato mid aan dhinacna u xaglinayn.

ISHA:

Amnesty International
http://web.amnesty.org/library/index/engafr520052004

Amnesty International, UK:
http://www.amnesty.org.uk/news/press/15826.shtml 

QORAALKII AMNESTY EE 17/12/2004 HOOS KA AKHRI:::

AMNESTY INTERNATIONAL

Public Statement

AI Index: AFR 52/005/2004 (Public)
News Service No: 323
17 December 2004

Somaliland: 16-year-old girl jailed in grossly unfair espionage trial should be released or re-tried
Zamzam Ahmed Dualeh, sentenced to five years’ imprisonment on 15 December 2004, with the main charge being "procuring information regarding the security of the state", should be released immediately - or a re-trial, under conditions meeting international standards of fair trial, should take place as soon as possible.

Zamzam Ahmed Dualeh, aged 16, was arrested on 15 August at the Vice-President’s house and has been on trial since 4 October with several adjournments. She was alleged to be obtaining secret information about the Vice-President’s house on her visit to Hargeisa from Puntland, which is almost at war with Somaliland over disputed border regions. She denied the charge before the regional court in Hargeisa, the capital of Somaliland.

She was sentenced to four years’ imprisonment on the main charge and an additional one year’s imprisonment for making a false statement to police about her identity, making a total of five years’ imprisonment. An appeal is being submitted. Her co-defendant, Omar Jama Warsame, a taxi-driver who was arrested and charged with her, was acquitted.

Zamzam Ahmed Dualeh was left to represent herself at both the start and the end of her trial. Local human rights defenders arranged for four lawyers to defend her but after they asked the judge to withdraw from the case as a result of alleged bias, the judge jailed all four defence lawyers for four years for "insulting the judge". They were freed on appeal on 11 December, when their sentences were reduced to one year’s imprisonment or a fine, which they paid.

During her trial, she complained that she had been raped and tortured by police. She denied prosecution allegations that she was involved in a conspiracy with a clandestine Islamist "terrorist" group from the neighbouring Puntland Regional State of Somalia.

Unfair trial

Amnesty International considers that her trial was grossly unfair and produced no evidence to substantiate the serious charge of espionage affecting the security of the state. The judge summarily dismissed her allegations that she had been raped by six police officers from the Criminal Investigation Department (CID) officers and tortured.

She was tried as an adult, even though her identity card specifies her age as 16 years, thus a child under the internationally-recognized limit of 18 years. The court claims she is 17. The judge reportedly said that the maximum sentence of ten years’ imprisonment was reduced on account of her age. After the first weeks of being held incommunicado in police custody, she has been detained in Hargeisa Central Prison (a prison for adults), where she is allowed visits.

Two reports and testimony by government doctors, said to have assessed Zamzam Ahmed Dualeh’s rape allegations, were provided to the court but not made available to defence counsel. She was reportedly pressured by various government officials and others visiting her in prison to withdraw her rape and torture allegations, on promise of release, which she refused to do. In court, she identified one of the alleged police rapists, a senior Criminal Investigation Department officer, who was giving evidence for the prosecution and claimed she had "confessed" to the alleged conspiracy.

No reply from the government

Amnesty International has received no reply to its letter to the Minister of Justice asking for urgent action on concerns about Zamzam Ahmed Dualeh’s rights as a child, the judge’s failure to institute formal investigations into the rape and torture allegations, and several fair trial issues, including the imprisonment of her defence lawyers.

In order to uphold the principles of child rights protection, and also to ensure that she has all necessary medical treatment, Amnesty International on 30 November, publicly requested that Zamzam Ahmed Dualeh be provisionally released, rather than detained in an adult prison for a prolonged and indefinite period.

Amnesty International requested that a fully independent and impartial inquiry be established during the trial into the rape allegations, in particular, including one or more medical professionals experienced in rape investigations, bringing in international expertise as needed. It requested that, in accordance with international standards, the findings of the inquiry be provided to the court, including defence counsel; and, if the allegations were substantiated, those alleged to be responsible for this serious crime be tried in accordance with procedures which meet international standards of fair trial, and Zamzam Ahmed Dualeh adequately compensated.

Amnesty International also expressed concerns about the failure of the court to respect international standards of fair trial, particularly the non-admissibility of statements obtained as a result of torture or other cruel, inhuman or degrading treatment; the right to legal defence representation; the right of lawyers to perform all of their professional functions without intimidation, hindrance, harassment or improper interference; and the right to trial by a competent and impartial court.

Source:http://web.amnesty.org/library/index/engafr520052004

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD