SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Axmed Siciid Cige oo La Degay Sumcaddii BBC-da

Cabdi Xasan Somalitalk/ Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Idaacadda BBC-da oo in kabadan nus qarni dhegaha Soomaalida si darandooriya ugu socotay, dad badanina ay u haystaan in warkeedu waxooga ka macquulsanyahay kuwa badan, islamarkaana tababaro badan u fidisa wariyaal badan oo ku soo biiray saaxadda saxaafadda muddoyinkan aynu ku jirnay dagaalka ahliga ah ee lagu hoobtay ayaad marar badan waxaad arkaysaa in si aan sinnayn wariyaal qarkood warka udhigaan. Yoonis Cali Nuur mar aan waydiiyay su'aal ahayd intaas tababaro ayaad wadaan hanti badanna way ku baxdaa, haddana iska daa kuwaad wax barayseene idinkii ayaa la leeyahay waxay u baahan yihiin tababar oo wariyaashiinna muddoyinkan waa laga cawdaa? Yoonis oo runtii u muuqday qof degan oo garawsanaya xaqiiqda jirta ayaa yiri: ogow Cabdow dhulka iyo dadkuba waa Somalidaan ka dhalanay oo wax walboo la sheego, haddana bahashii cudurka ahayd ee qabiil ayaanu dadkii ka dhayi la,nahay, saasoo tahayna waxaanu isku daynaa intii karaankayo ah inaanu isu dheelitirno wararkayaga oo aanu qaadan mid dhan u xaglinaya.

 

Axmed Siciid Cige
Axmed Siciid Cige oo runtii milgihii saxaafada meel uga dhacay isla markaana la degay inaba haddiiba ay jirtay xushmad loo hayay idaacaadda BBC-da laanta afsoomaliga marar badanna si aan gabbad lahayn warka ugu xagliya rajiimka Hargaysa oo aad moodo inuu yahay af hayeenkii "dawladaas". Haddaan wax ka xusno dhacadadii u dambaysay ee ka dhacday hoolkii lagu xalaalaysanayay dhibkii loo gaystay dhibane Samsam Axmed Ducaale, waxuu Axmed Siciid Cige si aan gabasho lahayn ula saftay oo intii karaankiisa wax walba u qurxiyay hadaladii kooxda xoogga ku haysata Samsam; waxuuna busta huwiyay waxii inaba dhanka dhibanadaas yar ku saabsanaa sida waxii ay madasha ka yiraahdeen garyaqaanadii iyo hay'adihii xuquuqul insaanaha, kuwaasoo ku tilmaamay inaan meesha waxgarsoore ka jirin balse meesha laga yeeriyay go,aan dad sare soo gaareen. Maxkamad ummaddi aan tusin aalaadii gabadhaas yar wax ku dili lahayd, markhaati cad na aan la horkeenin, maxkamad qof dambi intaas le,eg lagu soo oogay kuwii kufsiga u gaystay oo haddana ku mudacaya in la yiraahdo maxkamad ay go,aan ka gaartay waxaana lagu helay basaasnimo waa wax ka baxsan milgaha iyo karaamada inta qalinka u qaadata saxaafaada madaxbanaan. 

Qaybka kamid ah shaqaalaha BBcda Afka Soomaaliga kuhadasha:  Kabilow midig: Cabdinuur Shiikh,  Cabdisalaam Hareri, Yuusuf Garaad, Aaden Nuux iyo Faaduma
Sawirka: BBC world Service

Waxaase mudan in la xuso wariyahii markaas fadhiyay istuudiyaha xarunta ee london, oo malaha maankiisa geli wayday sida Axmed Siciid Cige warka u dhigayo iyo miisaanka kiiska meesha yaal. Wariyahaase mahadi haka gaadhee waxuu isticmaalay intii uu awood ku lahaa oo malaha uga banaanayd inuu hordhaca Axmed siciid Cige ka hormariyo labo kelmo oo Xambaarsan xikmad wayn oo ah in meeshaas gaban yar lagu dhibayo-waana hadalka ahaa Somaliland oo gabar yar xukuntay.

Axmed Siciid Cige oo intaan saxaafadda madaxa banaan shaaca ka qaadin dhibka loo gaystay Samsam, wax war ah ka dirin ayaa markii ay arini meel xun gaartay u istaagay inuu si gabasho la,aana u hadalka ugu xagliyo adeerrkiis Axmed Yaasiin oo ay jufo hoose isla yihiin. Taasoo meesha ka saaraysa sheegashadii BBC-da ee ahayd waxaan isku daynaa intii karaankayo ah inaan war dhexdhexaadnimo ah dadka ugudbino.

Waxaa su'aashu tahay Samsam halsano waxay ku mutaysatay wax lagu sheegay been sheegid, maxaa sidoo kale been sheegid loogu oogi waayay taliyihii dhammaa ee booliska oo maalin cad BBC-da ka yiri Samsam waa naag wayn oo 20jir-ah lana qabo. Qaran newsna maalintii xigtay soo qortay in Samsam Soddoh tahay oo wixii la sheegayay oo dhan been ahaayeen.


Amnesty International oo Qoraal labaad ka soo saartay Xaalada Samsam... Guji...
| 17/12/2004

Suxufiyad Soomaaliyeed ayaa lagaa hayaa Qalinku rabaayad ma galo. Qoraa kale ayaa isna laga hayaa Samsam waxaa laga galay dembi dhaqan, mid diineed iyo mid dadnimoba laga galay. Kuna maxbuusan edeg yar oo ka mid ah kuwii lagu xidhi jirey dulmanayaashii reer Hargeysa waagii uu waddanka ka talin jirey xukunkii Kacaanku. “ninkii nool adduunkow maxaa aragti kuu laaban”

Ficilada Axmed Siciid Cige, iyo wariyaasha nooga yimaada London oo tababarada wata kuna dhiirigiliya suxufiyyinta cusub inay ka waantoobaan qoraalada dhanka u janjeera, waxaad moodaa inayan isqaban oo arrinku wuxuu yahay Geela aarankiisu diday ubadkiis amaxaa moodaa. 
 
Cabdi Xasan Somalitalk/ Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2004

Sawirada: Google Images & Yahoo Images Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD