SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
Daabaco Boggan | Print


"Eebow ha iilin Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib, nagana sii agtaada Naxariis, adiga unbaa bixin badane": Suurat Aali-Cimraac, Aayada 8aad.. Halkan ka dhegeyso...:::
Suurada Aali Cimraan oo Dhamaystiran Halkan ka dhegeyso... [Mahmood Khalil Al-Husari ]
  • Qalinka Rabaayad Ma Galo .... Saida Sheikh Ahmed ( VIP)
  • URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED EE NORWAY WAA URUR KU DAYASHO MUDAN. :: Ayaan Yaasiin
  • "Ururka Haweenka Soomaliyed ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan( PMV) oo Noqday Kooxo u adeega Masiixiyiinta iyo Ayaan Xiri Haweenayda Ridowday" Qays Maxamed Cabdulaahi
  • OSLO, NORWAY: Qaar ka mid ah  wadaadadda Soomaaliyeed ee Oslo oo ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo ku tilmaamay urur la shaqeeya kaniisadaha:: Saida Sheikh Ahmed ( VIP)

Qalinka Rabaayad Ma Galo ....

W/Q Saida Sheikh Ahmed VIP
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com

Qalinka, waa waxa kaliya oo ay  kaa saaran tahay mas'uuliyadu, mas'uuliyadaas oo lagaa rabo adigoon cidna ka baqayn cidna u aabo yeeleyn inaad u qaadato si daacadnimo leh. sida caadiga ah saxaafada aduun waynaha ka jirta waxa ay qalinka u qaatay in ay ku ilaaliyaan umadahooda, dalalkooda iyo diintoda iyo waxa loogu yeero danta guud oo aad muhiim ugu ah.

 Caalamka markaad eegto saxaafiyiinta caalamiga ah ama saxafadda caalamiga ah hadaan tusaale u soo  qaato BBC, CNN, Al-Jasiira iyo Al-Carabiya iyo waliba inta la midka ah, waxaad arkaysaa oo si cad kuugu muuqanaya shaqadooda runta ah adigoo waliba halkaa ay kaaga muuqanayso in ay qalinkooda ku ilaalinayn, kuna difaacaya, Xuquuqda adamiga, xorriyadda, islamarkaasna abaaraya sida dhabta iyo xaqiiqasu tahay.

 Saxaafadda oo ah runtii mas'uuliyad culus, dhibaato badana xanbaarsan, ayaa waxa ay ku faraysaa inaadan cidna ugu aaboyeelin marba hadii aad gudanayso wajibaadkaaga suxufinimo oo sharciga iyo xoriyadda saxaafadu inta ay dhowraysana aada ku taagantahay, xataa hadii ay taasi ka hor imanayso dad aad jeceshahay ama saaxiibo aad isku dheertihiin, maba qoyskaada.

Waa maxay xorriyadda saxafada ?

Xiligii la dajiyay sharciyada caalamiga ee aduunka uu wada saxiixay, waxa qodobadadii Geneve Convention, ka mid ahaa qodob dhan oo loo sameeyey xorriyadda saxaafadda , waana qodobka 19aad, oo ah mid muujinaya xorriyadda hadalka iyo tacbiiraadka qoraalka, taasoo xorriyad u siinaysa inuu suxufiga si sax ah u guto howshiisa saxaafadeed isagoo isna laga doonayo inuusan xorriyadaasi una isticmaalin siyaabo qaldan oo abuuri kara colaado iwm.

 Wararka aad soo ururinayso waa in aad ka reebto, aregtidaada amaan iyo dacaayad raqiis ahba.  xorriyadda saxaafada kuu siinayso awood buxda sharcigana uu kuu ogol yahay waxaa ka mida inaad samayso xigasho iyo waliba in mararka qaar ilaha aad ka hesho wararka xaalad amni darteed  aadan sheegin oo aad qariso adigoo dhowraya sharciyaddaas caalamiga ah.


isu dheeli tirka warka

Waxaa looga baahanyahay qoraha suxufiga ah, inuu isu miisamo, wararka badan oo kala duwan oo u isu eego uuna muujiyo aqristaha ama dhagaystaha, amaba daawadaayaasha si ay u helaan wararka aad ka soo aruurisay ilo kala duwan, kadibna aad u soo wada saarto wararkaasoo aad ka soo arurinay dhammaan ilaha bulshada ee ee  muhiimka ah sida haddii aad ka qayb gasho shay meel looga doodayo inaad xog kale ka radiso qaybaha kala duwan ee  bulshadda,  iyo dhamaan ilaha wararka gaarsiiya bulshooyinka si ay u helaan shacab waynaha xog buuxda oo dhinac walba leh oo noqon karta toosin bulsheed adigo qalinkaaga ka ilaalinaya beenta iyo lex jeclaysiga.

Hadaba biyo dhaca qoraalkaan ayaa wuxuu kusoo biyo shubaayaa waxaa safar ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway taasoo ii ahayd socodkaygii labaad kadib markii uu hada ka hor bishii september ee la soo dhaafay ay igu martiqaadeen inaan ka qaybgalo shir ururka NORSOM iyo Ururka SWO oo labadaba ka jira dalkaasi Norway waxaan ka qaybgalkii shirka kadib soo indha indheeyey magaalada Oslo si aan usoo ogaado hadii ay jiraan ilo muhiim ah oo warbixin deeri ah iga siiya xaqiiqda magaalada taasoo aan ka qoray  qoraal la magac baxay Safarkayagii Oslo iyo Nolosha Soomaalida Norway shirkaas aan u tagay ayaan ku arkay wadaado (culumo) ururo bulsheed kala duwan iyo dhamaan bulsho kala duwan balse ma helin wax feedback ad oo shaqsiyadeyda xumaynaya ama mana jirin cid ka carootay.

Hadaba, sidoo kale safarkaygii labaad ayaan ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway 19 November maalin jimco ah iyagoo ay halkaasi igu marti qaadeen ururka haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Oslo ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan Primary Health Care Workshop PMV waxaa iiga yeerey Ayaan Cabdi Qadar halkaas  xaflad looga hadlaayay gudniinka iyo mashruuc 3 sano socday oo lagu soo afjarayay halkaas, taasoo mashruucaasna loo sameeyey xaflad muusik ah oo lagu qabtay meel wayn oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 200 qof.

 Runtii anigu waan ku faraxsanahay shaqooyinka bulsho waynta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, balse waxaa maalintii 24 ka bisha November oo uu soo gabagaboobay barnaamijkaas ayaan waxaan soo aaday Garoonka diyaaradaha Oslo si aan ugu soo noqdo magaalada aan ka imid ee Brussels duulimaadkayga uu ka laabnaa 2 saacadood dartii ayaan ku dhex noq noqonahay Garoonka si aan u sugo dayuuradaydii iyadoo ay si kadis ah iigu yimaadeen koox Culimo u diin  Soomaaliyeed ah oo iga diiday xaalado amni dartood in aan sheego magacooda iyagoo ka hadlayay aragtidooda ku aadan xafladii dhacday iyo ururkii qabtay iyagoo ku tilmaamay ururka barnaamijkaas qabtay ee aniga i casumay ee PMV in ay dhaqaalaha ka helaan Kaniisadaha dalka Norway, kuna tilmaamay wax xun iyo tusaale xun.

 anigoo ka duulaya inan sameeyo isu dheelli tir xagga warka ah (Balance) oo ah inaan soo aruuriyo xoggo kala duwan taaso markaan fiirshay ay xaq u leeyihiin in ay cabiraan fikirkooda maadaama aan horey u qeexay in ay in bulshada qaybaheeda kala duwan oo culimadana ku jirto  ka mid yihiin ilaha in lasoo xigto , ayaan waxaa is raaciyay warkii culumada iyo wixii aan kusoo arkay ururkii i casumay ee ahaa dhaqadhaqaaqyo kala duwan labadii war baan saaray saxaafada anigoo ogsoon ururka wax laga sheegayaa inuu yahay ururkii i soo casumay ee Hotelka ii i jaaray ee i soo dhaweeyey.

 Balse nasiib xumo aan qalinka intaas u sheegi karin oo ay noqonayso inaad masuuliyada qalinka ka doortay tan saaxiibnimo iyadoo waliba ay tahay nasiib xumo aad u wayn in ay qaar shacabka Soomaaliyeed ka mid ah aysan wali fahamsanayn saxaafada iyo sida ay u shaqayso. saxaafadu maaha hadii lagu siiyo xataa lacago ama magac ama wax kasto inaad war aad u jeedo midna ka qaadato midna ka tagto balse ay tahay mid ay haboon tahay in ay kuu sheegto qaladkaaga si aad uga faa'iidaysato ood u saxdo hadaba waxaa mucjiso igu noqotay markaan qoray qoraalkii aan kaga hadlayay wararka labada dhinacba leh ee aan kasoo aruurshay dhinacyada badan in xubno sar sare oo ka tirsan ururka PMV Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo ay taleefonkayga soo waceen iyagoo igu caayaya inta af lagaado ku jirta afka Soomaaliga iyo waliba handadaad anigoo waliba codkii ay ii duubeen ee aflagaadada iyo handadaada ahaa gudoonsiiyay maxkamado iyo ururada u dooda saxaafada mar dhawna ku soo shaacin doona saxaafada si ay u wada maqlaan aqristeyaasha Soomaaliyeed, waxaana yaab igu noqotay horta ma waanan la maqal Freedom Of Speech ma waysan walaalahayaga Soomaaliyeed wax badan ka fahansanayn Saxaafadda ? su'aashaas jawaabteeda waxaan u daynayaa aqristeyaasha sharafta leh , su’aal kale aan dabo dhigo oo aan u daynayo go’aaminteeda aqristayaasha taaso ah aqristoow mar hadii aan ku adkaystay inaan ilaaliyo (Balance) ama isku dheelitirnaanta warka hadaan soo xigtay dhinacyo kala duwan oo aan ka ilaaliyay qalinkayga eex iyo inaan ku fikiraa kaliya ururka ku soo casumay waxba ha ka sheegin oo aan kaliya u irahdo Noolaada Jira oo Jooga ma waxaan ahay shaqsi qaldan ?Ilayn hada ka horba waxaan xasuustaa waxaa la igu casumay cayaaro sports ah oo dhalinyaro Soomaliyeed oo ka badan 140 qof inta la iskugu keeney Hotel ku yaal magaalada Al-Kamaar ee dalka Holland ay dhacday in ay halkaasi ka dhacday maamul xumo dhaqaale taasoo keentay in ilmihii dhalinyarada ahaa oo aan garanayn meel ay aadaan loo soo daadsho boorsooyinkoodii kadib markii ay cadaatay in aan lacagtii ugu badnayd la siin Hotelkii isla markaana markaan eegey dhalinyarada Soomaaliyeed indhahooda oo ay ka muuqatay dhibaato aan sheegney kuna shaacinay aduunka dhan anigoon u aabo yeelin shaqsigii isoo casumay ee meesha i keeney iwm.
Suxufiga iyo Aflagaadada .;

"Roman Catholic" oo abaal marin siisay Weris Diiriye oo ku dhalatay Soomaaliya...
Sawirkani waa madaxweynaha  dalka Austria, Heinz Fischer, oo Khamiistii Nov. 25, 2004 ka khudbaynaya Vienna, asagoo ay dhinac taagan tahay Waris Dirie oo ku dhalatay Soomaaliya oo dhigta moodelka ahna qoraa. Weris waxaa lasiiyey abll marinta loo yaqaan Romero Award taas oo ka timid  "Roman Catholic men's movement", waxaana lagu siiyey ka soo hor soo jeedkeeda gudniinka nooca afka qalaad loogu yaqaan "genital mutilation", waxaana abll marintaas la siiyey fiidnimadii Khamiistii Nov 25, 2004. (Isha: Sawirka AP).
TEXT: Read here... [English]

Qofka suxufiga ah waxa soo mara marxalado kala duwan oo amaan iyo aflagaado leh waana inuu qofka suxufiga ah noqdaa qof aan ka jawaabin aflagaado kasto oo uu kala kulmo bulshada uu u wato qalinka waana inuu ku daraa shaqadiisa saxaafadeed dulqaad iyo samir uuna u muujiyaaa dadka aqristayaashiisa ah in uu usoo aruuriyo xoggag badan oo ay jeclaan karaan isagoon  ka eegin amaan iyo caay intaba hadaba aniga anigoon u jixin jixin aflagaado kasto ayaan aqristeyaasha u sheegayaa inaan soo gudbin doono fadeexooyin kala duwan oo aan soo aruurshay intii aan ku sugnaa Oslo dalka Norway waxana jecelahay cidii rabta in ay xogtaas ogaato inaan gudoonsiiyo waraaqo cadaynayaa howlaha Primary Health care Workshop PMV iyo ururka haweenka Soomaaliyeed ee la shaqeeya ururkaas anigoo gacanta ku haya dokument cadaynaya waxa ka dhaxeeya ururkaas iyo kaniisada magaceeda la yiraahdo Church City mission In Oslo Kirkens Bymisjon waxaana si cad usoo qeexi doonaa xariirka ka dhaxeeya Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo Kaniisadaas anigoo soo gudbin doona cadaymo ku aadan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qarka u saaran in ay ku dhex milmaan arimahaas waxaana aqristayaasha u sheegayaa in aanana dheg u dhigi doonin handadaadaha ka imaanaya xubnaha ururkaas oo ay si cad iigu balan qaadeen ururka Internatioanal Safetey Institute INSI iyo dowlada Brussels in aan xur u ahay inaan guto waajibaadkayga uma dhigaayo dhagta eeda iiga timid ururka oo sheegey in ay saxaafada Soomaalida ku dacweynayaan in ay yihiin kuwo dhiiri galiya Argagaxisa ereygaas oo noqday maalmahaan mid ay cuskadaan dadka neceybka u qaba diinta Islaamka.  

Dhanka kale waxaa ku faraxsanahay inaan markii ugu horeysay aan bilaabay in aan u muujiyo bulshada Soomaaliyeed inuusan qalinka rabyaada galin lacag kastoo lagu siiyo ama saaxiib kastood tihiin dadka aaad baarayso :

W/Q Saida Sheikh Ahmed VIP
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com

Nov 27, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED EE NORWAY WAA URUR KU DAYASHO MUDAN.

W.Q: Ayaan Yaasiin
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Somaliyed
E-mail: ayaan161@hotmail.com
Tel: +4791150597

Nov 27,2004

Ururka haweenka soomaaliyeed ee dalka Norway oo ay wada shaqayn ka dhaxayso ururo fara badan oo ka dhisan dalka Norway, sida haweenka Pakistanta, haweenka Maroonkaanka, haweenka Ghana. Haweenka oo hal xarun ka wada shaqeeya, isku ujeeddo iyo isku dan ah, ayaa xarunta barbaarinta caafimaadka Oslo, ku leeyihiin xafiis weyn.

Ururkan haweenka soomaaliyeed ayaa mashruuc ka hortagga gudniinka hablaha ka shaqaynayeen muddo 3 sano ah.

Muslim 'Submission' writer speaks out from hiding: Ayaan Hirsi Ali:
Ireland Online 
27/11/2004
Dutch MP Creates Seismic Waves by Insulting Prophet Muhammad
islamonline
Article about Ayaan Hirsi Ali | Jan 27, 03
"
Ignorant MP

Meanwhile, a large number of researchers specialized in Islamic studies in the Netherlands assert that Ayaan has a superficial knowledge about Islam, pointing out that she depended on stereotypes and old clichés, which were not based on any scientific or epistemological evidence." IslamOnline

Introduction to Islam... Harun Yahya

23kii bishan november 2004 ayaa habeenkeedii xaflad balaaran oo aad iyo aad loo soo agaasimay lagu qabtay dalka Norway-Oslo.

Maryan Mursal oo ah fanaanadda qaranka Soomaaliyed ayaa xafladdaasi ka qayb gashay, waxaa kaloo halkaasi goobjoog ahaa macallinka muusikada soomaaliyeed Shiikh Cabdi iyo fanaanka da`da yar Xuseen Niikiyoow.

Furitaanka xafladda oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 250 qof waxaa khudbad Furitaan ah ka jeediyey guddoomiye ku xigeenka ururka soomaaliyeed Marwo Khadro Nuur.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka haweenka tanzaniya goboladiisa dhexe Marwo Fadumo Towfiiq iyo ururka haweenka DIGO ee Sweden Marwo Sacdiyo Bootaan. Dhammaan haweenkaasi waxay ka hadleen in gudniinka hablaha uusan diin ahayn ee uu dhaqan duqoobay uu yahay.

Waxaa halkaasi khudbad wax ku ool ah iyo dhibaatada gudniinka ka sheegay madaxa barbaarinta caafimaadka oslo Dr. Arild.

Ururkan haweenka Soomaaliyeed oo hawlo fara badan u qabto bahweynta soomaaliyeed ee ku nool dalka yurub gaar ahaan dalka Norway. Yurubna waxay kala shaqeeyeen dalka Holland ururka SONECA iyo ururka somali sports and culture in norway, iyo Sweden-DIGO.

Shaqooyinka ay qabtaan waxaa ugu muhiimsan in ay ku booqdaan xabsiyada Norway dadka soomaalida ah ee halkaasi ku xiran, gaar ahaan dhalinyarada iyo isbitaalada oo ku jira dad soomaaliyeed oo maskaxda ka jiran. Waxay kaloo ururkan xaruntiisa PMVda caruurta u qabtaan oo ay ka caawiyaan dhinac duruusta, wiiggii labo maalmood waxaa xaruntaasi quranka ku barta haween isugu jira soomaali iyo marookaan.

Samar walba waxuu ururkan dalxiis u wada ilaa iyo 150 qof oo isugu jira caruur iyo waalid, si ay isu bartaan afkooda hooyana ugu wada hadlaan. Haweenka waaweyn ee da`da ah ayaa waxay isugu yimaadaan xarunta si ay u wada shaahaan una wada sheekaystaan.

Waxay kaloo ururkan abaabulaan laba ciid ee islaamku leeyihiin.

Haweenka dhibaataysan ee caruurta haysata ayey caawiyaan. Qoysaska dhibaatada dhex taaal. Dhalinyarada da`da yar oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ay uga faaideeyaan xaaladda waddanka ay ku nool yihiin iyo sidii ay uga fikiri lahaayeen mustaqbalkooda.

Ururkan waxay cunto kariska baraan dhalinyarada wiilal iyo gabdho leh.

Hawshii ugu wanaagsanayd ay ururkan qabteen waxay ahayd, in MASJIDKA TOWFIIQ ISLAMIC CENTER EE KU YAALLA OSLO-NORWAY laga joojiyey lacagtii mucaawinada ee ay ka heli jireen dawladda norway.
WARBIXIN SOOMAALIDA KUDHAQAN NORWAY
WQ. Xamse Maxamed | Oslo Norway | June 25, 2001

Joojintaasi ka dib, ayaa ururka haweenka soomaaliyeed u duubtay in uu soo saaro xuquuqdii ka maqnayd. Ururka haweenka wuxuu la kaashaday urur la magac baxay NSR(Norsk Somalisk Rd) iyo PMV oo ah xarunta barbaarinta caafimaadka Oslo, oo halkaasi ku kulansan muslimiin fara badan oo ka mid ah, Pakistan, Marooko, Ghana, iyo Ciraaq.

Dadaalkaasi dheer ka dib ayaa dib loogu soo oggolaaday mucaawinadii loogu talagalay Masjidka Towfiiq.

Marka iyadoo ay hawshaasi muhiimka ah u qabatay ururkan bulshada soomaaliyeed ayaan waxaan oran karnaa: URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED NORWAY WAA URUR KU DAYASHO MUDAN.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa Websidyada Dayniile, Soomaali Weyn lagu soo qoray war aan sal iyo raad midba lahayn oo lagu dacaayadaynayo ururkan haweenka. Ma aha in aan u jawaabayo qofka maqaalka soo qoray, laakiin waxaan wanaagsanayn in la isku diro dad wada shaqayn wanaagsan ka dhaxayso sida wadaaaddada masaajidka towfiiq iyo bulshada soomaaliyeed ee norway ku nool iyo ururka haweenka soomaaliyeed, iyadoo aan caddayn cad u hayo halkanna aan ku soo lifaaqayo warqaddii codsiga dib u soo celinta lacagtii masjidka.

Waxaa taasi ka sii daran qofka maqaalka soo qoray oo marna amaanaya ururka haweenka marna dhaliilaya. Marka waxaa sual ah markee ayuu saxan yahay shaqsigaas. Arrintaasi waxaa u qaadanaynaa BEENI RAAD MA LEH, sideey doontaba ha ahaatee.

DARDAARAN
HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO....
Yusuf Xiddig,
Nov 29, 2003.

WEBSIDEYADA WAXAAN KULA DARDAARMAYAA IN AY SI WANAAGSAN ISAGA HUBSADAAN WAXA AY QORAYAAN, HADDII AY TAHAY WAX RUN AH AMA RUN U DHAW IN AY U SOO BANDHIGAA BULSHADA.

Halkan ka aqriso warqaddii ay ku codsadeen lacag soo celintii masjidka. 

Waxaa kaloo jira warqado kale oo sheegaysa in wada shaqayn wanaagsan ka dhaxayso Masjidka iyo ururka haweenka soomaaliyeed. Hogaamiyayaasha ururka iyo xubnaha ururkaba waa dad muslimiin ah

W.Q: Ayaan Yaasiin
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Somaliyed
E-mail: ayaan161@hotmail.com
Tel: +4791150597

Waxaa qoraalka SomaliTalk soo gaarsiiyey: Mahad turbashaash@hotmail.com
NB: Qoraalka masjidka ee kor kuxusan marka uu nasoo gaaro ayaan soo tebin doonaa..

Ururka Haweenka Soomaliyed ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan( PMV) oo Noqday Kooxo u adeega Masiixiyiinta iyo Ayaan Xiri Haweenayda Ridowday

Qays Maxamed Cabdulaahi
qays81@hotmail.com
Denmark

Nov 27, 2004


AYAAN DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:

Dadka Soomaaliyeed oo iyagu mudo badan ku jiray colaado iyo dagaalo sokeeye isla markaasna ay u dheereed qaxa barakaca iyo dhibaatooyin faro badan ,

Dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen dad xafida dhaqankooda diintooda iyo wax yaabaha gaarka u ah soomaalida,

Balse waxaa maalmahan soo ifbaxay koox hareer maray dhaqankii Diinkii iyo Hidihii qaaliga ahaa ee Soomaaliyed ,

Kooxahaas waxaa horkacay naagta ku jirta baarlamaanka Holan ee Asalkeeda Soomaaliga aheed balse iyadu Ridoowday oo ah mushrikad hada u taagan buburinta iyo caburinta diinta iyo cadaasika dadka muslimka ah ,

Laakiin waxaa hada ku soo biiray Ururka Haweenka Soomaliyed ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan( PMV) oo isaga ay caado u noqotay in ay taageeraan Kaniisadaha iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya in ay ka helaan taageero dhaqaale warar ayaa sheegaya in ilmo badan oo Soomaaliyeed ay qarka u saaranyihiin in ay ku ababaan Diinta Masiixiga iyagoo ay jiraan sida ay dad sheegayaan Haween dhawra oo haweenka Soomaliyed ee Ururka Haweenka Soomaliyed ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan( PMV) ay iyaga ruuxadooda ku jiraan Diinta Masiixiga

Runtii waa wax laga naxo una baahan in culumada Soomaliyeed ay ka hor tagaan ayna ka dhiidhiyaan duliga iyo waxashnimada ay hada bilaabeen Ururka Haweenka Soomaliyed ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan( PMV) waxaan qaylo dhaan udirayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed Aqoonyahanka Dhalinyarada Culumada Haweenka wanaagsan in ay amuurtaas ka doodaan ayna sameeyaan qaabkii loo joojin lahaa waxa ay faafinayaan haweenkaa Soomaliyeed waxaana cayb ah in haweenka oo ah macalinka Bulshada iyagu bilaabaan dhaqan xumo halkii ay ka toosin lahaayeen bulshada

Qays Maxamed Cabdulaahi
qays81@hotmail.com
Denmark

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 


Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo oo soo bandhigay xaflad gunaanad barnaamijeed ah  iyo qaar ka mid ah  wadaadadda Soomaaliyeed ee Oslo oo ururkaas ku tilmaamay urur la shaqeeya kaniisadaha iyagoo sheegey  in ay tahay dhag xumo in ay soo baxaan ururo Soomaaliyeed oo la shaqeeya kaniisado. 

November 25, 2004

Wado bey furtay Basaasadii Soomaaliyeed ee Norway (Sweden oo qaday talaabo taa lamid ah oo looga hotageyo gudniinka.)

 VISA-HA JABUUTI OO LOO DIIDAY GABDHAHA KA YAR 18 JIRKA EE KU NOOL NORWAY UNA DHOOFAYA SOMALIYA AMA JABUUTI IYADOO LOOGA BAQAYO IN LA SOO GUDO/XALAALEEYO | June 27, 2001

Hooyo Soomaaliyeed oo gabdhaheeda cafis weydiisatay. 

Ururka Haweenka Soomaliyed  ee Oslo oo marka magaciisa la soo gaabiyo  loo yaqaan( PMV) oo sameeyey xaflad aad u wayn oo lagu soo gabagabeynayay barnaamij looga hadlayay gudniinka oo socday 3 sano ayaa waxaa kasoo qayb galay dad faro badan gunaanadka barnaamijkan iyo  xafladaan ayaa waxaa habeenkii 23bisha habeenimadii talaadada uu  ka ka dhacay meel wayn oo tiyaatar ah kuna taal magaalada Oslo ee dalka Norway iyadoo lagu soo bandhigay cayaaro, heeso  iyo dhaqamo kala duwan dadka ka soo qayb galayna ay ka badnaayeen 200 qof oo uu si  xiiso badan ugu dhamaaday hadaba xafladaas oo ay ururka PMV igu martiqaadeen isla markaana ay iiga yeertey Ayaan Cabdi Qadar oo ka mid ah xubnaha sar sare ee ururka ayaa iiga warbixisay howlaha ururka iina sheegtey in ay howlo badan u qabtaan dadka Soomaliyeed halka ay markaan subaxii 24 ka bisha Arbaco ay gagida diyaaradha iigu yimaadeen wadaaddo (culumo) Sooomaliyeed oo xaalad amaan dartood magacooda iga codsaday in aanan sheegin iyagoo ay wadaadaas  si kulul u dhaleeceen Ururkaaan Haweenka Soomaliyeed ee Oslo oo la yiraahdo  PMV kuna tilmamay inuu yahay urur tusaale xun u noqon kara umada Soomaaliyeed oo isagu ku xiran kaniisadaha dalka Norway isla markaana uusan ahayn urur ay u madax banaan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo maamulka ururka ku jira ee Soomaalida ah intaba  iyagoo ku nuuxnuuxsaday in  uu yahay urur ay horboodayaan dad u dhashay dalka Norway oo iyagu dano gaar ah ka leh ururka ayna dhici karto in ay ku gudbiyaan fikradaha kaniisada iyagoo yiri waxaan baaq u jeedinaynaa hooyooyinka Soomaaliyeed in ay ilgaar ah uga yeeshaan caruurtooda tagida goobtaas sidoo kale  wadaadaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay wanagsanaan lahayd in ay ururka maamulaan dad Soomaaliyeed isla markaana ay meel aan kaniisadaha ahayn xiriir la yeeshaan iyagu ku tilmaamay tusaale xun in uu urur Soomaaliyeed ama umad Soomaaliyeed iyo shaqsi soomaliyeed ay intaba ku xirmaan kaniisado taasi waxay ka hor imaanaysaa diinta Islaamka.

Dhanka kale ururkaan ayaa markaan aniga booqday xafiiskiisa waxaa ay daggan yihiin dhismo aad u wayn iyo xafiisyo badan hase ahaatee uu ahaa mid ay hogaaminayaan dad u dhashay dalkaas Norway oo waxaan dareensanaa in aysan u madax banaanayn Soomaalida ka shaqaysa meesha ayna ka badanayn howshooda  in ay wadaan shaqooyinka Soomaalida aysan ku lahayn door ka badan shaqo halka uu nin Norwey u dhashay ka yahay wadaha isteersada talooyinka iyo tusaalaha

hadaba anigoo hore u booqday wadamo badan iyo ururo badan waxaan soo arki jirey in ay ururada Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan in wixii ku saabsan arimaha Soomaaliya iyo Soomaalida in  ay hogaanka ugu qabtaan dad ajnabi ah ayaan aan ururkaan si hoose u waydiiyay waxa kalifay in howlahoodii ama howlaha Soomaaliyeed ay marti uga noqdaan ajnabi ayaa qaar ka mid ah ururka ii sheegen in ay ka baqeen hadii ay iyagu dhaqaalaha iyo maamulada qaar gacanta ku qabtaan in ay dhici karto in uu dhasho qilaaf dhexdooda ah oo keena kala tag ururka taasi iyadoo ay tahay macquul ayaa waxaa su'aashu tahay hadii dadkii loo adeegayay ee Soomaalida ahaa ay ku tilmaamaaan ururkan in ay hogaamiyaan ajnabi wadaadadiina ay ku eedeyeen inuu yahay urur laga taakuleeyo kuna xiran Kaniisadaha sidee buu xalka noqon doonaa ?ururkaasna uu si sahlan ugu si wadan doonaa howlahiisa? iyadoo beryahaan ay jiraan shoog ama naxdin laga qabo kaniisadaha iyo waxyaabaha ku saabsan diinta kadib markii ay  Ayaan Xersi oo ah gabar Soomaaliyeed ay sheegatay in ay ka baxday diinta islaamka isla markaana ay aflagaadaysay ay keentay dagaalo iyo colaado ka dhex holca dalka Netherland oo ka dhex qarxay abuurayna is neceyb dhex mara Muslimiinta iyo dadka ku wada noolaa nabada dalkaasi Netherland.   

Saida Sheikh Ahmed ( VIP) Oslo Norway
saidavip1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
QURAAN & MUXAADAROOYIN:::
MUXAADAROOYIN KU SAABSAN DUMARKA... GUJI... | hnur.com

Suuradda An-Nisaa' Sheikh Al-Sudays
Suuradda Aali-Cimraan Mahmood Khalil

QORAALO HORE:::

Gabdhaha Soomaaliyeed oo Gelaya Waqti Dagaal Dhaqameed oo Dhexdooda ah | Star Tribune, June 25, 2000


Fadumo Jibril: Geesiyadii deegaanka oo ardayda Minnesota la shirtay mar3003


HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO.... | Yusuf Xiddig, Nov 29, 2003.


Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta. | Ceynte, July 18, 2003


FAALLO: DUMARKA SOOMALIDA IYO DOORKA SAXAAFADDA EE MAANTA  | Diridhaba, Oct 14, 2003


Eedmalaha Inantu Aqoondarri Bey Eersatay! | Ikraam, Nov 22, 2002


Dowrka Saxaafada iyo Dumarka Soomaalida | Ikraam, Oct 24, 2003


Soomaalida Xijaabka La Dagaalamaysa oo ka dheereyay Madaxwaynaha Faransiiska | Siciid, Feb 6, 2004


Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (1)Siciid, July 8, 2002  


Yusuf Shabac oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesot aaka raali geliyaya Maqaalkii xijaabka iyo garka, Waraysi, Febraayo 5, 2004


MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY 5.9.2002


Maxamed Dheere vs Xijaabka March 28, 2004


Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka... September 2, 2004


Diinta Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase su’aal baa kaaga furan
Faaladii Cabdulwaaxid Khaliif GUJI...


Olole dacwadeed oo ka bilowday Muqdisho | Xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada ee Soomaaliya: 09/01/04

Xamar iyo Xagaa Dacwadeed May30, 2004  



"Samsam waxay sheegtay in 6-nin kufsadeen" Raaqiyo Omaar..Guji


Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka Guji



HTML CD