SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Soomaalida Nairobi oo Aragtiyo kala Duwan Bixiyay Xariga Samsam.
Dadweynaha ku nool magaalada Naiorobi oo badankood la socday arrintan samsam, fajaciso ku noqotay mar kale kadib markii ay dhagahooda maqleen in samsam lagu xukumay shan sano oo xabsi ah!,go'aankaasna ay gaartay maxkamada sare ee magaalada Hargaysa.
 
SamSam waxay ku jirtay xabsiga muddo waxayna kala kulantay dhibaato xoogan oo xag maskaxeed iyo muuqaaleedba leh sida ay dad xog-ogaal ahi soo wariyeen, waxaana arrinta gabadha oo xaalado kala duwan soo martay ka hadlay dhinacyo badan oo iskugu jira shaqsiyaad, hay'addo u dooda xuquuda Aadanaha, Madaxda Booliika Somaliland, Madax ka mid ah kuwa Maamulkaas oo bixiyay wareysiyo, dadweyne iyo waliba boggan SOMALITALK oo waqti badan ku bixiyay Sidii  usoo bandhigi lahaa xog tifaftiran dadweyne badana ay kala socdeen halka ay mareyso xaalada samsam iyo xaaladeeda ugu dambaysa, dadweyne iyo Qorayaalna ay ku soo bandhigeena Sida ay u dareemeen dhibaatada samsam yar.
 
Iyadoo aan arrintaas wali jirto samsamna lagu xukumay shan sano oo xarig kadib markii la hor keenay Maxkamada sare, ayaa waxaan la kulmay dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi Qaarkood lana socday Xaalka gabadha waxayna aad uga hadleen soona bandhigeen figradahooda la xiriira xarigaas.
 
Mid ka mid ah dadkaas oo soo bandhigay figaradiisa ayaa ku tilmaamay in xarigan uu yahay mid aargoosi oo ku lug leh labada maamul, mar hadii labada maamul uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed gabadhana lagu arkay guri nin madax ahi leeyahay, loogana shakiyay in ay wax basaasayso sida hadalka loo dhigay, taasna ay ku timid in samsam xarigan iyo dhib nafsaani ahba la iskugu daro.
 
Dadka Aan kala sheekaystay arrintan oo aad u badnaa waxay kala qabaan figarado kala duwan, qaarkood waxay sheegeen in arrinta samsam meel la saaro, wax walbana waxaa ka daran dhibaatada loogu gaystay xabsiga oo ka hadal u baahan, waxayna arrintan ka saaran tahay mas'uuliyad dadka goob jooga u ah sida Culumada, Madaxda maamulka, Hay'addaha wadaniga ah ee ka shaqeeya xuquuqda insaanka iyo inta waxgaradka ah, hadii aan la maaraynina iyadoo lala xisaabtamayo inta ku lugta lahayd xadgudubka inanta ay keeni karto dambi indhaha laga laabtay.
 
Guud ahaan dadka Somaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi intooda arrintan la socota ayaa aad uga xun xariga samsam iyadoo horay dhibaato daran loogu gaystay xabsiga, hadana aysan ka hadlin dadkii ay maciinka biday iyo kuwii ay u socotayba, waxayna ku tilmaameen in xitaa ay ahayd in dumarnimo ay u muujiyaan naxariis laakiin waxay tuseen cadaawad ah in ay siday doonaan ula dhaqmaan.
 
BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ka hadlayay arrintan samsam kadib markii ay maqleen ayaa la yaab ku tilmaamay xariga intaas la eg, xitaa hadii dambigaas uu jiro sida ay maxkamadu cadaysay waxaa fiicnan lahayd ayay sheegeen in ay cafiyaan, laakiin waxaa wax laga xumaado ah in xabsiga si xun loogula dhaqmay waxna loo dhimay caafimaadkeeda iyo waliba nolosheeda dambe oo ah mustaqbal madoow oo ay badeen ilaaladii xabsiga ay ku jirtay samsam oo meel ka dhac ku ah sharciga iyo insaankaba.
 
Oday ka mid ah dadka waayaha ay dalkoodi ka soo wadeen hammuuna u qaba ku laabashada dalkiis ayaa maqlay arrintan samsam ka dibna ka hadlay sida ay ula muuqato, waxa uuna sheegay in wax badan ay xiligan is badaleen iyadoo la moodo ilbaxnimo iyo gaaris horumar aan horay loo arkin, xiligii hore waxaan lahayd xeerar dhaqameed aad looga dambayn jiray qofkii ku kacana dambiguu leeyahay lagu qaado, waxaa ka mid ah in aan la dilin maganta iyo dadka tabarta yar, sida caruurta, waayeelka, haweenka, culumada, iyo waxii la mid ah, laakiin xiligan waxaas oo dhan ay noqdeen kuwa la baas mareeyay, waxaaba laga cabsi qabaa in kuwa dhalan doona ayba wax badan iska caadaystaan waayo kuwii dhalay ayaaba sidan ahe, maxaa aduun is badalay wallee soomaaliyeey war baa kuu laaban ayaa ka mid ahaa hadaladiisii.
 
Mar uu ka hadlayay arrinta samsam waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in gabadhaas ay u gacan gashay dad aan wax badan kala soconin dhaqanka, iyo madax aan qadarin iyo naxariis lahayn, waxa uuna tala ahaan ugu jeediyay dadka soomaaliyeed in ay arrintan saaraan xooga saaraan lana sii daayo inantaas yar.
 
Ugu dambayntii dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi oo badankood ah kuwo si wanaagsan ula socda dhacdooyinka ka dhaca dalkooda iyo dibadiisa ee ku saabsan muwaadiniinta soomaaliyeed ayaa arrintan si guud iga xun, iyagoo ku tilmaamay dhacdadan mid taariikhi ah oo baal mugdi ah ka gali doonta isbadalka taariikhda soomaaliyeed.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD