SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Maxkamada Hargeysa oo Burisey Hadalkii "Cige"

  • Maxkamaad magaalada Hargeysa oo shan sano ku xukuntay Samsam Axmed Ducaale, maxkamadaas oo siideysey darawalkii Samsam geeyey guriga Fooxle Axmed Yaasiin....

Hargeysa | SomaliTalk.com | December 15, 2004

  • Maxkamada Hargeysa oo markii ugu horerysey burisey hadalkii taliyaha Booliska Somaliland ee ahaa in Samsam ay tahay qof da'weyn.

Waxaa maanta (15/12/2004) ay maxkamada Hargeysa markii ugu horeysey burisey hadalkii taliyahay ciidanka "Booliska Somaliland", Maxamed Cige Cilmi, ee ahaa "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah", hadalkaas oo taliyihu yiri markey taariikhdu ahayd Oct 22, 2004. Maxkamadu waxa ay cadaysay in Samsam Axmed Ducaale da'deedu tahay "17-jir". [Xaqiiqo ahaan Samsam waxay dhalatay 14 August 1988].

Laakiin waxaa Samsam lagu xukumay shan sano oo xabsi ah, taas oo lagu soo oogey labo kiis oo kala ah: in ay been ka sheegtay haybteeda, iyo in ay basaasada ahayd, waxayna intaas ku dareen in dhaqaatiirtii maamulkaasi ay sheegeen "in aan la kufsanin!!!!!". Waxaase si xaqiiqo ah loo ogyahay in 25kii November 2004 ay Raaqiya Oomaar shaaca ka qaaday in "Samsam ay sheegtay in ay kufsadeen Lix-nin oo ah Ciidanka nabad Sugidda Hargeysa ee loo yaqaan 'CID'". Arintaan ay Samsam afkeeda ka sheegtay waxay maxmamadii Hargeysa ee maanta ka dhigtay wax kama jiraan, ayan masaxdey doodaas kufsiga. Taas oo maxkamadaasi ay sheegtay "in aysan kufsi kula kicin booliska iyo hay'adaha dembi baarista".

Waxaa kale oo maxkamada Hargeysa sheegtay in dembiga basaasnimadu uu yahay in lagu xakumi lahaa 10 sano, laakiin in taas looga dhigay shan sano, arintaas oo maxkamadu sabab uga dhigtay in "Samsam da'deedu yartahay, oo ay tahay 17-jir". Arintaas oo toos uga hor imaneysa sheegashadii hore ee maamulka Hargeysa oo ahaa in gabadhani ay tahay qof da'weyn.

C/raxmaan Jaamac Hayaan oo ah guddoomiyaha maxkamada Hargeysa ayaa maxkamadaas ka sheegay in dembiyaas lagu soo oogey gabadha yar. Waxana uu sheegay in hal-sano loogu xukumay "been ka sheega haybteeda", afar sanona loogu xukumay "basaasnimada". Waxaana isla maxkamadaasi sheegtay in la siidaayey wadihii gaariga Samsam geeyey guriga madaxweyne ku xigeenka, taas oo la sheegay in lagu waayey "dembigii" lagu soo eedeeyey.

Qareemada u doodaya Samsam, ee xabsiga hore ugu mutaystay darteed, ayaa sheegay in ay rafcaan ka qaadanayaan xukunkaas aan loo meel deyin ee dusha looga tuuray Samsam, agoonta da'da yar. Dhanka kale warar aan ka helay ilo wargal ah oo jooga Hargeysa ayaa sheegaya in ay dhici karto in Daahir Riyaale uu "cafiyo" Samsam.

WAANO AAN U SOO JEEDINAYO HOOYADA SOOMAALIYEED EE ADNA AADAN ISMAACIIL
Qore: Siraad Aadan Cabdalla | Nov 5, 2003  

Wararka kale ee ka imanaya Hargeysa ayaa sheegaya in arinta Samsam ay noqotay dhacdada loogu hadal haynta badan yahay, maamulka hargeysana ay ku adkaatay maaraynteedu. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Axadii dhoweyd ee 12/12/2004 in gaari uu leeyahay madaxweyne kuxigeenka Somaliland uu xabsiga dhexe ee Hargeysa geeyey Edna Aadan Ismaaciil oo ah wasiiradda arrimaha dibadda 'Somaliland', waxaana la sheegay in ay xabsiga gudihiisa joogtey saacado badan xabsigaas oo ay ku xiran tahay Samsam Axmed Ducaale, taas oo weliba la sheegay in ay Edna aragtay Samsam. Waxaana la sheegay in toddobaadkii hore ay shirkii golaha Wasiirrada 'Somaliland' ay Edna kaga hadashay arrinta Samsam.


SAMSAMEEY INA HOOYO SALAAN SARE IGA GUDOON

Samsam Axmed Ducaale oo ku dhalatay Dhahar, Soomaaliya, markey taariikhdu ahayd 14kii August 1988, waxay ahayd ardayad dhigan jirtey Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, kahor intii aanay u safrin hargeysa oo uu joogo nin Abtigeed ah, halkaasna Samsam lagu xiray 15kii August 2004, lagana xiray Guriga  Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka "somaliland" gurigaas oo ay si khalad ah ku tagtay, laakiin markii uu "madaxweyne xigenku" arkay gabar xijaaban oo gurigiisa timid uu argagaxay. Waxana uu markiiba ku eedeeyey Basaasnimo iyo shirqool asaga lala maaganaa, waxana uu u gacan geliyey askar kuwaas oo kula kacay: Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm.... Waxaana Samsam lala xiray dareewalkii guriga keenay, Cumar Jaamac Warsame, waxana Cumar lasoo daayey maanta (15/12/2004). Waxa kale oo 24kii November, 2004, la xiray Qareemnadii u doodayey Samsam, waxaase markii dambe qareenada lasoo daayey 11kii Decemeber 2004.

Samsam arinteedu waxay noqotay mid caalami ah ay had iyo jeer hadal hayaan Soomaalida joogtaa qurbaha iyo gudaha Soomaaliya, waana tusaalaha caddaalad darrada ka jirta dhulka Soomaalidu degto ee ku yaal cirifka geeska Afrika.

Akhri Faalladii SomaliTalk ee November.. Guji..

Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD