SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Buraanbur ay Nasoo Gaarsiisay Gabar Somaaliyeed (Dhibka Samsam)
  • SAMSAMEEY INA HOOYO SALAAN SARE IGA GUDOON

Sumayo Maxamuud
umucaaisha@hotmail.com

ASALAAMACAALYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH


  • "AAWAY CULIMADII, AAWAY WAX GARADKII, AAWAY HOOYOOYINKII IYO AABAYAASHII NAXARIISTA LAGU YIQIIN"

    ....walee reer hargaysa xujaa ku oogan waana la imtixaamay balse waanu ogaan siday imtixaankaas uga gudbaan....


Salaan dabadeed, awalan waxaan mahad u celin allaaaah subxanahu ee ku hanuuniyay in badan in ay qalinka u qaataan sidii ay u cadayn lahaayeen dulmanayaasha la dulmiyay iyaga oo aan waxba gaysan. Rabina waxaan uga baryin inuu ajar ka siiyo qof walba oo ilaahay dartii arintaan ugu istaaga.

Marka labaad waxan mahad u celinayaa webkan somalitalk iyo kuwa kale ee la midkaa ee danaynaya una istaagay say ucadayn lahaayeen arinta samsam yareey rabi waxaan ka baryayaa inuu ajar idinka siiyo idiinkuna danbi dhaafo dadaalkiina,wax kale uma awoodno samsam balse ducada ayaan ugu soo kaalmaynaya rabina waxaan ka baryayaa inuu u aqbalo waayo rasuulkeena suuban wuxuu yiri " DUCADA WALAALKAAGA MAQAN WAA MUSTAJAABO" hadaba waxaan ka codsanayaa qof walba oo islaam ah inuu u duceeyo gabdhaas yar inuu cisadeedii u soo celiyo kana saaro nolosha adag ee ay ku jirto allahuma aaamiin.

Aniga qof ahaan gabdhaas uguma hadlayo in ay ila wadaagto qabiil ama deegaan balse waxaan ugu hadlin arinteedana uga gubtay in ay tahay walaashay islaam ah laguna dhibay xijaab iyo diin darteed, run ahaantii qabiil lama wadaago balse allaah ayaa na walaaleeyay oo qur,aankiisa ku yiri "MU,MINIINTU WAA WALAALO", waxaana aamin sanahay in arintu ka bilaabatay gabdha oo xijaabnayd oo indha shareernayd una tagtay oday suufi ah oo neceb xijaabka iyo dadkiisaba.

Arintuse kuma ekaan xijaab laga dhigo miskiintaas ee waxaa lagu xad gudbay cirdigeedii iyo sharafteedii gabarnimo iyo weliba dhamaan nafteedii oo la silciyay sida na soo gaartay, hadaba waxaan xasuusin culimada wax garadka iyo dhamaan intii wax fahmaysa ee ku nool meesha dulmigaasi ka dhacay qiso dhacaday xiligii nabiga scw iyo wixii uu ka sameeyay.

Waxaa dhacaday in gabar muslimada ah ay u tagtay niman yuhuud ah oo samayn jiray dahabka ama dhalaalin jirayba iyadoo dan ka lahayd ama wax ka gadanaysayba, hadaba yuhuudii waxay shirqool u dhigeen cafiifadii muslimada ahayd ee dhawrsanayd iyagoo nimankii mid uu sheeko u qabtay kii kalena inta gabadhii gadaal ka maray ayuu xijaabkii dheeraa ee ay qabtay wuxuu ku xiray dacalkii kore hadaba gabdhii markii ay istaagtey ayaa cawradeedii faydantay oo xijaabkii kor uga qaadmay dabadeed afka ayey qaylo ku shubatay iyadoo leh yaa islaaam aheey ,saxaabi ayaa seefta galka ka soo saartay oo madaxa hor dhigay yuhuudkii gabadha qaawiyay saxaabigiina yuhuudkii kale ayaa dilay, intaas kuma ekaan ee arintu waxay gaartay rasuulkii rabi scw, rasuulkii rabi ma oran inaga dhaafa wuxu dumar bay ahayde ee ciidan ayuu soo dumay oo yuhuud kor dhigay ilaa dhex dhexaadin iyo wada hadal ka dib lagu khasbay qabiilkii yuhuudeed in ay madiina ka guuraaan arintaas darteed.
"...walee reer hargaysa xujaa ku oogan..."

Haddaba waxaa is waydiin leh aaway culimadiii reer somali land mise iyagaaba fara ku gabad ah rabi waxaan idiinka tuugin in ilaahay duliga idinka kor qaado, balse ha halmaamina xaqa, intaad ka cabsan lahaydeen waxaa ka sharaf badan sidii saxaabigii ajiibay gabadhii tiri yaa islaama in aad ajiibtaan miskiinta yar ee xabsiga hargaysa ka dhex barooranaysa iyadoo leh " AAWAY CULIMADII ,AAWAY WAX GARADKII ,AAWAY HOOYOOYINKII IYO AABAYAASHII NAXARIISTA LAGU YIQIIN", walee reer hargaysa xujaa ku oogan waana la imtixaamay balse waanu ogaan siday imtixaankaas uga gudbaan.

Intaas dabadeed waxaan jeclaystay in aan halkaan ku soo gudbiyo tix yar oo aan samsam axmed ducaale u tiriyay raalina ka haada haduu idin cajabin waayo, waayo ma ahi aftahamad ku dheeraysa buraaburka balse in yar oo rabi isku aadiyay ayaan idiin soo gudbin:

  • SAMSAMEEY INA HOOYO SALAAN SARE IGA GUDOON
  • SILICA LAGUU GAYSTAYBAA SADRIGA I SILSILAY
  • OO SALAADAN TUKADABA SAADIR BAAN KA TUUGAYAA
  • INUU SAMO KAAGA SAARAA SIJNIGA QURMUUN
  • ----
  • SUMAYADII AALA YAASIR SIDEEDII SAMIR
  • OO SAYNAB ALQASAALI SIDEEDII DUL QAAD LOHOOW
  • SHAY SUNAA WEEYE DIINTA IN LAISKU DHIBO
  • EE SAMSAMEEY INA HOOYO SAMIR BAAN KU FARAHAYAA
  • ----
  • SILICA LAGUU GAYSTAY EE UUNKA WADA SILSILAY
  • EE INTII QALBI SUUBANAYD AY KA QAYLIYEEN
  • ANA CODKAYGAAN KU SOO CIIDMAY OO KU CABAN
  • OO CIIDAN HADAAN HAYSTO CUDUD BAAN KU SIIN LAHAA
  • ----
  • SUUBANIHII SIDUU SAMEEYEE SUNAHA KU SUGAN
  • OO UU UGU CIIDMAY CAFIIFADII DHAWRSANAYD
  • COLAAD UGU KICIYAY YUHUUD CARADA UGA RARAY
  • CIIDAN MAHAYSTEE CASIIS BAAN KUU TUUGAYAA
  • INUU CISADAADA SAMSAMEEY KUU SOO CELIYO
  • OO CIILKA KAA SAARO CARADAADII KUGU CELIYO
  • ----
  • CAFIIFAD BAA TAHAY CARSHIGAAD KA NAADSAN TAHAY
  • ALLAA KU CISEEYAY CIQAABKANA WAAD KA BIXIN
  • EE SAMSAMEEY INA AABE SAMIR BAN KU FARAHAYAA

Yaa rabi, rabi waxaan ka tuugayaa inuu iga aqbalo aniga iyo inta ila midkaa ee u ducaynaya miskiintaa cadiban aamiin.

Sumayo Maxamuud
umucaaisha@hotmail.com

Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD