SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Ehelkiina Howga Tegina kasab xun reer somalilanow xaga kiiska Samsam:
  • Waa naseexo idiinka timi walaalkiin c/casiis c/laahi ciise

Marka hore waxaan salaamayaa bahda wargeyska waxayna ku mahadsan yihiin sidey habeen iyo maalinba waqtigooda qaaliga ah ugu hureen iney bulshadooda soomaaliyeed ugu adeegaan si qiima badan: marka xigta waxaan wada salaamayaa bulshada somaliyeed meeleey kala degan tahayba aduunka daafihiisa.

Hadaan u soo baydho qormada talo bixinta ku aadan kiiska samsam axmed ducaale waa gabadha yar ee mudo hadeerto gaadheysa 3 bilood lagu haysto jeelka hargeysa, horta marka lasoo hadal qaado jeel ama xabsi iyo ruux la xidhey waa maxay macnaha ku jiraa? Yaase mudan bulshada inla xidho oo lagu rido jeelka?

Ma haboon tahay in laga fiirsado waxa qofka lagu soo oogey inla hubiyo inuu kiiska qabo iyo in kale? ragga iyo dumarka kee ku wacan inla dhigo jeelka? ruux yar oo caruur ah iyo qof weyn kee mudan xadhig iyo ciqaab joogto ah? isku soo wada xoori ama isku soo wada duub maanta waxaa taagan arinta lagu soo xidhey gabadha yar ee caruurta ah waa samsam axmed waxayna ku xidhan tahay samsam xaruntii reer somaliland ee hargeysa waana halkii xukumadii horee maxamed siyaad barre iyo dadkii reer somaliya ee cid kastaa lahaa ee xataa ku jireen rag badan oo madax ahaa oo u dhashey deegaanka reer somaliland maantana ka tirsan maamulka hargeysa ku xidh xidhi jireen shacabka deegaanka somaliland gaarka u lahaan jirtey mudo laga joogo 14 sano waxayna ka dhiidhiyeen shacabku wuxuu jeelasha iyo dilka loogu geysan jirey dhulkooda tiina wayku guuleysteen hadii reer hargeysa waxaas oo dhibaato ahi horey u soo mareen kuna dedaaleen iney maruun cadaalad helaan oo dadku noqdo wax kan yar iyo kan weyni u siman yihiin sharciga iyo cadaalada maxaa maanta gabadh yar oo soo booqatey ehelkeedii ama abtigeeg jeelka loo dhigey? maxay culimada hargeysa uga aamuseen uga hadli waayeen dhibka iyo xadhiga loo geystey samsam yarey?

Keebaa awood badan shacabka reer somaliland iyo madaxweyne ku xigeenka somaliland axmed yuusuf yaasin? Maxkamadda hargeysa iyo xeer ilaaliyaha guud yey u shaqeeyaan ma dadka oodhan mise madaxweyne ku xigeenka somaliand???

Nolosha waxaa jirta wax muhiim ah iyo waxaan muhiim aheyn, hadii samsam ku soo qaldantey tilmaanta guriga xaajiga ku xigeenka ka ah somaliland waxay samsam la mid tahay caruurta madaxweyne ku xigeenka sida gabdhihiisa yar yar ee uu la jecel yahay iney ahaadaan kuwa dadka ugu wan wanaagsan ruux kastaana ula dhaqmo ilma axmed yuusuf yaasiin sida diinta iyo sharciga calaadada ku haboon, markaa miyeysan taladu ku habooneyn inuu iska daayo gabadha yar ee marba askari jeel ku kufsanayo, sow kuma haboona inuu axmed yuusuf ka soo qaado samsam ilma axmed yuusuf oo kale, waxay somalidu horey u tidhi geel la laayaa wuxuu leeyahay adhi la laayo, adhi la laayaana wuxuu leeyahay geel la layaayo, axmed yuusuf waxaan ku odhan lahaa adigaa samsam xidhaye soo daa gabadha yar adigey kuu xidhan tahay samsam, adigaana soo deyn kara, hadaad arinta u kacdo inaad wanaagii iyo sharaftii soo celiso dadkana ugu shaqee cadaalad markaasey caruurtaaduna heli doonaan cadaalad iyo inla qiimeeyo, wixii ka dambeeya macnuhu waxaa weeye ilmahaaga iyo ehel kaaga howga tegin kasab xun oo berito soo food saara waayo somalidu waa isku hal qoys isku hal dhaqan isku hal diin waa waxaan kala maarmin waa dad yaroo is wada yaqaana waxaana ku haboon markuu ruux howl sameynayo ama howl fuliyano inuu ka shaqeysiiyo maskaxda oo ka fekero waxa birito ka soo dhalan kara wuxuu maanta ku kacayo waxaan ku soo gaabinayaa howsha samsam waxay khuseysaa si gaar ah axmed yuusuf yaasiin iyo xukumadiisa iyo shacabka reer hargeysa hadaad sii deysaan ilmaha yar ee samsam ah waa idiin wanaag iyo sharaf hadaad sidaas ku sii heysataana waa wax u yaala caruurtiina berito xaga mustaqbalka dambe

Waa naseexo idiinka timi walaalkiin c/casiis c/laahi ciise wixii xadgudub ku ah bulshada xaga qoraalka iga raali ahaada.
Email: abdiazizabdillahi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD