SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Kufsigii Cadaaladda ee Hargeysa ayaa ka Horeeysey kiiska SamSam!

A. Dirir
burashadley@hotmail.com

Mohamed I. Egal | Samsam A. Ducaale | Dahir R. Kahin

Dad ay aqoontoodu hooseeyso oo waxba ka garan karin xoriyatul qawlka, kuna sakhraamay qabyaaladda ayaa waxeey ii soo direen dhambaalyo ay ku inkirsan yihiin mashaqada ka dhacday Hargeeysa iyada oo aad moodo in ay iyagu yihiin damiirlaawayaashii dambiga ka galay inanta yar ee Somaaliyeed , waxayna yiraahdeen in Kiiska meel walba gaaray uu yahay," ka ganacsiga haweenka ee siyaasadeeysan."

Marka Somaalidu waxay tiraahdaa,"Gar waa loo Islaame", Illaah baan idinku dhaarshaye, ma Raakiya Oomar oo aan ogeyn in danaha qabiilkeeda dartiis shaqadii ay ka heysay -African Watch- looga ceyrshay markii ay cambaareeysay faragelintii Mareykanaka ee Somaaliya oo iyadoo islaheed armaa waqooyiga la tagaa ayaa been reerkeeda uga sheegeeysa gabar yar oo Darood ah darteed.

Teeda kale, ma Samsam abtigeeda Wasiirka ka ah S/land ayaa gabadhiisa u fadeexeenaya si ku ganacsi siyaasadeed ah, isagoo qarannewska marqaansan afkiisa ugu sheegay in inantiisa xariga ka sokow la jirdilay, lana kufsaday.Tanna, waxaan shaki ku jirin in meel fog ay gaartay , ayna sii socon doonto haddii la siidaayo iyo haddii kaleba, sababtuna waxay tahay gabadhaan yar nolol ayaa lagu dilay,waxayna u baahan tahay daawo, daawo kaloo maskaxda ah iyo in mustaqbalka laga caawiyo oo ay hesho waxbarasho xeer sare ah si ay mustaqbalka dumarka kale u caawiso.

Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)

Nin qoraa ahaa oo Ingiriiska u dhashay ayaa waa hore wuxuu qoray buug la yiraahdo beerta xoolaha (Animal Farm) ee uu kaga sheekeenayey sheeko male awaal aheyd kuna saabsaneyd kuwo iska dul qaaday dulmi lagu hayey oo muddo yar ka dib iyagii dulmi isku sameeyey oo xaaladoodii ay gaartay heer xun iyagoo kala garan waayey in cadaalad darada dhex tiilay ay ka daran tahay tii hore loogu hayey iyo in kale, buugga Orwelna (who is who) ayuu qisadiisii ku soo dhameeyey. Maanta reerkii SNM la oran jiray taas oo kale ayaa heysata, waxay kala garan la' yihiin "ku qosle kabtan kufay" & " Ku quface garmaqaate qaalli ah" tan daran. Heerkaas waxay gaareen markii gooshada loogu wanqalay dhiig badan, qax iyo burbur cusub, gaar ahaana Berbera oo wakhtigii Siyad Bare eeyan waxba gaarin. Markii dambe uu Cigaal oo wax uu diidayo eeyan jirina meesha la keenayna , waxaa dhacay kud ka guur oo qanji u guur, wuxuuna markiiba bar tilmaameedkiisii hore ka dhigtay in uu Garxajiska uu u xoog sheegto, dagaal kii hore ka weyn oo dhaco , marar badanna la qaxo,dhaawaca iyo dhimashaduna ay tii Tuur ay i qarso noqoto.Wuxuu kaluu si gooni ah u bahdilay Ciidagale, isagoo markii ay Hargeeysa ka qaxeenna ka burburiyey intii ay maqnaayeen suuqa bacadlaha oo ay waligood iska lahaan jireen. Cigaal oo markiisii horeyba Somali weyn xoolaheedii cunay ayaa tii canshuurtii Berberena ku amar ku taagleeyey wakhti baahidu ay badneyd,wuxuuna ka sifeeyey maamulkiisa qolooyinkii la oran jiray SNM ee uu ku bedelay raggii Siyaad Bare la soo shaqeyn jiray sidiisa oo qaarkood ayba wasiiro ahaan jireen isagoo fulinaya oraahdiisii aheyd."Aniga ayaa SNM naga xoreeynaya".Sida dadka uu u galayana ,waxaadba ka garan kartaa waxa ku dhacay ninka la yiraahdo Dirirdhabe ee reerkiisa cidiyaha ugu dagaalama.

Ugu dambeyntii Cigaal ,wuxuu kufsaday cadaaladdii Somaaliya oo dhan markii uu Riyaale ka dhigtay madaxweyne ku -xigeenka Somaliland, isagoo ka horna Hargeeysa ku martiqaaday ninkii dilkii xeebta Jasiira markii ay dhaceeysay ahaa wasiirka arrimaha gudaha & PMinister ku-xigeenkaba ee la yiraahdo C/qaasim. Waxay kaloo taariikhda ay xusi doontaa fanaanadii weyneyd ee magaceedu ahaa Marwo Moxamed oo sharci muslin iyo mid gaalaba ka baxsan dhagax lagu dilay!

Maantana maxsuulkii kufsiga cadaaladda ee Cigaal waxay noqotay sidantan :-
"Witnesses who are alive also recall Rayaale’s contribution to the war against civilians. One of the people I interviewed in Djibouti in August 1989 and who is cited in the book is Abdifatah Abdillahi Jirreh. He was only 14 at the time, but he remembered Dahir Rayaale." Rakiya Omaar...

1. Madaxweyne-Riyaale oo ku qoran African watch in Somaalidu uu dambi ka galay , gaar ahaan reer Berbera uu kufsi, dhac iyo dilba u geystay.Ninkaan oo SNM ka cararay ayaa wax walba wax ka dayey, isagoo Kililka shanaad xilka ka soo waayey oo ka gadaalna qaadka ka ganacsada oo hawshaasna ay xaaskiisa qabato ayaa dhalada waxaa ka arkay Cigaal, kulana dardaarmay in Awal ay mar walba wasiirada ay awal ka ahaadaan ayna helaan kala bar tirada wasiirada maamulkaas mar wal walba. Isagoo sidii Cigaal yeelayana in Jaamc Moxamed Qaalib uu meel kale waxba ma ahaateene ka masaafuriye Hargeeysa.

2. Ku-xigeenkiisa-Ducaale oo Gees uu yiri waxaaba isaga booska loogu dhiibay isaga ka soo jeeda jilibkii Cigaal oo keli ah.Dadka oo dhan waxay maqleen in Samsam uu u xiray aargudasho qabiil darteed, taasoo sida la leeyahay uu daba socday arrin ay Cigaal & Gen.Abshir ay ka xaajoodeen kuna lug laheyd Edna markii uu qabay Cigaal oo Raíisal Wasaare ah.

3. Dibedda-Edan qoftaan iyadu waxay caan ka dhex tahay Somaalidi reer Xamarka aheyd oo si fiican u taqaana shaqsiyada lagu aqoon jiray ee banaan ka aheyd diinta & dhaqanka. Markii Cigaal xukunka laga tuuray waxayba noqotay kacaanad la wada yaqaano oo saxiibtinimo gaar ah oo tii Abshirna la mid ahna la sameysatay Kol. Cali Mataan Xaashi oo ay Siyaad Bare isku reer ahaayeen. Inslaantan intii uu noolaa Cigaal agtiisa kuma soo dhawaan jirin , laakiin waxay ku dawarsan jirtay in ay "Fii sabiili Laahi" ay isbitaal Hargeysa ka dhiseeyso, marakii dambe oo sadaqadii loo soo uruurshay ay dadweynaha goob caafimaad looga dhiseyna , waxay ka dhigtay mid mushtar ah oo dadka badidiiso ayan awoodi karin in ay meeshaas ay iska daweeyaan, illeyn qofna dhaqankiisa kama tago.

3. Maliyadda-Cawil oo sida Edna isaguna walaashiis dartedd ku caan baxay , ayaa isaguna hawlaha uu u qaban jiray Siyaad lala socdaa oo ceeb weyn iyaduna xambaarsan . Wuxuuna la dhashay Aamino Kumaando ee uu qabay Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

4. Gudaha-Ismaciil Faqash oo askar uu madax u yahay ay walba ka suurtoowdo, maxaa yeelay qaadwalyaashu wax ka af xun lama arag, oo waa tuu Raakiya Omaar oo markuu isagu jaajuuska uu ahaa halganka ku jirtay ku yiri "Dee Waa Islaan dumarnimadii ka tagtay oo nolosha ka dhacday". Marka cawaantiisana maxaad ka fileeysaa ?.Ismaaciil oo ogsoon faqashnimadiisa ayaa islaamo ku goblamay dagaaaladii SNM ay yiraahdeen dawladda ha na caawiso, markaas ayuu ku yiri,"Islaan goblanta lama rabo". Maantana ,wuxuu leeyahay ,"A la goblamo".

Haddaba, markaan waxba aanan u arag xishood la'aanta dadka qarkood oo runta iska indha tiraya, ayaan aniga iyo asxaab kaleba oo melo badan kala jooga go'aansanay in aan ku dhaqaaqno tallaabooyinka soo socda si aan meel walba uga sheegno dagaalkii qabiilka ahaa ee Isaaqa ka dhacay, kufsigii Cigaal ee cadaaladda oo masaxday dambiyadii Siyaad ee Somaalidu ka galay iyo sidii loo caawin lahaa gabadhan yar ee daryeelada kala duwan u baahan, sida caafimaadka & wixii kaloo loo helayaba.Si ujeedadaas aan ku gaarnana ,waxaan ku dhaqaqnay in aan gaal iyo muslinba aan adeegsano anagoo diiradda saareeyna Riyaale iyo riboorkii african watch & kuwa la midka ahba.Waxaan ognahay in kooxda Riyaale ee gaaladii lagu dilay xoriyad u dagaalankeenii ku xusay Hargeysa in ay dhaqan ay leyihiin ayan jirin, sidaas darteedna aan kula hadalno afka gaalada oo ah tan keliya oo ay yaqaanaan. Arrimahaanna si ay u fulaan oo gaal walba uu uga hadlo sida Chris Mullen oo kale ayaa waxaan soo galin doonaa hablaha Puntland ee gaalo la jireenka ah sida Iman & Waris oo UNka Safiirada u ah iyo waliba gabadha laga cawdo bileysto ee la yiraahdo Ayan Hersi oo diinteenii suubanyedba ka baxday, ahna qofkii ugu horeeyey ee barlamaan dal kale ka mid noqda. Waxaan u maleeynayaa in dadka qaarkiis ay wax dhibsadaan , sababta oo ah Ayan oo dumarka ayaan u doodaa ayaa ka dhigan karta sabab fiican oo ay ugu hiiliso gabadhaan qaan gaarka aheyn ee Somaaliyeed ee dulmiga la baday, waxaana la yiraahdaa, "dad cadaabeed , dal cadaabeed ayaa laga galaa".

Dhamaadkiina, waxaan u mahad celiyaa dhamaan dadkii u istaagay cadaaladda ee tirada badan, waxaana si gaar ah u xusayaa ururadii ariintaan sida dhaqsaha leh isku xil saaray sida :

1. Xarunta horumarinta, waxbarashada & nabadda ee Puntland ee durbadiiba ka bilaabay magaalooyinka PL sida Garoowe, Galkacyo, Laascanood,Baran & bosaasaba seminaar iyo wacyo gelin ku taxluuqa kufsiga iyo waxyeelooyinka loo geysto dumarka Somaaliyeed sida Samsam, seminaarkaan oo socon doonaa illaa bartamaha bishaan.

2. Ururada Somaalida ee Canada oo shir ku qabtay barlamaanka Canada oo ay ka soo qayb galeen xisbiyada siyaasiga ah ee dalkaas iyo safaaradaha qaarkood oo lagu soo dhaweeyey dhismaha dawladda cusub ee Somaaliya , loogana hadlay qabiilka dhibkiisa oo xataa kuwii lahaa Somaali gooni baanu ka nahayba ay is dileen iyo dumarka dhibkii soo qabsaday oo loo soo qaatay xaaladda SamSam si loo tuso ka soo qayb galayaashii cadaalad darada ka jirta waqooyiga ee uu xukumo Dambiile Riyaale ee iska maqaar saarka ah.

A. Dirir
burashadley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD