SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
 
Daabaco Boggan | Print

MADAXWEYNE RIYAALE IYO WASIIRKA INGIIRISKA U QAABILSAN AFRICA OO KULAN YEESHAY

Mr. Chris Mullen, Wasiirka Xidhiidhka Afrika ee Dawladda Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay mar kale kulmay, Kulankaa shalay oo Madaxweyne Rayaale Madaxtooyada kula kulmay Wasiirka Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Wefti uu hoggaaminayay waxa uu ahaa kulan sagootis ah, ka hor intii aanay waftiga Ingiriisku ka ambabixin dalka Somaliland.
     
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Chris Mullin wasiirka britain u qaabilsan Africa oo dhex Mushaaxaya Madaxtooyada Somaliland 

War-saxafadeed Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdi Idiris Ducaale ka soo saray kulankaas waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha Rayaale uu u dhiibay Wasiirka, Mr. Chris Mullen fariin dhowr qodob ka kooban oo uu ka codsaday in uu ka gaadhsiiyo Xukuumadda Ingiriiska. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:-

      
Madaxweyne Riyaale iyo Chris Mullen wasiirka britain u qaabilsan Africa oo si fool ka fool ah ugu kulmay Madaxtooyada Somaliland intii aanay wefdigu ka ambabaxin Hargeysa 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta (shalay) mar labad qaabilay Wasiirka Xukuumada Boqortooyada Biridaaniya u qaabilsan arrimaha Africa Mudane Chris Mullin. Wuxuuna ugu horeyntii Madaxweynuhu waydiiyay Wasiirka dareenka wixii uu la soo kulmay intii uu joogay dalka waxana ugu jawaabay fariintii aan idinka qaadi lahaa waan hayaa.

       
Ka Bilaw Bidix Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Qaybe, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamoud Aadan, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale oo ka qayb qaadanaya Kulanka Madaxtooyada. 

Mudane Rayaale oo ay u muuqatay in Wasiirku uu soo taabtay arimahii hore ay uga wada hadleen inuu yahay doonista iyo dareenka shacbiga siyaasiyiinta iyo wax garadka Somaliland waxa uu ku sii adkeeyay inuu xukuumadiisa ka gaadhsiiyo:

     
Wasiirka Britain u qaabilsan Africa Chris Mullin Midig iyo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis Ababa oo dhegaysanaya Warbixinta Madaxweynaha Kulankooda Madaxtooyada. 

1. Arinta Ictiraafka Somaliland

2. In aynaan waxba ka qabin wixii uu qabsoomay Somalia laakiin macaamilkayagu uu noqon doono in aanu layeelano xidhiidh iyo derisnimo wanaagsan sida wadamada kale ee aanu jiiraanka nahay.

3. Wixii deeq Caalamku bixinayo inaanu qaybtayada toos u helno.

4. In Somaliland nabada ay tixgalinaysa oo anay wax dagaal ah rabin hadii aan lagu kalifin.

5. In C/laahi maleeshiyadiisa kala baxo xuduudaha Somaliland gudaheda ah.

6. In la naga qayb geliyo shirarka deeqaha iyo kaalmada ku wajahan Somali.

7. Inay gacan inaga siiyaan arinta sugida iyo dhidib u adkaynta nabadgelyo iyo xasiloonida.

8. Arrimaha loo baahan yahay caalamka in anau ku sirmin iyo arimihii iskashiga labada dhinaca ee ay isla gorfeeyeen wasiirada saaka.
        
Diblomaasiyiinta Reer Somaliland u fadhiya Addis Ababa iyo London oo dhegaysanaya kulanka Madaxweyne Riyaale iyo Wasiir Chris Mullin 

Wuxuuna Madaxweynuhu gudoonsiiyay Wasiirka Astaan Sawiran oo koobaysa xidhiidhka Somaliland iyo Boqortooyada dalkiisa ka dhaxaynjirtay, maunaasabadii madaxbanaani ogolaanshaha Somaliland iyo guud ahaan arimaha muujinaya Somaliland inay ahayd wadan gaara oo jira isu tagii xamar ka hor, sii aanloogu khaldamin wadankani inuu ahaa gobol ka mida Somalia.

         
Ka bilaw Bidix Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ka qayb qaadanaya Kulanka Madaxtooyada. 

Wasiirka oo aad uga mahad celiyay hadyada, soo dhawayntii iyo saraaxada loogu muujiyay rabitaanka shacbiga wuxuu balan qaaday xaqiiqada halkan uu kala kulmay inuu xukuumadiisa gaadhsiin doon.

        
Ka bilaw Bidix Xoogyaha koobaad ee safaaradda ingiriiska Jibouti, Wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland, iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ka qayb qaadanaya kulanka Madaxtooyada. 

Kulankaa sagootiska ah waxa Madaxweynaha kala qayb galay ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin iyo Wasiirada Arimaha Dibada, Warfaafinta, iyo Madaxtoyada.

      
Madaxweyne Daahir Riyaale, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Marwo Adna iyo Wasiirka u qaabilsan Britain Africa oo si gaar ah ugu wada hadlaya xafiiska shaqada ee Madaxweynaha Somaliland, Madaxtooyada. 

      
Madaxweyne Riyaale oo sii sagootinaya Wasiirka u qaabilsan Britain Africa Chris Mullin wada hadalkoodii ka dib.

(Wakhtiga la qaaday sawiradu waa bacda salaadda makhrib saacadda magaalada hargeysa)

Warbixintani Waxaa soo diyaariyey Weriyaha Halganews u jooga Magaalada Hargeysa Cabdifatax waxaana soo tabinaya Mohamed abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2004

Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada Shisheeye ee Hub Kadhigista Soomaaliya
Aragtiyaha kala duwan ee ku aadan dalabka Madaxweynaha ee Ciidamada Afrikaanka... warbixin... Guji... Oct 25

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD