SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print



W.T: Inj. Maxamed Cali Cibaar

Gaashaandhig
W.T: Inj. Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland 
Mohamed_ebar@hotmail.com


Hordhac

Gabaygaan la magac baxay Gaadhaandhig  wuxuu soo baxay, 29 jannaayo, 2005ta. Wuxuu gabaygu  ka mid yahay gabayo silsillad ah oo ay suugaanlaydu ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan xaaladaha Gabadha Soomaaliyeed ee ku caddiban xabsiga magaalada Hargaysa, magaceedana la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale.

Waxaa ammaan mudan dadkii Soomaaliyeed ee dadaalka dheer u galay sidii ay gabadhaasi caddaaladda ay xaqa u leedahay u heli lahayd. Waxaa ammaan gaar ah sii mudan saxaafadda soo bandhigtay, tooshakana  ku ifisay arrimahan iyo dadkii sida geesinnimada leh u garab istaagay Samsam, kuwaas oo xabsi iyo cagajuglayn joogto ahba kala kulmay maamulka uu hormuudka ka yahay Daahir Riyaale. Waa wax aad looga xumaado in la siyaasadeeyo dacwadda gabadhaas yar, iyadoo si aan leexleexad lahayn loo garabmarayo wixii dhaqan iyo xeer ay Soomaalidu horay u lahayd.

Waxaa kale oo iyaduna nasiibdarro wayn ah in ay soo baxeen dad wax qora amaba suugaanyahanno ah oo ay muuqato inay dulmigii haystay Samsam mid kale ugu sii biiriyeen. Dadkani iyagoo aan haba yaraatee ka damqanayn dulmiga haysta gabadhaa walaashood ah, ayay u tafaxayteen sidii ay fursaddan uga faa'idaysan lahaayeen, hirgelinta ujeeddooyin kale oo dahsoon.  

Hadaba qaybta ugu horraysa ee gabayga Gaashaandhig, waxay si toos ah ula hadlaysaa dadkaas fitnawadayaasha ah oo aan wax naxariis ah u haynin Dulmane Samsam, balse ay ujeeddadooda gurracani tahay in ay colaad ka dhexhuriyaan shacbiga walaalaha ah. Arrintan waxaa caddayn u ah in ay jiraan illaa saddex gabay iyo qoraallo lagu soo daabacay  shabakadaha  internetka ee Soomaalida , kuwaas oo  magaca curiyaha iyo sawirraduba ay yihiin been-abuur. Nasiib wanaag dadkaasi sida ay is moodsiiyeen ma noqon, waana dad lagu guulaystay in la ogaado magacyadooda saxa ah iyo meelaha ay degganyihiin intaba. Xaqiiqaduna waxa ay tahay in aysan mahadin doonin falalkooda fowdada iyo fitno-abuurka ku salaysan!!!. 

Qaybta labaad, waxay la hadlaysaa shacbiga iyo indheergaradka  reer Hargaysa, oo ay ugu baaqayso in ay ka gilgishaan dulmiga lagu hayo gabadhaa soomaaliyeed, dadaalkoodiina ay sii toban-laabaan. Iyadoo la wada ogyahay dulmigii iyo tacaddigii ka dhacay magaala Hargaysa xilligii taliskii kacaanka, waa ayaan darro in inan yar dhexdooda lagu dulmiyo, welibana ay dulmigaas mas'uul ka yihiin isla kuwii  shalay gacanta ka gaystay halaaggii ka dhacay magaaladaas, sida Riyaale iyo saaxiibbo badan oo maamulkiisa kula jira. Shacbiga Hargaysa waxaa la gudboon in ay sharaftooda ilaashadaan. 

Gabgabadii wuxuu gabaygu ku baaqayaa in la joojiyo gabayada aan ujeeddada wanaagsanayn ee fitno abuurka ah. Iyadoo lagu jiro qarnigii 21aad waa nasiibdarro in aan weli laga gudbin in la isugu gabyo nidaam qabyaaladeed, arrinkaasoo aan shar mooyee wax khayr ah u soo kordhin doonin ummada Soomaaliyeed, balse noqon doonta  mid ay miraheeda gurtaan oo ay ka macaashaan cadowga shacabka iyo dulmikunaaxyada dandarrada maxasta ka taajira.   

Gaashaandhig

W.T: M.C.Cibaar 

  1. Gacalcuna hadday maanso tahay, waa gurracan weyne

  2. Googgaale lagu tookhayiyo, garabsi beeleedka

  3. Wax Islaamka kala geynayoo, hurin colaad guun ah

  4. Gooddiga walaal oo dhammaan, iyo gummayntiisa

  5. Galal dhiig ah,  kumannaan go’iyo, qoysas kala gaabta

  6. Gowraca qaraabada sokiyo, gawinta jaarkooda

  7. Galaayuuska qaylado an damin, gablanka waayeelka

  8. Niman bay geddoodiiba tahay, guluf colaadeede

  9. Garangoorta malaxdaa kuwaa, maala godolkeede

  10. Waraabuhu intuu giigi laa, wiilal ii garab ah

  11. Guba  inaan horjoogsado dateed, yaan u soo galaye.

  12.  

  13. Rag hadduu is galo oo murtida, la isku giigiijo

  14. Akhiyaartu wa inay guddaa, kalana gaartaaye

  15. Waa inay midkoodii gardaran, gacanta laacaane

  16. Waa inaan caddaaladda la gabin, oon la gees marine

  17. Abwaanada guntiga dhuuqsadee, talada soo gooyay

  18. Guuleed tixduu soo tirshiyo, intii garoowshiin leh

  19. Garnaq iyo Garsoor inaan ayido, waan u soo galaye.

  20.  

  21. Gantaalaha Bakaaraha ka yimid, ee Berbera gaaray

  22. Gabayada la tuurtuurayee, gees walba u duulay

  23. Gabadhaa xabsiga jiifta iyo, ceebtan soo gudubtay

  24. Inkastoo indheergarad gurmaday, gaabis baa jiraye

  25. Gacalkii Hargeysaad in aan, eray yar gaarsiiyo

  26. Oon garashadaydii u faro, waan u soo galeye.

  27.  

  28. Maanso guud markeediyo intaas, gogoldhiggeedii dheh

  29. Gundhiggii ujeeddada an rabo, gugac billoowgii dheh

  30. Gaashaandhiggii shacabka iyo, guushi maatida dheh

  31. Afmiishaarna geerida dishiyo, tii gagabin layd dheh.

  32.  

  33. Aduunyadan gabaabsiga ahee, garac horboodaayo

  34. Adduunyadan garaad-dhimanka iyo gay ka talinaayo                                               

  35. Adduunyadan midkii garasho laa,  laga guraayaaba

  36. Addduunyadan wanaaggii galbaday, xumana guulaystay

  37. Adduunyadan gaddoonkeed dhowyoo, gebidhaclaynaysa

  38. Gartood weeye doqomadu inay, gabay ku faanaane

  39. Nin gabbanaya misna guudki iyo, gurada loo jeedo

  40. Oo garayski dumar jiidayoo, madax ganbooleey leh

  41. Garbasaarna  xiranoo intuu, gacan ka laafyoodo

  42. Gaad is leh rag baa jira asaan, meelna gaarayne

  43. midka gubaya reerkoow, adaan kuu golleeyahaye

  44. Geesinnimo hadii adan  karin, gole ka maansoodka

  45. Garaadxumi adoon xeel ka dhigan, gorofna soo sheegan

  46. Gabgab iyo adigoon noola iman, hadal gefoo liita

  47. Amaan  gacalo magaceed la bixin, Gaasiriyo  Deeqa

  48. Gariirkaa xubnaha iyo intaan, wadnuhu gowlaynin

  49. Allaylehe inaad gaabsataa, way gudboonayde

  50. Gottenburg ma Holland baa, miskiin gaabiyaad tahaye?!

  51. Gaanays ma adigaa maxaa, sawirki kuu geeyay?!

  52. Gobonnimo ma googgorad xiraa, galabta waa yaabe?!

  53.  

  54. Inkastood gumburi liita  tahay,  gacalku kuu diga'e

  55. War hooy gaabso dhaaxaan  ku niri, yaan ku kala goyne

  56. Haddiise aad gawaan tahay qofyahow, waano gali wayday

  57. Gardarraduna  kuu caado tahay,  gama'na  kuu diidday

  58. Maatida gamaariba haddey, gelinkan kaa hayso

  59. Shaydaan garaaddo leh hadduu, kuguba guuraayo

  60. Baxar inad gashood waxan hubaa, eedday ginigiiye

  61. Geesh heeganoo waxa ku helay, gurayay raadkaaye

  62. Guuldarraystoo foolxumaa, garabka kuu taalle

  63. Waadigaa gidaarrada herdiyay, gudub hortaadaahe

  64. Goobaad dhexdeed taagantahay, kuna go'doon tahaye

  65. Gunufgunuf maxay tari adaa, gubay naftaadiiye?!

  66.  

  67. Waxaad gaysatoo idil haddii, laysku wada geeyo

  68. Abaalkaadu waa gudin inay, luqunta goysaaye

  69. Ha yeeshee il galaclaad tahiyo, ruux naftii gabaye

  70. Wiilashaa sidii geenyadii, gurada kaa fuula

  71. Inkastooy guhaad badan qabaan,  gelinka aan joogno

  72. Gorof weeye iyo waxan ku oran, ruux Jin soo galaye

  73. Geesaha riyaha liyo isagu , wax isma gooyaane

  74. Marna waa maxbuus gaalshiriyo, laga gol-roonaaye

  75. Haddii uu Ilaah kuu gartoon, gacan laguu qaadin

  76. Adoo sii gaggabi maalintaad, naga gaddoomayso

  77. Kuwii sixirka kuu soo guntoo, gunno ku soo siiyay

  78. Gaangiistaradi iyo haddaad, golihi-jaan gaarto

  79. Farriintaan u gee tuugadii,  oo ha kala gaabin.

  80.  

  81. Gudcur waxaan hullaabtoon saqdhexe, guure qabaxleeyo

  82. Gaararka waxaan eega oon , orod gucleeyaaba

  83. Waxan gebidhacleeyoon kufoo, yara gurguurtaaba

  84. Gosha waxan mushaaxoon Gendiyo, Goodka derisnaaba

  85. Waxaan goolkii wuu dhalan rabaa, laabta galiyaaba

  86. Waxaan gaatamoon  horu socdaba, gaaray qoladii dheh

  87. Gayigii la yiri ruuxna ma leh, goor dambaan tagay dheh  

  88. Soomaali Gisi weeye iyo,  guryanki beenoow dheh

  89. Gurxankii fardaha iyo ka naxay, gurdanki  kowdii dheh

  90. Gaafmeerkaa ciidanki ahaa, yaan u goo iri dheh

  91. Goor hore ayaa lay arkoon, doorbinkii galay dheh

  92. Anna gaabni maankay is iri, amad gas siisaa dheh

  93. Gammuunnaa  markaa laga lalmiyay, afarta geesood dheh

  94. Gaabsay ujeeddadu ahayd, maanse garanayn dheh

  95. Gaaskiyo dabkii iyo markaa, howshi baan galay dheh

  96. Gubtii aan lahaa aqalladii, la iga soo gaar dheh

  97. Gadaal iyo waxaa layga maray, goonyahoo idil dheh

  98. Gafuurkiyo waxay iga jebsheen, goonka iyo feer dheh

  99. Ganihiyo waxaa hoos u dumay, gows-dambeedyada dheh

  100. Culimada afkii gaari jiray, wuu garoonyahay dheh

  101. Gufaacadi urkiiseey hadana, iga gufeeyeen dheh.

  102.  

  103. Geed iyo waxaa laygu xiray, gole fagaaraa dheh

  104. War maxaa sidaan kuu galeey, igu garaaceen dheh

  105. Garan maayo iyo oohin baan, guray asxaabeey dheh

  106. Giiryaale fulay baan ahaye, gudbiyay tiinnii dheh

  107. Sirtii gaar u haay laygu yiri, sheegay gebigeed dheh

  108. Golxob nuuri goortaan arkuu, guray dareenkii dheh

  109. Gurboodkii dhexdoodaan markaa , kaadidii ganay dheh

  110. Dumarkina gaddoonyoo sankeey, gacanta saareen dheh

  111. Xishoodkaba haddaan hore u gabin, waan go’i lahaa dheh

  112. Nimmanyahow gunnimo soo hubsaday, suu rag ii galay dheh.

  113.  

  114. Guutooyin baan soo arkiyo, gaasas xoog badan dheh

  115. Gal kitaab leh bay gacanta midig, gebi ku haysteen dheh

  116. Bidixdana gantaalaha dhaciyo, gumuc rasaaseed dheh

  117. Garbosimman ayaa loo safnaa , gaardi yaab badan dheh

  118. Garmaamaynta xeeladaha iyo, gebi ka duulkooda

  119. Sida gaaddaweynaha libaax, loogu gali waa dheh

  120. Waxaan soo garoowsaday inaad goojin laydeen dheh.

  121.  

  122. Inkastoo gumaystaha an nixin, dhaawac gaarsiiyay

  123. Inkastoo ay gaalada kibrani, gooddi ku asqaysay

  124. Inkastoo gujayn lagu waduu, darisku guulaayo

  125. Inkastoo midkoodii wax gala, laga gabraaraayo

  126. Inkastoo dhulkii gebi ahaan, ay fitnadu gaartay

  127. Gargaarkii ilaah bay qabaan, galladna weeyaan dheh

  128. Goldaloolladoodii haddeey, guddi u saareen dheh

  129. Gaaxdeedi bay maalayaan, Diin guddoonsade dheh

  130. Guubaabadii Sayidka iyo, gabayo taariikh leh

  131. Geeraaradii Timacaddaa, goob walbaba yaal dheh

  132. Barbaar gaylamaysaa dhulkii, soo garwaaxsaday dheh

  133. Ma goblamin imaamkii Guraye, Goroyocawl joog dheh!.

  134.  

  135. Xaqii gaabsanaan jiray hadduu, guudka soo mari dheh

  136. Gadood iyo waxaa lagu ballamay, howlo gudo wayn dheh

  137. Afmiishaarraday goobayeen, ooy gurbinayeen dheh

  138. Dullaaladi gabaabseey noqdeen, ganacyowayntii dheh

  139. Gabgablaha sidaydoo kalaa, goonni loo saar dheh

  140. Kii qabyaalad kala gaysa wada, waabay gubayeen dheh

  141. Geeridu xaq weeyee jihaad, wow gurmanayeen dheh.

  142.  

  143. Iyagoon Galbeed iyo u iman, qaar wax kala geeya

  144. Amaan I-GAD intay soo guraan, goofaf ku xaraynin

  145. Golayaal ikhyaar lagu gimgimay, garasho dheertii ah

  146. Gogol bay Insha-Allaahu dhigan, goor dhow dabadeed dheh

  147. Gocashada markaasuu ka hadal, kay wax gaareen dheh

  148. Gartii Ina-Sanwaynay markaa, guurtidii niqi dheh

  149. Waxay goynayaan idam-Ilaah, tii gudboonayd dheh

  150. Garowshiinyo iyo waxa immaan , qaar ganaax bixin dheh

  151. Guddoon bayna wada leeyihiin, saan garaysanahay dheh

  152. Raxmad aan gurayn baa u di'i , gugi barwaaqaad dheh

  153. Gayaannaa markaa la isi siin, guurna wuu badan dheh.

  154. Gablay iyo waxay  tumanayaan, giblo ciyaareed dheh

  155. Kuwoodii Galaskoow  dagiyo, Goolofkii carabta

  156. Gebigoodba  way soo socdaan, goosankii tagay dheh

  157. Guryanoqosho iyo waxa imaan, guuritaan badan dheh.

  158.  

  159. Gayigii Jabuutiyo Burciyo, Xamar-cad geeskiisa

  160. Godaydaa Tigruhu maamuliyo, Gobolka Moooyaale

  161. Gacalkii la kala oodi jiray, waysku soo galay dheh

  162. Gaashaanbuur waxay leeyihiin, geeshash xoog badan dheh

  163. Gumaad kii u gaystiyo midkii, ganay halyaygooda

  164. Iyo kii gardaadshoo wax taray, ama gargaaraayay

  165. Nin waliba wuxuu galabsadana, way ka gudayaan dheh.

  166.  

  167. Dhaaxaad idinka oo galtiya, Qaran gumayseene

  168. Dhaaxaad amuuraadan geyin ,gebi ka tuurteene

  169. Musuqmaasuq dhaaxaad gaddeen, ood gorgoriseene

  170. Dhaaxaad markaad gaabisaan, sii galgalateenne

  171. Gaadiid haddiibow tihiin, Xabashi guuraysa

  172. Ganacsigi dadkiyo waxad waddeen, la isku soo gaar dheh

  173. Talo waa gabnowdoo tolkiin, idin giriifeen dheh

  174. Gabaahiir ayaad yuururtaan, meel gabayraa dheh

  175. Gabbalkiin dhac oo tiinnu way, sii gabaabsiday dheh

  176. Wuxu balo kufrigu idinku guray, waa galoof maran dheh

  177. Gomboor iyo wax baas ood canteen, geeri bay dhali dheh

  178. Damaciinni isagoo gablamuu, sii galbanayaa dheh

  179. Adduunyada inkaar galabsatiyo, guuldarriyo ciil dheh

  180. Aakhirana halkii laydin gelin , Guullahaa garan dheh.

  181.  

  182. Gabbaadkii agoontiyo intaas, gurmadki suugaan dheh

  183. Galiilyadi masaakiinta iyo, gocasho reenkeey dheh

  184. Fitna-wade gantaal lagu ridiyo, leeb an soo ganay dheh

  185. Damiin aan gudbayn abidki iyo, gorof duruustii dheh

  186. Gafanaha naloo naaxiyow, waa gadood dhaba dheh

  187. Nin walbow waxaad geysataad, galabsan doontaa dheh

  188. In kalena gelliin baan ahoo, waan gurmanayaaye

  189. Gaarriyow abwaan geesiyoow, gacalkayoow heedhe:

  190.  

  191. Gugaagoo yaraa iyo haddood, guudka ka cirrowday

  192. Xigmaddaadu  way giigsanayd, loona wada  guuxye

  193. Iyadoo gigtiran bay dhammaan, gobolladeen taalle

  194. Garabdaar ayaan kugu ogayn, gabbasho laaneede

  195. Gardarradana maad qaadan jirin, goor kastooy tahaye

  196. Gef nin aan mudnayn baad tahoo, garasho xeel-dheere

  197. Annagaa garbaashkii ku filan, nacas gunuunucaye

  198. Adna inaad gilgilataan rabnoon, howl ku gelinnaaye

  199. Halka gogoshu kuu taallo iyo, golaha aad joogto

  200. Gallayr  baa berridan kuugu iman, sida farriin gaare

  201. U geeraartayaa iyo mahmaah, gara u sheegtaaba

  202. Adaa garan sidow gelin lahayd, Guulle idankiiye

  203. Ehelkeenni gaarsii run waa, laga garaabaaye

  204.  

  205. "Garaadkaygu wuu dhaafsanyahay, xaajo goboleede

  206. Ummadyahay dib uma guuri karo", way gundheerayde

  207. "Garbaduub waxaan ugu xirnahay, maan-guracaneede

  208. Miyaan Geeddi-baaboow arladu, gelinna waayaynin"

  209. Xigmaddii Gudgude lamaba garan, gocashadiisiiye

  210. Gaandhi iyo Mandeelaba inuu, garasho sii dhaamo

  211. Towxiidna gowskawgu  jiro, kuma gargaartaane

  212. Geesigii Hadraawaad dadyahow, geeska geliseeno

  213. Waadna wada giriifteen dhammaan, garashodheertiiye.

  214.  

  215. Raaqiya waxay guuro iyo, duhur guclaynaysay

  216. Dhagar-qabe waxay goobtay oo, galisay diiwaanka

  217. Tallaabada gurracantaa waxay, qalin ku goobaysay

  218. Gummaadkiyo halaaggii, waxay dunida gaarsiisay

  219. Maalintay galkeedii la timid ,ooy gar filanaysay

  220. Gooddiba inay mudato oo, nacas u guulguulo

  221. Oo loo guduudiyo indhaha, giirna loo kiciyo

  222. Gobonnimdu ma hayn in ay,  afxumo gaartaaye!

  223.  

  224. Qaryaqaannadeennii sharciga , kala gorfaynaayay

  225. Iyagoon gabboodfalin ayaa, jeelka loo guraye

  226. Jaamacaan xumaha goobi jirin, guulwadaa xiraye

  227. Wadaaddada gujada lagu hayee , garabka loo sheegtay

  228. Garaaddadu u hooy yahay xabsigu, kama guhaaddaane

  229. Goosasho kan sheegaba intii, loo gurbaan tumayay

  230. Gabbaldaye sidiisii  kuwii, u gadgaddoomaayay

  231. Oo gelinba meeshii irmaan, gaawahow culayay

  232. Ee maxasta gaadgaadi jiray, hele geddoodiiye

  233. kuwii shalay na kala gaabiyiyo, Guduriyaashiiba

  234. Waa kuwaa shirkii noo galoo, gaarigii wadaye

  235. Muxuu goof  midoon khayrku gelin, ina gayaysiiyay?!

  236.  

  237. Xariggii wanaag loo guntaba, qaar un baa goyne

  238. Gabar aan garnayl iyo hub sidan, kolay garruun noqoto

  239. Ninka yiri dhulkay ila geddiyi, ee bal naga gaara

  240. Iyo kii garraarkeeda furay, ee golqabateeyay

  241. Oo gabbaati isagoon ka bixin,  faraha gaarsiiyay

  242. Waa kuwan gayaan iyo aqoon, guur xalaaleede

  243. Waa kuwaanan sharaftooda geyin, gaarida haweene

  244. Waa kuwo u naxariisteed gabay, gacalo hooyaade

  245. Walaashood ilmada gobo' ka lihi, waa kuweey gubine

  246. Waa kuwo gabannadeey dhaleen, beeri godobtoode

  247. Waa kuwo ixsaankii gambiyay, oon gambow harine

  248. Maxaa nala gudboon, talada waa la isku gaystaaye?!

  249.  

  250. Gacandhaaf ma qabin inu u haray, gubadki waagiiye

  251. Godobtii horaa loo la'yahay, meel la geliyaaye

  252. Gudbin iyo intii aanan maqal, qolo kalow geeya

  253. Inta aan Gurayb lagu qufulin, godadki shaydaanka

  254. Oon aan Guwaantama iyo, goof xun lagu tuurin

  255. Waanada hadday gees maraan,  lana gafuurtaago

  256. Gabantaa agoonta ah, haddaanay aadin gurigeedi

  257. Maangaabka taladiisa waa, laga gadoodaaye

  258. Gacmahana kolaad ula tagtaan, geeshna faro saaro

  259. Gurmadoo ka kaca yaan nabsigu, meel xun idin gayne.

  260.  

  261. Intaas gacal farriin loo diriyo, aaway guurtidi dheh 

  262. Gar Ilaahay waa loo Islaame, gaara xaajada dheh

  263. Dulmantaa gashaantida ahiyo, Samsam gargaarkeed dheh

  264. Xummaantaan ninkii gaystayow, waa wax kaa go'an dheh.

  265. in kalena Abshirki soo gabyow, gacalkayoow heedhe:

  266.  

  267. Garmaqaatennimo kuguma maqal, geesiyow abide

  268. Gucumaale Aar baad ahayd, goortay khayr tahaye

  269. Shiikh diinta garanaaya oo, gaamuraad tahaye

  270. Garaaddaha ad leedahay ma rabo, inay wax gaareene

  271. Dhibka Inanta loo geystayuu, gabaygu faalleeyay

  272. Guubaabo inkastooy ahayd, oonan garanaayo

  273. Misna erayo gaaraa jiriyo, gacantogaalayne

  274. Geddaadiina maahoo walaal, ii garoowsanide

  275. Adigoon difaac galin , anoo hadalka soo gaabin

  276. Mar haddii ay guradii tixdii, niman ku guureenba

  277. Mar haddii uu gaanneri  gabyaa, gees kalow leexshay

  278. Mar hadduu Iblays guuxayoo, sacab garaacaayo

  279. Gufaacooyin baas iyo intaan, guluftan lays aadin

  280. Oon Addis garsooraha ka yimid, fulin go’aankiisu

  281. Jannadii Ilaahay galyow, guul ayaad heliye

  282. Soo gunaanad suugaantanoo , gabagabee maanta .

---------------------------------------------------------

Inj. Maxamed C. Cibaar
Delft, Holland
Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2005 | Sixid: Jan 31, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD