SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Samsam oo CID Hargeysa ay markale Xabsiga kala Baxeen iyo Samsam Hooyadeed oo La Jir Diley

Waxaa la sheegay in Samsam la geynayo Cisbtaal, laakiin arintaas ehelkeeda iyo Qareenadeeda laguma wargelin

War naga soo gaaray magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Saaka Subaxnimadii oo ay Taariikhdu tahay 29-01-2005 Samsam Axmed Ducaale lagala Baxay Xabsiga weyn ee Hargaysa ayadoo Samsam Arinteeda Xadgudubka Aadaninimo ay u geesteen Xukuumada Somaliland madaxdeeda Sare ay wali ku hayaan ayaa waxaa la garan layahay meesha ay saaka u dhigeen. Mar ay la xiriireen Loyaradeeda Xukuumada ayaa waxa ay u sheegeen in ay geyn doonaan Hospital-ka ayna soo celin doonaan.

Samsam Axmed Ducaale Hooyadeed ayay Jir dil u geeysteen Ciidamadu markii labo maalmood oo sii horaysay ay kala baxeen Xabsiga ayagoo dhehaya "su'aalo dheeraad ah ayaan weydiinaynaa".

Samasam ayaa Sharciga Aadani nimo ay tahay hadii la geynayo Goob Caafimaad la Ogaysiiyo ehelkeeda taas oo ay Hooyadeed samsam ugu dareen Jir Dil kadib markii ay tiri waan raacayaa oo ka hari maayo ayaguna ay diideen.

Wararka kale ee naga soo gaaraya Hargeysa ilo xogogaala ayaa sheegaya in Ciidamada Xabsiga ka waday Samsam ay yihiin Ciidanka lagu magacaabo C.I.D oo u qaabil siisan dambi baarista.

CID-du waa kuwii ay Samsam maxkamada horteeda ka sheegtay in ay kufsadeen.

Waxaa Dhanka kale la filayaa in ay yimaadaan Hargeysa Wafdi sare oo ka socda UN-ka qaybteeda Bini,aadanimo oo u socda Arinta samsam oo in badan Aduunku ka muujiyay in ay ka xunyihiin sida loola Dhaqmay Gabadha yar ee Samsam ee aan dambi galabsan, imaanshaha wafdigaa ayaa ayaa Walwal hore ku noqday Maamulka Somaliland.

SamSam oo ay ka hadalka Xabsigeeda iyo Dhibkii gaaray ay Hargeysa ka socotay dhowrkii bari ee ugu dambeeyey ayaa waxaa hadana ay Isniintii Taariikhdu ahayd 17-01-2005 ay Dalbatay in la keeno Maxkamada si loo dhageysto dacwadeeda, laakiin rafcaanka ayaa Dib u dhacday. Dalabkaas waxaa baajiyey kaddib markii uu Axmed Yuusuf Yaasiin yiri "Waxaan Dalbaday Dhaqaatiir dibada ka imanaysa ee Xabsiga haku sii jirto Samsam"... Akhi warkii hore...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD