SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


"Waxaan Dalbaday Dhaqaatiir dibada ka imanaysa ee Xabsiga haku sii jirto Samsam" Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland, Axmed Yasiin ayaa yiri hadalkaa

samsamSamsam ayaa waxaa ay wali heli la'dahay Xoriyedeedii kadib markii lagu xukumay Shan Sano oo Xariga iyaduna ay Rafcaan ka qaadatay Xukunkaa.

SamSam oo ay ka hadalka Xabsigeeda iyo Dhibkii gaaray ay Hargeysa ka socotay dhowrkii bari ee ugu dambeeyey ayaa waxaa hadana ay Isniintii Taariikhdu ahayd 17-01-2005 ay Dalbatay in la keeno Maxkamada si loo dhageysto dacwadeeda, laakiin rafcaanka ayaa Dib u dhacday.

Waxaa noo suurta gashay in aan la hadalno Samsam ehelkeeda sida aan u ogaano waxa Dacwada dib u dhigay, waxaana ay noo sheegeen in uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ahaa Ninkii dacwada ku soo oogay Samsam in uu yiri waxa aan Dalbaday Dhakhaatiir dibada ka imanaysa marka hala baajiyo Dacwadaa, sidaana ay ku baaqatay dacwadii.

Ehelka Samsam ayaa noo xaqiijiyay in ay hada ka soo kabsanayso Dhibaatadii iyo Nabrihii loo geestay lakiin ay xoriyadeedii la'dahay.

c/fatax jaamac
Boosaaso, Soomaaliya

somalitalkpl@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2005

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD