SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


:::Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam:::

  • Bahda SomaliTalk.com | Janaayo 16, 2005

Waxaan la socodsiineynaa dhammaan qorayaasha iyo gabayahanada in laga bilaabo maanta (Jan 16) in shuruudaha gabayga ka mid noqonaya silsilada Samsam ay yihiin sidan:

  1. Aqoonsiga Gabayaaga: Waa in gabayaagu uu maansada ama gabayga soo raaciyaa sawirkiisa, magaciisa oo buuxa, iyo magaalada & wadanka uu deggan yahay.
     
  2. Asluubta Gabayga: Waa in gabaygu uu ku koobnaadaa arinta laga gabyayo - waxaana caagan ama reeban in qabiil loo leexiyo hal-abuurka maansada silsiladan, taas oo dhumineysa ujeedadii gabayga, majarahana ka weecineysa arinta taagan..
     
  3. Email: Emailka gabayga laga soo diro waa in ay noqotaa emailka gabayga ku saxiixan.taas oo noqon doonta emailka lala daabacayo gabayga.

Waxaan suugaan-yaanada (gabay yaqaanada) xusuusineynaa in aysan hilmaamin dadka ku sugaan Hargeysa ee aadka ugu hiiliyey Samsam Axmed Ducaale, kuwaas oo qaarkood ay xabsi u galeen gabadha agoonta ah darteed, waxaa haboon in dadkaas ay magacyadoodu taariikhda baalkeeda wanaagsan galaan oo ay suugaantu xustaa. Dadka wanaaga u galay Samsam waxaa kamid ah:

  • Raaqiya Cabdillaahi Oomar: Tel: Mobile (252-2) 428-330 ama (252-2) 30-2500
    Raaqiyo oo ku sugan Hargeysa waxay u isu taagtey u gargaarka gabadha da'da yar ee ku jirta jeelka Hargeysa. Waxaana ay Raaqiyo noqotay codka hadalkii Samsam dunida gaarsiiyey, waxayna ilaa hadda ku adkaysaneysaa in Samsam la tuso dhakhaatiir caalami ah. Taariikhduna sidaas wanaagsan ayey Raaqiyo u xusi doontaa, mana ahan in gabay-yaqaanadu hilmaanaan arintaas.
     
  • Afarta Garyaqaan oo Samsam daraadeed xabsiga Hargeysa u galay, kuwaas oo kala ah:
    1. Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali
    2. Dr. Maxamed Siciid Xirsi
    3. Dr. Fowsi Sh. Yoonis iyo
    4. Dr. Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin
    Garyaqaanadaas oo maskaxdoodii, qalinkoodii iyo waqtigoodiiba ugu tabarucay Samsam si ay xabsiga uga furdamiyaan, waana in aan gabayaqaanadu wanaagaas hilmaamin.
     
  • Kaltuun X. Daahir Marwadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Allah ha u naxariistee) oo ku biirtay codadka u hadlay Samsam, waxayna isku dayday in ay ka furdaamiso xabsiga. Waana in wanaagaas aysan gabayanadu hilmaamin.
     
  • Xuseen Dalmar Ismaaciil: Askarigii ka warbixiyey xaalada Samsam, asagoo sheegay in uu ka tirsanaan jirey ilaalaada Samsam (Lambakiisa Booliska Hargeysa: 4483). Asagoo isku deyey in uu caalamka xusuusiyo dhibka haysta Samsam. Taas oo ay tahay in aan suugaanyanadu hilmaamin.
     
  • Hay'adaha xuquuqul insaanka ee Hargeysa iyo kuwa caalamiga ah, sidii ay ugu doodeen Samsam waa in aysan gabayaqhanadu hilmaamin.

Waxaa kale oo jira dad aad u farabadan oo ku dhaqan Hargeysa, balse waqtiga hadda taagan aan magcayadooda la shaacin karin, arimo jira awgood, dadkaas oo ka warqaba arrinta Samsam, kana soo tebiya xogaha hoose, waxaana, insha Allah, rajayneynaa in xilliga ku haboon lagu qori doono taariikhda baalkeeda wanaagga.

Intaas oo dhan waxaan gabay-yahanada u xusuusineyna in aan maansada laga leexin wadada ay ku socoto iyo arinta laga hadlayo oo ah arinta Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar agoon ah, da'yar, oo lagu xukumay shan sano oo xarig ah, laguna xiray xabsiga dadka waaweyn ee Hargeysa.

Oct 14, 2002 ayey ahayd markii SomaliTalk.com shardi ka dhigtay in qoraalada kusoo baxaya shabakada ay ku qoranaadaan Afka-Soomaali. Arintaas oo guul weyn dhalisay waayo waxaa aad u xoogeystey qoristii Afkeena hooyo iyo qorayaasha wax ku qora farta Soomaaliga. Sidaas oo kale ayaan rajayneynaa in shuruudahan gabayaduna ay xoojin doonaan maansada afkeena.

Aan wanaaga isugu gargaaro, wixii xumaan dhalinaayana aan ka dheeraano, waqtigeena adduunkana aan uga faa'iidaysano wanaag isu sheegga. Qof kastaana ha is xisaabiyo inta aan la xisaabin.

Wixii su'aalo ah ama talo ah waxaa lagu soo hagaajin kartaa halkan....



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD