SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print



Maxamed Xirsi Guuleed

Haddaad Guluf Abaabuli Lahayd 

Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2005-01-13 isaga oo kaga jawaabaya tixdii Abshir Bacadle ka tiriyey qaddiyadda Samsam Axmed Ducaale. Jirtoo uu Maxamed Xirsi la qabo Abshir Bacadle damqashada uu ka damqaday dhibaatada haysata gabadha Soomaaliyeed, haddana wuxuu saluugay sida uu abwaanku u weeraray umad dhan oo aan dambi qaybsan karin. Wuxu yidhi: 

  1. Abshiroow gabyaa caanahoo garashalow heedhe
  2. Anoo gabana iyo maalintaan guuxa baranaayey
  3. Iyo maanta oon gabay badsaday,  kala gorfayntiisa
  4. Gadh wadeen ayaad ii ahayd geesi aan dhimane
  5. Goleyaal ayaan kaa xusiyo goobo aan ogaye
  6. Guuleed fantalakh maalintaad gumuc ku tuuraysay
  7. Kuwii kuu garaacaan ahaa sacab garowsiine
  8. Gabdheheenna diintale tixdaad ugu gargaaraysay
  9. Eed farax ku gelinaysaybaan weli gardaadshaaye
  10. Geeraaro qiimaleh intaad gelisay raadyowga
  11. Goldaloolo hore kaama maqal gef iyo deelqaafe
  12. haddase gabaygan kaa yimid dareen giiga igu beerye
  13. Inuu yahay gef kaa yara dhiciyo gees mar bina Aadan
  14. Iyo Gedihii aan kugu aqiin inaad ka soo guurtay
  15. Adigaa gadaal kala caddayn gacallahaygoowe
     
  1. Gabadhaa Samsama xaajadaa geeskasta u faaftay
  2. Gudaa jeelka ee lagu xidhiyo godobta sii raacday
  3. Gosheedaa la taabtiyo dhibkaa gaadhay sharafkeeda
  4. Inaad gabayga ugu hiilisaa waa gar Bacadloowe
  5. Hayeeshee gadaafada inaad gobol dhan eedayso
  6. Oo inay gar eexeed naqeen guud ka wada saarto
  7. Ood gaaloraacyiyo guniyo guush ku wada sheegto
  8. Kulamay gudboonayn walaal garashadaydiiye
  9. Haddaad guluf abaabuli lahayd gabadha soo saara
  10. Gurmashada Magaadliyo xabuush, gala ma weydeen
  11. Inta cadho lagawracan dhibkaa inanta loo geystey
  12. Ee garab ku siinlayd ayaa geeshashoo badane
  13. Maad gooni Fooxliyo Basaas, go’e u faallaysid?
  14. Oo nimanka waad garanaysaa, gaar wax uga sheegtid?

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkaas waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2005

Qoraalkii Maxamed Xirsi ee 2002 Hoos ka Akhri

dumar_1.jpg (125224 bytes)

Ragga toodii aragnaye 
Dumar talo ma laga deyey

Mohamed Hirsi | Sweden 
Abdibashir@hotmail.com
  
 

Faafin: Sept 13, 2002

”Dumar talo ma laga deyey”; waa sheeko maldahan oo macnaynaysa dhacdooyin run ah oo la xidhiidha taariikhda Soomaalida ee Casriga ah iyo wixii keenay dhacdooyinkaas. Sidoo kale waxay saadaalinysaa xal lagu nasto iyo wadooyinka lagu gaadhi karo mid ka mid ah.

Nuxurka qisadu wuxu leeyahay sidan:

”Waxa jiray umad lagu magacabo reer Soofmaal oo ku noolaan jiray dhul lagu magacaabo Dalsan. Reer Soofmaal waxay ahaayeen xoolo dhaqato. Dadku waxay ahaayeen qaar is jecel oo isu naxariista. Lagama aqoon deegaankooda caydh iyo cuduratoona. Sidoo kale colaadaha ayaa ahaa waxa ay maqlaan uun. Barwaaqo ayey iskaga jireen weligood. Laakiin Biyaha ayaa qaliil ku ahaa.

Iyagoo sidaas isaga nool oo ku qanacsan noloshooda ayey maalin maalmaha ka mida ku soo dul degtay marti aan la garanaynin. Martidii waa la soo dhaweeyey, balse kun jeer ayaa laga qoomamooday aakhirkii. Waxay u horseedeen reer Soofmaal silic iyo saxariir aan laga sheekayn karin. Markasta oo laysku dayo in wax laga qabto dhibkaas, xaaladu way sii xumaanaysay. Markasta oo loo maleeyo in xal la gaadhayba, waxa soo baxda dhibaato tii hore lagu illaabo. Aakhirataankii dumarka reer Soofmaal ayaa lagu wareejinayaa xal raadinta umadooda. Waxanay ku guulaysteen arin ragu ku rafaaday hagaajinteeda 100 sano”.

Qoraalkan waxan u doortay magaca ah : ”Dumar talo ma laga deyey” oo aan ka soo dhex xulay magacyo badan oo ku wada haboon in loogu magac daro qisada buuga. Waxa ka mida magacyadaas: ”Qisadii reer Soofmaal” ama ” Qisadii yaxaasyada” ama ”Wadadii halaagga” ama ”Ardaydii geed-is-mariska” ama ” Martidii nuxuusta”.

Mohamed Hirsi | Sweden 
Abdibashir@hotmail.com
  
 

Faafin: Sept 13, 2002  

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD