SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Ka garnaqa qabiil ma aan rabo in aan qaladka saaraaye ! 


Abshir Salaad Ciise (Rooble)

Abshir Salaad Ciise (Rooble)
abshir_salad@yahoo.com


Waxaa dhamaantiin indin leeyahay Asalaamu caleeykum, salaan wacan kadib waxaa doonayaa in aan ka tiriyo tixgaaban dhibaatadii loogeeysitay zam zam axmed ducaale , tixidaas oo lamagac  baxaday ( Ka garnaqa qabiil ma aan rabo in aan qaladka saaraaye), taasoo runtii aan layaabay iguna noqotay mucjiso mana doonayo cid aan kulahayn dinbe in aan ku aflagaadeeyo ama aan ku eedayo laakiin waxaan   iga keenay ninkii eeda galay.

Waxaana ka mid ah Abwaanada somaliyeed oo soo kacaya, waxaan ku noolahay dalka Pakistan, magacaguna waa Abashir salad ciise oo ku magaca dheer (Rooble) aniga oo aan ku dheeranan hadalka bal aan u guda gallo tixdii la magac baxday Ka garnaqa qabiil ma aan rabo in aan qaladka saraaye! 

  • Sam sameey siraad baa ahayd iyo saacad luulaaye
  • Waxa saatan kuugalay ma ahan ruux sokeeyaha’e  
  • Sebenkaan ma seexedoo hurdada waan ka selelaaye 
  • Silicii laguu geeystaybaa saatan iigalaye  
  • Sida hooyo ubad keed dhintaan ciil la sulufaaday  
  • Selelaa habeenkii  hurdada saaxi maan ledo’e  
  • Sikastaba hayeeshee marbaan  silica kaa mayri  
  • Soomali idilkeed ma ahan silica kaa muuqda  
     
  • Xumaan la isku qaadiyo marabo eed in aan galo’e  
  • Aan kuna sifeeyo ruuxii ku kacay oo siriqda  kugu tuuray  
  • Macangagyohow  miyaadan ogayn satan soo socota  
  • Ruux dumara weeyoo dhibtaa laga ilaashaaye   
  • Ragu dumarka  waa u samanyahay saatan yaa u sheega  
  • Reer reer na looma kala qaado iyo ruux kugu dhowe 
  • Rabi baa inasiiyo malahan ruux ugooniya’e 
  • Rafaad loomageyistiyo sidan maantay sarataagan  
  • Xabasi  daa’im baalagu xakumay  oo waa xeer inooyaale  
  • Xumaan loogu daray iyo dhib iyo xooge
     
  • Ka xishoonnay in badan oo samaan xeelad kulahayne 
  • Hadaan marada xaytona marbaan xariga kaa gooyne  
  • Deris kaan wadaagnaa  runtii diifta iikeenay  
  • Diihaalka  marbaa laga baxaa oo dayri curataaye  
  • Damcimaayo  xumaan in aan ku koco ee gabadha siidaaya 
  • Hadii kalena  dirir iyo dagaal gacan u soo taagta  
  • Hadii kalena dayn baxa oo ku qira eeda kiigalaye  
  • maharsado nin ciishoon oo ruuntii  oo caradu mayracatay  
  • nin caruurtiisii gaajo u dhinteen dhay ma hoobsado’e  
  • dhalaan aadan dhalin lagama helo dheef adoonyaade  
  • dhibtada maanta joogtaa kadaran dhaawac iyo halise  
  • Kagarnaqa qabiil ma aan rabo in aan qaladka saaraaye  

 Abshir Salaad Ciise  (Rooble)
abshir_salad@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2005



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD