SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Gabay Xirkii Nabadoon lama Garan

Waxay noqotay Arinta gabadha yar ee Samsam Axmed Ducaale mid taariikhida gashay, oo ku qorantay maskax farabadan oo caalamka meelo kale duwan joogta, sababtuna waxay tahay waxaa u hiiliyey xaqa oo dhan ka noqday Maamulka Hargaysa, hagar daamooyinka uu gaystay daraadeed, xaqana hadii afka laqabto feeruhuu ka dilaacaa, waxaan laqabaa dad farabadan oo murugo ka muujiyey xaalada gabadhaas yar ee biri magaydada ah, ilaa hadana aduunku uu dhabanada lahaysto amakaa geedii, Soomaalidii horena aan dhaqan u ahaan jirin in dumarka noocaas loola dhaqmo, garse waa loo Islaam arintaan waxaa gaystay ilaa hadana  ay kaga qorantahay wajiga iyadoo boog cambaar ah Maamulka Riyaale iyo cidii kaloo la qabta dulmigaas.

Xaashaa lilaahi Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Hargaysa eed kuma lahan lamana qabaan dhibaataynta gabadhaas yar Riyaale, inkastoo dad badan is leeyihiin -waxaa ka hadlay Isimadii (Boqor Buurmadow), Xuquuq Insaankii (Raaqiya iyo Colkeedii), qareenadii (laguba xirxiray) iyo saxaafada qaarkeed iyo qaybakale oo shacabka ah- aaway Culimadii?! oo ilaa hada aan laga hayn wadaad qura oo ka hadlay si caama waa laga yaabaa inay uga hadleen si khaasa oo Maxali ah, hadaba taasi miyaysan dhaliil ku ahayn Culimada reer Hargaysa?, jawaabta Culimadaan u daynaynaa.

» GABAY: GARNAQ [WT. Dhagaafe]
» GABAY: Yaa u Garnaqi doona [WT. Geele]
» GABAY: Godlan [WT. M.Cali]
» GABAY: Gacan Saar  [WT.  M.M. Aw Yuusuf]
» GABAY: GARSOOR [WT. Nabaddoon]
» GABAY: Godankaa Hargaysaad | Shiine
» GABAY: 60 kii Ummad Gees aheyd  | Jawaab
» GABAY: GOBANNIMO | c/lahi
» GABAY: Gabaygii Abshir Bacadle ee Samsam

Waxaa socday qoraalo farabadan oo ku socday xawaare xoog badan, dhana ka wada ah falka ay gaysteen Inta ku bahowday dhibaataynta gabadhaas, waxaase howshii marqura isu badashay gabay, kadib markuu gabay soo tiriyey Abwaanka caanka ah ee Abshir Bacadle, intaa ka dib waxaa socday dhafan dhaaf gabay isogoo nin walba garaadkiis wadaantiisa u ritay, waxaase aad iisoo jiitay gabaygii Nabadoon oo igu kalifay qormadaan kadib markaan dheegay dhurtiisana labaxay, gabyaa ma ihi waanse akhriyaa, waxaan qirayaa xikmadii Soomaaliyeed ee oranaysay "nin iyo magacii isleh" allaylahe inuu ka nabadooneeyey baan marag ka ahay, gabaygiina uu ku xiray si garsoor leh uuna waafaqay magaca uu'u dooray gabaygiisa ee Garsoor, ninkii gartay iyo nikuu uu garab marayba gabaygaas waa xiraa.


BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Waxaan islahaa gabayga waxaa dib ufuridoona jawaabta kasoo yeerta Riyaale, masa dhicine waxaan arkay laba nin oo soo gabayday oo nina u jawaabayo Cige halka ninka kalana u jawaabayo Nabadoon, waxaan qabaa in Nabadoon gartaas horay u naqay Abwaanka Bacadlena  xasuusiyey laba meelood oo gabaygu la leexday Cigana sidoo kale isna xasuusiyey laba meelood oo isna gabaygu lagalay, Sida marka uu Bacadle lahaa "Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay -iyo markii uu lahaa -Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede ** Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa". Labadaas meelooda Abwaanka waa looga garjoogaa Nabadoona waa isagii lahaa "Gobta Habar-magaadlood ma oran, gabadha aafeeya -wuxuuna ugu danbayntii yiri- Guurtina dadaal kuma yaree, gacalle aashaada".


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waa waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad
Oct 22, 2004

"Dabcan, kolley xukuumad ahaan waan iska arki doonaa, waxaa lagayaabaa xukuumad ahaan in aan inan yar u xidhnaan, oo arrinka la soo afjaari doonaa.." Axmed Yuusuf Yaasiin
Dec 19, 2004

"Dee 17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa, Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay." Raaqiya Oomaar
Dec 21, 2004


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...

"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...

RIYAALE (Jan 4, 05): Horta gabadhaasi aad baa loo buun buuniyey runtii, wax badan oo been ahna waa laga sheegay ayaan anigu qabaa, maalmahan u dambeeyay waxaad arkayseen iyada iyo gabdho kale oo Unifoomka ciidamada huwan oo wixii laga sheegayaba in ay beenoobeen baad moodaa, waa inan yar oo "under age" iyo waxyaabihii la sheegayay horta way isa soo beeninayaan baad moodaa, idinkuba waad aragteen.. Daahir Riyaale... Guji.


Abwaan Cigana isagoo ku halqab sanaya dhibaatadii Dowladii dhacday u gaysatay reer Waqooyiga wuxuu yiri "Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo Go’o nawaaxeeda* Guudka Ceerigaabiyo Berbera Godanka Shiikh yaallo *  Gabaahiir Hargeysaa la baday Maalin gelinkeede"- iyo markii uu lahaa Cige-" *Garyaqaanno loo soo xuloo Geydhka wada taagan * Guddiyada xuquuqdoon marqudha Goynin hadalhaynta * Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo Ururro guuxaaya * Miyaanaan gob lama caasiyee Gabadha taageerin?" isagoo labadaa meelood ku halqabsanaya Nabadoona waa isagii lahaa "Gummaadkaa kuwii gaystay ee, gaabshay ehelkeena*Gurigaaga qaar baa fadhiya, iyo gadaashayda *Inaan goobno soo wada xirroo, xeer u wada goyno *Ama aan cafinno gabi ahaan, wa ay gudboonayde   *Mid gardaadso midna guluf ku kici waa gurracan taase * kala guurka meeshaas ha gelin, waa gar waanaduye".

 Markale abwaanku isla hadalkaas waa isagii lahaa " Intay Koonfur geed ugu shirtoo, hiil isugu geysay *  Hargeysaan gubaynaa ma oran godanki kheyraade-wuxuu kusoo xiray -Waxa godobta loo saarayaa, waa i gali wayday!.

Meesha labaad ee oo Cige kula hadlay waxay ahayd  "Gabar yara haddii ay intaas, jeelka gudihiisa *Gardaduub u xirantoo dulmigu, guudka sare dhaafay *Go’aankaasna uu yahay miduu, gaaray madaxweyne-wuxuu kusoo xiray tixdaasna-Gobonnimo inaan kaa maqlaa, waa i gali wayday!".

Waxaa jirta Meel sadaxaad oo uu ku tilmaamayo Nabadoon goosashada iyo inaan midnimo waxba lasiisan, iyo inaan gabayga laga tuurin meelo dalow ah sida raga qaar ku halqabsaday guba oo baal  madow ku qoran oo ka bilaabatay hal biyo loodiiday, hadaba gabayga nuxurkiisu waa yaan qabiil iyo qurun loo badalin arinta gabadha ee ha lagu koobo cidii gayda, inta kale akhristow adaan kuu daynayaa inaad ka bogatid oo dhamaan gabaya isha maris kadibna xaasika heshid.

Ugu danbayntii Waxaa xusid mudan meesha laba nin oo gudbaanaa shalay oo kawada tirsanaa ciidankii Siyaad barre mudo dheer lagana hayo midkasta taariikh iyo faro, midna ku noqday Somalilander midna Koonfurlander ma shalay baa maanta noqotay maxaase intaan shalay maanta isku daro bari ugu qaybin waynay, hadaan tusaale ka bixino Riyaale sow shalay ma'ahany madaxdii ciidankii Nabadsugida oo aan taariikhdeeda wada hayno, hadaba waxaa iga su'aala mashalay buu ahaa Somalilander mise maanta!?.

Tusaale labaad inta maanta joogta Nairobi badan koodu shalay waxay ahaa yeen sidaan soo sheegay Ciidankii Siyaad Barre badankooda waan haynaa shaqooyinkoodii iyo taariikhdoodii hadaba waxaa su'aal labaad ah ma shalay bay ahaayeen koonfurlander mise maanta oo sartii kala baxeen?!.

Hadaba akhristow miyey inala gudboon tahay -iyadoo Yurubna midowday oo halacag samaysatay si Maraykan dollar kiisa ula tartanto hadana kaba dheeraysay,iyo afrika oo leh Ururka Midowga Africa oo kama daraha ah,iyo Carab oo aan si caadiga u ah wax isku raacin hada u shiraysa waxaan samaysanaynaa Baarlamaan carabi leedahay, iyadoo marhore khilaafkoodii soo ifbaxayo ayna kamuuqato hadalkii uu yiri Shiikhii Masriga ahaa ee Kashka alle ha u naxariistee"waxaa heshiisay carab,oo maxay carabi ku heshiisay?,waxay carabi ku heshiisay inaysan waligood heshiin" -inaan  iyadoo awalba Istimaarkii ina kala gooyey aan hada usii durbaan tumo sii kala googo?,waxay ila tahay inay iska cadahay jawaabtu, isku soo xooriyoo aan ka dhursugno waxa Maamulka Riyaale kasoo yeera inta ka horaysana qolyahayaga wax xariiqa waa u furantahay, laakiin cidii ka gabayda waxay aniga iigu muuqataa gabay xirkii Nabdoon lama garan Wabilaahi towfiiq.

Xasan dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2005

» GABAY: GARNAQ [WT. Dhagaafe]
» GABAY: Yaa u Garnaqi doona [WT. Geele]
» GABAY: Godlan [WT. M.Cali]
» GABAY: Gacan Saar  [WT.  M.M. Aw Yuusuf]
» GABAY: GARSOOR [WT. Nabaddoon]
» GABAY: Godankaa Hargaysaad | Shiine
» GABAY: GOBANNIMO | c/lahi
» GABAY: Gabaygii Abshir Bacadle ee Samsam
» GABAY: 60 kii Ummad Gees aheyd  | Jawaab

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD