SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Codsi: soo Deynta Samsam iyo Saacidaadda dhibaatada Sunaamida 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sidaan kal hore soo qoray waxaan maqaal ku sheegay in madax sarsare oo ka tirsanayd maamulka Somaliland noo xaqiijiyeen in la soo deyn rabay boqor Buurmadoow oo markaas xirnaa. Sidii bay u dhacday oo waakaas aad aragtaan. Waxaa warar aanan hubin leeyihiin in sidoo kale la filayo in Samsam si dhaqso ah loo soo deyn rabo. Sida la wada ogyahay; arrinta Samsam ma ahan mid la moogyahay. Reer Waqooyi, reer Koonfur iyo dadka u doodda xuquuqda Aadanahaba looma kala harin. Waxaa muddo aan fogeyn codsi noocaas ah soo jeedisay murwaddii madaxweynihii hore ee Somaliland waa murwo Kaltuun. Soow ma ahayn in murwada codsigeeda la aqbalo? 

Anigoo ku hadlaya magaca  ummadda Soomaaliyeedba waxaan ka codsanayaa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland inay u oggolaadaan in Samsam Axmed Ducaale kula ciiddo ehelkeed magaaladii ay ku dhalatay. Ma filayo inay jirto wax ka fiican in arrintaas lagu beego munaasabadda Ciidda. Tobanka beri ee u horreeya ciidda, waa maalmaha ay acmaasha la sameeyaa ugu qiimo badan tahay. 


Cadde Muse (PL)


Dahir Riyale (SL)

Waxaan kaloo ka codsanaynaa madaxweynaha cusub ee Puntland, Cadde Muuse inuu codsi madaxweynenimo oo ka turjumaya siideynta Samsam uu ujeediyo mudane Daahir Riyaale. Waxaan aamminsanahay in madaxdaasi aqbali doonaan codsigaas. Haddii arrintaas lagu guuleysto waxaa madaxda Puntland laga rabaa diyaaraddii soo qaadi lahayd gabadhaas iyo dharkeediii Ciidda. 


Saacidaadda Sunaamida 

Waa maxay faraqa u dhaxeeya musiibada dabiiciga ah iyo midda dadku sameeyaan? Inta badan waa iska caddahay laakiin waxaan uga danleeyahay, dhibaatada ay dabaylaha, dhul-gariirka, bad-gariirka iyo musiibooyinka kale ee dabiicigaa keenaan looma qabsado dhulka, dabaylaha ama badda. Ileyn iyagu amarka Allaah bay ku socdaane. Halka dhibta ay dadku sameeyaan ay iyaga salfanayso sidoo kalana ay mas’uul ka yihiin waxay geystaan. 


Xaafuun, badgariirkii kadib
Dhegeyso warbixintii VOA ee Jan 18

Qaran iyo dowlad haddaysan jirin waxaa meesha ka baxaya hawl-qaran iyo hawl-dowladeed. Mid gobol ma jirtaa? Haddaan siyaasi ahaan lahaa waxaan kala ilaalin lahaa codsiga ku socda madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee arrinta Samsam iyo inaan Somaliland gobol ku sheego laakiin in si toos ah loo socdo ceeb maaha. Runtii marna Somaliland, Puntland iyo Koonfurta kale la isma barbardhigi karo. Labadaas gobol, xaggee dhaqaalahoodii geliyeen? Puntland intii la dhisay, waxaan daraawiish ahayn oo horumar sameeyey ma maqal haddaanba dib-u-dhac ku imaan. Somaliland lafteeda waxaa dhaqaalaha inta ugu badan qaata ciidamada. Ciidamada labadaas gobol intooda badan xaggee ku jihaysanyihiin? Markay ugu dheeraadaan waxay ku jihaysanyihiin Soomaali? Naftooda ama dariskood! Yaa garanaya masiibo ka darran arrintaas? 

Yaa garanaya abaartii dabodheer? Doorkee ciidamadu ka qaateen? Ciidamadu, difaaca dalka iyo nabad-ilaalinta ka sokey waa dadka ugu horreeya ee u gurmada sidoo kalana qeybta ugu badan ka qaata dhibaatooyinka dabiicigaa.

Iska daa in ciidamo Puntland fadhiyaan Aricaddeeyee waxay ahayd in ciidamada Somaliland usoo gurmadaan walaalahood. Maxaa kaa bi’i lahaa haddii askar keliya kaa maqnaan lahayd! Waxaa kaloo meesha ka baxaya canshuurihii yaraa ee dekedaha Berbera iyo Boosaaso laga qaado ama dhowrka garoon-diyaaradeed waxay aadayaan Aricaddeeye ileyn ciidankii baa joogee. Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa? Xitaa haddii adduunweynuhu caawimo siiyo Soomaaliya waxaa adkaanaysa ciddii qeybin lahayd. Haddaan ciidan joogin; qof kasta oo shacab ah waa in lacag lagu siiyo hawshaas ilayn isagii baa baahane. Haddii qaran iyo dowladi jiri lahayd waxaa dhici kartay in la helo dad mutadawiciin ah oo badan. Markii horaba shacabka Soomaaliyeed waxaa heysatay musiimo oo waxay u baahnaayeen kaalmo. Markii xaaladdaas lagu jiro cidda keliya ee wax maqli kartaa waa ciidan oo xitaa iyagoo baahan bay amarka qaadan karaan. Bal fiiri faa’iidada ku jirta haddii awoodda ciidamada Maraykanka loo isticmaali lahaa sida saxda ah. 

Sidaan la soconno, inkastoo dhibtu gaartay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah haddana dhibta ugu badan ee Sunaamidu waxay ku habsatay gobolladda Waqooyi Bari iyo Bariga Soomaaliya. Haddii la xalliyo arrinta u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland waxaa sahlanaanaya dib-u-dhiska dhulkaas aafadu ku dhufatay. Sidaas darteed waxaan wadnaa xiriir aan la sameyneyno labada maamul iyo sidii la isku horkeeni lahaa labada hogaamiye si ka-fool-ka-fool ama telefoon ah. Xitaa haddii aysan Soomaaliya ku kulmi karin waxaa la samayn karaa inay London ama meel kale isku arkaan.  Khasab ma aha in isku-dey kasta xal laga gaaro laakiin waxaan shaki ku jirin inay tahay arrin wanaagsan oo mudan in labada maamulba soo dhaweeyaan. 

Waxaan  la xiriiray oo la hadlay mid ka mid ah guddigii ay culumada iyo isimada gobolladaasi u xilsaareen ururinta kaalmada iyo taakuleynta dadka tabaaleysan. Wuxuu noo sheegay hay’adaha iyo cidda gaartay halkaas laakiin marka la eego dhibta jirta, ma ahan wax ku filan. Wuxuu Ibraahim noo sheegay in maalinta Ciidda ah ee foodda nagu soo heysa haddii Ilaah idmo la rabo in salaadda Ciiddeed ka dib ay  la hadlaan dadka deggen Boosaaso si ay walaalahood u caawiyaan. Sheekhu wuxuu sheegay in markaan oo kale ay dadku aad isugu baahan yahiin ayna walaalnimadu muuqato. 

Hadda laga bilaabo halheysku waa: caawi dadkaaga iyo dalkaaga.

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2005



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD