w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print



Bismilaahi Raxmaani Raxiim 

SomaliTalk.com: Baaq Gargaar Degdeg ah - Soomaalida ku Tabaalowdey Aafada Badgariirka

Dahabshiil oo Bixisay $5000 ee Mucaawinada ugu Horeysey

»»Shirkada Dahabshiil oo Soo saartay Warsaxaafadeed
»»Shirkada Dalsan oo soo saartay Warsaxaafadeed
»»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»»Farriin: Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika

Ugu horayn, Waxaa Bahda SomaliTalk.com ay ka murugaysan yihiin Dhibaatadii ka soo gaartay Badgariirka Badwaynta Hindiya Umada Islaamka ah guud ahaan gaar ahaana Ummadda Soomaaliyeed meelay joogaanba, waxayna Tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii aafadaas ku naf iyo maalba waayey, waxayna si khaasa uga codsanayaan Soomaalida Gudaha inay fiira khaasa u yeeshaan dadka ilaa hadda aan lagaranayn inta ka dhimatay ama la layahay, kuwaasoo ah Jareer iyo Soomaali Abow oo joogay deegaano aysan cid ka garanayn.

Sida aan lawada socono waxaa ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay adduunka Dhibaato leh Maal iyo Moodba, taasoo ah Badgariirka ka dhacay Badweynta Hindiya oo soo gaaray Dalka Soomaaliya.

Maanta oo talaada ah Jan 4, 2005 waxay SomaliTalk.com ugu baaqaysaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed meelay joogaanba inay gar gaar dag dag ah u fidiyaan walaalahooda Badgariirku Soomaliya ku halakeelay.

Warsaxaafadeedyo:::
»»Shirkada Dahabshiil oo Soo saartay Warsaxaafadeed
 

»»Shirkada Dalsan oo soo saartay Warsaxaafadeed

Halkaan waxaan idin kugu soo tabinaynaa Barnaamij Sadex geesood ah, Warbixin iyo Fariimo aan idin kaga hayno Qaybo kamida Culimada ugu waawayn Soomaaliya, iyo Xawaaladaha ugu caansan Soomaaliya oo ugu deeqay inay xafiis yadooda u furayaan inay ugu Shaqeeyaan lacag la’aan, Sida Xawilaada Al-Amal, Dalsan iyo Dahabshiil, iyadoo waliba ay xawilaada Dahabshiil ay ku deeqday tabarucaadka ugu horeeya oo ah  $5,000 (Shan Kun oo Dollar). Sidoo kale Xawaalada Dalsan waxay ku deeqday inay ku darayso lacagta laga dirsado intay rabtoba ha leekaatee 2%.

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan Tabarucaadkaas, oo walaalahoodna la qaybsadaan dhibaatada, waxaadna ogaataan $1 dollar Soomaaliya waxaa quuta maalintii qaybo badan oo bulshada kamida, xisaab ahaan hadii ay qurbaha ku noo shahay Nusmalyuun Soomaali ah oo ay baxsadaan min $1 dollar waa $500,000 oo dollar taasoo dabooli karta baahida jirta inteeda daruuriga ah, hadaan kasoo qaadno in 100,000 oo Soomaali ah meelay joogaanba dal iyo dibadba ay labaxaan $1 dollar waa $100,000 dollar oo dabooli karta baahi badan, intaas waa qiyaas ee waxaa la idin ka codsanayaa mar sadexaad inaan u istaagno tabarucaan meelaan joognaba oo aynaan ka sugin hay’ado gaalo ah intay dadkeenii u tagaan quudiyaan oo kaliya inagaa ka mudan si kastaba.

Kasaaraha ka dhacay Soomaaliya waa mid aad u ballaaran. Dad aad farabadn ayaa dhintay, intaas kabadna waa dhaawacmeen. Tirada dhaawaca laga soo sheegay gobolada Woqooyi Bari waa 433 qof, khasaaraha dhimashadu waaku yar yahay dhanka Koonfureed ee Soomaaliya. Waxaa burburay 671 Huuriyaal/doonyood. Guryaha burburay Garacad (1000 guri), Xaafuun (250 guri), Bayla ilaa Ely (180 guri). Tuulo garacad u dhow gebi ahaanteedba meeshii ay ku oolayd lama garaanayo.

Qalabka lagu kalluumayto iyo doonyaaha ku dhumay ama ku burburay aafada badgariirka, waxaa lagu qiyaasay  Bayla ilaa Eyl: $9,702,126. iyo Eyl ilaa Garacad: $8,402,229. Qiimahaas kuma jiraan guryaha iyo qalabkii yiil guryaha.

VOA oo Waraysay Dr. Muse Gabobe Xasan
[president of the Somali Fisheries Society]

Waxaan ogaysiinaynaa hadaan nahay SomaliTalk.com dhamaan Saxaafadaha Soomaalida noocaydoontoba ha noqotee inay xor u yihiin inay faafiyaan ama daabacaan akhbaartaan cod ahaan iyo qoraal ahaanba. 

Waxaan ka codsanaynaa Xawaaladaha Sadexda ah ee aan kor ku soo xusnay inay nala socod siiyaan siday ugu suurta gasho tirada lacagta ah ee lagu deeqay ee soo gaartay Xafiisyadooda,  iyagoo noo soo marinaya aafadabg@somalitalk.com

Waxaa Hoshaan Maamulaya oo isku soo duba riday

1. Shiikh C/qaadir Nuur Faarax
2. Axmed Bille Xasan Gaboobe (Ugaas Axmed Bille)
3. Ing. Maxamed Cali
4. Xasan Dhooye

»»Dhegeyso Qaybta labaad ee Barnaamijka [Waraysiiyo, warbixin, iyo fariimo]

»»»Akhri qaybta labaad ee qormada: [Cibro qaadasho]

Aafada Badgariirka Aduunka Waa Mid Mudan Ku Cibra Qaadasho


Bahda SomaliTalk waxay mar labaad u mahad ceinayan intii ka qayb qaadatay barnaamijkan..


Email: aafadabg@somalitalk.com
Web: www.Somalitalk.com/aafadabg

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 4, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD