SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay!


Sawirka: (c) Amiin Caamir

Madaxweyna ku xigeenka Somaliland oo naxsan ayaa sardha uu ku jiray ka booday! 

Wuxuu yidhi:

Waan riyooday, manaam baa lay tusay, riyadeyduna waa run, waysoo gudi oo soo guurayn, Bari iyo Boosaasay ka iman, way isasoo xijaabi, dhar badan bay laalaadin, indhaha iyo afkuna waa qam, waa laygu diday, waan soo booday, acuudigaan boobay, walaac iyo walbahaar baa igu batay, wan weyn baan qalay, digaag baan madaxa ka jaray, dhiiggii baan guriga ku sayriyey, cusbo iyo cashar baan qooshay, madaxa iyo minjahaan mariyey, miskibaan shitay, quud awliyaan qaniinay, nasradaa isku dhacday, cindallahi oo dhan baa bunaysatay. Qayladhaan baa timid, riyadii baa rumowday, cadawgii baa I horjooga, faqashtii baa soo noqotay,uumi iyo qiiq baa iga baxay, waan kacoo kufay, isfiilitaa igu dhacday, tusbax laba carablaan qoorta soo surtay, saalimoowgii baan ku halgaaday, saljuglay u dhacday, shalmadii yo shareerkii baa laga dhuftay, saraakiishaan ka adeejiyey, sakaraadkii baa la tusay, Somaliland bay timid, saancadlay u adeegi, sir iyo sixir bay wadataa, saxariir baanu badi, saf baanu ka mari, saliib baanu uxiri, sanka ilaa suulkaanu dilaacin, Faqashta kaley tusaale u noqon! 

Samsam oo murugo iyo taal la hadli la’ baa hadal iska baadhbaadhay

Waxay tidhi:

Adeerow miyaadan islaam ahayn, miyaadan Soomaali ahayn, miyaadan gabdho dhalin, miyaan dumar kula dhalan, miyeysan hooyo ku dhalin, miyaadan dhaqanka aqoon, miyaanan gabadh yar ahayn, miyaadan abtigey aqoon, miyaadan insaan ahayn, miyaadan naxariis aqoon, miyaanan dalkaygii joogin, miyaan dadku khaldamin, miyaan la amban Karin, miyaadan odhan dhibanaan ahay, miyaadan Siyaad ka cabanayn, miyaadan lahayn waa lay gumaaday, miyaadan lahayn beledkaygii ba’, miyaadan lahayn waa lay mooraduugay, maxaad adigu sidan u sameyn, miyaadan kuwaa la mid ahayn, maxaase aniga iyaga iga galay, maxaa aniga faqashta iga dhigay, maxaa aniga aad iigu halqaban, maxaad iigu dalbatay wax magaradka, maxaa la ii kufsaday, maxaa la ii jirdilay, maxaa gacmaha layga jabiyey, maxaan wax ku cunaa haatan, ma afka uun baa cuntada laygu guri, maxaad guurtideyda u maqliweydeen, maxaad dulmana u doodaha u caburiseen, maxaad cuqaasha u caasideen, maxaad saxaafada u cabudhiseen, maxaad qareenadeydii u qisaasteen, maxaad kabaryeeri karanbiyeeli cad gashan dhakhtar ugu sheegteen, maxaad darawalkeygii diirka uga siibteen, markuu gaadhigeygii yidhi maxaad koodadka u jebiseen, muxuu taliyaha baasi gaadhiga u gubay, wuxuusan lahayn muxuu ugu tamashleeyey, maxaad Kaahinka Xaakim uga dhigateen, muxuu maxkamad ku qoslid denbi uga dhigay, muxuu, tola’yeey, kii ikufsaday warkiisa ugu riyaaqi, muxuu qofkii iinaxaba albaabka ugu tilmaami, muxuu hanjabaad iyo xarig iigu goodiyey, muxuu dal ku joog iyo Fiise la’aan iigu hanjabay, muxuu igu yidhi waxaad tahay Seera goys, muxuu muusooday markaan ilmeynaayo, muxuu dubaha xun la dhacay aashteriga, muxuu ,Alla sii qaadku, xukun been ah xaf ka siiyey, muxuu diraca xaakimka iyo keygu ku kala duwan yihiin, maxayse gaban yaroo agoon ahi Goboka Waqooyi u qarxinaysaa! 

Wuxuu yidhi:

Adeerkaa maahiye kow dheh, saancadle Faqashaad tahay, Soomaalina iskuma nihin, Islaamkana bidcaad ka tahay, gabdhahayaguna waa gob, maaha Midgo’ iyo Sankadhuudhi, waa Bini Haashim laandheere ah, saraakiisha ku silcisayna sareeyaan ka wada dhigi, dalkana ma lihid oo soo galooti baad tahay, sun iyo hubka waxgumaadaad wadataa, faqashtii hore iyo adiguba isuma kay dhaantaan, doofaarka haddii la meydhaana waa uun doonfaar, Afku ku go’ye, Xaakimku sow innaga maaha, mudiciga ku kufsadayna waayo, Cigaha Been-Been-Sii ka sanqaraana ma garan. Dulmane u doode sow caduwullaahi maaha, maxkamad ku qosle sow caduwu-Rasuul maaha, shacabkoo wax gartaana sow caduwu-Muslimiin maaha. Duqeyda iyo Guurtidu sow qayili maaha, markay marqaamaana sow iska qayliya maaha, far qaloocda iyo ul dhulka ku xar-xariiq maaha. Haddaba ismoogey meesha lagaa raacay war ma u haysaa!  Sow...Bidco, Binti-Daarood Biri geydo ma tihid!

Sawirka waxaan kasoo qaatay www.aminartis.com (Sawirku kun erey buu u dhigmaa!)

Cinwaanku waa heesta uu ku luuqeeyo Max’ed Suleman Tubaac

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | 23/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD