SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay

President Egal expressed support for Amnesty International's worldwide campaign for the 50th anniversary of the Universal Declaration of Human Rights. He invited the delegation to a cabinet meeting where he and all members of his government signed the Amnesty International ''Pledge'' - ''I will do everything in my power to ensure that the rights in the Universal Declaration of Human Rights become a reality throughout the world''. The pledge books were also signed or thumb-printed by over 200 other men and women in Hargeisa from all walks of life.

This summarizes a 50-page document (24,484 words): Human rights in Somaliland: Awareness and Action - Report of a workshop held in Hargeisa, Somaliland in October 1998 (AI Index: AFR 52/01/99 ) issued by Amnesty International in December 1999.
http://web.amnesty.org/

Waxaan akhriyey maqaallo badan oo ku soo baxay bogga somalitalk.com oo lagaga hadlayo arrinta Samsam. Kuwaas oo runtii dhamaan gees u janjeera oo aad moodid in dano gaar ah laga leeyahay. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa arrin aan aad ula yaabay oo ah in somalitalk.com la soo galiyey sawir madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Samsam la isku soo ag sawiray sidii in uu marxuunku ka dambeeyay arrinta. Waxa kale oo ka mid ahayd qoraaladda bahda somalitalk (siiba ninka la yidhaahdo Cabdi Xasan) soo qortay mid ay ku doodayaan in madaxweyne-ku-xigeenku yahay nin fooxle ah yahay oo si gabadha xijaaban markii uu arkay  naxdin iyo argagax qaaday sidaasna ku amray in la xidho oo la baadho. Waxay maqaalkoodaa ku sheegeen in waardiyayaashu kufsadeen Samsam.

Waxa kale oo si xadka ka baxsan loo weeraray sharafta dadka reer soomaliland iyo weliba shakhsiyaad gaar ah oo aan arrintan shaqo ku lahayn. Xattaa waxa la soo bogga somalitalk lagu soo qoray maqaal odhanaya wariyaha BBC-da ee Axmed Siciid dhexdhexaad ma aha ee wuxuu difaacayaa adeerkiis, (waa madaxweyne-ku-xigeenka eh) oo ay jifo hoose isla yihiin. Arrintaasina waxay ka dambaysay markii uu Axmed Siciid Cige waraysi la yeeshay  madaxweyne-ku-xigeenka. Waxase la-yaab ah inaan isla maqaalkaa lagu xusin waraysi kale oo  Axmed Siciid Cige ka qaaday Raaqiya Oomaar oo ay  Raaqiyi ugu doodaysay Samsam Axmed Ducaale kana jawaabayso warbixintii madaxweyne-ku-xigeenka.

Waxaan xasuustaa barnaamij dood ah oo af-soomali ah oo dhawaan laga sii daayey  radio Minnesota ku yaal. Mawduuca laga hadlayey ee uu radio-gu dhagaystayaasha waydiinayey wuxuu ahaa "Sidee baad u aragtaa kufsiga iyo dhibkaa foosha xun ee lagula kacay Samsam". Wuxuu ninkaa barnaamijka soo jeedinayey uga hadlayey arrinta si xamaasadi ku jirto oo ku ku celcelinayey sida gabadhaa loo faraxumeeyey. Dhawr qof baa soo hadlay  oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga xunyihiin "kufsigaa foosha xun ee lagula kacay gabadhaa yar", iyada oo wariyiina si fiican ugu taageray oo si dareen murugo lehi ku dheehanyahay uga hadlay arrinta. Haddaba intaas ka dib waxa soo hadlay nin kale oo ku yidhi arrintan kufsiga ilaa hadda lama soo cadayn ee umaddan dhan ee aad ceebaynaysaan ka daaya. Waxa dhacday in ninkii sidaas yidhi loogu jawaabay in kusiga ay soo cadaysay Raaqiya oo uu xaqiiqo yahay, ka dibna isaga oo hadalkii sii wata ayaa telefoonkii lagu dhigay. Ujeedada aan tusaalahan u soo qaatay waxa weeye in qofka wariyaha ah xil dheerad ahi ka saran yahay sidii uu dhexdhexaad u noqon lahaa ee warka si daacad ah u soo warin lahaa. Aad bay uga duwantahay sida Axmed Siciid Cige  labada dhinacba u soo waraystay iyo sida tusaalaha aan soo sheegay.


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."... Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...

"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...


Haddaba haddii aan  ka hadlo warbixintii madaxweyne-ku-xigeenka oo uu faahfaahin ka bixiyey arrinta Samsam, wax badan oo aan hore loo ogayna cadeeyey.

Haddii aan ku horeeyo hadalkii Axmed Yaasiin wuxuu sheegay inuu arrinta ka gaabsaday ilaa inta ay xagga xaqsoorka ka soo dhamaanayso oo maxkamadu xukun ka gaadhayso isaga oo ilaalinaya sharciga iyo kala dambaynta. Wuxuu sheegay maadaama ay maxkamadu xukunkeedii soo saartayna hadda ay u furantahay inuu ka hadlo. Wuxuu beeniyey wararkii la faafiyey ee sheegayey in gabadha gurigiisa laga kaxaystay ama uu isagu dalbaday in la soo xidho.   Wuxuu ku ku canaantay xuquuqul insaanka in ay arrinta ku degdegeen oo si dhinac ah uga hadleen, gaar ahaan Kufsiga la sheegay in lagula kacay Samsam intii ay ku jirtey gacanta Booliska Somaliland. Wuxuu sheegay in gabadha lagu adeeganayey oo dad soo dirsadeen haddana ay ku hawlanyihiin sidii ay uga gungaadhilahaayeen arrintaas. Wuxuuna sheegay in  soo afjarayaan arrinta marka ay cadeeyaan xaqiiqada. Arrinta kufsiga wuxuu sheegay in uu markuu maqlay degdeg ugu diray dhakhaatiir si ay u soo baadheen waxaanay ku soo caddeeyeen warqadda HGH/443510-2/04 ee 09/09/2004 inaanu jirin kufsi iyo jir-dil midna. Wuxuu kale oo sheegay in maxkamadu ay u dirtay mar labaad baadhitaan Caafimaad oo weliba loo diray dhakhaatiir ku takhasustay xagga qalliinka, dumarka iyo Caafimaka guud, khibrad weyna u leh xagga kufsiga, waxaanay soo saareen taqaariir faah-faahsan oo dhammaan jidhka gabadha ka warbixinaya tirsigiisuna yahay MOHL/1120/4.00/04 ee October 21, 2004. Dakhaatiirtan dambena  waxay soo cadeeyeen inaanu jirin kufsi iyo jir-dil midna.  

Haddaba wasiir-ku-xigeenku isaga oo ku qanacsan natiijada ka soo baxday baadhiitaanada, wuxuu haddana sheegay inay diyaar u yihiin in ururada xuquuqul-insaanku iyo haayadaha caalamiga ahiba soo dirsadaan dhakhaatiir ay ku kalsoon yihiin si ay arrinkan uga gun gaadhaan. Waxaan ku boorinayaa dadka ku doodaya bahda Somalitalk iyo dhamaan dadkii meel walba la taagnaa Samsam waa la kufsaday inay ka faaiidaystaan fursaddan oo ay diraan dhakhaatiir caalaami ah.  

Waxa ay somalitalk soo sawirtay waraaqahaa qaar ka mid ah iyaga oo u adeegsanaya si ay u cadeeyaan in Samsam la kufsaday. Waxay tusaale ahaan soo sawireen warqad form ah (standard form) oo laga buuxiyey oo ciwaankiisu yahay Cadayn-kufsi . Formkaas oo sida ku cad ah mid laga buuxiyo dadka la baadhayo in la kufsaday oo weliba qalin lagu buuxiyo.  Haddaba somalitalk inta ay marisay go’aankii khad madow oo ay qarisay ayaa waxay ku doodayaan mar hadiiba ciwaanka waraaqda lagu xusay kufsi in arrintu cadahay oo xaqiiqo tahay. Warqadda kale oo ay ku faahfaahsantahay natiijadii badhitaanka lagu sameeyay. Isla warqaddana inta ay khad madow mariyeen qaybihii toos u taabanayey kufsiga, ayaa waxay ka soo qaateen inta sheegaysa in xagtimo bawdyaheeda laga helay. 

Waxa  kale oo in badan somalitalk.com ku celcelisay oo qortay in ay cadaysay Raaqiya Oomaar in Samsam la kufsaday. Hasayeeshee Raaqiyi beenisay in ay tiri “samsam waa la kufsaday”. Waxayna tidhi anigu marnaba ma odhan waa la kufsaday ee waxaan idhi  “Sida ay iyadu sheegatay” (Allegedly). Taas micneheedu waa lama soo cadayn ee waa wax ay Samsam sheegaynayso.  Waxaan mar kale ku celinayaa in laga faaiidaystaan fursaddan oo la diro dhakhaatiir caalaami ah. Haddii dembigaa lagu helo booliska Somalilandna in laga abaal mariyo oo sharciga lala tiigsado, haddii lagu waayona in dadkii beenta intaas le’eeg abuuray in laga abaal mariyo oo 50 ilaa 100 jeedal laga jaro.
 
Qore : Ibrahim Mohamed
hassanfadal@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | 23/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD