SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Fadeexaddii Sanadka 2004 iyo Qarniga (Samsam Yarey)

Maamulka Hargaysa oo aan kala hadhin oo dhirbaaxo iskala daalay kaddib markii ay ku jaahwareereen arinta Samsam Yarey. Dhirbaaxadu maaha ta maskaxdaada kusoo degdegaysa ee waa mid ka dhalatay sida waji gabaxa leh ee hadaladooda iyo qoraaladoodu isu burinayaan. Ugu horayn maamulku wuxuu ka ilka buuxsadey oo cantuugo wayn goostay dadkii u ololayn jiray Xuquuqda Aadana kuwaas oo aasaas u ahaa Qaddiyada Gooni goosadka. Sida laga dheehan karey halhaysyadooda ku aadan godobaha iyo gardarooyinka ay ka tirsanayeen walaalahooda Koonfureed malaa waxaa suurto galba noqon lahayd in qaddiyadda xuquuqul isnaanku ay aasaas u noqon karto Gooni u duruga Reer Hargaysa (S/Land). Waxaa la buunbuunin jiray Xabaalo cidda lagu xasuuqay aanay caddayn kuwa ay yihiin oo noqon kara dadkii rayidka ahaa askartu laysay ama kuwii rayidka ahaa (Qaxoontiyadii) ee ay SNM-tu xasuuqday.


"Hadaanu hadalana waa af salax ku dhagayagii, haddaanu aamusnana waxdanbe oo aanu gabaad ka dhigano heli mayno" Saxaafada 'Xorta ah'


Hadday sidaas ahayd oo gacmaha la is haystay arintuna ku salaysnayd xuquuq maqan oo la raadinayo iyo dulmi hore oo la hibanayo ayay bilaabatey Mucjisadii Samsam yarey. Qoladii Xuquuqda waxay ku noqotay laba kala daran kala dooro, waxaa sidaas oo kale iyana jaah wareeray oo meelay ka baxaaan garan waayey qoladii Saxaafadda "Xorta ah" ee BBC-du ugu mudnayd. Arintoodu waxay noqotay Hadaanu hadalana waa af salax ku dhagayagii, haddaanu aamusnana waxdanbe oo aanu gabaad ka dhigano heli mayno. Arini hadday halkaa maraysay waxaa is tiilay (iyagoo ku mahadsan) qoladii Xuquuqda aadanaha oo si taxadar leh ku soo dhex galay arintii. Aad ayay u mahadsan yihiin mar haddayba ku dhiiradeen inay soo bandhigaan wax liddi ku ah qaddiyadii muddada badan loo ololaynayey iyo halku dhigii dhalanteedka ahaa ee "Som/Land Waa Guri Nabadeed iyo Xoriyad".

Qaybihii kale ee Bulshadu faryaro bidix ayay ka baxeen waxaana waayo danbe la is waydiin doonaa ama ay aad u xuuraami doonaan qolada Samsam Yarey buugga ka qori doonta meesha ay ku danbeeyeen Isimadii (ceeb: Jiif Caaqil kii reerka ayaaba dhexfadhiya), ardadii, Aqoon yahankii, Haweenkii, Fanaaniintii, Qaad walayaashii iyo intii la midka ahayd. Bal Hargaysa soo eeg: Waxaad arkaysaa iyadoo ay basaska iyo tagaasida ku dhajisan yihiin sawirro waawayn oo ah nimankii loo haystay inay dileen gabadh Keenyaati ah oo Hay'ad u shaqaynaysay. Haddii gabadhii reer Keenya sidaas loo maamuusay, dadkii dilkeeda lagu tuhmayayna sidaas loosoo bandhigay iyadoo waliba hoos kaga qorantahay ARGAGIXISO, Maxay  Samsam Yarey reer Hargaysa uga wayday cid arinteeda iyo xabaal-nololaynteeda caaalamka u sheegta, si ugu yaraan loogu soo duceeyo marka laga reebo Qolada Xuquuqda aadanaha oo marar badan ku mahadsan arintan siday u maamuleen wallow aanu saluugsanahay inaanay gaadhin heer lagu dhajiyo basaska iyo tagaasida ama derbiyadda danbiilayaashii ARGAGIXIYAY Samsam iyo inta la midka ah.

Is Dhirbaaxid aan lagu Talogalin


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waa waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad
Oct 22, 2004

"Dabcan, kolley xukuumad ahaan waan iska arki doonaa, waxaa lagayaabaa xukuumad ahaan in aaan inan yar u xidhnaan, oo arrinka la soo afjaari doonaa.." Axmed Yuusuf Yaasiin
Dec 19, 2004

"Dee 17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa, Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay." Raaqiya Oomaar
Dec 21, 2004


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...

"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...


Aan u gudbo sida maamulka Hargaysa isu dhabananiyay (dharbaaxay) iyagoon aan filayn:

Madaxwayne K/xigeenku wuxuu dharbaaxo la beegsaday Taliyihiisa Booliska isagoo dheegay inay gabadhu tahay inan yar, waxaa kaloo taliyaha halgaado cul culus ku dhuftay Maxkamadda Hargaysa oo gabadha da'deeda ku sheegtay 17, waxaa sidoo kale odayga Boliiska sii tumaatiyay warqadaha Caafimaadka oo da'da gabadha ku sheegay in ka yar tii odaygu aduunka ku buufiyay.

Waxaa iyaga laftoodu dharbaaxo iskala daalay labada warqadood ee Caafimaadka laftooda oo midi gabadha da'deeda ku sheegtay 17 (Warqadda Cusbitaalka) halka tan kale ay soo qoratay 18 sano (Warqadda wasaaradda Caafimaadka). Waxaa kale oo si lama filaan ah isu jeex jeexday warqaddii Cusbitaalka taas oo sheegtay in gabadhu aanay (single) ahayn iyadoo isla markaana buuxin kari wayday xaaladdaha kale ee ay ku sugnaan karto haddii aanay gabadh ahayn sida:

Waa la furay
Waa la qabaa
Waa laga dhintay

Warqaddu iyadoo goobaabatay (xariiqatay) meeshay u hamuun qabtay oo ah inaan GABADHU "gabadh ahayn" haddana dhakhtarku waa xariiqin kari waayay saddexdaas xaaladdood midkay tahay mar haddaanay GABADHU "gabadh ahayn" waa siday hadalka u dhigeene.

Yaab kale! Haddaynu ka dhigno in qodobkaas sare uu sidaas sax ku yahay bal u fiirsada kan kale:

Laguma Arag wax Calaamad ah Xaga Saxaaxa: Haa___   Maya____

Odayadu (dhakhaatiirtu) waxay goobaabteen Maya.  Waa hagaage sidee laba diidmo isu qaadan karaan. Ma waxay ka wadaan maya ee waa lagu arkay calaamad, oo hadday sidaas tahay sow macnuhu noqon maayo waa la faraxumeeyay?

Waxaa kaloo dharbaaxadu ku dhacday odayga Axmed Yuusuf  ah kaddib markuu sheegtay in laba dhakhtar baadheen gabadha iyadoo sida ka muuqata warqadda Cusbitaalka uu ku saxeexan yahay hal dhakhtar oo kaliya. Waxaa kaloo warqaddu caddaysay inaan wax shaybaar ah gabadha la marsiin wax raad mani (shahwo) ahna aan la doon dooninba. Baadhitaanku wuxuu ahaa mid duleed (Physical) waxaana cad in aan lagu kaaftoomi Karin kiiska sidan u baaxada wayn ee caalamiga ah baadhitaan duleed ay sameeyeen dhakhaatiir aan madaxbanaanayn oo waxyaabo badan xeerinaya. Taasi waxay dharbaaxo mug wayn ku tahay guud ahaanba kiiska oo u muuqda inaan laga baaraan dagin labada baadhitaan ee arintu cuskan tahay. Ku celcelinta baadhitaanada isku midka ah (Physical) ee labada hay'adood ee is hoostaga (isku midka ah) ay kala sameeyeen lafteedu waxay caddeynaysaa sida masalada loogu jaahwareeray.

Dhakhaatiirta Cusbitaalku waxay sheegeen inaan la "arag dhaawac kale". kelmadda "kale" waxay muujinaysaa in horay wuxuun dhaawac ah loo soo arkay. Mana ay caddayn dhaawac ay horay usoo arkeen, markay iyagu sidaas isu burinayaan ayaa haddana waxaa usii dhameeyay warqaddii kale oo sheegtay in la arkay dhaawac lugaha ku yaala iyo xagtimo kale. Xaggee Salaaddu iska qaban la'dahay??


Dhegeyso Qisadii Hodon
Qisadan 'Hodan' oo
Film ah waxay
 sanad ka hor kusoo baxday SomTV. Waxaana TV-gu qisadan dib ugu soo celiyey 1dii December 2004 oo ku aadanayd maalinta la dagaalanka AIDSka.
Dhegeyso Qi
sada oo Cod ah 
ama
Daawo Filimka

Waxaa ragga qaarkiis ee Somalitalk.com doonaya inay dhaleecayn aan sal lahayn usoo jeedinayaa aan xusuusin lahaa in ay shabakaddu asturtay oo qiimaysay sharafta Gabadha Yar ee Cawradeeda laga sheekaynayo laakiin haddaanay khad marin lahayn go'aanka ay dhakhaatiirtu gaadheen waxaan ku kalsoonahay inaan fadeexado kale iyo dharbaaxayn kale soo bixi lahaa go'aan kooda, laakiin Nasiib wanaag Somalitalk.com iyadoo xeerinaysa sharafta Samsam Yarey ayay khad mariyeen halkaasna waxaa si dadban  ku asturmay ceebo kale oo laga dheehan lahaa go'aamadda is burinaya ee nimanka baadhitaan kusheega sameeyay. Haddii ay ciyaar feedhtan ahaan lahayd waxaan odhan lahayn-They were saved by the Somalitalk bell. Haddii kale knockout blow ayaa ku dhici lahayd.

Madaxwayne K/xigeenku markale ayuu shan farood iyo calaacal isku hubsaday isagoo markii hore sheegay inaan gabadhu isaga u xidhnayn ee qaranka u xidhan tahay. Malaa isagoo wali aan neefsanba ayuu ku xejiyay hadal macnihiisu yahay inay u yimaadeen wakhtiyo badan oday-dhaqameedyo iyo qaar ka mid ah madaxda qaranka iyo dad kale. Su'aashu waxay tahay haddaanay isaga u xidhnayn maxaa lagaga soo noqnoqonayey oo laga baryayey. Ma arin qaranku leeyahay ayaa sidaas loogu dhib mudan karaa iyadoo daacad laga yahay??

Reer Hargaysa Iyo Saxaafadda oo la Amaanay

Odaygu wuxuu amaan usoo jeediyay Saxaafadda iyo Dadwaynaha Reer Soomaalilaan sidii ay uga qaybqaateen cabudhinta iyo bahdilka Samsam yarey oo muddo dhawr bilood ah ku silcaysay dhexdooda. Amaan bay mutaysteen, waana amaanan yihiin, laakiin Hargaysa ma latartami doontaa  magaalooyinka kale ee dalka sida Boosaaso oo ku sifowday hooyadda Ummadda Soomaaliyeed burburka kaddib iyo minbarka inta aan mibarka lahayn. Ilama aha inay tartami karaan, taariikhdaana qori doonta.

Hadalo isku mid ah

Guntii iyo gabagabadii waxaa isku mid ah dhamaan haddalada kasoo yeedhaya madaxdan ceebowday ee iyagu sida lama filaanka ah isu duqaynaya. Midnimadaasi ma aha mid xagga nuxurka aragtida ah ee waa midnimo xagga daalaadhacaynta iyo cabudhinta runta ku qotonta. Laba oday (A. Y. Yaasiin iyo Casoowe ) waxay ishaareen in faraxumaynta loo gaystay Samsam Yarey uu sharafteeda wax u dhimayo, sababina doono in gabdho kale la faraxumeeyo.

Samsam Yarey Wali Waa Gashaanti


BOOSAASO, SOOMAALIYA
Hadalkaasi xaqiiqda iyo runta uma dhawa, waana ka fogyahay,waxayna aaminsan tahay inta damiirka lihi in Samsam ay wali baaqi ku tahay sharafteedii gabadhnimo iyo dhawrsanaantii diimeed, xijaabkii iyo asturkii, haba loo gafo oo hala silciyee waxay mudan tahay wixii gabadh soomaaliyeed mudnayd oo dhan.

Waxaa kaloo hadal la iska yidhi ah markuu ku andacoonayey Casoowe (Wasiirka Caddaaladda S/L) in arinta Amnesty ay shaacinayso ee ah Kufsiga Samsam Yarey inay halis galin doonto gabdho kale oo ay suurto gal tahay in la kufsado. Taas waxaan filayaa in inta waxgaradka ahi aanay marna suuraysanayn in gabadh kale oo Soomaliyeed loola dhaqmo  sida loola dhaqmay Samsam Yarey, gaar ahaan reer Boosaaso hadalka loo dusinayo kama suurowdo in ay yeelaan siday u fashilmeen reer Hargaysa.

Reer Boosaaso way ka digtoonaan doonaan fadeexaddaha loogu yeedhayo ee loo ishaarayo kamana suurowdo inuu ku habsado ilduufka halakeeyay Hargaysa iyo Damasheeda iyo Buuraheeda quruxda badan.

Hargaysa Waan Jecelahay

hargeysa
BEERTII XORRIYADA, HARGEYSA  

Hargaysa Ceeb maleh waana magaalo qurux badan oo Soomaaliyeed oo aanu jecelahay waxaase ceeb la hoos jooga kuwa ay hoyga u tahay ee mar ku dhex gubay Calankeedii Buluuga ahaa, mar warqad kasocota dhanka Hargaysa u diray Tal aviv, mar ka dhextaagay callaamadda nacaybka iyo Cunsuriyadda (Diyaadda xune sida sanamka ka dhex malookaysan) iyo waliba Faraxumaynta hablaha asturan ee muxajabaadka amase dhiibista dadka Soomaliyeed loo dhiibayo Cadowgooda foosha xun. Hargaysaay anagaa xaal kusiinaye'. Xaal qaado.

Diridhaba Iyo Raggiisa


diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji

Waxaan Mudane Madaxweyne/ Madaxweyne Ku xigeen Si Naxariis ku jirto Idiinka codsanaya inaad Gabadhaasi Yar ee magaceeda ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku sheegtay Sam-Sam Axmed Ducaale aad usoo celisaan xorriyadeedeedii.. Guji..


Waxaa isaguna si lama filaan ah isu hala keeyay Saaxiibkeen Diridhaba oo sidaan arkay qaddiyadda S/land meel halis ah kaga taallo. Diridhabe wuxuu si xaqiiq oo kalsooniyi ku dheehan tahay markii hore uga faalooday jowrka iyo dulmiga lagula kacay Samsam Yarey isagoo soo daliishaday tusaale guul daro xanbaarsan laftiisa ku habsadey. Diridhaba isagoo Samsam la da' ah ama dhalaanciil ka wayn oo goob waxbarasho ka yimid ayaa siduu inoo sheegay la iska xidhay muddona uu u isaga xidhnaa kuwa Samsam helay oo kale. Kadibna waxaa la saaray maxkamad uu Garsoore ka yahay nin wasiir ah. Saaxiibkeen isagoo arintaas isaga ku dhacday dareensan oo og ayuu muddo badan inaga dhaadhicin jiray inay S/land tahay guri nabad, barwaaqo iyo caddaalad. Si kastaba ha ahaatee Diridhaba wuxuu si lama filaan ay isu dhirbaaxay markuu ka codsadey kuwuu Samsam danbiga ka galay ee iska xukuntay inay saamaxaan. Kawarama haddaynu Saaxiibkeen Diridhaba su'aal waydiino oo ah haddii laga baryi lahaa wasiirkii xukumay isaga laftiisa inuu Cafis u fidiyo ma aqbali lahaa cafiskaas? Goormaa Cafis la dalbaa yaase laga dalbaa? Diridhaba waligiisba intuu maqaaladiisa inoogu waramayey hal mar ayuu xaqiiqda dhabta ah ee Hargaysa inooga waramay, waxaana markasta ka xoog badin jirtay jibadda meesha halista ah gaadhey ee uu u hayo S/land. Markaa waxaan saaxiibkeen kula talin lahaa inuu qalinka ku toosiyo kuwa dantu kala dhaxayso isla markaana uu ilaashado sharaftiisa qoraanimo.

Waxaa isna jaah wareeray Axmed Siciid Cige oo la odhan karo marka uu akhrinayo wararka uu kasoo diro Hargaysa wuuba ilmaynayaa Jibbo darteed. Laakiin arinta Samsam waxay aad u muujisay jibaddiisa iyo waliba xagjirnimadiisa. Waxaan daawaday xaflad Oktoobar oo uu xidhiidhiye ka yahay isaga iyo wariyayaal kale. Runtii waxaad mooddaa in laba jeer la abuuray Axmed-ka BBC da iyo Axmed keenii hore. Axmedoow is daba qabo Saaxiib, Catooshba is daba qabaye.

Mahadnaq


http://www.aminarts.com

Waxaa mahadsan intii Samsam Yarey u damqatay iyo SAXAAFADDA sidda dhabta ah u xoraysan. Sida Somalitalk.com, Aminarts.com, Somalilando.org, Puntlandpost.com, Radiolaascaanood.com iyo inta la midka ah. Waxaa kaloo mahad balaadhan mutaystay Ururada Rayidka ah ee Reer Haygaysa, Amnesty International, Africa Rights (Gaar ahaan Raaqiya Oomaar) iyo Qareenadii Samsam darteed xoriyadooda ku waayay. Waxaa kaloo mudan in la xuso ragga ka tirsan golayaasha S/land ee is xilqaamay sida Gubadle iyo inta la midka ah iyo waliba ragga xogta dhabta ah kasoo dira Hargaysa, sidda caddaymaha biyo kama dhibcaanka ah.

Waxaan mahad celintaas dirayaa anigoo ku hadlaya magaca inta gobta ah ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. (F.g waxaan gob u aqaanaa inta aan isu dhiibin cadowga Soomaaliyeed ee Xabashida inta kalena waxaan u aqaanaa Gun).

Abdi Sheikh Osman
alamagan5050@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | 23/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD