SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Digniin!
”Digniin ku jeeda Samsam Axmed Ducaalle” 

Samsam oo loo soo bandhigay in ay kala doorato labo: in ay xabsi ku jirto ama in ay beeniso kufsigii iyo jirdilkii loo geystey....

Adeer waan la socdaa in  ay maalmahaan kugu soo noqnoqonayeen saraakiil sarsare, oo ka tirsan reerihii ku afduubay, eedo Qamar waxay ii sheegtay in beesha Hargeysa kuu soo bandhigeen in aad kala dooratid labo arrimood, oo kala ah sidaan: In aad xabsi daa’in ugu jirtid ama in aad beenisid kufsigii iyo jirdilkii ay kuu geysteen. Waa wax lagu yaqyaqsado in labadii nin, ee beesha madaxda u ahaa, Maxamed Cige Cilmi iyo Axmed Yuusuf Yaasiin go’aan ku gaareen in ay waraaqo beenabuur ah, oo naftaada xadgudub ku ah kaa saxiixdaan.

Nelson Mandela markii uu xabsiga ugu jirey cadaankii tirada yaraa waxay ku dhaheen: "Aan xabsiga kaa siidaynee wax siyaasad ah haka hadlin" Isaguna waxaa ugu jawaabay: "Intii aan sharafdaro ku joogi lahaa baanaanka, sharaf ayaan ku joogayaa  xabsiga".

Cabdirashiid Faarax Xassan
Maaful@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey) | Cabdi

Faafin: SomaliTalk.com | 23/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD