SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Somaliland: "Dadka Laga Tirada Badan Yahay" oo Qaxootinimo Weydiisanaya UNHCR

  • Hargeysa | December 25, 2004


Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa tibaaxay in "dadka laga tirada badan yahay", waa sida warku u dhigaye, ee ku sugan gudaha Somaliland ay sheeganayaan in dhibaatooyin loogu geystey halkaas, isla mar ahaantaasna ay qaxootinimo weydiisanayaan hay'ada Qaramada midoobey u qaabilsan qaxootinimada ee loo yaqaan UNHCR, dadkaas oo la sheegay in ay u gudbayaan dhanka magaalaad Jigjiga ee gobolka Soomaalida Galbeed, halkaasna ay ku dalbanayaan in qaxootinimo loo ogolaado.

Waxaa wararku intaas ku dareen in arinta adduunka qaxootinimada loogu weydiinayo "dadka laga tirada badan yahay" ee ku sugan gudaha Somaliland, in ay wadaan 'koox' hadda ku sugan Jigjiga. [Hoos ka akhri wararka Hargeysa ee maanta]:::

Dad ka mid ah Kuwa laga Tirada badan yahay ee JSL oo jig jiga ka wada Olole Dalab Qaxontinimo

Saturday December 25, 2004


"boqolaalbaa xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka... Guji...

"Dee horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka jawaabto..." Raaqiya Oomaar... Guji...


Hargeysa (Halganews) Waxa laga dareemay Magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya dhaq-dhaqaaq ay wadaaan Koox ka tirsan Beelaha Laga Tirada Badan yahay ee Reer Somaliland kuwaasi oo weydiistay Hay'ada UNHCR in ay u Aqoonsato qaxoontinimo. Sida wararka dalkaasi ka imanayaa ay sheegayaan waxa kooxdaasi ay ku doodayaan in dhibaatooyin loogu geysto dadka laga tirada badan yahay ee ku dhaqan gudaha Somaliland.

Xil dhibaan Axmed Cabdillaahi Bahal oo ka tirsan xubnaha ka metelaya golayaasha Baarlamaanka JSL, dadka laga tirada badan yahay, isla markaasina ka mid ah Dalaayadaha u dooda Xuquuqda Aadanimo ee dadka laga tirada badan yahay, ayaa Ganafka ku dhuftay dooda xubnahoodaasi ku sugan Jigjiga.

Md. Bahal waxa isagoo dooda dadkaasi ka hadlaya yidhi "Ma Garanayo sababta ku keliftay dadkaasi inay UNHCR weydiistaan Qaxoontinimo". Xildhibaanku isagoo ka hadlaya xaalada Somaliland ee Nabadgelyo waxa uu yidhi "Ma jirto sabab hay'ada UNHCR loogu Ciirsado, waayo Somaliland waxa ka jirta Nabad gelyo".


Waraysigii Axmed Siciid Cige uu la yeeshay Axmed Cabdillahi Bahal 25/12/2004


Md. Axmed Cabdillaahi Bahal waxa isagoo ka hadlaya dadkaa iyagoo Somaliland Sumcad dilaya leh Caalamka hanaloo qaado waxa uu yidhi "Dadka leh waa nala yasayaa ee caalamka hanaloo qaado, waxay la mid yihiin dadka Somaliland u dhashay ee haddana u ololeeya waxa ka dhan ah Somaliland, mana qabo inaya jirto waxa hatigaad ah oo lagu hayo Xoriyadooda iyo in meel lagaga dhacoba". Mudane Bahal waxa isagoo ka sii hadlaya kuwa waxaasi ku doodaya uu yidhi "Dadka ku doodaya hanala qaado waa qaar dambiyo ka galaya dalkan".

Laakiin waxay wararku sheegayaan dadka sidaa lihi in ay doonayaa in lagu doofiyo in muddo ahna ay socotay qarshahaa dhoofka lagu doonayo  Somaliland lagu ceebaynayo dad badan o iyaga ka mid ahna lagu doofiyay, iyagoo marka ay Addis Ababa tagayaan sameeya arrimaha ay doofka ku doonayaan una soo bandhigaya Safaaradaha iyo Hayadaha degan Addis Ababa.

Dhinaca kale waxa ka dhacay magaalada Hargeysa kulana lagaga hadlayay xuquuqda Dadka laga tirada badan yahay kaas oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano, Ururada Xuquuqda Aadamaha wadaniga ah iyo Marti sharaf kale. Kulankaas waxa lagu gorfeeyay sidii mujtamaca looga tiri tiri lahaa kala qoqobnaanta iyo Takoorka iyadoo bulshada laga wacyigalinayo inay ka dheeraadaan Dhaqamada ka hor imanaya xuquuqda Aadanimo iyo diinta Islaamka.


http://www.aminarts.com

Md Axmed Xirsi Caamir oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka wakiilada ayaa kulankaas ka sheegay in Bini'aadmigu ay illahaay Aktiisa ugu kala dhow yihiin sida loogu kala cabsi badan yahay waxana u xisbiyada ugu baaqay inaya door ka siiyaan Doorashada Baarlamanaka ee Fooda inagu soo haysa beelaha laga tirada badan yahay.

"Waxa aan xisbiyada ugu baaqayayaa inay beelaha laga tirada badan yahay door balaadhan ka siiyaan doorashada oo ay ku qoraan muraashiintooda meelaha hore ee laga baxayo iyaga iyo haweenkaba" ayuu yidhi Md. Axmed Cirsi Caamir.

Md. Caamir waxa uu dadka laga tirada badan yahay ugu baaqay inaanay niyada iska xumeyn oo aanay gooni isku faquuqi. Faadumo Siciid oo ka tirsan Hawl wadeenada hay'ada UNDP ayaa sheegtay sida loogu baahan yahay in bulshada loogu bisleeyo in laga dhex qaado Xayndaabka kala faqooqay.

Abdifatah Hassan Hargeisa Somaliland
reporter@halganews.com

ISHA: http://www.halganews.com/content/view/386/2/ 

TACSI: Faysal Cali Waraabe oo Aabihiis ku geeriyoodey Hargeysa
  • CAAQIL  "CALI WARAABE" OO 113 JIR AHAA OO KU GERIYOODEY HARGEYSA

Hargeysa (SomaliTalk.com): Waxaa magalada Hargeysa ku geeriyoodey Caaqil Xaaji Cali Waraabe Xuseen oo kamid ahaa kuwa ugu da'da weyn Hargeysa. Caaqilka oo xalay (23/12/2004) geeriyoodey waxa ay da'diisu ahayd 113-jir. Marxuumka waxaa lagu aasay Hargeysa. Allah janatul fardowsa haka waarbiya.

Bahda SomaliTalk waxay si gaar ah ugu tacsiyadaynayaan Eng. Faysal Cali Waraabe (guddoomiyaha xisbiga UCID) oo marxuumku aabbe u ahaa. Eng. Faysal oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska waxaan Allah uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo geerida aabihiis, ehelka marxuumka oo dhan waxaan allah u weydiineynaa samir iyo iimaan. Marxuumkana jannatul fardowsa. aamiin..

SomaliTalk.com | Dec 24, 2004

Shil ka Dhacay Wadada Isku Xirta Berbera & Hargeysa oo ay ku dhinteen Odayaal magac weyn kulaa Burco ah

Hargeysa (SomaliTalk.com): Shil baabuur oo maanta (22/12/2004) ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa waxaa ku geeriyoodey laba marxuum oo kamid ah cuqaasha aadka looga yaqaan Burco, kuwaas oo kala ah Marxuum Xasan Faarax Dhuxul "Xasan Khaliif" iyo Marxuum Ibraahim Salaad "Indhacawle".

Labada marxuum waxa ay ka ambabaxeen magaalada Hargeysa waxana ay kusoojeedeen berbera, waxaan gaarigii ay wateen ku qalibmey wadada intii aysan gaarin Berbera, waxaana meydkoodii loo qaaday Berbera. Allah ha u naxariisto.

Faafin: SomaliTalk.com | 25/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji

 



HTML CD