SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


"CAFISKA DAAHIR RIYAALE U FIDIYEY SAMSAM MA RUNBAA?"
"Mase ra'yi Caalamka ayaa lagu Khaldayaa" Sidaas waxaa yiri Akhriste maqlay cafiska

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Daahir Riyaale Kaahin oo kusugan Dalka Koonfur Afrika laga soo weriyey in uu cafis u fidiyey Samsam.

Cafiska Daahir Riyaale ayaa la sheegay in uu ka soo baxay xafiiska Axmed Yususuf Yaasin, maadaama Daahir Riyaale ku maqan yahay Koonfur Afrika, sida laga soo weriyey Axmed Xasan Cali "Casoowe" oo ah wasiirka "caddaaladda" maamulka Hargeysa.

Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee cafiskaas la sheegay dhaqan gelayo iyo waqtiga  Samsam Xabsiga laga siideynayo oo ay xor u noqoneyso in ay u safarto meeshii ay doonto.

Axmed Xasan Cali "Casoowe", wasiirka "caddaaladda", waxa uu ku adkaysanayaa in aan Samsam la kufsan, Samsam-na maxkamada horteeda ayey ka sheegtay in lix nin oo askarta kamid ah ay kufsadeen intii ay xabsiga ku jirtey, mid kamid ahna ay maxkamada horteeda ay tilmaantay.

Hargeysa waxaa ku sugan wafti ka socda qaramada midoobey qaybteeda u qaabilsan xuquuqda Aadamiga. Kuwaas oo cadaadis saaraya maamulka Hargeysa.

Waa la isweydiinayaa arinta la xiriirta cafiska ma war saxaafada loogu talagalay baa si aan su'aalo arintaas ku saabsan loo weydiin Daahir Riyaale oo booqanaya Koonfur Afrika.

XAQIIQADA SAMSAM AXMED DUCAALE:

  • Taariikhda Dhalashada: 14 August, 1988
  • Meesha Dhalashada: Dhahar, Soomaaliya
  • Magaca Hooyadeed: Nadiifo Jibriil Axmed
  • Shaqada: Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso
  • Laxiray: 15 August 2004, lagana xiray Guriga Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka "somaliland", oo ay ku khaldantay. 15kii December 2004 ayaa maxkamada hargeysa waxay cadaysay in Samsam aysan ahayn qof da'weyn, hadalkaas oo maxkamadu ku burisey hadalkii taliyaha ciidanka booliska Hargeysa. Waxase maxkamadaasi sheegtay in ay Samsam ku xukuntay shan (5) sano oo xabsi ah.
  • Lagu eedeeyey: Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne kuxigeenka
  • Falalka lagula kacay: Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
  • lala xiray: Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac Warsame], waxaana dareewalka xabsiga laga sii daayey 15kii December 2004, kaddib markii ay maxkamada Hargeysa sheegtay in aan wax 'dembi' ah lagu haysan.
  • Qareemadii u doodayey: laxiray 24 November, 2004, lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
  • Faalladii SomaliTalk ee November 2004

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2005

Hadalkii hore ee Axmed Xasan Cali "Casoowe"

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD