SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GABDHAHA [GABAY]

Gabaygan la magacbaxay gabdhaha waxaa curiyay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

wuxuuna soo baxay 30/1/2005. Wuxuu u garnaqayaa gabadha goolmoon ee Zamzam; wuxuu kaloo ka hadlayaa dhibaatooyinka gabdhaha Soomaaliyeed lagula kaca. Wuu ka hufanyahay eex iyo aflagaaddo, qurun iyo qabyaalad. Intiisa san Allaha nagu anfaca anna ajir ka iga siiya. Aamiin.
 
                                  GABDHAHA.
 
Samsammeey gabyaa baan ihiyo, curiye geeraare.
Qalbigeyga goor qura ma galin, godob-qabiileede.
Gacalooy gafaadkaad qabtaa, gubay jirkeygiiye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Gadabiirsigaa Booramaan, gacal wadaagnaaye.
Isaaquna gabbaadkeey rummaad, goor walbiyo leyle.
Hawiyuhuna gees iyo ka gaees, ii gondiyo liishe.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Galbeed Bari Ogaadeenka daga, gacan-sidkeeygiiye.
Hartidaa Garoowaan Hibooy, gibil wadaagnaaye.
Goldogob Leelkasaha dagana, waa gobo'di dhiiggeeyge.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Ciisuhuna waa geed-san iyo, gogoldhiggeeygiiye.
Geeladliyo Lawaay iyo Garraba, garabsigeeygiiye.
Giddigeedba Soomaaliweyn, gacaladeeydiiye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Nin goboo garaadaan ohoo, garasho xeeldheere.
Inaan gabidhacleeyaana waa, guuldarriyo ceebe.
Adiguna rag baa kuu gafeen, gacala-dhooleeye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Maantoo gadh ii soo mariyo, gaban ahaantiiba.
Qabyaaladi anaan giijinoon, gacantogaaleyne.
Hayeeshe'e qof goolmoon, mudan gargaarkiiye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Geenyooy gaddaa kii ku badaan, gubi jirkiisiiye.
Suugaanta gooshtaan u tirin, galab habeen noole.
Dhufeyskana anaa oogu gali, gini-lamoodyeeye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Geeska-Afrikaad iyo dhammaan, gayiga ciiddeenna.
Geeraaradeeydii tolkaa, lagu gubaabshaaye.
Ma gaagixin manaan gurin, adaan kuu garnaqayaaye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Ninki adi god-dheer kugu ridee, kugu gidhaash-tuuray.
Ee gaasir kaa dhigay adoo gaban ohoo, dhaaddan.
Guullahaa xisaab kaaga goyn, lama gudbaantiiye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Gabadhyahay gantaashaad qabtiyo, gamma'la'aantaada.
Iyo gibil-madoobaadka, waa laga guhaadaaye.
Geeltoosiyaa qeyliyoo, Galawgu waaqleeye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Giiryaale fuley baa kiciyo, gaal u dabadhoone.
Rag inuu isgaadoo lagaray, lais guummaadaaye.
Hayeeshe'e inii gabadh la dila, waa gunnimo weyne.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Gaaddiila waa lais dhacaa, lais gabraaraaye
Geel waa lakala boobi jiray, faras gammaankiiye.
Inii gabadh la ciilaase, waa laga gadoodaaye.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Soomaaliyeey gaabinaye, gabi ahaanteene.
Sharcigee gabdhaha noo fasaxay, inaan garoobeyna?
Oo aan ka goor iyo ka goor, diinta ganacgoyna.
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Bisadduba hal ay gaad iyo, hal ay ka gooraabi.
Oo Guulle uu wada unkoo, goob un wada yiillo.
Saw gobo'du meeshaa ma dhicin, gaar haka eryoota?
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Geel soo cillaantiyo Idiyo, Ari gabbaa dhiibay.
Iyo Gool Haldhaa guursatiyo, Habas garmaameeyay.
Saw gobo'du meeshaa ma dhicin, gaar haka eryoota?
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Gabaadiir abaar baa la baday, gammashigaagiiye.
Galawgaa ka yuusoo macnuhu, geesna qaban waaye.
Saw gobo'du meeshaa ma dhicin, gaar haka eryoota?
Waxa ila gudboon waa inaan, gabay ku taartaaye.
 
Gobanimadu waa loo dhashaa, Guulle mahaddiiye.
Haddey gabadh martiya kuu timmaadda, oodan gacal soorin.
Ood kaga galleydsiisa waa, golamadoobaade.
Saw gobo'du meeshaa ma dhicin, gaar haka eryoota?
 
Gabadheenna Soomaaliyeed, gobol kastooy joogta.
Iyo guriga ay booqataa, lagu gardaadshaaye.
Inaad adigu gaaddaase waa, gawrac iyo hooge.
Saw gobo'du meesha ma dhicin, gaar haka eryoota?
 
Haddaan sharfta geed saaranoo, aan gabdhaha fuulna.
Oo aan garoon kaga dhignaa, dahabki gawriiray.
Gacalooy ragoow yaa la oran, reerka gudiisa?
Saw gobo'du meeshaa ma dhicin, gaar haka eryoota?

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]
ayaandhalad5@hotmail.com
Khartuum, Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD