SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print



C/risaaq Cilmi Xirsi (Fagare)

Gogol:
Dhegeyso Gabayga oo Cod ah... GUJI

C/risaaq Cilmi Xirsi (Fagare)
Minneapolis, MN USA

abdihersy@hotmail.com


 

Gabaygan wuxuu soo baxay February 1, 2005, waxaana tiriyey   C/risaaq Cilmi Xirsi (Fagare), kadib markay ka duldhacday arintaan yaabka leh ee gabadha  ku xiran Hargaysa, C/risaaq ma’ahayn nin horay loogu yaqiinay gabay ee waxaa kiciyey dareen kiisa arinta xanuunka badan ee haysata gabadhaas, wuxuuna gabaygan ugu Magac daray Gogol isagoo kula hadlaya wax garadka ay gabadhu gurigooda joogto, Gogolna waxay tiri….

 

Gogol:

 

 

  1. Geeraar ma doonayn inaan gabayo meershaaye
  2. maankayga maan galin murtida daba galkeediiye
  3. Garaadkayga kuma jirin inaan tala ku gooyaaye
  1. Hayeeshee gar adag arrin ka daran gayiga soomali
  2. Lala wada gariirye sawaxan la isla gaafmeeray
  3. Ilmo gobo’ ka tiri inan yarbaa gama’a ii diidday
  1. Gabayada la soo meeriyee gees walba is dhaafay
  2. Lagu guulayoo reer barabara lagu garaacaayo
  3. In gafuurka aan kaba xirtaa waa I gali waydey

 

  1. Inkastooy gantaalkay direen uu wax gubi doono
  2. Guulguulna ay muujiyeen amase goolaaftan
  3. Shaacir* waa gansaday maansaday golaha keeneene
  1. Gurdan raacse maahiye murtaan soo gudbinayaaye
  2. Goldalooladana waan gufayn gabidhac waw diidin
  3. Hayeeshee inaan gaabsadaa waa I gali wayday
  1. Gabaahirig nin joogaan ahiyo meelo laga guuray
  2. Garbaddiiri ay feenatoo gogoshu ay hiiftay
  3. Halkii cali ka guuxiyo ka daran waa I gali waydey
  1. Sidii geel irmaanoo hadfoo gees walba u rooraay
  2. Oo guuxayoo reemayoo ubadkii soo gaaray
  3. Inaan gaylamoon soo godlado way gudboon tahaye
  1. Maansada godkeedaan aqaan gegida ay daaqdo
  2. Gaaxdeeda yaan maali jiray godolka xoorteeda
  3. Ka gadoonna maysaan halkaan soo garwaaqsado e
  1. Karad aan go’ayn iyo mirbaan soo gaddiyayaaye
  2. Gal biyaysanoo galac leh iyo guga xareeddiisa
  3. Gob waxay u xiistoo galiyo gacal tix loo geeyo
  1. Guba maaha geel kuma dhacayn guluf ma heensaynin
  2. Kuma guuxin cayoo afxumo gedeheed maan gaarin
  3. Geed haracle googol aan fidsaday yaan garramayaaye
  1. Goolkaygu ma ahayn inaan ehel gaf saaraaye
  2. Ama aan qabiil gaana iyo ummad garaafeeyo
  3. Xaashaaye eed aan ka galo ehel gayaankay ah
  1. Hayeeshee inaan gaabsadoon talo gorfayn waayo
  2. Af garooc sidiisii indhaha galalac meermeersho
  3. Oon gabo halkii aan lahaa waa igali wayday
  1. Gaaliyo islaan uumiyaha dunida guud jooga
  2. Waa kaba gadoodeen nafluhu gabi ahaantoodba
  3. Waxa gabanta sidan loogu galay waa I gali wayday
  1. Abwaannadu ka guuxoo nafluhu waa ka gaagaxaye
  2. Ka gilgilayey aadmigu yartaad jeelka galiseene
  3. Aniguna gaddodaan ahoo waa I gali wayday
  1. Gabigeedba soomaali waa oday gurboodkiise
  2. Ways wada gayaan ways gartaan waana is galaane
  3. Gacal iyo walaalay yihiin guri ka soo jeeda
  1. Guurtida waqooyiga haddaan miro ku gaaryeelo
  2. Raggii garaha loo gaysan jiray gobolku waa buuxee
  3. In dhexdooda gabar lagu fagtaa waa I gali wayday
  1. Duqay gaamurtoo ceebta neceb garasho loo tiirsho
  2. Wiilwaal gaddiisii waqay golahan joogaane
  3. Inaan godobtan aan laga garniqin waa I gali wayday
  1. Siyaasado gurracan beelo waa la is galaayaaye
  2. Gumuc iyo rasaas iyo marbaa la is gubaayaaye
  3. Guushuna mar tookaysi iyo galinba waa meele
  1. Haddii galabta lagu gaarayoo nabar laguu gaystay
  2. Inkastoo rag doorihi go’aan ama gawaan raaco
  3. Gobtu waa ka sheexdaa xilkaad gacanta saarteene
  1. Inkastoo la gaasiro bahdaa ama la googooyo
  2. Ama gayshash la afduubto oo geesi la kaxaysto
  3. Inaad gabar ka wiiryaamisaan waa I gali wayday
  1. Waa laga gubtaa ficilo ba’an gebi ahaanteedee
  2. Goonyaha dalkoo idil waxaa gaaray boholyoowe
  3. Waa lagu gumoobaa sidaad gabanta yeesheene
  1. Marti goorxun socotiyo haddii guure lagu tooso
  2. Wanka ganaca wayn iyo cuntaa lagu gasiimaaye
  3. Gogol wacan inaad seexisaan waw gudboon tahaye
  1. Inantaydin soo garatayee gacalka soo gaartay
  2. Marti galin waxay gobi tiqiin sharaf in loo geysto
  3. Xabsi galiya naasaha ka guba waa I gali wayday
  1. Samsam waw gayaan tahay haddaad guurso leedahaye
  2. Intaad jeelka galinaysidood ibaha goynaysid
  3. Hadday galabta kuu timi miyaad gabadha sooryaysid
  1. Maanaa garraarkeeda jara gabar intaan laaco
  2. Ka gariirsha awlaad yaroon waliba qaan gaarin
  3. Una quura geenyadu inay gocasho ooydaaye
  1. Inaad samo ku gartood wanaag gacan toggaalaysid
  2. Ooy geesiyaal kuu dhashooy guriga kuu joogto
  3. Mooyiye inaad gabawartaan waa igali wayday
  1. Adoo geel u haystiyo gammaan yarad la soo gooyo
  2. Oo sooryo geyn kara cidaha guriga reerkooda
  3. Inaad sino garraar kaga furtaan waa I gali wayday
  1. Ha gaagixinin gaarida ha jarin naaska gumuciisa
  2. Ha u gaysan nabar aan go’ayn gabadha jiirkeeda
  3. Haw garaacin cadawnimo waqaad gacanta beeshaaye
  1. Baadiyi nimaan garanin bay galin la daaqdaaye
  2. Gacalada ilaahay galladay quruxda guudkeeda
  3. Hoobaan la gubo oon la guran waa I gali wayday
  1. Afartaa ma gaaf meeriyee gaw ma ku aroorshay
  2. Ma ka guray haldhaafoo murtida gabi dhac maw diiday
  3. Afar kalena galin weerar iyo gumuc rasaaseed dheh
  1. Dariiqada galbeed nagaga timi qotida guuraysa
  2. Guudwaynta beelaha socdee tuugsi guranaaya
  3. In guddoonka madax looga dhigo waa I gali wayday
  1. Curyaan gaabisoon tabar lahayn sahanka aan gaarin
  2. Oon geela raacdayn aqoon ama ka googooya
  3. Xerta geeya mooyee martiya waa I gali wayday
  1. Sifo guunah buu eebbahay gaar lahaan jiraye
  2. Waajib ay gutaan uumiyuhu wada gartaaniine
  3. Goortuu rabiic qayb ka helay waa I gali wayday
  1. Shirig bay la gaafmeerayaan gaala raacyaduye
  2. Doonyaha gaddoomee ka rogan badaha guudkooda
  3. Gurmad buu rabiic ugu tagaa waa I gali wayday
  1. Waxa lagu garaacaye yartaan gulufka loo saaray
  2. Gaalada sideedii la yiri haba la googooyo
  3. Muslinbaa xijaabkii gansaday waa I gali waydey
  1. Guunyada sideedii raggaan xerada loo geystay
  2. Inkastuu gawaan raaciyoo khayrka kala geeyo
  3. Waxaan diiday garanayn innaba waa I gali wayday
  1. Afartaa gorfeeyaye haddaan gees kale u jeesto
  2. Gabaddana qabow iyo misana geyre soo kiciyo
  3. Waqay gabayga kii galabsadiyo gorofku fiigaane
  1. Gayshka sare kan loo dhiibayee talada guud haysta
  2. Booliiska gobolkiyo amniga gacanta loo saaray
  3. Ee aan gugiisuna yarayn guudka ka cirroobay
  1. Ma guursaday miyuu inanta qabay meher miyaw gaaray
  2. Gogol miyuu la jiifsaday habeen guri ma loo geeyey
  3. Waxa keenay may guda yarayn waa I gali wayday
  1. Waxaad ina cigoow goosatiyo godobtu waa meele
  2. Nabsigaad galaysiyo waxaad gafaf hadaaqaysay
  3. Diiwaanka galiyoo ku hay uurka gudihiisa
  1. Biibisiida galabtaad wacdaye eedda guranaysay
  2. In marqaan ku gaariyo inaad goof ka tahay xaajo
  3. Gubniyadana aad madax u tahay waa I gali wayday
  1. Wax la yiri guddoonkay rabtoo gumuc la gaadaysay
  2. Gurigiyo waxay gubi lahayd axmed gogoshiisa
  3. Gablan tala adduuneey middaas waa I gali wayday
  1. Waxba yaanan gocashada qalbiga sii gadaal dhugane
  2. Waxba yaanan gabay iyo ilaaq geeddi ku ahaane
  3. Gabagabada hadalkayga iyo gobo’dii aan sheego
  1. Gogol baan fidsaday reer toloow xeer la garanaayo
  2. Gob wixii gayaan dhawrayaa inaad ku guuxdaane
  3. Inaad gabayga nagu fiirsataan waa I gali wayday
  1. Gorfeeyoo rogroga xaajadaan gabagabaynteeda
  2. Waxa dariska loo geystayee gaaray falanqeeya
  3. Galaayuuska ugubkiyo tolow gooya boholyoowga
  1. Guurtida salaaddiinta waa laga gar dhawraaye
  2. Inay sano ku gaartaase waa xaalad goonniyahe
  3. In guddoon waqooyiba gablamay waa I gali wayday
  1. Hohe gabanta soo daaya oo keena gurigeeda
  2. Garbasaar qurxoon iyo shanleey saara garabkeeda
  3. Gambadeedii uga soo furfura goxoshka ceeboobay

 Dhegeyso Gabayga oo Cod ah... GUJI

 

C/risaaq Cilmi Xirsi (Fagare)
Minneapolis, MN USA

abdihersy@hotmail.com

 

* C/Raxmaan Shaacir waa gabyaa Soomaaliyeed.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD