SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Haddii Samsam soo Baxayso maxaa Samir naloo ka Waayey 
cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sida la sheegayo waxaa la leeyahay waxaa la siidaayey ama la sii deynayaa Samsam oo muddo bilo ah ku xirnayd xabsiga Hargeysa. Sidii horay loo sheegay dadaalkaas waxaa wadagalay Soomaali oo dhan - Waqooyi iyo Koonfurba. Waxaa intaas dheeraa hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha oo iyaga laftoodu kaalin weyn ka qaatay arrintaas. 

Arrimuhu waxay soo mareen dhowr marxaladood. Mar waxaa jirtay si aad ah oo daran loo weeraray maamulka Somaliland waloow dadka qaarkiis ay dhalleecayn iyo foolxumo dusha ka wadasaareen dadka reer Waqooyiga oo dhan. Arrinta gabadhaas darteed oo ugub ku ah dhaqanka  Soomaaliyeed ayaa dadkii wax qorayey ama gabyayey aysan waxba turxaan bixin ee keliya ay madfacooda iska tureen/gameen iyagoon u yool dayin. Waxaa ku xigtay in madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland hadalkooda laga dhadhansaday inay sii deyn rabaan inantaas yar waa haddii codsi xaggeeda ama xag kale ka yimaado. Haddii ujeedadeennu ahayd in gabadha la sii daayo; annigu waxaan ku jiray dadkii codsi sii-deynta gabadhaas dalbaday anoo maqaal arrintaas ku saabsan soo dhejiyey; welibana ka codsanayey in hogaamiyaha Puntland laftiisu codsi kaas oo kale ah diro. 

Arrinta kale ee muhiimka ahayd waa anoo si dadban ula hadlayey Soomaali Maraykan degenayd oo waddey muharaad loogu talogalay arrinta gabadhaas. Waxay sheegeen inuu mudaharaadku baaqday 17/01/05 sababo la xiriiray cimilada darteed. Waxay ogeysiiyeen inay wadeen in la qabto 23/01/05. Ma hubo inuu dhacay laakiin haddii arrinta sii-deyntu dhabtahay waquusan mudaharaadkaasi dhicin! Waxaan rabay in dadkaasi sugaan hadalheynta sii-deynta gabadhaas oon qiyaasayey inay dhacayso Ciiddii weyneyd ee na dhaaftay oo muddo yari naga xigtay. Waa haddii aan geela lakala jirin. Waxaa nasiibdarro ahayd iyadoo saadaashaas fiican lagu jiro inaan gabayo iyo maqaallo kulul oo lagu difaacayo gabadhaas aysan hakan. Awalbaa maqaalladii qiimo dhaceen laakiin maxaa gabaygiina loogu daray? Mar hore ayaa qoraa Axmed wuxuu qoray cinwaan ahaa: gabaygii wuu dhintay. Hadduu dhimasho run ah ka waday iyo in la waayey waxaan oran lahaa hadda bakhtigiisii baa lasoo faagtay laakiin wuxuu ka waday waa la dhadhantiray oo nin kasta dhankiisuu u laatay. Gabayga ma la iska daayaa? Anigu waxaan qabaa in la sii hormariyo. Ka warran gabaygii qaadoow adigaa leh ee Abshir Bacadle? Ka warran kuwa abwaanka dhallinyarada ah ee Cumar Nabaddoon? Iyo Jilib culus badan oo qaarkood ka caansanyihiin in la xuso? Marka haddaan gabay baranayno wuxuu ku fiicanyahay in si horumar iyo dhismo leh loo isticmaalo. Haddii kale waxaa dhacaysa in qof kastoo mucaarad ahi soo qaato cabbirka gabayga oo inta miisaan saaro yiraahdo hebel ma gabyey? 

Sii deynta gabadha waa la filayey laakiin waxaan leeyahay sidii Cali Gambool laga sheegay mar uu Sayidku rabay inuu imtixaano. Cali Gambool wuxuu yiri: xoolo la soo qabqabanayey oo mindiyaha loo lisanayey iyo dab la shidayey waan arkayey laakiin ma hubo in laga dhabeeyey ama la sii daayey. Marka waxaan aamminsanahay in la siidaayey ama la siideyndoono haddii Ilaah idmo. Labo arrimood baan codsanayaa. Midi waxay ku jeeddaa Puntland; midina Soomaali weyn. Tan Puntland ku jeedda waa inay gabadhaas u kireeyaan diyaarad khaas ah oo Hargeysa ka soo qaada keentana meeshay ku dhalatay ama ku soo barbaartay; dadweynaha halkaas joogana ay u soo dhaweeyaan si aad ah si ay u tusaan taageerada ay u hayeen soo-deynteeda iyo siday mar kasta u garabtaagan yihiin. Waxay kaloo arrintaasi keenaysaa inay ka bogsiiso boogo maskaxeed ama caafimaad ee gabadhaas la soo gudboonaaday intay mashaqadaas ku jirtay. 

Arrinta labaad waa: mar haddii gabadhaas la sii daayey, qofna xaq uma leh inuu soo qoro ama ka gabyo wax uusan hubin. Gabadhaas yar iyo waalidkeed bay u taal hadday waraysi bixinayaan iyo wixii soo gaaray ama ay dar Ilaahay u deynayaan. Marka sheeko ay gabadhaas yari ka gaabsatay looma baahna in la faarfaaro. 

Samsam oo Qiimaha Qofka Soomaaliyeed kordhisay

Soow Qur’aanka ma sheegin in qofkii dila hal qof oo binu Aadan ah uu la mid yahay qof dadkoo dhan dilay? Ilaahay keliyaa jiddeeya naf-ka-qaadidda. Soow nabi Muxamed (SCW) ma oran ceyda qofka muslimka ahi waa faasiqnimo; dilkiisuna waa gaalnimo. Soow sidoo kale Suubbanahu (SCW) ma oran: muslimku waa hal jir oo kale oo haddii mid wax soo gaaraan waxay saameynaysaa jirkoo dhan. 

Marka waxaan u mahadcelinayaa dadkii u doodayey gabadhaas ha ahaadeen qareemo, waalid, qaraabo, qorayaal, rag gabyaa ah, hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha iyo Soomaali weyn oo dhan. Hadda laga bilaabo waa in sidaas oo kale loogu gurmadaa qofka Soomaaliyeed ee meel kale lagu dhibaateeyo. Hadda laga bilaabo dhiiggeenna iyo cirdigeennu waa qaali. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD