SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Gardarada Hargaysaad

abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame)
Khartuum, Suudaan

kawtame24@hotmail.com


Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame) taariikhdu markay ahayd 20-1-2005 gabaygaan waxuu abwaanka uga hadlayaa gafka loo gaystay gabadha yar oo agoonta ah oo wali lagu haysto hargaysa, wali ma arag ama maqal arintaan oo kale wax ku kaca hadana ku sii tiigtiigsanaya, abwaanku markii uu arkay arinta samsam axmed ducaalle inay wali ku sii indha adag yihiin ragii gafkeeda ku kacay aysan jirin wax ka dhiidhiiya oo reer hargaysa ah shacab iyo dawladba waxaa la gudboonaatay inuu soo gudbiyo gabaygaan la magac baxay :

 gardarda hargaysaad 

  • ga'da gabayga maansada gardhaban halalka geeraarka
  • goortay huluul iga gashaan gabay ku raadshaaye
  • gardarana ma raacee xaqaan ugu garaabaaye
  • gafka dhacayna waan garanayaa gacalayaalooyin
  • golayaal waxaa lagu hayaa ceebta lagu giirtay
  • gobo yara hadaan ina raggoow geesta ka cadeeyo
  • gardarada hargaysaad weheey gaartay dunidiiye
  • gafka culimo iyo caamo waa loo gudboonyahaye
  • garsoorraa saxiibiyo ragii guurtida ahaaaye
  • guunkii u xigay reerahaa gaw kusoo yiriye
  • gacal malahan ruux goconayaa gaadmayaal hore'e
  • gabar yari haday soo gashoo guriga soo gaartay
  • maxaa loogu soo goosmayoo gacanta loo saaray ?
  • garcadaa kolay tahay maxaa loogu wada giisay ?
  • go'aankii maxkamaduna muxuu geesta uga raacay?
  • sidii gaal kacbada galay maxaa loogu wada goohay ?
  • mawaan ruux wax garad ihi fadhiyin guriga reerkiina?
  • garan waayay meeshaad aduun gaaraysaan waliye!!
  • qalbi guban waxaan kala hadlaa waa isaga giise
  • gaaliyo islaam kaad tihiin galabta noo sheega
  •  
  • garta kalana waa gabadha iyo hal aan usoo gooyey
  • samsameey hadaad gooshtayoo guriga soo gaartay
  • gacal midaad ku sheegtiyo hadaad golaha soo beegtay
  • oo uu garuun kuula baxay gaalo kugu buuqshay
  • gidigood isugu yeeray oo amar go'aan siiyey
  • garanmaysid inaad weer ganta leh gurigi soo aaday
  • oo gacalka soomaaliyeed gaal ku wada sheega
  • guyaal hore waxii lagu galaday wali la goohaaya
  • in kastoo dad badan nabarku galay gaas un buu garane
  • gashi iyo colaad buu jeclaa duni ku gaarkeede
  • haduu gabar ku ciil beelayoo goosan ugu yeeray
  • gablamuhu haduu kugu gafoo gowska kugu feentay
  • guulaha illaah baa jiriyo gacal dadkaagiiye
  • kolay guusha waad gaaraysaa goorkastooy tahaye
  • xaqa lama gamuuree marbuu gees un ka cadaane
  • illaah baa gargaaree nabsaan gees u dhigaynaaye
  • waxba yaan gadkale la iila bixin gaarna la ii qabane
  • ragbaa gabayga horey ugu jiraye goor dambaan imide
  • xalka waa la gaarine dhamaan dunida gaarsiiya

abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame)
Khartuum, Suudaan

kawtame24@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2005



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

GORGOR
         

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD