SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


ABSHIROW BEELYAHAY GABADH KU CIIL BEESHAY IYO CALANKAWAHAABIYA ISMA GEYAAN. KUMANA XAALSIIYO AFKAAGU.

Qalinkii. Nuradin xirsi mohamed
Khartoum, Suudaan
Email:
nuradin1@hotmail.com

QAYBTA KOOWAAD.

Bal dayaay wadaadkiinii waa kane“beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabadh ku ciil beeshay” 

27 December 2004 sanadkii aynu soo  dhaafnay maqaal uu qoray tafatiraha ardaaga somalitalk.com Fahad yaasin xaaji daahir oo magaciisu ahaa  "gabayaagii wahaabiya maxaa hadal looga waayay"  waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay maqaalkii uu ka bilaabmay  tixda gabayga ah ee  “beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabadh ku ciil beeshay”. Maqaalkaasi wuxuu inoo bayaamiyay intii-karaankiisa ahayd taariikhda abshir bacadle iyo kaalinta abwaanimo ee ku aadan suugaanta soomaaliyeed. Waxaa intaa sii dheeraa uguna muhiimsanaa isaga oo xusahay in abshir bacadle yahay nin ku abtirsada wahaabiya waxna kabartay culimadii dacwadaas waday, “maxamed binu cabdi wahaabse ma ahayn marnaba nin colaadeed, halku dhegiisuna wuxuu ahaa xadiiskii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha haatee (iga gaadhsiiysa aayadna ha noqotee)”.

Maqaalka uu qoray ninkaasi wuxuu  gilgilay oo gubay gabyaagii weynaa ee abshir bacadle isagaoo jiif iyo joogba u diiday. Fahad wuxuu u kala dooray arimo dhowr ah in abwaanku ka hadlo sida ku cad maqaalka tiro ahaana waxay ahaayeen shan qodob waana ku wa hoos ku qoran. 

  • 1. Soomaali dowlad ayay ku dhisatay Nairobi.

  • 2. ciidamo itoobiyaan ah ayaa dalka la keenayaa.

  • 3. Dallalada culimada soomaaliyeed oo diidan ciidamadaasi.

  • 4. Dekada iyo madaarka muqdisho.

  • 5. Gabadh yar oo Sam Sam la yidhaa .

Guud ahaan shanta qodob ee maqaalku sheegay waxaa lagu soo koobi karaa laba qodob.

1.  Dowlada cusub ee soomaaliya u dhalatay iyo ciidankii gardaadin lahaa isla markaana  horseedka ka yahay xabashigu, caanihii looga lisihi lahaa dekkeda iyo madaarka , culimada diidan inay  la heshiiyaan ninkii colaadu dhex martay.

2.  Gabadha yar ee sam sam la yidhaa arinteeda oo hargeysa lagu haysto 

Hadaba markii maqaalku  gaadhay abshir bacadle wuxuu geeska daray oo isku qaaday xaga Sam Sam oo mar marsiiyo iyo gabood wacan u noqotay  ciil iyo cadho isugu gadhooday daraadeed ilayn waa gardaro garab oge. 

samsamSamsam Axmed Ducaale:
Taariikhda Dhalashada:
14 August, 1988
Meesha Dhalashada:
Dhahar, Soomaaliya
Magaca Hooyadeed:
Nadiifo Jibriil Axmed
Shaqada:
Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, waaan goon..
Laxiray:
15 August 2004, lagana xiray Guriga Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka "somaliland", oo ay ku khaldantay. 15kii December 2004 ayaa maxkamada hargeysa waxay cadaysay in Samsam aysan ahayn qof da'weyn, hadalkaas oo maxkamadu ku burisey hadalkii taliyaha ciidanak booliska Hargeysa. Waxase maxkamadaasi sheegtay in ay Samsam ku xukuntay shan (5) sano oo xabsi ah.
Lagu eedeeyey:
Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne kuxigeenka
Falalka lagula kacay:
Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
lala xiray:
Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac Warsame], waxaana dareewalka xabsiga laga sii daayey 15kii December 2004, kaddib markii ay maxkamada Hargeysa sheegtay in aan wax 'dembi' ah lagu haysan.
Qareemadii u doodayey:
laxiray 24 November, 2004, lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
Faalladii SomaliTalk ee November 2004

Ardaaga somalitalk.com 3 Jan 2005 bogiisa hore waxaa kusoo baxay gabaygii abshir bacadle isaga oo kusoo jawaabay in ka yar usbuuc  abwaanku wuxuu tiriyay tix gabay ah oo gashay taariikhda sida isaguba tilaamay ee ku cad gabaygiisa ( goblan talo aduuneey maxaa galaya taariikhda ) waxaa taariikhda galay abshir bacadle oo gabay fitno ah u marshay beel dhan  sidii beeshu u daraan jirtay kuna diganaay run ahaantii abwaanku kama rayn kamana roonaan xeer jajabkii lagu xukumay inantaas yar ee lagu xad gudbay iyo nimaadka sida foosha xun u dhaqmay mana daweyn nabarkii meesha yaalay balse wuu sii kiciyay oo huriyay.

Gabaygaasi abshir bacadle bilaabay wuxuu u horseeday qadiyadii gar cadaawo wuxuu ka dhigay  is dil, isdhac iyo kala aargoosi isaga oo taariikh  ahaan dhaxal uga dhigay  reerkii inantu ka dhalatay  inay wax la mida  sameeyaan  taasina waxay halis ku tahay hablihii geyaanka meeshaana lagu xilo waayo. 

Gabaygaasi wuxuu keeni karaa dagaal laba qof ah ama laba kooxood ah  taasoo keenta dhimasho iyo dhaawac  sidoo kale  waxaa imanaysa xoolo lakala qaado  waxaana ka masuul ah gabayga gardarada ah ee abshir abuuray su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay ma ku haboon yahay wadaadku inuu soo nooleeyo guba wakhtigan la joogo gartana ka dhigo gar cadaawo oo jilib caro ah?. 

Gabaygaasi wuxuu  eed dusha uga tuuray beeli aan waxba galabsan taas oo aan marnaba daraf ka ahayn qaddiyada Sam Sam waxbana la wadaagin garsoorihii gabadha xukumay abwaanku wuxuu runtii  gees maray oo iska indha tiray tacadigiii loo gaystay iyo sharaftii ay ku waayeen intii u guntatay sam sam  sida qareenadii iyo ururadii xuquuqu insaanka kuwaas oo  gudaha jeelka loo dhigay  gabadha  daraadeed waxba haba yaraatee kama soo qaadin abwaanku waliba wuxuu u dhaafay nasabkii ay ka dhasheen gobtii gurmadka ahayd waanu aflagaagdeeyay. 

Gabaygaasi wuxuu iilka kasoo saaray Colaada sokeeye ee soomalida dhex martay laga soo bilaabo GUBA ilaa halgankii lagu riday nidaankii arxanka daraa ee siyaad barre. 

Colaadaas waxa laga marshay maansooyin fara badan iyo gabayo ay isweydaarsadeen abwaano badani waxaa tusaale kuugu filan silsiladii deelay ee dalka soomaaliya ka curatay  1980. 

Hadaba intii ay socotay silsilada deelay  ujeedada abwaanadu ka lahaayeen may ahayn qabiil iyo beel gaara oo lagu duleeyo eedna dusha laga saaro aanay lahayn laakiin waxay ka hadlaysay xaq- darada  loo gaysanayay dad aan waxba galabsan walowba ay jireen qaar abwaanada soomaaliyeed ka mida oo garab istaagay oo garab iyo gaashaan u noqday nidaamkii markaa dalka ka talinayay waxa ka mida ragaas  c/qadir xirsi yamyam  waa kii lahaa .


Abwaan Cabduqaadir Xirsi yamyam

Waxan uga dan leeyahay
Duqdi reerka lama dilin
Lama duugin mana dhiman
Dhaqan diidey baa jira
Duul rumaysan baa jira
Durbaan caawiyaa jira
Dhaqaalaha danbeeyay
Dibu dhaca garaadkay
ka dab qaadataayoo
Shalay dalandalkeediyo
Maantooy duq weyn tahay
Dameer dhegihi weeyaan
Taa waxaa ka sii daran
dawadeeda ruuxii
baadi doon yidhaahdaa
Kitaabkee ka deyayaa. 


Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

Dhinaca kale abwaanadii kasoo jeeday  waxaa ka mid ahaa hadraawi, gaariye cabdi iidaan alle haw naxariistee iyo kuwa kale oo badan way nool yihiin ragii deelay gardaadiyay mana mooga daandaasiga iyo gardarada abshir bacadle ku haybsoocay. Mana filaayo inay ka jawaab celiyaan kuna taageeraan xukuumada  somaliland  dulmigaas. sida uu yeelay yam yam wakhtigii siyaad barre. 

Mar labaad su’aasha isweydiina lehi waxy tahay abwaabka abshir bacadle muxuu wakhtigan ku doortay guba inuu soo nooleeyo muxuuse ugu biiri waayay maansada DOOD WANAAG?. Suugaanta sharafta leh muxuu abshir bacadle  beelo ugu kala kaxaynayaa?. Haduu hadal wax daweynaayo muxuu gabay ugu marin waayay gabadha soomaaliyeed ee ubadkeedii laga faramaroojiyay kuna darxumaysan NORWAY?

Maxaa fidmada galiyay isaga dabkana u qabadsiinayaa beelo wada degen oo walaala ah?

Waxaan kusoo koobayaa  tixdan yar ee hadraawi leeyahay.

Ma hirgelin dabuubtii
Dooddiina lama garan
Ama waa la dala'sadey
Lama baanan doogtii
Dakharkiina lama dhayin
Wuu sii darsanayaa
Daldaloolkii sii korodh. 

Hadii alle idmo waan kusoo laaban doonaa maqaalkan qaybtiisa labaad  

Qalinkii. Nuradin xirsi mohamed
Khartoum, Suudaan
Email:
nuradin1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2005



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD