SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GEES ISUGU BAYRA

WAXAA ALLIFEY
DAAHIR CABDULLE MAXAMUUD [D. DAYLAAF]
JOOGA SWEDAN,  STOCKHOLM
TALEEFOON 44 736 6324636
Email:
daahirdailaf_3@hotmail.com

MAGACA GABAYGA :  GEES ISUGU BAYRA
KU SAABSAN SAMSAM

Abshir gabanta guubaabaduu     ugu garbeeynaayey
ga dii fidisay oo ragbadan     gacantogaaleeye
kuwo aan giriifana arkoo       weerxun soo gamaye
Ninkastana garaadkiisa hadal   garasho yeelkeede
Geeraarna waa lagu nastaa      lagu gareeystaaye
Taariikhda guunga ah ayaa      laga gunteeystaaye
marhadduuse xaafado galfado    amase xeer gooyo
inlagaba gabsiistaa haboon     laga gedoodaaye
Anna waa geddeeydii inaan      dood ka qaybgalaye
Afkoodii Intuu guran yohoow    gees isugu bayra

Ragga gabaga godobweeyn kagalay gabadhu waa gaare
ee gorofta ceebeed sitee       meelkastaba gaarey
ee gudoonka soomaali laand     wada garaafeeyey
iyo kii inuu goosto raba       gacalna dooneeynin
gebigiin shirkad wada noqdoo   gees isugu bayra

Raghadduu dagal kama gudbee    jeer iswada gaado
Oo guluf colaadeed fardaha     leeysku wada giijo
Ee gumuc rasaaseed barqada     leeysla wada goobto
Sikastoo qolo loo gabadey      geeridood badato
Waxay guushu raacdaa ciddii    la gardarreeystaaye
Kuwa samaha laga guuriyoow     gees isugu bayra

gablantalo aduunyaay waxaad   gebidhacleeysaaba
waxaad gole xun soomaalidii   gabal ka tuurtaaba
oo goosan keedii badtoo       qaar lasii gadaba
marhaddaay birma geeydadii    daniba kuu geeysey
oo inaad agoon goowracdaa     kula gudboonaatey
adigiyo intii godob qabtaa    gees isugu bayra

Goorkahore sideedaba ebtalo    waa eey gama daaye
Maruunbuu habaar qabe gujaa    ooy galgalataaye
Kolkaasbeey gaaliyo islaam     gebagebeeysaaye
Maantana ragbaa eed ka galay   ooy ka aar gudane
Intiigodob agooneed qabtaay    gees isugu bayra

Waxlayiri gaannari dhergood    goowska dhuxulmooddo
Oogacan ku dhiigle ah haddaa   illee waad garane
Ooguunka ugu weeyn fitnada     taagan garabkiisa
ayaa ugu garfiicnaa yartaa     guurtigii xiraye
Goobtaa intii joogtayeey       gees isugu bayra

Waxan uga golleeyahay haddaan   soo gunaanadaba
Sheekada gunteedii ayaan        kuu gadaal dhigaye
Intuu inanta gafanuhu kucuni    jeelka gudihiisa
Ameey gocosho awgeed ilmada     gobo kasiineeyso
Kii dhibkaa ugeeystana aduun    cidi ganaaxeeynin
Ee isgodo kolkuu soconayee      garabka laalaadsho
Danbeeymaanso guba iyo u noqon  cigalle googaaye
Intiigodob agooneed qabtaay     gees isugu bayra.

DAAHIR DAILAF
daahirdailaf_3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2005

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD