SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
Daabaco Boggan | Print


 "Garasho Waayeel" Jawaab ku Socota Abshir Bacadle


Cabdillaahi Cawed Cige

Tixdan gaaban ee “Garasho Waayeel” oo soo baxday 25kii February 2005, waxa ay jawaab uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay “Gob cunsuri ah oo waxa tihiin; Ficil gumeed yeeshay”. Abwaanka gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u ballaadhan, tixdani qaybo ka mid ah ayay wax ka odhanaysaa. 

“Garasho Waayeel” 25 February 2005 

  1. Abshirow gantaalkaad riddiyo; Guuxi lagu toosye
  2. Gun baa reer Isaaq yahay inuu; Hadalku kaa gaadhay
  3. Gaashaammo iyo Hawd warkii; Geeswalbow socoye’
  4. Goonyaha Hargeysiyo Burcuu; Galay akhbaarkiiye
  5. Godkii Caynabaa laga maqliyo; Go’o dhexdoodiiye’
  6. Ilamaa Gebilay iyo Xaraf; Gaafahuu maraye
  7. Dadka uma gudboonee tolkay; Gocasho qaadsiiye’
  8. Guhaad iyo xanuun laga bogsaday; Godol ku nooleeye’
  9. Sheekadu garqaad iyo ka badan; Gabadh difaaceede’
  10. In baroortu Garo dhaafsantahay; Geliyay maankayga’
  11. Anna gabay inaan soo hollado; Gaanka igu qaadyay’
     
  1. Afartaas ammuuraha gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
  2. Gacal samo u baaqoo la baday; Gacantogaalayn dheh
  3. Gobo’ kalena way eray yar oo; Garasho waayeel ah
     
  1. Gal ninkii kitaabka u toshee; Diinta garanaaya’
  2. Ee ay bulshadu gibil sudhee; Xarafka loo geeyo’
  3. Dharaartay arrini gaaxsantee; Geer u bixiwaayo’
  4. Gamco-siman shareecada inuu; Gooyo laga dhawrye’
  5. Kol hadduuse xeerkii gembiyo; Tiirarkana gooyo’
  6. Gole aanu taagnayn hadduu; Gar isla soo mooso’
  7. Godadkii qiyaastiyo hadduu; Male ku goobyaalo’
  8. Gudcurkiyo hadduu xaajadii; Goorxun socodsiiyo
  9. Sow inuu gurracay talo Islaam; Guudka kama muuqan?
  10. Bacadlaa geddaas iyo ka dhigan; Garab-ka-fuulkaase’
  11. Kunka geeddi sheekada fadhida; Godob-ka-qaadkeeda
  12. Waxa adiga guul kaaga noqon; Yaa i geliweyday?
     
  13. Afartaas ammuuraha gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
  14. Gacal samo u baaqoo la baday; Gacantogaalayn dheh
  15. Gobo’ kalena way eray yar oo; Garasho waayeel ah
     
  1. Haddii gari Isaaq iyo Hartiga; Taallo gudahooda’
  2. Iyagaa go’aan waxay damcaan; Goosankara taase’
  3. Waa niman gefkii dhaca ka adag; Inay gorfeeyaane’
  4. Haddii taada lagu guuro oo; Laysku galo caawa
  5. Gumucaad cabbaysiyo hadday; Guudcastii qaraxdo
  6. Gadhka iyo haddii dhiig la daro; Gawsihiyo saynta
  7. Goblan lagu dambeeyiyo hadday; Guuldarradu baaqdo’
  8. Geyigoo dhan Fiintiyo haddii; Galow ka luuqeeyo
  9. Waxa adiga guul kaaga noqon; Yaa i geliweyday?
  1. Afartaas ammuuraha gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
  2. Gacal samo u baaqoo la baday; Gacantogaalayn dheh
  3. Gobo’ kalena way eray yar oo; Garasho waayeel ah
  1. Dhankayaga gammaan baa murtida; Lagu gardaadshaaye’
  2. Garowgiyo babbaaygiyo cuntada; Gabaygu maansheeyay
  3. Gelimaayo maansadu dhulkay; Gaadhay Bacadlowe’
  4. In barwaaqadaas kuu gingiman; Lagugu sii gaaxsho
  5. Oo uu guulle kuu sii burshaan; Geynayaa duco’e
  6. Guutooyin baa soo socdiyo; Geyshashkii Xabashe’
  7. Gaalkaad rag kale taarataa; Gaadhadh soo wada’e
  8. Ninkaad geysay fooqee sidii; Aarka kugu guuxay’
  9. Geesigaaga oo tuban ninkii; Goolka kaa dhaliyay
  10. Gubniyaaba kuu soo melmelan; Ganacyaweyntiiye’
  11. Guryahaad ku faantiyo dhulkaad; Igu gufaynayso
  12. Goofafkiyo xabaalahan lafii; Sula la iib geeyay’
  13. Geeddiga raggii furilahaa; Godanka soo dhaafye’
  14. Sidii guushki loo laastay iyo; Ginigi Nayroobi’
  15. Gaajiyo waxay diif qabaan; Garanbamaysaane’
  16. Gallaydiyo badh reeb moofadaa; La isku soo gaadhye’
  1. Afartaas ammuuraha gedmiyo; Guga hillaacii dheh’
  2. Gacal samo u baaqoo la baday; Gacantogaalayn dheh
  3. Gobo’ kalena way eray yar oo; Garasho waayeel ah
  1. Godkii aan ku idhi haysku marin; Waadigaa galaye’
  2. Goosashadan sidii faal cuqle ah; Goysay madaxaaga’
  3. Go’aankaas bulshadu qaadatee; Kuu guntamiwaayay’
  4. Gari kama furniyo xaajo aad; Maanta godoshaaye’
  5. Gaasira xoraynteed rag baa; Iilasha u galaye’
  6. Gaasdhegoolihii kacay warkuu; Geystay baa qorane’
  7. Kala guurnay waa hore haddaad; Gaadh is leedahaye’
  8. Gudban baynu nahay dawladahan; Gobolka uun yaalle’
  9. Gacalnimo middaan kuu fidshiyo; Geela laba reer ah’
  10. Haddii aad ka giigtoo colaad; Gaaxsan fidinayso’
  11. Intaad guluf Togdheer iyo ku dhaca; Saaxil gocanayso
  12. Dhul aan galabna kuu dudin intaad; Geysh u duminayso’
  13. Garbahaaga eeg yaan col kale; Madaxa kaa goyne!!!

Cabillaahi Cawed Cige, Liverpool UK   25 February 2005 edleh@hotmail.com  


»"Gob cunsuri ahoo waxaa tihiin ficil gumeed yeeshay"| Abshir Bacadle
Gabaygii Hore: Dhegeyso

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD