SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Abshir Bacadle: DIIN TAKOOR

Qormo lagu weerarayo Bacadle oo uu soo saaray urur lagu Magacaabo Somaliland Organization

Qormadeena caawa waxaan ku soo qaadan doonaa qoraal loogu magacdaray Diin Takoor oo uu qoray urur lagu magacaabo Somaliland Organization, isagoo qoraalkan ka soo saaray xafiisyadiisa London iyo New York, waxayna si kulul ugu cambaaraynayaan Abwaan Abshir Bacadle oo ay ku sheegeen in uu aflagaadeeyay Beesha Isaaq.

Qormadan oo aad u dheer ayuu ururku ku bilaabay sidatan:-

"Waxaannu taxanahan kaga faalloon doonnaa "Diin Takoor" oo in muddo ah ay ku hawlanaayeen qaar ka mid ah saxaafadda Soomaaliya lagulana kacayay beelaha Isaaqa. Diin-takoorkaasi oo maanta u gudbay, sida aad ku arki doontaan maqaalkan iyo maqaalo kale oo taxane ah heerkii u xumaa ayaa ujeeddada ugu weyni ee ka dambaysaa tahay in lagu tilmaamo shacbiga ku dhaqan Somaliland in uu yahay "Gaalo" iyo "ehelkeed", iyadoo Abshir Nuur Faarax (Bacadle) uu gaalo ku sheegay beesha Isaaq iyo maamulka Somaliland labadaba"

Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo Sarkaal sare ka ahaan jiray ciidamadii dhiigya-cabkii Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana allifa gabayada gaar ahaan suugaanta uu ku difaacayo diinta Islaamka, ayaa weerar ba’an oo uu beryahan dambe ku hayay beesha Isaaq iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland la soo ifbaxay isagoo Axaddii 23kii January 2005 gaadhsiiyay heer aad u fool xun.

Abshir oo ay waraysi la yeelatay Marwo Amuun Cabdillaahi Maxamed oo ah soo-saaraha idaacadda Soomaaliga ee Sweden ayaa wuxuu tilmaamay; "In aanay (Somaliland iyo beesha Isaaquba) iyagu diinta Islaamka ku socon, dhaqanna lahayn, islamarkaana reer Galbeed la haystaan".

Sheekada keentay waraysiga uu Bacadle kaga dhawaajiyay arrintan u muuqata in ay muddo badan u guntanayd ayaa waxa ay ku timi maqaallo faro badan oo bogga Somalitalk.com ugu gogol xaadhayay hirgelinta ra’yigan "Diin Takoorka" ah. Bogga Somalitalk ayaa in muddo ah wuxuu taxane ka qorayay sheekada Samsam Axmed Ducaale oo ah gabadh yar oo 15kii August 2004 lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyada oo 15kii December maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay 5 sanno oo xadhig ah. Dembiga inantan yar lagu soo eedeeyay oo ay aad uga hadleen dadweyne badan oo reer Somaliland ah, islamarkaana qareenno looga qabtay Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa mid lagu tilmaamay basaasnimo.

Qaabka iyo hannaanka aan xidhiidh furadka lahayn ee loo soo taxay sheekada Samsam A. Ducaale ayaa waxa ay muujinaysaa gundhigga laga leeyahay biyadhaca arrinkan iyo sida ay "baroortu ceesaanta uga weyntahay".

21 dharaarood ka hor intii aan Samsam maxkamaddu ku ridin xukunkii lagu qaaday waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afar qareen oo u doodayay inanta yar. Nimankaasi may ahayn qareenno ka yimi Soomaaliya iyo meel kale midna ee waxa ay ahaayeen qareenno kiiska inanta yar looga qabtay magaalada Hargeysa.

Bishii November 25-dii wuxuu bogga Somalitalk.com soo dhejiyay qoraal laga diyaariyay waraysi ay Raaqiya Cabdillaahi Oomaar oo madax ka ah ururka xuquuqda aadamiga u dooda ee African Rights ay siisay idaacadda Voice of America. Wuxuu boggu qoraalkan soo raaciyay telefoonnadii Raaqiya ee Hargeysa.

27kii November 2004 waxa bogga Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal loogu hiilinayo inanta yar ee Hargeysa ku xidhan oo uu soo qoray Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba) oo ah suxufi madaxbannaan oo u dhashay Somaliland.

Qareennada la xidhay, Raaqiya Cabdillaahi Oomaar, Maxamed Cabdi Xasan (Dirirdhaba), ururka Qareennada Somaliland waxa ay dhammaantood ka mid ahaayeen qaybaha kala duwan ee reer Somaliland ee arrintan ka muujiyay dareenkooda, islamarkaana isku dayay in ay u hiiliyaan inanta yar. Qof kasta oo daacad ah oo la socday shubaasha qumman ee loo darandoorriyay ammuurtani wuxuu ugu horrayn u qaadanayaa in gundhigga sheekadu tahay "raadinta xuquuqda Samsam Axmed Ducaale", hase yeeshee haddii loo sii kuurgalo waxa bilowgiiba kuu muuqanaya ifafaalo tilmaamaya halka bud-dhigga arrintani u socoto

Bishii Oktoobar 20-keedii maqaal uu daabacay bogga Somalitalk.com wuxuu ku bilaabay sidatan:- "Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen in arrinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taasoo salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta,"

Sida ku cad maqaalkan waxa jirta kala afkaar duwanaansho xagga diinta ah. Waxa muuqata in habdhaca sheekadu ka gudbayso xadkii u doodista xuquuqda Samsam Axmed Ducaale oo ilaa iminka u ekayd in loo dhan yahay, Somaliland iyo Soomaaliya, una baydhayso mid qolo lagu takoorayo oo weliba diinta Islaamka laga dhawaysanayo sida ku cad gunaanadka Abshir Nuur Bacadle.

27-kii Desember 2004 ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo qore joogto ah ka ah bogga Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal uu Abshir Nuur Faarax Bacadle kaga codsanayo in uu doonnida ku soo boodo. Fahad Yaasiin oo ah ruux ay qoraalladiisa farshaxannimo ka muuqato ayaa wuxuu u dhigay codsigiisa qaab dadban, hase yeeshee muujinaya ujeeddada uu leeyahay iyo sallaanka gaarka ah ee uu jecel yahay in Bacadle ka soo fuulo doodda.

Wuxuu qoraagu kaga bogtay codsigiisa "Gabyaagii wahaabiyada maxaa hadal looga waayey?", isaga oo muujinaya sida uu u jecel yahay inuu Bacadle xadhig gaar ah uga soo garaaco sheekada. Si haddaba Fahad sheekada ugu ilaaliyo dahaadhka loo daayay ee ah "doonista xuquuqda Samsam" wuxuu Bacadle kala dooransiiyay shan god oo uu af reer magaal ku leeyahay kan aynu ognahay soo deg. Shanta god ee maqaalku taabtay waxa ay kala ahaayeen

1. Dawladda Nayroobi lagu soo dhisay,

2. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la hadalhayo in Soomaaliya la keeno, 3. Dalladda Culimada Soomaalida ee Muqdisho, 4. Dekeddda iyo Garoonka Muqdisho iyo ugu dambayn 5. Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo.

Faah-faahinta uu Fahad raaciyay godka shanaad ee uu codsiga Bacadle ku darsaday wuxuu u dhigay sidatan: "Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas haysta".

30-kii bishii Desember 2004 ayuu Abshir Faarax Nuur (Bacadle) xafiiska wargeyska Ayaamaha ee Muqdisho soo gaadhsiiyay, sida bogga Somalitalk.com sheegay hordhicii gabay uu kaga hadlayo godkii shanaad ee uu ka dalbaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Erayada uu soo hormariyay Bacadle waxa loo dhigay sidatan:-

"Guddiga Habar-magaalood wanjalay
Gabaraan Qaan-gaarin
Duqa ILAAHAY gafiyay gabadha ii daaya
Go’aankooda Higiskaa ma waan gobi ka shuureyn.......... Bacadle"

Isaga oo abwaanku ka bilaabaya gabaygiisa beel ayuu wuxuu ballanqaaday inuu toddobaad ku soo dhammaystiri doono.

Saddexdii bisha January ee sannadka 2005 ayaa waxa bogga Somalitalk.com soo daabacay gabay ka yimi Bacadle.

Sidii uu qorshaha inta badan la soo dhisayay ahaa gabayga ka yimi Bacadle kuma bilaabmin xuquuqdii inanta ee ay ahayd in dhammaan dhinacyada ay khusayso oo dhammi iska-kaashadaan. Wuxuu gabaygii, isaga oo ku halqabsanaya guddoomiyaha ururka mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ku bilaabmay kala go’ii labada jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuu markaas ku dacaldhebay oo qiiq uu isku qariyo ka dhigtay dacwaddii inanta yar.

Wuxuu uga gudbay beel uu sida uu u dhigay leeyahay waxa ay u bahowday waxyeellada gabadha yar. Wuxuu Bacadle markaas ku raftay gabaygii isaga oo galay "jaad" iyo arrimo gaar ah oo la odhan karo waa tii meesha tiil ee iska-kaashigeeda loo baahnaa oo kale. Wuxuu bartan Abshir gaadhay haweenay kale oo ay ahayd inuu u xurmeeyo sida uu leeyahay waxa aan u xurmaynayaa Samsam.

Abshir laga bilaabo goobtaas wuxuu u dhaadhacay dulucdii in badan loo soo gogolxaadhayay, dulucdii loo diyaariyay maqaallada faraha badan, dulucdii loogu talagalay in ay gogol saldhig u noqoto nuxurka uu Abshir Bacadle ku gunaanaday waraysigiisii uu siiyay idaacadda Soomaaliga ah ee Radio Sweden. Isaga oo ku noqonaya beeshii uu gabayga ku bilaabay, ayuu carrabka ku dhuftay gunnimada uu meel u dhigay iyo sida ay Xabashi uga agdhow yihiin.

Suxufi Fahad Yaasiin Xaaji Cabdi Daahir waxa u curatay hogol khayraad, waxa laga aqbalay ducadiisii. Waxa ka soo yeeray Abshir Nuur Faarax (Bacadle) gabay ku taagan toobiyihii loo baahnaa in dooddu toos u qaaddo.

Gabaygii Bacadle wuxuu toosiyay bulshoweyn, nin waliba ceesaantiisii ayuu ceelka soo taagay. Gabayada la soo gudbiyay ee raacay silsiladda Bacadle waxa ka mid ah qaar uu ku lifaaqan yahay fekerkii somalitalk.com iyo saxaafadda kale ee Soomaaliya weligood ka damacsanaayeen qaabka farta loogu fiiqayo ama loo fogaynayo beesha Isaaqa iyo wixii la halmaala.

Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) oo silsiladda kaga qaybgalay tix magaceeda la yidhaahdo "Godankaa Hargeysaad Dhibkii lagugu gaarsiiyay" ayaa wuxuu gabayga ku bilaabay;

"Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehelkeede
Gunbaa ku heshay iyo tuugadii gaarufta lahayde"

Waxa cad in sheekada meesha ka socota ee u muuqata inay midaysay wadaad, siyaasi, gabayaa, suldaan iyo waxgarad tahay mid ka gudubsan xuquuq qof oo loo doodayo. In halka boogtu tahay carrabka lagu dhufto ayaa la diidayaa.

Waxa is weydiin leh "Haddii xuquuq loo doodayo maxaa loogu sinnaan waayay?". Tusaale ahaan, bogga somalitalk.com oo sheekada qormooyinkani daahfurka u yihiin fidintooda hormood ka ahaa sannadkan iyo kii ina dhaafay, ayaa waxay haddana u heellan yihiin difaaca iyo abaabulka ololaha loogu hiilinayo Maxamed Cali Samatar oo dacwad madani ah ay kaga oogan tahay dalka Maraykanka. Dadka dacwaddaas ku soo oogay Maxamed Cali Samatar waxay dhammaantood ahaayeen dhibbanayaal tabaalo badani ka soo gaartay maamulkii uu Samatar xil hayaha culus ka ahaa.

Sheekadan loogu talagalay in beesha Isaaq lagaga takooro Diinta ay haystaan ee Islaamku maaha mid maanta bilaabantay. Waxay soo taagnayd tan iyo markii gumays-tayaasha reer caddaanka ahi qaybsadeen qaaradda Afrika. Xuquuqda Zamzam Axmed Ducaale waxa keliya oo ay u noqotay fursad ay dadka u heellan fulinta iyo socodsiinta "Diin-takoorkani" ku kobciyaan ra’yigoodan maqluubka ah.

Sannadkii 1995-kii waxay kooxahani ku faafiyeen warbaahinta ummadaha Af-Soomaaliga ku hadlaa adeegsadaan iyo kuwo kale intaba waraaq been-abuur ah oo lagu metelayo in madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee u diray ra’iisal wasaarihii xilligaas ka talinayay dalka Israa’iil.

Muddo ku beegan sannadkii 1989-kii ayaa waxa nin lagu magacaabo Bureyda uu daabacay buug uu ugu magacdaray "Waa wareey". Buuggaas oo sida loo dhigay loogu talagalay in ummadda Soomaalida looga digo dhaqdhaqaaqa Kiristanku ka wadaan Soomaaliya ayaa waxa lagu soo bandhigay arrimo mala awaal ah oo qayb ka ah ra’yigan "Diin-takoorka".

Wakhtiga buuggaas la daabacay wuxuu ku beegnaa xilligii taliskii macangagga ahaa ee uu madaxda ka ahaa dhiigyacab Maxamed Siyaad Barre uu tallaabooyinka waxashnimada ah ka fulinayay carrada Somaliland. Shacbi aad u ballaran oo dhibaato xoog lihi ka soo gaartay falalkii Siyaad Barre ayaa waxay habqan ku degeen dhul badan oo ku teedsan khadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Meelaha ugu ballaarnaa ee shacbigaas dhibbanaha ahaa isku urursadeen waxa ka mid ahaa Harta-Shiikh, Xarshin iyo Dhoqoshay. Sida dadkii xilligaas ku noolaa ama booqashada ku tegay ogsoon yihiin goobo badan oo degsiimooyinkaas ka mid ah waxa ka jiray xukunka shareecada Islaamka.

Sida buugga uu qoray Bureyda lagu sheegay, "Diinta Kiristaanka ayaa dhulkaas", oo uu qoraagu ku tilaamamay meelo SNM-tu ka taliso "aad ugu fidaysay", halka buu yiri "Dhulka dawladdu joogto aanay arrimahaasi ka dhicin". Waxa kale oo qoraagu tibaaxay in oday ka mid ah kuwa ugu waaweyn madax-dhaqameedyada Isaaqu uu yidhi "Haddii macatab aan qoorta sudho wax loogu qabanayo dadkayga waan yeelayaa". qaraagu ma sheegin inuu booqday Dhoqoshay, Xarshin iyo Harta-Shiikh ama meelaha kale ee degmadu u qaxday, ma tilmaamin maamullada shareecada ku dhisan ee goobahaas ka jiray,

Qoraagu ma sheegin inuu booqday Dhoqoshay, Xarshin iyo Harta-Shiikh ama meelaha kale ee degmadu u qaxday, ma tilmaamin maamullada shareecada ku dhisan ee goobahaas ka jiray, ma soo qaadin sida ay xukuumadda uu leeyahay waxa ay dalka ka horjoogtay fidinta masiixiyadda iyo ku dhaqanka diinta Islaamku isku ahaayeen. Qoraagu waxba kama odhan in xitaa xukuumaddaas ninka madaxda ka ahaa (M. S. Barre) uu gole la tubanyahay kaga baxay diinta Islaamka.

Waxa keliya ee uu qoraagu tibaaxay in beesha Isaaqu u nugushahay ama ka agdhowdahay diimaha kale ama ay ka fogyihiin Islaamka. Waa dhanka maanta Abshir Nuur Faarax (Bacadle) u riixayo beesha, waa dhanka qoraallada laxaadka leh ee loogu gabbanayo difaaca xuquuqda Samsam A. Ducaale ujeeddadoodu dhabta ahi ku aaddantahay.

Waxa isaguna fikirkan qabay oo xitaa kooxaha imika mabda’a ka dhigtay arrintani tusaale weyn ka soo qaataan Maxamed Cabdille Xasan oo dagaal kula galay dawladda Ingiriiska dalka Somaliland bilowgii qarniga labaatanaad. M. C Xasan inkasta oo uu taageero badan ka helay Isaaqa xilligii dagaalkiisu curdinka ahaa, haddana marnaba kama suulin fekerka ah "in Isaaqu gaalada ku tirsanyahay". Tix ka mid ahaa gabayadiisa oo uu arrintan kaga hadlay ayaa waxa sadaradeeda ka mid ahaa:-

"Iiddoor wagaashliyo kufriga, Wacad Allow yaalle...

Waa niman walaalo ah tan iyo; Waaga aakhiro’e..." - M.C. Xasan

Sida ka muuqata tixdan wuxuu Maxamed Cabdille Xasan rumaysnaa in Isaaqu kufriga la dhashay, islamarkaana ay wacad gaar ah leeyihiin tan iyo aakhiro.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa madaxdii ciidamadii Siyaad Barre ee xasuuqa badan ka geystay Somaliland sannadadii 1980nadii, ayaa mar isaga oo ku sugan waddanka Ingiriiska wax laga weydiiyay dilkii dadka rayidka ah lagu sameeyay wuxuu ku jawaabay; "Haddii aad dagaal ku jirto oo aad dad cadow ah is-dilaysaan diinta Islaamka ayaa kuu bannaynaysa in aad dadkaas dumarkooda iyo dhallaankooda intaba laysid".

Waxa laga yaabaa in caqliga saliimka ahi isyidhaahdo, haddii ruux gef sameeyo oo gefkaas muddo dheeri ka soo wareegto, qofkaasi wuuu isa-sixikaraa ama arkikaraa inuu khalad galay. Sarkaalkani labaatan sannadood ka bacdi xilligii uu falalkaas ka qaybqaatay wuxuu rumaysanyahay oo si daacadnimo ka muuqato laabta ugu haystaa in aan ficilkiisu sax ahayn oo keliya, ee weliba uu ahaa mubaax diintu bannaysay.

Ma jirto cadowtinnimo lagula kaco ummad oo ka weyn in isirkooda la tiro, oo ah tii ka dhacday Somaliland xilligii macangaggii Siyaad Barre joogay, waxase ka sii cawaaqibxun marka la damco ee loo tashado, laguna dhiirrado in ummad dhan diinteeda iyo caqiidada ay haysato la duudsiyo, taas oo ah midda tan iyo Maxamed Cabdille Xasan ilaa iyo Somalitalk.com ilaa iyo Abshir Bacadle ay u hilloobeen ee dusha ka saarayaan beesha Isaaqa.

Ujeeddooyin badan baa jira oo dadka "diintakoorka" noocan ah ku kacayaa ay qiil uga dhigaan ficilkooda. Waxa u badan in Isaaqu uu ka agdhowyahay Ingiriiska iyo Itoobiya, waxa ka mid ah in dadka ra’yigan rumaysani isu-tusaan in ay sheekadan ka iibiyaan dawladaha Carabta.

Marnaba dadka ra’yigan iibgeeya maskaxdooda kuma soo dhacdo maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa; "Booraan hadimo ha qodin, haddii aad qoddona ha dheerayn, ku dhicidoontaana mooyee".

Somaliland Organization (Janaayo 2005)

Jawaabtii Abshir Bacadle ee Qormada 'Diin Takoor"... Guji...

##Dhammaad##


"Gob cunsuri ahoo waxaa tihiin ficil gumeed yeeshay" Abshir Bacadle

W/D amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 23, 2005


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay).. Akhri...
Dhegeyso Gabayga Bacadle

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD