SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Jawaabtii Diin Takoor.

Abshir Bacadle "Afsoomaligii aan ku gabyey nuxurkiisa qofkii garanayaa maba i yiraahdeen waad qaldantay".

Waxaan maalmihii la soo dhaafay idiin soo gudbinay qormo aad u dheer oo uu soo saaray urur la magac baxay Somaliland Organization kaas oo ugu magacdaray diin takoor oo uu waxbadan ku sheegay in Abwaan Abshir Bacadle u ku xadgudbay sharafta magaca iyo Diinta dadka Isaaqa ah, ayadoo Abwaanka warbixintu ku tilmaantay in uu Soomaliland ka saaray Diinta Islaamka.

Hadaba Abshir Nuur Faarax oo asagu si wayn u la socday qormooyinkii diin takoor waxa uu ka yiri, " marka hore Waan aqriyey qormadii dhererka badnayn ee Somaaliland Organization soo saareen, oo runtii sida ay ayagu u xagjiraan qormadooduna u xagjirto, waayo wax badan oo aanan sheegin iyo wax badan oo aanan ahayn ayey igu sheegeen, koleyba arinkooda waxaan u fahmay maxaa inanta yarta ah Samsam looga damqanayaa taasna waxaan ka leeyahay, ururkaas ma yaqaan samaan iyo xumaan waxa aan ku sifaysanahay haddii ay I yaqaanaan maysan yiraahdeen wuxuu ka tirsanaa taliskaii Maxamed Siyaad Bare . waa Ilaahay mahadiis oo inta badan dadka soomaaliyeed waa I yaqaaniin oo waligey dowlad uma aanan shaqayn dhowr iyo 40-tan sano oo aan Xamar joogayna ganacade ayaan ahaa.

Waxaan filayaa in ururkaani uusan si fiican u aqrisan gabageygii waayo Afsoomaliga aan ku gabyey iyo dulucdii uu xambaarsanaa iyo ninkii nuxurkiisa fahma ima yiraahdeen waad qaldantahay, nin Qu'aanka la barayey oo ka Riwaayey ayaa Macalinkiisii ku yiri " Macalimow Qu'raanka karaankurtiisa maxaad ii bartaa oo meelaha goljilicdaa ii bari la' dahay".

Marka Somaliland gabadha maxaa loo dulmiyey hadii la yiraah waxay leeyihiin xaqa waan rabnaa laakiin xaqa karaan kurtiisa ma rabno, taas macneheedu wuxuu yahay dhibkii na gaaray in la sheego waan ogolnahay laakiin ma ogolin in la sheego dhibka aan gaysano.

Walaaleheen gabadha aan u saamaxnee dhibkii gaaray oo dhan aan niraahno u qaata gabadha bal haddey mag idiinku filan tahay.

Abwaanka oo markale ka hadlayey eraygii Diin Takoor wuxuu yiri "anigu dadka Isaaqa ah waa Gaalo ama waa Gaaloobeen ma oran mana oranayo, laakiin Maamulka ka jira halkaas waxaan leeyahay Gaaladuu mar kasta dhiiri galiyaa Muslimiintana waa ka careysiiyaa waxaan tusaale u soo qaadanayaa in ugu yaraan afar jeer ay aqbaleen in rag Wadaado ah oo ay faraha ka saareen Gaalada Xabashida waxaan hubaa in ay yiraahdaan Itoobaya ayaa Soomaalida nooga fiican sidoo kale waxaan hayaa in ay yiraahdeen Israa'iil waxay nooga wanaagsan tahay Carabta, waxaan kuu hayaa in Cigaal ALLAHA u naxariistee markii uu dhintay in wafdigii ka yimid Itoobiya si wanaagsan loo soo dhaweeyey halka wafdigii Jabuuti ka socdayna dib loo celshay waxaan kale oo aan ogahay in ay soo raafeen dadkii Soomaalida ahaa ayadoo ay magaalooyinkoodana ay dhex mushaaxayaan dadka Tigreega ah walibana ku haysataan tixgalin iyo soo dhaweyn iyadoo dad badan guryohoodii intay ka burburiyeen dibna u dhisteen kuwa kalana ay iska haystaan ayadoo Maamulka meesha ka jira uusan waxba ka qaban.

Markii aan doonayo in aan wax ka sheego cidna si gaar ah uguma xadgudbo marka Hawiyaha aan ka dhashay wax haleeyaan ma caayo oo kaliya qofka ama kooxda qaladka samaysay balse hadalka waan u wada ekeeyaa si ay u wada xanuunsadaan oo ay dhibka u wada dareemaan inta aan soo sheegay waxan aaminsanahay in dadweynaha Soomaaliyeed ee reer waqooyi galbeed intooda badan ay ceebahaasi saliim ka yihiin sida Hawiyuhuba dhibaatooyinka lagu sheego aysan dad badani lug ugu lahayn.

Qoramadii Diin Takoor ... ka akhri halkan.....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 23, 2005


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay).. Akhri...
Dhegeyso Gabayga Bacadle

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD