SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Abshir Bacadle: "Gob cunsuri ahoo waxaa tihiin ficil gumeed yeeshay"

Dooddeennii Abshir Bacadle iyo abwaannada weli halkeedii ayay ka socotaa oo waa faanoole fari kama qodna, markaanna abshir Bacadle laftiisa ayaa garoonka dib ugu soo laabtay kaddib markii in muddo ah uu dheehanayay, akhrisanayay, kala shaandheynayay ugu yaraan dhowr iyo toban gabay oo dunida dacalladeeda looga soo wada diray, mar kale ayuu boorka shidayaa, wax badanna ka dhahayaa wixii ay abwaannadu soo bandhigeen, inkastoo Abshir uu jawaab ka bixiyay qoraal ay soo saareen urur isku magacaabay Somaliland Organization haddana, gabaygaani waa kii ugu horreeyay ee uu Abwaanku soo daayo tan iyo intii ay abwaannada kale gabaygiisii hore dabo-taagnaayeen, markanna wuxuu ku billaabay:

  1. Gaf aan galay gelliin kama ahiyoo maan garowsaniye
  2. Gubana ma aha gabagaygu waad igu gefaysiine
  3. Gun Isaaq ugama dhigin Hartina kuma gargaarayne
  4. Mase gudboona beel goosatiyo maamul goboleedku
  5. Tixdaan gabadha ugu hiiliyoon dunidda gaarsiiyay
  6. Gujis doon hardiyay iyo rag baa guba ku suureeyay
  7. Mar haddaanan guhaameyn amaanan weerar gelinaynin
  8. In aan gabay ku ciil beelo waa ila gudboonayde
  9. Sow inaan gilgilo maaha oon yara gantaaleeyo
  10. Garka miyaan qabtaa oon dhahaa gabadha sii daaya
  11. Sideen hadal ku gaarsiin karaa gabayga mooyaane
  12. Gafba laguma oga gabayga nuxurkeydnan garanayne
  13. Gun miyaa tihiin waa su’aal gabadha hiilkeed ah
  14. Marna waxaan ka gubanahayay waxa galaya taariikhda
  15. Ma waydnan gabayga nuxurkiisa iyo yoolka garanaynin
  16. Ratigii garba la’ kabada iyo heerigaa gubiye
  17. Idinkaa sidii Owr garba la’ rara gubyoonaaya
  18. Qofkii laga gardaran yahay haddaan gacan la siinaynin
  19. Gabay ama qoraal iyo ducaa lagu gar-gaaraaye
  20. Waxba igama gelin waa ra’yiga guufanaysyada’e
  21. Guurtiga Isaaq kama gilgilan gabadha xaalkeeda
  22. Gashi iyo dakano hore inay gocanayaan mooyi
  23. Aqoonsiga go’doonka ah inay gocanayaan mooyi
  24. Wixii gaaray Yaasiin inay gocanayaan mooyi
  25. Taariikhda waxa galay inay gocanayaan mooyi
  26. Gabadha baaristeedii inay gocanayaan mooyi
  27. Gar daradiyo ceebtii inay gicanayaan mooyi
  28. Gayaan naga xariman tii inay gocanayaan mooyi
  29. Fooxlihii dembiga galay inay gocanayaan mooyi
  30. Towfiikh gefkoodii inay gocanayaan mooyi
  31. Gabayada silsilada ah inay gocanayaan mooyi
  32. Sidii la isku soo galay inay gocanayaan mooyi
  33. Waddadii gantaaleyd inay gocanayaan mooyi
  34. Labada Gobole soo go’ay inay gocanayaan mooyi
  35. Sanadkii garoobaale inay gocanayaan mooyi
  36. Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi
  37. Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi
  38. Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi
  39. Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi
  40. Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
  41. Labada webiye aan go’in inay gocanayaan mooyi
  42. Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi
  43. Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi
  44. Gobolada dhexiyo bari inay gocanayaan mooyi
  45. Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi
  46. Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi
  47. Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi
  48. Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi
  49. Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi
  50. Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi
  51. Ceelasheena aan go’in inay gocanayaan mooyi
  52. Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi
  53. Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi
  54. Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi
  55. Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
  56. Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi
  57. Galleydiyo Harruurkii inay gocanayaan mooyi
  58. Gaashaandhig beeleed inay gocanayaan mooyi
  59. Gabaahiirta lagu ooday inay gocanayaan mooyi
  60. Guryaha Xamare dhaadheer inay gocanayaan mooyi
  61. Garowgi iyo Muufadii inay gocanayaan mooyi
  62. Galaaskii bunbeelmada inay gocanayaan mooyi
  63. Babbaaygii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
  64. Laxooxdii gadaaneyd inay gocanayaan mooyi
  65. Guurkii jabnaayoo Xamar inay gocanayaan mooyi
  66. Reer gini ku filan yahay inay gocanayaan mooyi
  67. Guryo iib ahoo jaban inay gocanayaan mooyi
  68. Deris kuu guntadoo gacalla inay gocanayaan mooyi
  69. Ineeyan beeli go’i Karin inay gocanayaan mooyi
  70. Hankoodii la gaasiray inay gocanayaan mooyi
  71. Kaftankayagii gacalnimo inay gocanayaan mooyi
  72. Gabaygi iyo heesihii inay gocanayaan mooyi
  73. Maraakiibtii ganacsiga inay gocanayaan mooyi,
  74. Xabxabkii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
  75. Gaclkii isku duubnaa inay gocanayaan mooyi,
  76. Dhul aan gaajo loo dhiman inay gocanayaan mooyi
  77. Wixii eed la kala galay inay gocanayaan mooyi,
  78. Laydh iyo biyo aan go’in inay gocanayaan mooyi
  79. Geedaha miraha sida inay gocanayaan mooyi,
  80. Halkii gorofta lagu tuuray inay gocanayaan mooyi
  81. Meeshay ka go’i taladu inay gocanayaan mooyi,
  82. Reexanta geed Xamarka inay gocanayaan mooyi
  83. Geyiga cimilada u wacan inay gocanayaan mooyi,
  84. Gobaadi ay bar gooyeen inay gocanayaan mooyi
  85. Gujadiyo qaniinyadii inay gocanayaan mooyi
  86. Galbaa habari geysaa inay gocanayaan mooyi,
  87. Sagaal goroyo cowleed inay gocanayaan mooyi
  88. Dabarki ay ku giijeen inay gocanayaan mooyi,
  89. Geeridii Cigaal oo tigruhu uu tacsida geeyay
  90. Oo gaaladu kasoo qaybgashoo turunbo loo giijay,
  91. Garoonkaad ka celiseen wafdigi Geele soo diraye
  92. Ma weydnaan abaal gudanin ama gelinin taariikhda,
  93. Gabaygi Qaasim iyo waxaad tidheen ficilki Guuleede
  94. Nin raggoon abaal gudani waa Deero gees jabane,
  95. Labada gobol nikaaxoodi aan gabay ku soo qaatay,
  96. Xarrigii gabdhaha maaha ee waa gun dheeryahaye
  97. Gefkiyo ceebta mooryaan galaa laga garaabaaye
  98. Garsoorka iyo labadii goliyo Duqa go’aankiisi
  99. Afartuba dunuubtay galeen gar iyo dow maaha
  100. Intaasaan ku soo gaabiyaye gacalloow aashiina

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 23, 2005


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay).. Akhri...
Dhegeyso Gabayga Bacadle

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD