SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Geenyo

Maxamed Dhagaafe Cilmi
m_dhagaafe@yahoo.com
Mbale, Uganda


gabaygaan geenyo waxaa tiriyey abwaan maxamed dhagaafe cilmi'

waxa uuna gabaygaani soo baxay 9/2/2005 waxa uu gabaygaani daba socdaa gabayadii hore ee silsilada samsam waxa uuna gabaygu xanbaarsan yahay arimo badan oo eey ugu horeeyso abwaanka oo dhaliilsan qaar kamid ah abwaanadii  soo diray gabayada  waxa kalle oo gabayga abwaanku ku muujinayaa inuusan gabay katanaa suleyn inta somalia eey fowdada iyo dowlad la aan ta ku jirto asaga oo abwaanku u garaabaya abwaanadii hore ayada oo ceebta oo dhana uu dusha kasaarayo raga galab saday ee riyaale iyo fooxle ugu danbeynta gabayga waxa uu fariirn udirayaa abwaanka weyn ee somaliyeed waa abshir bacadle oo asagu bilaabey sil siladaan asaga ooo abwaanku ka codsanaya inuu soo gaba gabeeyo maadaama samsam eey maanta xortahay hadaba akhris wanaagsan
 
                           geenyo
 
Haddii guulle gabay uu kubaro kala gorfeyntiisa
Gadiisiyo haddii aad taqaan gacalow xeeshiisa
Waxa kula gudboon waa inaan xaqa kugoobtaaye
Waa inaad garsoor iyo midnimo gacanku siisaaye
Mar hadduu hulaab kula galana waa garaad xumiye
Ruuxeey qab yaaladi gashaa gurubsay ceebaale
 
Abwaannada isgiijoo murtida galiyey diiwaanka
Qaarbaanba gabaygoodi nacay geesta uu maraye
Rag u geeyfan xumohoo colaad goobayaa jira e
Ninkii guluf colaadeed wadoow garanay xeeshaaye
Inta aan akhyaar geyfan iyo guuto kugu gooban
Gacalkaaga soo raac adoon dhibi kusoo gaarin
 
Afartaas garaad hadalki iyo gabayadeeydiidhe
Gaddii raage iyo cali afyare gaw makaga siiyey
Geesigii hadraawiyo sidii galayax mow qeexay
Afarkalana goolkaan larabay gabayga maantaadhe
 
Soomaali oo kala godoo gabalba meel aado
Gablan iyo wallee iiga daran geeri ehelkeey e
Guntigaan udhuuq sanahayaa gaamur noqodkeene
Inta eey gaheyr gurantahoo gabi banaan joogto
Inta eey gabaa hirig cidlaa gabi dhac leeyneyso
Inta uu ganboor iyo nin xuni ganafka jiidaayo
Garwadeeno tuugaa intaan daba gucleey neyno
Inta gaalo raac yada kibriyonacasku giisaayo
Inta shacabku uu garan midkii samo lagoobaaya
Diintaan lagarab maray inteey guushu raaceeyso
Xaqa lagu gabood falay intuu libinta gaaraayo
Guddi jaban gar eexaad inteey taallo gobolkeena
Geeraarka deeyn maayo iyo gabayga kii roone
Mid wax gubana tirin maayo iyo kala go' beeleede
Gaawaha u hoorsada naxwuhu yuudin gees marine
 
Afartaas garaad hadalki iyo gabayadeey dii dhe
Gaddii raage iyo cali afyare gaw makaga siiyey
Geesigii hadraawiyo siddii galayax mow qeexay
Afarkalana gabadhaan ka oran godobta loo geeystay
 
Geenyadaa laxirayee inbadan gaalshiraha jiiftay
Garti eey laheyd laga xasdoo gacanta loo qaaday
Dambi eeysan gayin iyo xumaan gurada loo buuxshay
Inta aan xaqeedoo gin giman gacanta loo saarin
Gudi eex la aaneed intuu galayo xaalkeeda
Inta gorofle eeduu guntaday lagu ganaaxaayo
Garoow shiinyo iga heli mayaan labada guumeeyse
Inaan gudin afweyn haysto oo dabin lagoobaayo
Giiryaale ina kaahin iyo fooxle garan siiya
 
Gidi reer hargeeysaad magalin godobta maantaaye
Rag garsiiyey gabadhaa jiroo jeelka loo guraye
Raaqiyaba kagubatoo dhibkii dunida gaarsiiyey
Nabsi ruux galaa maalinbuu godolki maalaaye
Ineey ceebtu gaarkooda tahay labada gaagaale
Giiryaale ina kaahin iyo fooxle garan siiya
 
afartaas garaad hadalki iyo gabayadeeydii dhe
gaddii raage iyo cali afyare gaw maka siiyey
geesigii hadraawiyo sidii galayax moow qeexay
Afar kale abwaannadi gunteday iyo garoow good dhe
 
Gabayadi horoo tagay hadaan gabal kasoo qaato
Gaashaandhigii maxamed baan wali gardaad shaaye
Ninkastoo wanaag galana waan garab istaagaaye
Nabadoon magees marin wixii nala gudboonaaye
garsoor iyo guduudaneba waa gabayo xeel dheere
Nin kii gees kaleeto u arkoow gacale aashaada
gacanqaad stanzaba markuu kala gorfeeynaayey
Wuxu yiri rag go ay baa jiroo gaalshiraha yaalle
Geesiyadi ogaadeen ayaa gaalo laga iibshay
Ayagana garweeyaan inaan galabta sheegaaye
Ceeb beey intaas guraanayaan labada guumeeyse
Gorofliyo riyaaloow maxaa godob idiin aasan
 
Afartaas garaad hadalki iyo gabayadeeydii dhe
Gaddii raage iyo cali afyare gaw makaga siiyey
Geesigii hadraawiyo sidii galayax moow qeexay
Afarkale fariin gaara iyo gaba gabeeyntii dhe
 
Abshiroow gabyaagii dalkoow gacalkayoow heedhe
Adigaa guracan noo firiyo guba labaadaane
Inkastoon xaqeedoo gin giman gacanta loo saarin
Haddii guulle nooosoo baxshoo gabadhi soo saaray
Soo gaba gabee gabayadaan nagu goll dheeraday

                    dhamaad

Maxamed Dhagaafe Cilmi
m_dhagaafe@yahoo.com
Mbale, Uganda

Afeef: Afkaarta gabaygan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 9, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD