SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ABSHIR BACADLE
Daabaco Boggan | Print


Saalax Badbaado "Waxaan Abshir Nuur Faarax u gudbinayaa Xaal iyo raaligelin aan ka siinayo af-xumada iyo hadalada aan laaqiga ahayn ee ay afuufayaan Isaaqa ku dhuuntayaasha"

"Tolow Abshir ma iga tol wanaagsan yahay?..Haa baan is odhan lahaa..waayo.4 sanadood ayaan Hawiye caayay ma arag cid cod iyo ciil qab u tusta"

Saalax Badbaado oo ah siyaasi Soomaaliyeed kana mid ahaa Xildhibaanadii Cate, ayaa in dhowaalahanba la socday doodii dhex maraysay Abwaanada Soomaaliyeed oo uu daah furay Abwaan Abshir Bacadle, iyadoo Abwaano badan iyo urur isku sheegay Somaliland Organization ay weerareen Abwaan Bacadle, Saalax badbaado oo arrintaa ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan la yaabay sheeka nacaseedka lagu weerayo Ugaas Abshir Nuur Faarax (Bacadle), taasoo guri dambayska la magac baxay Somaliland organization uu ku weerarey Halgamaaga shacabka Soomaaliyeed Abshir Bacadle. aanse ogahay inay tahay fartii xerta shaydaan oo Isaaq u eg.

Anigoo ku hadlaaya codka Beesha Isaaqa garashada iyo cadda socodka u saaxiibka ah waxaan Abshir Nuur Faarax u gudbinayaa Xaal iyo raaligelin aan ka siinayo af-xumada iyo hadalada aan laaqiga ahayn ee ay afuufayaan Isaaqa ku dhuuntayaasha makasnimada iyo gudcurgudka u saaxiibka. inta xusuusta leh ee Isaaq waa og tahay gabaygii Hiilka ahaa ee Abshir Nuur Faarax 1988 uu ku fashiliyey Wasiir Beeshiisa ah oo la yidhi beesha ka keen rag waqooyi loo dagaal geeyo, Isla markaasna beesha Sacad Habargidir ay si cad uga hor timi qorshihii Wasiirka, arintaas oo sababtay in June 1988 Abshir Bacadle Hay’addii Baadhista Xisbiga ay amartay in Hangashtu soo qabato Abshir Nuur Faarax, goor habeenimo ayaa Abshir la keenay hangashta oo ay ku xidhan yihiin 200 in ka badan oo Isaaq ah oo madax u badnaa, boqol iyo dheeraad maxaabiistaa ka mid ah waxaa katiinado Berbera kaga soo sudhay Rag uu ku jiro Taliyaha Nss-ta Hargaysa ee hadda oo Xiligaasna ahaa taliyaha Nss-ta Berbera.

Abshir oo ku eedeysnaa fashilin qorshe dawladeed muduu xidhnaa, ilayn sida beesha Abshir Bacadle oo kale ayaa beelo kale oo reer-koofur ahaa uga horyimaadeen soo ururinta maleeshiyaad marya-case ah oo Burco iyo Hargaysa ka dagaalama, lama illobi doono erayadii ahaa (Dalkaaga difaac diidi-maayo, Isaaq ku duulse dooni-maayo).

Ummadda Soomaaliyeed wax badan baa noo hiilisay tabari waxay noqotoba. Dad Isaaqa wax yeelay waa jirtaa (ma faruhuu baruura ku haysatay).

Aan idiin sheegee Horta Abshir weligii askari iyo faqash toona ma noqon wuxuu ahaa ganacsade caan ku ah shaqadiisa intaan ka maqlay.

Gar waa loo islaam, waxaan markhaati ka ahay in Isaaq ka halgamay dulmi iyo diin la,aan daalimiin aan la qolo ahayn,

Gari Illaahay taqaanaa.waxaan markhaati ka ahay in Isaaqa dadka la yidhaahdo oo aan ka dhashay ay isu dhiibaan cadawga caloosha iyo cagta ku dila ee amaana. ayna hibasho, hiif iyo haraan ku dilaan qofka dhaliil iyo canaan ugu gudbiya ku guubaabin danahooda, talow ma amaan jecel baa?

Ilaah baa i dilaayee markhaati baan ka ahay ceebtaa Maamul ee Hargaysa iyo inta lala gumaystaa ay tahay sida Abshir u sheegay, xaq buu u lahaa inuu kaftamo, canaantamo, jid bay tahay iftiiminta kiis faqash shalay Hargaysa laga necbaa in maanta laga fuliyo oo aan laga gadoodin, Odayo faqasha, golayaal faqash, shacab la gumeeyey.

Tolow Abshir ma iga tol wanaagsan yahay?..Haa baan is odhan lahaa..waayo.

4 sanadood ayaan Hawiye, Madaxwaynayaa-shiisa, hogaamiyeyaashiisa iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah aan dhaliil, cambaarayn, iwm, saxaafada gudaha iyo debedaba aan ka weeray, wax igaga raali ah mooyee ma arag cid cod iyo ciil qab u tusta, waxayna garanayeen oo qiraayeen inay iga ahayd rabitaan aan rabo sixitaan aan doonayo

Maanta Abshir baa maalin uun Hargaysa eegay, hadda weererkii lagu soo qaaday weli waa socda, inkastoo aan aaminsanahay in arimo guracan oo Isaaqnimada ka badani meesha ku jiraan.,

(Ummadyahay tiraa kaa gedmane wax isu gay-gayso).

waxay ahayd arrin uu ugu jawabayay Faysal Cali Waraabe, waxaana qabaa in uu mutaystay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 23, 2005


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay).. Akhri...
Dhegeyso Gabayga Bacadle

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD