SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Maansada Xabashiga inaga daa

Maxamad bashiir jaamac
Drevsjų, norwey
Gumburi1885@yahoo.com

waad salaamantahiin waxaanna jeclahay in aad maansadaan u gudbisaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan baarlamaanka qaranka oo leh goaanka ciidamo shisheeye .

anigoo ka codsanaaya in ay inaga daayaan ciidamada itoobiyaanka.

Xildhibaanka qarankow xabshiga inaga daa

Inta aanan gelin maansadan waxaan waxyar ka taabanayaa ,xarafka

4aad ee af soomaaliga oo ah (X).

Idinkoo ila arki doona xarafkan waxaa ku badan waxyaalo aan aad loo jeclayn ama qiima weyn lahayn,sida xaasid,xajiin,xumbo ama xunbo,xasarad,xatooyo,xin,xabbad,xisaabtan,xasuuq,xadgudub,xaaraan,iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin,oo xabashi ugu dameeyo,oo soomaalidu ay aad u necebtahay.

Ma ahi nin aaminsan curaafiska,balse waxaa iga keenay sheekadan nacaybka aan u qabo in askari xabashi ahi soomaaliya dhexdeeda inta la siiyo ogolaansho uuna ka soo qaato soomali uu markaa ku gumaado shacab soomaaliyeed kuna kufsado gabdho soomaaliyeed kuna aar goosto oo kaga dhigo ciil uu qabay iyo caruu kula dhacay.

Waxaa is weydiin leh haddii ay xabshida maanta saaxiibo inoo yihiin maxay ku goeen dhalintii soomaaliyeed oo ilaa axmad guray ilaa 1964 ilaa 1977 ku dhimanayey dagaalka xabashida iyo mujaahidiinta maanta weli ka dagaalamaya dhulka somali galbeed.

Maansadani waxay ku socotaa xildhibaanada qaranka waxaana taageero uga dhigayaa dhawaaqii ka soo yeeray xildhibaan jinni boqor oo ahaa diidmada xabashida.

Ugamana dan lihi ujeeddo siyaasadeed oo gaar ah ee waa mid igaga soo baxday soomalinmo iyo jacayl aan u qabo dalkayga iyo dadkayga qaaliga ah ,ee aan dhaxalka uga helay awoowayaashay.

Waxan idhi:

  • Gabay xoolo kuma dhaqan
  • Xoogsina kamaan rabo
  • Xarafkaan qoraayana
  • Xag allaan ka heliyoo
  • Xulufadii rasuulkiyo
  • Xamsa inaan ku biiraa
  • Meel iigu xidhanoo
  • Xaaraan inaan cuno
  • Aadame xaqiis dhaco
  • Kuma darin xisaabaha
  • Dhulkaygana xumaantiyo
  • Xiisadiyo colaadaha
  • Xagashana kolay tahay
  • Inaan laygu xamanayn
  • Xabaalaha shawacliyo
  • Xingalool tan iyo badhan
  • Xubeeriyo buraan yaro
  • Dhahar xididadeediyo
  • Ilaa xeebta laasqoray
  • Xarar dheere iyo howd
  • Xalin iyo hargeysiyo
  • Xamar iyo kismaayaba
  • Xaafuun agteediyo
  • Xiddaa laga ogsoonyahay.
  • Soomaali xul ahoo
  • Waxan ahay xafiidoo
  • Xubigii dalkaygiyo
  • Xiriirkii dadkaygiyo
  • Xariir baan ku jiifaa.
  • Arartaan xariiqiyo
  • Xogta aan warmayaba
  • Xanuun bayga keenaye
  • Aan soo xayuubshee
  • Soomaalaay bal xaafida
  • X da erayga loo qoro
  • Khayr kuma xiriirsana
  • Xumbo waad taqaaniin
  • Xoor cano ma ahaan
  • Xatooyaduna waa ceeb
  • Xasuuq diid ilaahay
  • Xadro diinta laga saar
  • Xiisuhu ma raagaa?
  • Xin miyaa la jecelyahay?
  • Xaasid waa la necebyahay
  • Idin xiijin maayee
  • X du waa dhib badantoo
  • Wax kastoo xumaanoo
  • Ilaahay xarimay baan
  • Xaaraan ku sheegnaa
  • Xarafkaana kama helo
  • Xisbiyda galbeedkuna
  • Waxay xeer u waayaan
  • Ayeey (X )ku sheegaan.
  • Xaruntaan u jeediyo
  • Xeradii ma tegin weli
  • Nayroobi xaalkii
  • Laba sano xusuustii
  • Lagu soo xisaabshoo
  • Xallintii khilaafkiyo
  • Beelaha xasilintii
  • Barlamaanku xawliga
  • Madaxweyne soo xulay
  • Xibir iyo waraaqiyo
  • Xaalka carabta yuu noqon
  • Xayraan lakal noqon
  • Loo noqon xagaagii.
  • Nimankii xiriirkiyo
  • Xeerkeennu uu go ,ay
  • Nimankii xadoo dhacay
  • Xubno weyn dalkeennii
  • Weli xoog ku haystoo
  • Xad kaleeto sii raba
  • Sidee nabad u xeeraan?
  • Xildhibaanka qarankow
  • Adigaa xilkii sida
  • Adigaa ilaahay
  • Ku xisaabin doonaa
  • Xaashaa lilaahiye
  • Xaruntii dalkeeniyo
  • Xuduntiisii weeyee
  • Xamar waa xabiibee
  • Xabashiga inaga daa.
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabashiga inaga daa
  • Xabashiga inaga daa
  • Xabashiga inaga daa
  • Hadii aadse xulufiyo
  • Doolaar xasilin iyo
  • Xoolaha ad damacdaan
  • Xirfadaa ciyaartaan
  • Maatida xaraashtaan
  • Walaydaan xal gaarayn
  • Walaydaan xiriir wacan
  • Ilaahay la xiranayn
  • Sheydaanna xiisuu
  • Naar kugu xodxodayaa
  • Xaruntii dalkeeniyo
  • Xuduntiisi weeyee
  • Xamar waa xabiibee
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabashiga inaga daa.
  • Midna waa xusuusee
  • Xaaji muuse yalaxow
  • Inuu xamar nabdeeyaa
  • Xaduudaha ka qaadaa
  • Xaq ayeey ku tahayee
  • Isna waa xariiqoo
  • Xayn baa ku raacdaye
  • Bal aan eegno xaalkaa.
  • Xildhibaanka qarankow
  • Xabshiga inaga daa.

Dhamaad

Maxamad bashiir jaamac
Drevsjų, norwey
Gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD