SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
ANAGOO ISKA LIIDANA AYEEY KUWA ISKA SII LIITA MADAX NOOGA SOO DHIGEEN MARKAAS BAAN ISLA WADA LIIDANA

Siyaasiyiintii SSDF ayaa markii himiladii ay ka lahaayeen ururkaas ay ku hungoobeen ayeey bilowgii sideetameeyaddii yiri' ka tag talo xume , u tag talo xume, anna talo xume waa tabtaan nahay', hadda dadka Soomaaliyeed gaar ahaan koonfurtu waxay u dhaxeeyan hogaankii Nayroobi lagu dhisay ee xerta IDOORO AAN KU DILEE, oo lagu haminayey ugu yaraan waxaa laga heli doonaa xukuumad diktatooriya iyo ragga watoo ileen iyagaa hubka gacanta ku hayee inay hubka mid Qaran u badalaan, Abwaan Bacadlaa horey u yiri' dagaal aan dhamaan waxaa ka roon dowlad Jaa.irahe' hadda lama diidan dowlad diktatoor ehe waxay la timid shisheeye Jaa,ira oo qaranimadda , diinta iyo jiritaanka dadkaba looga cabsi qabo(Itoobiya), waa meeshii Hadraawi ka yiri' dadku maahan kii hee, intay daaf ka guuraan daacuun u raran jiray', falkaas guracan hadaad diido waxa aad u soo laaban maamul iyo kala danbayn la,aanta dalka ka jirta gaar ahaan Muqdisho ee keentay dilka,afduubka iyo ur iyo jiho la,aanta in dadka iyo dalkuna sidaa ahaadana ka sakow faragalinta shisheeye waxaa sabab u ah rijaalu saban(qabqable)+tujaarul xarbi+dhiig kariye(nabadoon)+ma liibanayaasha lagu liibaanay(mooryan)+ dhibana dhibka wada(shacabka)+culimo is diidan= ii talin maysid, kuuna talin maayo.

labadaas masiibo een kor ku soo xusay waxaa garab socda qabyaalad maamulkii dowladnimo, noloshii iyo rajadii aaaqiro ee dadkaba saameysay, eeg cabirka waxa qaybsi waa 4.5, eeg arin waxay mari' niin waliba hoobiyoow ridaa , haybtiisna waa hogaaminaa'' rayiga uu mushkiladda qaranka qof waliba ka qabo inta badan waxay la jirtaa meeshii qabqablaha beeshiisa ihi la jiro, eeg dil iyo boob wixii beeshaddu gaysato qof waliba qiil buu u raadin xitaa kuwa diinta iyo dadnimadda wanaagsan lagu tuhmayo tanina waa mushkilad aan ka dhib yareyn labadda aan kor ku soo xusay.

Runtu waxay tahay C/laahi iyo inta la aragti ahba waxaa laga filayey Itoobiya waa lagu rati kacsadaa , ugu yaraan hadaan xumaantas la hureyn inuu ku xukun gaaro, balse qof damiir iyo diin lihi ka aqbali maayo Itoobiya qaranka hoos gayn, ragga Muuse Suudi iyo Caato u horeeyana laga aqbali maayo dalku siduu yahan ku haynaynaa ee waa inay la yimaadan xikmad ugu yaraan Xamar nabad iyo maamul ku helo inkastoo waaya aragnimadda aan dalka gaar ahaan Xamar u leeyahay ay adag tahay in xal inta hadda wax wadaa ay ka gaarto waayo danlay dhaqalo(dekad iyo garoonlay), jufo la fil, xer C/laahi la jirta intaba xalka mgaaladda ayeey la wadaagan tiiyoo ay wehliso inaysan inta isku mabda ihi ficil cad kala hor tagi karin inta ka mabdaa waayo daqiiqado gudahood ayaa xaajadda loo fasirayaa qabiil.

Gabagabadii tuf ugaas iyo talo bulsho rayid Carta ku dhalatey shaqeyna waysay, talo qarileyna Nayroobi dowladeda ku dhalatey iyana inay shaqeynaso uma muuqato, hadda saddex jihaa furan reer Muqdisho oo goodinta amxaaro ay wax garan siiso oo magaaladda xaliya, kadib in dalka intiisa kale daawo hesho waa laga yaabaa, tan labaad waa fikrad xilliigii Carte ka hor la wday oo ahayd shirwaynaha Qaran Hargaysa ha lagu qabto kursiga Soomaali isku dishayna sanadkaan reer waqooyi ha la siiyo bal in midnimadii iyo nadaamkii dowladnimo ku soo noqdo inkastoo dad badan arrintaas ay rajo dhig ka yihiin, tan saddaxaad waa Nabigga nabadgalyo iyo naxariisi kor kiisa ha ahaatee baa xadiis ku yiri' waxaa la idin yaaba marka kuwa idinku xumi idiin taliyaan' sidaas darteed si tala xumayaasha looga gudbo waa in kuwa noogu qayrka badan ee noogu qaran iyo diin jeceli ay masraxa soo istaagan dadkuna ay iyaga taageeran si badbaado qaran loo helo.

WQ Maxamed Adan Caanageel
caanageel@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD