SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
AMA GEERI AAKHIRO,AMA GUUSHA NOLOLEED!!!!!O

Gobolada hala dhiiri geliyo

mursalW/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)Email: stethy1@hotmail.com

                Dadaalo lagu doonayo in Maamul loogu dhiso Gobolka Banaadir ayaa si xowli ah uga socda Magalaayinka Muqdisho iyo Nairobi, kaas oo ay wadajir u wadaan Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Iskudayo horay marar fara badan loo sameeyey ayaan noqon kuwo laga guul keeno oo shaqeeya, sababo la xiriira wax isku quurid la'aan, is'aamindarro iyo dan-shaqsi.

    Rajada Dadka reer Muqdisho ee ku aadan Maamul u samaynta Gobolka Banaadir ayaa iyadu gaartay heerkeedii ugu hooseeyey, kadib markii Mashxardo farabadan iyo isku hambalyayn kasta oo ay ugu dabaal degayaan Heshiis laga gaaro dhismaha  Gobolka Banaadir uu noqon waayo mid sii shaqeeya, iyagoona rumaystay in waxa loo jilayaahi ay tahay Riwaayad aan dhamaad lahayn. Hase yeeshee iminka waxaad moodaa in  wax xoogaa raja ihi oo lagu aamini karo qaybaha isku howlaya Maamul u sameynta Gobolka Banaadir  uu soo galay  Dadka ku dhaqan Muqdisho, kadib markii ay soo ifbaxday khatar ka baaxad wayn tii ay horay ugu jireen.

Muxuu isku daygani uga bedelanyahay kuwii hore???

    Marka si guud loo eego isku day'yadii horay loo sameen jiray, talada lagama wada qayb gelin jirin qaybaha Dadka, waxayna howlahaasi ugaar ahaan jireen, garwadeenana ka ahaa Hoggaamiyayaasha dagaalka oo ku caan baxay wax isku quurid la'aan uusan midba kan kale ogolayn in uu hoostago, iyo in uu wax qaato waxna ka tago(give and take).  Sidaas darteedna waqti maqaadan jirin in wixii lagu heshiiyey ay si dhaqsaa halkooda ugu  bur-buraan.                

    Iminka waxaad moodaa in ay howsha wada jir uga dhexmuuqdaan Siyaasiyiin magac iyo xushmad ku dhex leh bulshada,Aqoonyahano, Ganacsato heerarka kala gedisan ah iyo Hoggaamiyayaasha Dagaalka oo iyaga loo gartay in howshan aan looga maarmin inta Wiilasha hubaysan ee taabacsan Raggaasi ay Magaalada ku firirsan yihiin.

Dib u dhac ma ku keeni karaan Hoggaamiyayaasha Dagaalku, dadaalada socoda????????

       Sida lawa ogsoonyahay intii badnayd  Hoggaamiyayaasha Dagaalka ee Xamar waxay  ka qayb noqdeen DFKG.. Haddii markaasi waxii ay doonayeen ay  ahayd Jago waa taa ay gacanta ku hayaan, oo waxay isku yihiin Wasiir+Xildhibaan. Sida uu Dastuurka Mpagthi dhigayna Qofkasta oo ka tirsan Dowladda ee Jago Qaran oon ka ahayn Golaha Xukuuumadda qabtaahi wuxuu ku waynayaa Xubinnimadiisa Barlamanka.                       

     Sidaas darteed haddii ay iyagu wax isku quuri la'aayeen oo midba diidanaa in uu kan kale hoos tago, markaan waxaad moodaa in ay banaanka ka ahaanayaan Maamulka uu yeelanyo Gobolka Banaadir Maadaama ay intoooda badan ku jiraan Dowladdii dhexe ee Mpaghti. Dhanka kale waxaa jira Rag aan la dhayalsan karin, oo iyaguna tirsanaya in ay yihiin Hoggaamiyayaal Dagaal, sida C/qaadir Beebe oo kale, oo isaga iyo kuwo kaleba aanay Jago ka soo qaadan wax qaybsigii Mpagthi. Xubnahaasi waxay ku suganyihiin Muqdisho, kalama cadda waxa dhabta ah ee ay doonayaan, mana kamarna baan filayaa in damac jago-doon ku jiro, Hase yeeshee lama filayo in ay caqabad wayn ku noqdaan Maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir.

Maxaa xiligan ku soo beegay dar-dartaan xoogga leh???

   Waxaad moodaa in wxii ka danbeeye yagleeliddii ama dhismihii Dowladda Mpagthi ay waxyaabo badan  isbedelayn, gaar ahaana waxaa si wayn loogu howlgalay in la  wiiqo Jacaylkii Bulshada Soomaaliyeed ay u hayeen Caasimadda Muqdisho. Shalay haddii inta badan Umaddu ay soo eegayeen sida xal looga gaaro Caasimadda, haddii la'aaminsanaa in aanay shaqaynayn Dowlad aanay Xarunteedu ahayn Muqdisho, haddii la rumaysnaa in Muqdisho tahay Maskaxdii Dalka oo hadday bogsatana, qaybihii kale ee Dalkuna hagaagi  doono.                                                                                                              

    Maanta waxaa jira Dadaal kaas ka dhan ah oo Dacar loogu marinayo Dadka Caasimadoodii quruxda badnayd ee Masiibadu ku habsatay, qorshahan oo ah mid shisheeye riixayo ayaa guntiisu tahay mid ku soo af-jarmaya Maxmiyad Cusub oo la gelsho Soomaaliya. Iyadoo laga duulayo sidii looga hortegi lahaa Ajandooyinkaas guracan ee ku dhisan khayaanada lala maagan yahay Guud ahaan Dalka, balse Soomaalida qaar lagu beer-dulucsado in Deegaano gaar ah lagu socdo, ayaa Runtii waxaa Nasiib wanaag ah in Aqoonyahano,Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Dagaalkuba ay isku si u dareemayn Dhagarta lala maaganyahay Soomaaliya, taasina waxay soo dedejisay in laysku tashado,lana sameeyo dadaalo loogu gogol xaarayo dhismaha Gobolada, si Cadawga looga guul helo.

Fursadahan haddii la baal maro maxaa dhici kara???????

     Waxaa muuqda Fursado wax ku ool ah, waxaabana la dhihi karaa waa tii ugu rajadda badnayd, marka loo eego khatarta jirta iyo sida dhammaan loogu wada baraarugsan yahay, muhiimaduna waxay tahay in khatartan uu muwaadin kasta oo damiir lihi arkayo kana xanuunsanayo.

    Hadaba haddii fursadan inta Dadku dhanka wanaagsan wax u dareemayan laga faa'iidaysto, oo la dhiso Gobolka Banaadir, Hubkana laga saaro Caasimadda markaas kadibna loo gudbo howlgelinta Illaha dhaqaalaha sida Dekedda iyo Airboorka, waxay sidaas ku noqonayaan Dadka reer Muqdisho Maamul aan loo soo mar-marsiyoonkarin, sida Maamulada puntland iyo Soomaaliland, iyadoo haddii Gardara cad loogu soo duulana uu Aduunku marqaati ka noqon doono, iyana ay isdifaaci doonaan Marka ugu danbaysana Gummaysiga iyo Xulafadiisa laga guulaysan doono Insha'alaah. Waa jirikaraan kala aragti duwanaansho marka ugu danbaysana isku meel  wax waa layskugu keeni karaa, haddiise sidii horay u dhici jirtay Maalmaha hore la xusul-duubo, kadibna si tartiib-tartiib ah loo kala siibto, waxaa dhici doonta in Qorshaha Cadawgu shaqeeyo.

Waa maxay Qorshooyinka Cadawgu damacsan yahay?????

     Qorshahaan oo ay ger-wadeen ka tahay Dowladda Ethiopia, waxna ay ka wadaan qaar ka tirsan Dalalka ku jira Urur-Goboleedka IGAD Howl fuliyayaalna ay ka yihiin C/laahi Yuusuf iyo Ra'sul Wasaarihiisa, ayaa wuxuu yahay mid lala damacsanayhay in Haadaan loog tuuro Mustaqbalka Jiilasha Cusub ee Soomaaliyeed ay ku noolaan lahaayeen laguna fashilinayo mirihii Dib u heshiisiinta.

    Qorshahan oo ah mid Cadawgu siwayn uga soo shaqeeyey ayaa Barnaamijkooda Gumaysi wuxuu ka bilaabanayaa Goboladda Bay & Bakool oo ay marka ugu horaysa qabsan doonaan, waxay ku xijin doonaan Magaalada Dekeda leh ee Kismanyo, waxay sidoo kale isku sii balaarin doonaan Goboladda dhexe iyadoo marka ugu danbaysana ay weerar lixaad leh ku qaadi doonaan Goboladda Banaadir iyo Shabeelaha hoose. Sidoo kale Qorshaha Cadawga ILAAH baan ka magan galnay in uu hirgalee waxaa ka mid ah in Soomaaliya laga dhigo Ismaamul-Goboleed hoos taga Dowladda Federaaliga ee Ethiopia. Marka aad eegto Saan-saanta iyo sida ay wax ku socdaan, waxaa ku horimaanaya Sawir aad u murugo badan, kaas oo kutusinaya Soomaaliya oo ku jirta Halgan Gobanimo-doon kadib Nus-Qarni ay Xor ahayd.

Sow nasiib darro ma'ahan in qaarken u adeegayo Cadawga?

    Geedbaa hadloo yiri " Godinay, imaanad goyseen, haddaan gabalkay kugu daabnayn" marka aad eegto waxyaabaha ay ku kacayaan Raggii loo doortay in ay bad,baadshaan Dalka, marka aad u kuur gasho Xubnihii Soomaalida ahaa ee ku jiray Gudigii Xaqiiqo raadisku sida xishood la'aanta ah ee ay ugu dhaqaaqeen falal khiyaano Qaran ah, halka qaar ka tirsan Xubnahaasi oo Ajnabiyihi ay iskood u goostaan in ay is casilaan, iyadoo Ergaygii Jaamicadda Carabtuna ay Islaamnimadu siin waysay in uu u dul-qaato waxyaabaha qaarkood, waxaad ogaanaysaa in innagu aan soofaynayno Ablaydii(Mindidii) nalaku birayn lahaa.

    Waxaa nasiib darro lagu tilmaami karaa in Dad Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo Canshuurtii Dalka wax ku soo bartay ay maanta u daba dhilifeeyaan Gumaysiga,iskuna dayayaan in ay Shacabka ka gadaan fariimaha Cadawga. Kooxdaan Soomaalida ah ayaa iyagu marka ay timaado ka hadalka Arintaan ku saabsan Barnaamijka Cadawga waxay ku doodaan " Ethiopia ma'ahan tii 60kii, Ethiopia ehel baynu nahay I.W.M" iyagoon marnaba soo hadal qaadeen Ujeedada qarsoon ee Ethiopia ay in kabadan 11kun oo Askari ugu dirayso Soomaaliya, kharashka ku baxayana ay iska bixinayso, halka Dadbadan oo Ethiopian ihi ay u baahan yihiin in gar-gaar ded-deg ah lalagaaro, oo ay Gaajo u dhimanayaan!!!!!! Sidoo kale Africa oo dhanna ay u caalwaysay Xaaladda Darfuur oo loo qoondeeyey tiro Askar aad uga yar tan Ethiopia ay u dirayso Soomaaliya....Isku soo duuboo hddii laga faa'iidaysan waayo Fursadaha muuqda waxay jaanis u noqon doontaa in Qorshaha Cadawgu meer mar noqdo.

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)Email: stethy1@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD