SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

SOOMAALIYA;- ASAL MA DOORSHAHA SEBANKA 

    Ilaa iyo bilowgii nolosha, aadanuhu wuxuu ahaa mid isbedel joogto ah sameynayay, qasadka oo dhammina wuxuu ahaa mid ku taxaluqa in la sameeyo horumar nololeed, kaasoo kor uga sii qaada nolosha markaas heerka ay ku sugneyd. 

     Isbedelo joogta ahi waa kuwa maanta suurto geliyay in caalamku ahaado tuulo qura, hana maleyn in tiiyoo meel la cuyuuban yahay in la iska taabay horumarka tiknoolajiyadeed ee aan wada dareemi karno heerka uu taagan yahay, dadaalka aadanaha ee isbedel doonka ahina waxaan oran karnaa wuu foosay ama guuleystay, maadaama uu xaqiijiyay in horumarku marba sii kordho. 

     Horumarka waxaa mar walba barbar yaalay dib udhac iyo in mararka qaar libin lagu geeraaray laga dhaxlo mahadho iyo guul daro aan la sii odorosin ama aan lagu talo gelin, sidaasoo ay tahayse xaaladuhu mar kasta waxay hiigsanayeen isbedel iyo sii hinqasho lagu hiigsanayo horumar sii bila nolosha bulshooyinka caalamka, laakiin ummad dhan oo raali ku ah isbedel la’aan iyo inaan lagu xisaabtamin waayaha isa sii guraya dunida dusheeda waxaa ka jirta Soomaalida oo keliya, maxaa yeelay waxay ku qanacsan yihiin inay ahaadaan ASAL MA DOORSHAHA SEBANKA. 

     Gun iyo baar haddaad baaritaan ugu sameyso, cilada dadka Soomaaliyeed heysata ee ay kaga dhiidhin la’yihiin dheg xumada ay ku sugan yihiin ee ogoleysiisay inay ahaadaan duul aan horey u sii socon ee iska dul yuurura hiishii laga foofay xilli hore, waxaa kuu soo baxaya in qoofalka na heysta, ee nagu qabirani uu yahay QABYAALADA. 

     Qabyaaladi waxay tahay waa laga dheregsan yahay, xumaheeda qof aan dareemi Karin ama aan garan karini ma jirto, haddana waxaa amakaag iyo dhabano heys ah in la ogol yahay, lana okoban yahay waxyeeladeeda, haddaan la is asaraareyn aleylehe Qabyaaladi asaageen bay inaga reebtay, xumaanteeda haddaan soo uruuriyona waxaax ka xusi karaa oo keliya intan ee ila soco ilaa gunaanadka qormada. 

Qabyaaladu meel kuma laha Qaranimo:- Caqliga caadiga ahi ma garan karo, sababta ay dadka Soomaaliyeed ugu maman yihiin qabyaalada, oo ay ka wada dheregsan yihiin garasho buuxdana ay u leeyihiin, ceebaheeda iyo iimaheeda, waa la wada og yahay qabyaaladi ma ogola qaranimo iyo wadajir, waxay ogoshahay waa tafaraaruq, kala dambeyn la'aan, amni iyo deganaasho la'aan, waxay mar walba baro bixisaa oo meesha ka saartaa is aamin iyo kalsooni oo ah astaamaha lagu aqoonsado qaranimo. 

     Qabyaalad waa cadow kula yaal, waxayna dadka ka hor joogsataa hididiilo kasta oo ay ku hiigsanayaan horumar iyo ifafaale nololeed, dastuurkeedu waa fitno iyo fowdo aan dhammaan, dadkii qaatana waxay u hibeysaa halaag iyo baaba'a, marna kama damqadaan inay ahaadaan asal ma doorshe aan loo ogeyn inuu isbedel sameeyo, lana yimaado itijaah ku aadan aragti wadaniyadeed, iyo midnimo loo wada dhan yahay. 

Hogaamiye qabiil ma hanan karo mas'uuliyad.  Daadahiyaasha Qabyaalada waxaa ugu cad-cad ardeyda ka soo aflaxday goobaha lagu barto waxbarashadeeda aan lahayn manhaj degsan, iyo xilli go'an oo ay ku dhammaato, inta maanta dooneysa ama u haliileysa hogaaminta dalkana, waa kuwo la qabsaday oo aan ka qajileyn xumaanta qabyaalada, waxayna jecel yihiin inay wax ku maamulaan meerisyada qabyaalada. 

     Runtii hogaamiye qabiil oo aaminsan qabyaalad waa uun hogaamiye qabiil, mana noqon karo hogaamiye qaran, wuxuu aaminsan yahay tolnimo, reernimo, reer hebel yeysan cadkeena qaadan iyo wax la eyni ah, aragtidiisuna ma dhaafsiisna caadifad reerkiisa iyo waxay aaminsan yihiin, in laga rajeeyo isku dumida bulshadan kala irdhowdeyna waa uun hadimo la sii haabanayo. 

Qabyaaladu waa cudur aan daawo laheyn.  Muran kuma joogo in shucuubta dunida guudkeeda ku nooli u kala baxaan qabaa'ilo, iyo qolooyin, taasoo u taagan aqoonsigooda guud, laakiin waxaa mahadho Soomaalida ku ah ku dhaqanka siloon ee qabyaalada, kaasoo u geystay dhibaato ruux kastaa dareemi karo, waana taas tan u baahan in laga fekaro oo dib loo fiiriyo. 

      Marka la fiiriyo xaqiiqda taagan waxaa muuqaneysa in Soomaalidu la misaal tahay ninkii laantii uu ku fadhiyay inta gudinta la dhacay dabadeedna jaray, sababtoo ah si dhaayo la'aan ah, oo dhego la'aan ah ayay u koolkoolinayaan qabyaaladaan haraga ka siibtay Soomaalinimadii, waxaadna dareemeysaa inay iyagoo og ka wabxayaan waabaayo qaraar, shaki la'aan qabyaaladi waa cudur, waana cudur kuwa la yaqaan ee laga cabsado ka sii wel-wel badan, inta wiilal micno la'aan naftooda waayaya, ama xubnahooda khaaliga ah waayaya inaan laga damqan waa dhaxalka qabyaalada. 

Gebagebo iyo Gunaanad. Muhiimadu waa inay na deeqdo tixdii uu dhaxal ahaanta nooga tegay allaha u naxariistee C/llaahi Suldaan Tima cade, haddii kale aan okobanaano inaan ahaano kuwo ku qanacsan aayo la'aantaan, raalina ku ah inay ahaadaan asal ma doorshaha sebanka, oo xilli aan dhammaashadiisa la ogeyn la sii ahaado asal ma doorshahaas cusub ee dunidaba ku cusub, kuna soo kordhay asal madoorshayaashii xisaabta ee la yiqiin. 

waxaa qorey:-
Shamsuddiin... london.

cadami68@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD