SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN

Warad furan oo ku socota Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho
(Badbaadiya bulshada, aad badbaaddaane !!)

Ku: Hoggaamiye Kooxeedyada Muqdisho
Uj: Talooyin soo jeedin


Taariikh: 10.03.2005

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa ummadda Soomaaliyeed la soo deristay marxalad aad u qallafsan. Musiibooyinka la soo gudboonaaday Soomaalida, ayay kuwooda ugu darani ku habsadeen caasimmaddii waddanka ee Muqdisho iyo shacbi-weynihii ku noolaa. Arrintaas waxay eeddeedu inta badan dusha uga dhacaysaa hoggaamiyayaasha dagaalka ee is-magacaabay oo aad idinku ( qabqablayaashiinnu) ugu horraysaan.

Laga soo billaabo heshiiskii dhacay 1991 ee la magac baxay "Cali Mahdi waa Caydiid, Caydiidna waa Cali Mahdi", waxaa marar aad u badan dhagaha shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho ku soo dhacay heshiisyo tiro beelay, oo ay hoggaamiyeyaal sheegta in ay Muqdisho maamulaan isku marxabbeeyeen. Hehiisyadaas in badan oo ka mid ahi waxay ka dhaceen waddanka Kiinya labadii sanadood ee na dhaafay, waxaana ugu dambeeyey kii aan ujeeddadiisu caddayn ee aad ku gaarteen Nairobi, taariikhdu markay ahayd 26-02-2005ta.

Shaki kuma jiro in hoggaamiye kooxeedyada aad idinku ugu horraysaan ay waddankeennii Soomaaliya iyo Caasimaddiisii Muqdishaba asaaggood ka reebeen, waxaa isweydiin mudan in aad weli xisaabtanteen, oo aad is weydiiseen, dhib iyo dheef waxaad dalka, dadka iyo diintaba ku soo kordhiseen.

Waxaa kale oo aan idin weydiinayaa, haddii aad boqollaal jeer idinku ( hoggaamiye-kooxeedyadiinnu) is cafiseen, mar kaliya shacbiga ma weydiisateen in ay idiin cafiyaan halaaggii iyo darxumadii aad baddeen? Mise iyaga cafiskoodu adduunka waxba kama galo, aakhirana waa yeelkeed ee ha la gaaro?!

Ereyga is-cafis waa mid aad u qiimi badan, macno wayna maanta ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed, waqtigan dhibaato ee aan ku jirno. Waa arrin qof kasta oo badbaadada ummadda Soomaaliyeed daneynayaa uu u guuxi karo. Cafiskaasi ha dhex maro shaqsiyaad iyo kooxo, amaba ha noqdo mid guud oo ummadeede. Waxaase habboon in aan la macno tirin qiimiga ay leeyihiin is-cafinta iyo heshiisku, oo aan laga dhigin is-khiyaamid iyo is-luggoyn.

Haddaad tihiin Hoggaamiye-kooxeedyada Muqdisho, Waxaad is cafiseen dhowr bilood ka hor, waxaadna ummadda u sheegteen in aad gaarteen heshiis buuxa, aadna dhamayseen khilaafkii dhexdiinna yaallay muddada dheer. Waxaa haddaba iga su'aal ah, xaggee ayuu ku dambeeyay is-cafiskii iyo heshiiskiinnii hore? Yaa ka baxay heshiiskii la gaaray? Maxaa tallaabo ah oo aad ka qaaddeen amase ka qaadi kartaan dadka dhinac mara wixii aad ku heshiiseen? Muxuuse heshiiskiinnani uga duwanaanayaa kuwii ka horeeyay?

Haddii aadan su'aalahaas u helin jawaabo lagu qanci karo, waxuu shacbiga Somaaliyeed xaq u yeelanayaa in wax kasta oo aad ku heshiisaan uu ku tilmaamo Riwaayad iyo luggooyo!

Gabagabadii anigoo idiin xusuusinaya in ay wanaagsantahay in qofka muslimka ahi uu is xisaabiyo inta aan la xisaabin, ayay ila tahay qaraar iyo macaan mid ay idiin noqotaba, in maanta la gaaray waqtigii aad beddeli lahaydeen jihada aad wax ku waddaan. Waxay ila tahay in la gaaray waqtigii aad ku dhiirran lahaydeen in aad cod dheer cafis ku waydiisataan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aad ku amar-ku-taaglaysaan ee reer Muqdisho.

Xamar::: Shalay

Xamar: Maanta

Ugu danbayntii aniga oo idin leh "badbaadiya bulshada, aad badbaaddaane!" ayaan idiin soo jeedinayaa talooyinkan, oo aan u arko in ay yihiin kuwo aakhiradeenna iyo adduunkeennaba waxtar u yeelan kara. Waxayna talooyinkaasi yihiin:

1. In haddii aad is cafiseen, aad sidoo kale cafis waydiisataan shacbiga Soomaaliyeed ee dulman, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho oo u sii daran.

2. In aad ficil ku dartaan cafiska aad shacabka waydiisanaysaan, aadna ka waantoowdaan dhibaatooyinka aad shacabka ku haysaan. Haba ugu horrayso in aad isku magacowdaan hoggaamiyeyaal, iyadoo haddii aan dareen fayow iyo halbeeg cilmi ku qotoma adeegsanno ay soo baxayso in aad tihiin ‘Halaajiyeyaal’ ee aaydnaan hoggaan shaqo ku lahayn, waxaad doontaan idinku isku magacaabee! Arrinkan taariikhda ayaa ka markhaati-kici doonta.

3. In aad ka xishootaan adeegsiga iyo ku hadaaqa qabyaaladda oo muddooyinkan dambe aad ugu soo fufaysa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Qabyaaladdu waa mid sii kala fogaynaysa shacbiga walaalaha ah, waana mid sii damqaysa boogihii hore oo weli buka. Waa cudur maslaxad u ah oo kobcinaya danaha cadowga ummadda iyo adeegayaashooda. "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane" C/laahi Suldaan "Tima cadde" ( AHN)

4. In aad si geesinnimo leh uga xarig-furataan dowlado, hay 'ado, shaqsiyaad iyo cid kasta oo idinku gacan-siisay dambiyada aad ku eedaysantihiin ee aad ummaddiina ka gasheen. Isla markaana aad ku dhiirrataan in aad soo bandhigtaan wixii xog ah ee aad arrimahaas ka haysaan. Tani waxay hiil u noqon doonta ubadkiinna iyo ubadkooda hadduu Rabbi idmo.

5. In aad si buuxda oo kalsooni leh uga qaybqaadataan dib u soo celinta karaammadii luntay ee shacabka Soomaaliyeed. Wanaag badan oo aad shacabka u samaysaan waxuu hilmaansiin karaa xanuunkii ka soo gaaray ficilladiinnii hore ee aan la mahadin.

6. In aad ogolaataan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo-madaxda Soomaaliwayn!. Waa in uu qof kasta oo Soomaali ahi magaalada xurriyad kula dhex noolaan karaa, ha hubaysnaado ama yuusan hub haysannin, ha ka yimaado Raas Kiyambooni ama ha ka yimaado Raas Caseyre. Mudisho waa xaruntii xadaaradda bariga iyo bartamaha Afrika. Waa magaalo ka maamuus iyo qiimi badan, kana taariikh iyo xadaarad dheer wax uu maanta qabiil ku gorgortamo ama sheegto. Dhanka kalena waa magaalo leh nacab faro badan, cadowgeeduna uu ka xoog badan yahay wax qabiil daafici karo.

Marka la daaraaseeyo Cilmiga magaalaynta, waxna laga qiimeeyo dhinacyo badan, waxaan muran ka joogin in ay Muqdisho si fudud uga soo kabsan karto dhaawicii gaaray. Walibana ay waqti gaaban ku gaari karto ugana hormari karto magaalooyinka dhiggeeda ah ee gobolka. Waase haddii ay gacan ka hesho shacbigeeda aad idinku ka mid tihiin.

Gabagabadii haddii aad talooyinka kor ku xusan tixgelisaan, waxaa ii muuqda xal degdeg ah oo loo helo xaalka quusta ah ee ay maanta Soomaaliyi ku sugantahay. Muqdishu waa madaxii iyo maskaxdii Soomaaliwayn, xal loo helo dhibaatooyinkeeduna waa furaha rajada ummadda. Waxaa Alle mahaddii ah in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo si fudud boogahooda u dhayan kara, haddii ay ka badbaadaan dabinnada uu cadowgoodu qorsheeyay, qabqablayaasha aad ka midka tihiinna ay u maleegayaan.

Haddii aad ku adkaysataan in aad tihiin hoggaamiyayaal Mujaahidiin ah, magac iyo mansabna aad ku raadisaan hagardaamaynta maxasta, ogaada in idinka iyo kuwa idinla dhaqanka ahi ay Soomaali rogeen. Waxaad ogaataan in aad badda gunteeda ku dejiseen doonnidii aad dusheeda saarnaydeen. Waxaad ogaataan in aan aakhiro iyo adduunba lagu liibaani doonin dhibaato loo gaysto shacbi u badan maati iyo danyar.

Ugu dambayntii, anigoo mar labaad idin leh "Badbaadiya bulshada, aad badbaaddaane", Alle- weynana ka rajaynaya in uu Soomaali badbaadiyo danteedana garansiiyo, ayaan qoraalkaygii talooyin soo jeedinta ahaa ku soo gabgabaynayaa, ereyo ka mid ah maansadii Xadhko-jiid ee uu curiyay Abwaan Maxamed Yusuf Cabdi(kayse)

"Nin xumeynayow heedhe
Nin xujaynayow heedhe
Runta xaasidow heedhe
Xeeladaynayow heedhe
Xadhka-goysahow heedhe
Xidhiidhshaha sharkow heedhe
Xisaab baa hadhaye kaadso
Xukunkii Allaa laaban
Xaakinkii naftaa jooga
Waa xanuun ciqaabtiisu!
Waa sidaa xaqiiqdiiye
Berito iyo xusuusteeda
Inaad xeerisaa fiican! "


Wabillaahi towfiiq

--------------------------------------------------------------
Na taageer Allahayow arrintayadan kala taal, adaa toosin karayee.
--------------------------------------------------------------
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland
mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Isha sawirada: Google Search | swan.ac.uk


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD