SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AL-MANHAL
Mashruuca Indhaha ee Almanhal

Jamciyada Samafalka ALMANHAL oo ah jamciyad Soomaaliyeed kana shaqeysa dhammmaan gobolada Dalka , gaar ahaan arrimaha (Agoomaha -Caafimaadka - Biyaha -Waxbarashada ) iyo taakuleynta dadka dhibaateysan.

 
Jamciyaddu waxay bilowday sannadkii 2002 mashruuca la dagaalanka indho la'aanta (Blindless Control Programme), waxayna ku qabatay magaalooyin badan oo dalka ka tirsan mashruucan oo dadkii ka faa'ideystay iyo mas'uuliyiinta magaalooyinkaasba ay aad ugu riyaaqeen.


Waxqabadka Al-Manhal...

 
Waxaa la qabtay mudadaas uu mashruucu socday 27 Howlgal (27 eye Camps) oo lagu qabtay 27 magaalo , midkiiba uu soconayay mudo 10 casho ah.
 
Waxaa ka faa'ideystay:
 
1- Dadka indhaha la'aa oo la qalay (6060 qof) Dadkaas oo marka ay imaanayaan mashruuca la hagayo qalliinka kadibna iyagoo wax arkaya kaligood soconaya iyagoo aad u faraxsan una duceynaya cidii mashruuca ka qaybqaadatay.
 
2- Dadka la daaweeyay 34964 qof oo qabay cudurada kala duwan ee indhaha.
 
3- Muraayadaha (okiyaalaha) la qaybiyey 10942 xabbo
 
Mashruucan oo dadka loogu qabto lacag la'aan (free) waxa ku deeqa dad muslimiin ah , sidaa aawadeed Jamciyadu waxay ka codsanaysaa walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay ugu deeqaan mashruucan.
 
Kharashka ku baxaya qalliinka qofka waa 30 dollar oo keliya.
Kharashka ku baxaya EYE CAMP ka waa 10,000 dollar (iyadoo 300 qof la qalayo 1000 qofna la daweynayo).
 
Waadna garan kartaa ajarka aad ka helayso inaad qof muslin ah aragiisa aad u soo celiso, kaas oon awoodin inuu helo daaweyn iyo qalliin haddii aan loogu tabarucin.
 
Qofkii doonaya inuu mashruca ugu tabaruco ama ugu deeqo ha la xiriiro:
 
 
Maamulaha Mashruuca
DR. Maxamuud Axmed Shiine
 
 
iyo xiriirayaha Mashruuca
C/raxman Xuseen Ceeljaale

Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD